SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Arooskii Muqdisho

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya



Muqdisho 1984

Xamar 80-tanaadkii: isha Sawirada: swan.ac.uk

Waxay ahayd duhur dabadeed, markii laga soo baxay Salaaddii Jimcaha ayaa Gawaarida yar yar kuwooda ugu bilicsan oo gaaraya ilaa iyo 300 ku dhawaad waxay socod nabeed ka bilaabeen Hotel Peace ee magaalada Muqdisho, waxayna qaadeen wadadad warshadaha ee dhacda Duleedka Magaalada Muqdisho, waxaan marnay Isgoyskii Ex. Control oo aysan cidna joogin, dadkii Gaariga aan wada saarneyn ayaa waxay la dhaceen ammaankii halkaasi ka jiray Allana u xamdi naqay, waxaan afka saarnay wadadii Xoosh, kaddibna waxaa la leexanay wadadii dheeraad ee Madiina, waxaa hareeraha wadada taagnaa dadweyne aad u fara badnaa oo qaarkood Allaahu Akbar ku hayeen, Haweenku ay mashxaradayeen.

Markii aan gaarnay bartamaha Degmada Madiina ayaa Gawaaridii hakatay, gabar Dhallinyaro ah ayaa inta ay ii soo dhawaatay igu tiri “Alla gabadha la aroosayo Nasiib badanaa, ma waxaanoo Baabruur ah ayaa lagu galbinayaa”, anigoo ka jaahil bixinaya ayaa waxaa ku iri “Arooskani waa mid ka duwan kuwii hore, waana Muqdisho oo maanta Nabadeedii la aqalgeynayo”, inta dhoola cadeysay ayay markiiba mashxaraday af labadiina yeertay, iyadoo u ifineysa gabar la socotay, xaaladda dhabta ah ee ka dambeysa gawaaridaan tirida badan ee wada socota, waxayna ku tiri “Naa, waa Muqdisho oo nabaddii ay la dadab galeyso”, halkii ayaan socdaalkii ka ambaqaadnay, waxaana ula leexahay xagaa iyo Garoonka Diyaaradaha wadadda gaasha ayaa nin odey nagu yiri isagoo kor u qaaday codkiisa “Baydhabo ayaa idin sugeysa”.

Dadweynaha marba marka ka dambeysa wadada hareeraheeda ayay soo buuxinayeen iyagoo ku faraxsan isku furnaanta guud ahaan magaalada Muqdisho, markii aan gaarnay wadada Km4 ayaan waxaan u dhaqaaqnay dhinaca iyo wadadii Maka Al-Mukarama oo ka mid ahayd wadooyinkii xirnaa 16-kii sano ee ay dagaalada sokeeye socdeen, waxayna indhaheygu qabteen Hotel Maka Al-Mukarama oo uu ka muuqday burbur aad u xoogan, dadka aan wada soconay oo dhallinyaro u badnaa ayaan waxaa mar kasta u sheegayay hadba meesha aan mareyno iyo goobaha Taariikhiga ah, mar haddii uusan waqtigu u saamixin in ay soo gaaraan waayihiin qurxoonaa, ama xiliyadii nabdeed ee la soo maray.

Waxaan ag marnay Daartii Dabka oo ay iyana ay ka muuqatay burbur aad u xoogan, waan ka sii gudubnay, gaarigii aan la socday ayaa waxaa ku iri markaan mareyno Hotel Weheliye “ii yara celi”, is aan u milicsado wada gasha gurigii aan ku Dhashay, kuna Barbaaray, waxna ku bartay oo halkaasi ku yaalay oo aanan indho ka qaadin 16-sano, ilin ayaa I soo dhaafay, uur ku taalo iyo xasuus, waayo iyo waqti la soo maray, intaasi waa kuwa gundhiga u noqday in illini i soo dhaafto, dadkii isla socday ayaa weydiiyay waxa i qabsaday, waxaa ku iri “Waayihii hore, tii dhexe iyo midda maanta taagan ayaa waxa ay yihiin isku darkoodu kuwo cabsi leh oo lama ilaawaan ah”, halkii baan ka sii huleelnay, waxay markiiba indhaheygu qabteen Taaladdii Sayidka iyo Gurigii Ummadda, wallow Siyidku qaawanaa, oo sanadkii 1991-kii Dadbley Taangi ku hubeysnaa kala soo degeen Faraskii Sayidka oo maar ahaa, waxaana loo iib geeyay Dibadda, waxaase dushiisa saarnaa dad dhallinyaro ah u badnaa oo daawanayay gawaarida fara badan ee daadihinayay nabadda, waxaan la leexanay dhinacaa iyo Dugsigii Maxamuud Mire ee xagga dambe ee Masjidka Isbahaysiga Islaamka, waxaan dul marnay Buundadii koowaad ee Wadadii Afisyooni, waxaana la leexanay Dekedda, kaddibna waxaan dhex marnay degmada Xamar-Weyne si weyn naloogu soo dhaweeyay.

“Alla Hotel Al-Curuba ma sidaan baa u dambeysay?!!” Anigoo markaasi kula kaftamayay uguna dan lahaa nin dhallinyaro ah, markaasuu la soo booday “intii aan noolaa Curubo sidaan bay ahayd”, waan qoslay waxaan ogaaday inuu ku indho qaaday Curubo oo burbur ah.

Gawaaridii waxay la leexdeen Bangigii Ganacsiga waxaana meeshaasi ku marnay khadkii Cagaarnaa oo ay dhawaan burburiyeen Maxaakiimta Islaamiga ah, waan sii dhaqaajinay waxaan hor marnay Wasaaraddii hore ee LLPP, ayaa wiil yar oo ila socday waxa uu yiri “maxay tahay macnaheedu LLPP”, waxaan ku iri “waxaan la oran jiray Naadi Isboorti oo si weyn looga yaqiinay wadanka Soomaaliya, waxaana farta ugu fiiqay in daartaas dhowr dabaq ka kooban oo hadda dagaaladii sokeeye baabi’iyee ay ahayd wasaaraddii Howlaha Guud iyo Guriyeynta”, markiiba waxaan ka dhacnay Kaaraan, waxaan soo hor marnay, Jubba ilaa markii dambe aan ka dusnay Boondheere, waxaana ka soo Siinaay, waxaana dib ugu soo laabnay Hotel Peace, waxaa igu soo dhacday maanso ay qaadi jirtay Saafi Ducaale oo ahayd.

Macaariif is jeceliyo, Ma huraan walaalo ah.

Hadday mudo kala maqnaadaan,

Qalbigoodu waa isku soo muuqdaayoo,

Waa isu soo macaadaa.


Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmial.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | July 21, 2006

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD