SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
  • Baarlamaanka FKMG ah oo dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore. 
  • BAARLAMAANKA IYO XAALADDA SOOMAALIYA.
  • SIDEE WAX U DHACEEN MAANTA!
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Maarso 17, 2005
Email:  cmmumtaz@somalitalk.com  ama
canabmumtaz@hotmail.com

Baarlamaanka FKMG ah oo dagaal dhiig ku daatay ku diiday ciidamada safka hore. 

Gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh Aadan ayaa ku dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah,waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya,waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156 waxaa ogolaatay in la keeno safka hore 55 halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen,sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya.

SIDEE WAX U DHACEEN MAANTA!

Saakay tobankii iyo barkii subaxnimo ayaa la furay kulanka baarlamaanka oo loo balansanaa waxaana soo xaadiray xildhibaanada baarlamaanka oo dhan intii ku sugnayd shirka,ugu horeyna waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka shariif xasan sh aadan oo sheegay in maanta ay ka doodayaan barnaamijka ay dowladdu keentay ee ku saabsan ciidamadda  la gaynayo soomaaliya.

Amaanka hotelka uu ka dhacayay shirka ee Grand Regency ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la baarayay soomaali walba noocii uu noono,waxaana hotelka banaankiisa iyo gudahiisaba la keenay booliis si wayn ula socnaya dhaqdhaqaaq walba oo meesha ka dhaca inta uu socdo shirkani,waxana banaanka laga reebay odayaal badan bakoorado iyadoo looga baqayay in ay waxyeelo isku gaarsiiyay marka codku dhamaado.

Gudoomiyuhu waxa uu ku soo dhaweeyay wasiirka koowad ee dowladda FKMG ah Cali Maxamad Geddi waxa uuna ugu horeyn wasiirka guda galay in uu aqriyo qodobadii ay ansaxiyeen dowlada ee ku aadanaa ciidamadda la gaynayo soomaaliya,waxana uu sheegay in dowladdu dalbatay ciidamo laga keeno midaga afirka iyo jaamacadda carabta ee aanay u kala saarin kuwa safka hore iyo kuwa IGAD.

Intaas kadib waxaa la bilaabay in xildhibaanadu isku diiwaan galiyaan hadii ay ka doodayaan barnaamijkaas ay dowladdu keentay,hadalo dheer iyo doodo ka dib waxaa lagu soo gabagabeeyay in doodu u badan tahay in aan la keenin ciidamo ka socdda safka hore ee IGAD.



Feerkii ka dhacay codbixintii ciidamada shisheeye, Maarso 17, 2005 | Kenya | Sawirka: AP

Gudoomiyuhu waxa uu intaas ka dib u kala diray qaddo waxana dib la iskugu soo laabtay saacad ka dib si loo bilaabo  dooda xildhibaanadda wax yar ka dib waxa gudoomiyaha dalbaday in ay  15 daqiiqo ka dib salaada casir la isku soo laabto si loo gudagalo codka qarsoodiga ah,daqiiqadaas gudahood waxaa dhacday in doodo badan ay dhex mareen baarlamaanka waxana aad looga baqayay in dagaal dhaco waayo hadalada meesh ka socday ma ahayn kuwo dabacsan ee mid walba waxa uu soo bandhigay waxa uu hayay ku aadanaa ciidamadaas haday wanaagsan yihiin ama xun yihiin.

Markii lagu soo laabtay hoolka ayaa la soo dhigay  goobta cod bixinta laba santuuq waxa uuna gudoomiyaha u aqriyay baarlamaanka laba waraaqaha lagu codaynayo sida ay kala yihiin iyo waxa ku qoran,waxaana ay kala ahaayeen sida gudoomiyaha u aqrinayay,in loo codeeyo in ciidamo ka socda midaga afrika iyo jaamacadda carabta la keeno soomaaliya oo lagu qorayo HAA ama MAYA.iyo mid kale oo ay ku qornayd in la keeno ciidamo ka socda jaamacada carabta iyo midwga afrika oo aysan ku jirin safka hore,HAA ama MAYA.

Intaas markii uu gudoomiyuhu sheegay waxaa hal mar isla qayliyay dad aad mooday in ayba is ogaayeen kuna fooriyay gudoomiyaha iyagoo ku tilmaamay waxa uu sheegay in ay tahay qalad,waxa ayna dadkaas qabeen in qaabkii codaynta la badalay oo aysan ku jirin meesha in loo codeeyo ciidamo safka hore ka socdda ee loo codaynayo oo kaliya barnaamijka dowladda oo aan waxba laga badalin lagu ansaxiyo sidiisa ama lagu diido(dowladdu kalama saarin ciidamadda la gaynayo dalka waxa ay ka hadashay ciidan meel walba ka yimaada in loo ogolaado dowladda).

Waxay gaartay nin walba taagtaa iyo tabartaa waxaa jaanis isku helay rag ciil isku qabay itoobiya rabay ama diidanaa,Gacan ka hadal kii ugu xumaa ayaa ka dhex dhacay xildhibaanadda baarlamaanka,waxba ma doorinin dad cadaawad ay daashay muddo Is baadi goobayay, mana aysan ahayn kuwo waxyeelo gaarsiinaya hadba kii ka horyimaadee waxayba gaartay in ay isku soo hiiliyaan,waxaana markii ugu horeysay waxaana dhaawacyo ay soo gaareen qaar badan oo ka mid ah wasiiradda iyo baarlamanka.

Banaanka hoolka ayaa noqotay meesha ugu darnayd oo ay ku dagaalamayeen xilhibaanadu waxaana u taag waayay askartii oo dalbaday booliis amaanka suga,iyagoo kala garan waayay mid ay qabtaan,xaalka waxa uu gaaray halkii ugu xumayd oo aan horey loo arkin loona maqlin “aarlamaan laga rabo in ay ummad isku keenaan hadii ay sii kala fogaanayaan maxay ka qaban karaan xaaladda dalka soomaaliya oo ay sheeganayaan mas’uuliyadiisa”hadaladaas waxaa kuwo ka imaanayay dadka ajnabiga ah ee daganaa hotelka uu ka dhacayay shirka.

Xildhibaan Cali Baashi ayaa noqday kan ugu dhaawac darnaa waxaana bakoorad kula suuxay xildhibaan kale,waxyar ka hor ayuu baarlamaanka ka sheegay in dadka amxaaradda raba ay iyaga iyo kuwa diidanba u siman yihiin cadawna u noqon doonto ee la iska daayo safka hore isagoo cabirayay fakarkiisa.

Gudomiyaha baarlamanka,ku xigeenadiisa iyo wasiirka koowaad ayaa la waayay meel ay jaan dhijeen dagaalka xumaa oo meeshaas ka dilaacay awgiis,waxaana laga cabsi qabay in laftooda lagu daray dagaalka iyo feerka u dhexeeyay baarlamaanka.

Waxaa lagu kala tagay iyadoo qaar badani ay la hoyadeen ciil iyo jug halka kuwo kalena ay ku faraxsanaayeen in aan loo codaynin ciidamadda dhiigoodu haba ku baxee inaan soomaaliya ciidamo itoobiya loo gacan galin waxaana hadalkan ii sheegay mid ka mid ahaa baarlamaanka oo lug ka socon laa,waxana alla mahadiis ah in uusan halkan oolin hub ee waxaa shaki la'aan ahayd in la isku adeegsan lahaa.

Halkan ka daawo Baarlamaanka oo kuraas isla dhacaya....

BAARLAMAANKA IYO XAALADDA SOOMAALIYA.

Calanka Somalia

Baarlamaanka iyo dowladda FKMG ah waxa ay ka kooban yihiin 275 waxa ayna matalaan ummadda soomaaliyeed iyagoo ka soo baxay shir socday muddo ka badan laba sano,dhisamahoodi waxaa ka soo wareegtay muddo lixbilood ku dhaw,illaa waqtigaasna wax ay qabteen ma jirto sababo badan awgood oo ay ugu wayn tahay in aysan haysanin meel ay ka howlagalan iyo qarash,tan ah in ay ka seexdeen ayaa ah in aysan wali shacabka ku qancinin barnaamij Nabad galyo iyo dib u laabasho,labadan golle ee matala qaranka soomaaliyed waxa ay ka badin waayeen in ay dhexdooda isku mashquulaan una kala saftaan dowladd iyo baarlamaan iyagoo meesha ka saaray in ummadi sugayso oo ay mas'uuliyad saaran tahay.

Somaaliya waxa ay ka koobneyd shab qaybood sida ku xusan calanka soomaliya,ka hor gumaysigii laakiin hadda waxa ay ku kala maqan tahay wadamadda dariska la ah  kadib markii ay yimaadeen dalka gumaysato reer yurub ahi waxana laga hayaa laba qaybood oo aan laftooda amaan iyo midnimo buuxda ka dhex jirin,malahan illaa hadda xoog midaysan oo xitaa la'iskugu keeno labadan qaybood ee hadda la hayo.


Somalia MPs meeting ends in bloody fight

Dalalka dariska la ah soomaaliya sida itoobiya iyo kenya ayaa ah meelaha uu gumaysigu siiyay dhul iyo dad soomaaliyeed una sharciyeeyaym,laakiin soomaalidi joogtay 1962 shirkii lagu qabtay masar ee looga hadlayay dhulkii uu gumaysigu ka tagay kuna maqan dalalkan ayaa loo soo bandhigay in ay iska daayaan waxii gumaysigu qaybiyay,balse somaliya waa diiday iyagoo sheegay in ay dagaal wadayaan inta ay ka helaan dhulkoodaas.

Isku daygii ugu horeeyay ee ay soomaalidu ku raadinaysay dhulkaas ka maqan waxa uu dhacay 1964 ,laakiin wax badan laguma guulaysanin,midkii ku xigay ayaa dhacay 1977 waxaana ay soomaalida gacanta ku dhigeen dhulalkaas balse ma noqonin kuwo ku waara oo quwaddo ka badan ayaa ku qasbay in ay ka baxaan ciidamada soomaaliya halkaas.

Intaas ka dib waxa ay ku waramayaan dad taariiq yahano ah in dalka itoobiya uu guda galay sidii uu abuuri lahaa jabhado mucaarad ku ah dowladi milatariga ee soomaaliya ka dhacday 1991 si ay dhexdooda iskugu mashquulaan waana kan taagan illaa hadda in waxwalba ay ku dhamaadaan is fahmi waa loona kala baxo sida hadda socota waana mid socon doonta inta laga helayo soomaali uu shaqaynayo caqligiisa kana badbaaday sunta qabyaaladda ALLE yaqaana ah.

Cabdullahi Yusuf iyo Cali Maxamed GeediWali dowlada dhinaceeda wax war ah kama soo baxin dowladda oo ku saabsan dagaalkan iyo sida uu u dhacay codkaba waxana la filayaa bari in ay ka soo saarto hadal ku saabsan codayntan.

Qore:Canab Mumtaz | SomaliTalk | Kenya | Maarso 17, 2005
Email:  cmmumtaz@somalitalk.com  ama
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 17, 2005

Sawirada: Google search

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Gacan ka hadal ka dib ucodeeyay in aan Soomaaliya la keenin Ciidamada Safka Hore
156 Xidhibaan waxa ay ucodeeyeen in Soomaaliya la keeno Ciidamo Ka Socda Wadamada Midoowga Afrika iyo Dalalka Carabta, laakiin aysan ku Jirin Wadamada Safka Hore, sidaas waxaa yiri... Guji... Mar 17


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD