SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Geedi oo Gowska Dambe  ka Qosley

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya



Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk
 

Ra’isul Wasaare Geeddi shalay waxay u ahayd maalin farxadeed, waayo waxa uu si dirqi ah kaga badbaaday in Dowladdiisa jilbaha dhulka loo dhigo, hase yeeshee markii uu imaanayay xarunta Golaha Baarlamaanka, waxaa ka muuqatay kalsooni iyo farxad, taasi ayay qaar ka mid ah Xildhibaanada la sheegay in ay shaki gelisay, waayo 90% waxay filayeen in Geeddi uu dhacayo.

Geeddi oo si kalsooni ah u fadhiya kursiga, ayaa  qaar ka mid ah Xildhibaanada taageersanaa ayaa mid mid  ugu imaanayay oo dhegta wax ugu sheegayay, Xildhibaan Cali Baashi oo akhriyay sababaha ay u keeneen Mowshinka, waxa uu sheegay in Geeddi uu ku fashilmay dibuheshiisiinta Ummadda Soomaaliyeed, sidoo kale uu ku xadgudbay axdiga ku meel gaarka ah, waxaa kaloo uu soo bandhigi waayay wixii deeqo ahaa ama qarash ahaa ee Dowladda loogu talagalay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxa uu yiri waxaan qaadeynaa codsi qarsoodi ah, waxaana Xildhibaanada loo sheegay in Cali Geeddi uu ku dhacayo isaga iyo dowladdiisaba 139-xildhibaan, markiiba kooxihii ka soo horjeeday Geeddi, waxayna isku muujiyeen in Geeddi maanta la dhihi doono badda ka cab, Geeddi waa uu qoslayaa, waxaa bilowday codeyntii, markii ay dhamaatay codeyntii ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka ku dhawaaqay natiijadii, waxa uuna sheegay Shariif Xasan in 126 ay u codeeyeen in Geeddi iyo Xukuumaddiisuba aysan sii shaqeyn, 88-xildhibaanada waxay u codeeyeen in Geeddi iyo  Dowladdisa faraha laga qaado, markiiba waxaa bilowday sacab iyo farxad, hase yeeshee marka la fiiriyo codeyntaasi, Geeddi waxa uu ku badbaaday si dirqi ah, waayo 13 ayaa ka dhimaneyd in Geeddi looga takhluso.

Xildhibaan ah oo diiday magaciisa ayaa waxa uu yiri “Anigu waxaa aaminsanahay in Geeddi kalsoonida ay siiyeen Madaxweynaha iyo Shariif Xasan, waayo saddexdooda horey ugu heshiiyeen markii ay ku sugnaayeen Gaalkacyo, in ninka ay la degto loo  gargaaro”, Xildhibaan kale ayaa isna yiri “Maalintii doorashadu dhacday habeenimadeedii ayaa  Geeddi waxa uu la shiray Xildhibaanada iyo Wasiirada taageersan waxaa u soo baxday 90 in codsiga kalsoonida siinayaan, waxaana la qiyaasay tirada xildhibaanada ee ku sugan magaalada Baydhabo.

Nin odey ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa isna waxa uu yiri “Golaha Wasiiradu waxay ka kooban yihiin 90-xubnood, waxaa is casishay 20-xubnood, waxaa meeshaas kaaga soo baxaya in 70-xubnood oo ka tirsan Dowladda ay diyaar u ahaayeen in Cali kalsoonida siyaan, waxaana Xildhibaanada dhexdooda laga helay Dhowr Laabtan, sidaas ayuuna Geeddi ku seexday isagoo faraxsan habeenkaasi, iyadoo xitaa la isla gaaray ilaa waqti dambe”.

Wasiir ku xigeen ka tirsan  Dowladda Federaalka oo ka mid ahaa kuwii is casilay ayaa waxa uu u sheegay Xildhibaano kale ooTaageersan  Cali Max’ed Geeddi in Geeddi uu helayo codsiga Kalsoonida, si aad ah ayay ugu qosleen waxayna ku yiraahdeen “Hadduu maanta Geeddi badbaado waa uu dhameysanayaa sanooyinka u haray:

“Geeddi ama kalsooni ha la siiyo ama yaan la siin, kuleyl iyo qabow awalba iguma hayn, weligood ha is haystaan, haddii ay Muqdisho nabad maxaan ku falayaa Dowlad” ayuu yiri Dhallinyaro ah oo aan kula kulmay Suuqa Bakaaraha.

 Maalintii doorashadu dhaceysay habeenkeedii ayaa waxaa la sheegay in kulan gaar ah ay wada yeesheen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul Wasaare Geeddi, waxayna is tusiyeen in haddii Geeddi la rido ay gebi ahaanba burbureyso Dowladdii lagu soo dhisay Magaalada Nayroobi, waxaa Geeddi loo sheegay in codka kalsoonida u ka helayo golaha Baarlamaanka.

Soomaalidu waxay tiraahdaa (God sireed ha qodin haddaad qodina ha dheereyn), Dowladdii lagu soo dhisay Nayroobi, rag ka tirsan Dowladda ayaa waxay u ololeeyeen in Xubnaha Wasiirada laga soo dhex xulo Baarlamaanka, maanta Wasiiradii is casilay oo gaarayay 20-ka haddii aysan ka mid ahaan lahayn Xildhibaanada Baarlamaanka markiiba waxay ka soo huleeyli lahaayeen Magaalada Baydhabo, waxayna neefi ka soo go’i lahayd Cali Max’ed Geeddi, waayo ragaasi waa xildhibaano oo weli waa soo taagan yihiin, waxayna mar kale diyaar u yihiin in Beelahooda ay dib u soo magacowdaan, maadaama xukuumadda lagu qaybsaday 4.5, balse Cusmaan Caato wareysi uu horey u bixiyay wuxuu yiri “Dowlad uu Cali Geeddi Madax ka yahay  weligay wasiir ka noqon maayo, marka caato waxaa loo maleynayaa in uu ka mid ahaanayo Golaha Baarlamaanka, waa haddii uu ka dhabeeyo hadalkaasi.

Geeddi, waxa uu Wasiiradda Dowladdiisa ku eedeeyay in aysan wax howl ah la qaban, waxa uuna sii raaciyay “aniga oo keliya Dowladda ma wadi karo, waa in Wasiiradu ay dhinacooda ka wadaan”. Isku soo xooriyoo Cali Max’ed Geeddi inkastoo uu si dirqi ah ku fakaday, haddII  la fiiryo caalamka, marka dowlad ay dirqi uga fakato Golaha Baarlamaanka, intooda badan way is casilaan, haddii Golaha Baarlamaanka ay ka waayaan Nambar aad u weyn, ha yeeshee Geeddi Geedigiisa waa uu sii wadanayaa,  Gowskiisa dambaana muuqda faraxd awgeed.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 31, 2006


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD