SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay wejiga hore ee ololaha nadaafadda iyo bilicsamida magaalada Muqdisho ee tarabuunka  iyo Airoporka . 


Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho


Maareeyaha Airoporka Muqdisho

duuliye

Sheikh Shariif (Dhexda)

Aug 2, 2006:: Munaasabad ay ka soo qeyb galeen guddoomiyaha midowga maxaakiimta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu soo gunaanudayay ololaha nadaafadda iyo soo celinta bilicda magaalada Muqdisho oo lagu qabtay fagaaraha Tarabuunka, waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay guddoomiyaha Suuqa Bakaaraha ahna guddoomiye ku xigeenka ololaha nadaafadda Cali Max'ed Siyaad (Cali Dheere), Nuur Xasan Xayle (Nuur Tusbaxle), C/raxmaan Salaad Colow guddomiye ku xigeenka ammaanka nadaafadda ee magaalada Muqdisho  muddo 14 maalmood ah waxaa ka shaqeynayey degmada Hodan xaafadaheeda kala ah: October, Taleex, Axmed Gurey iyo Kacaan. 

Ugu horreyntii waxaa warbixin ka soo jeediyay Cabdi Xuseen Diinle oo ku hadlayay magaca guddoomiyaha degmada Hodan, Cabdi Max'ed Warsame Dhabaney, kaasoo sheegay sida ay uga qeyb galeen 295 qofood si mutadawacnimo ah kuwaasoo u badan ururka haweenka degmada Hodan, waxaa masuuliyiintii ka hadashay ka mid ahaa Sahro Cali Qaboobe oo ah guddoomiyaha guddiga haweenka ee Degmada Hodan, intaas kaddib waxaa hadallo ammaan, mahad celin iyo guubaabo isugu jirta ka soo jeediyay guddoomiyaha midowga maxaakiimta islaamiga Sheekh Shariif wuxuuna ugu horreyntii u mahad celiyay guddiga iyo xubnihii fuliyay howshan, dadkii qorraxda u taagnaa qabashada howhsan muhiimka ah, wuxuuna sheegay in nadaafaddu ay tahay iimaanka barkiis, "qabashada howshan wax lacag ah kuma bixin, hay'adana naguma taakuleyn, wax walbana ma ahan in lacag lagu bixiyo, shaqadeena waa in aan wax qabsannaa, in badan dalka bur-bur ayaa ku socday, haddana waa in loo soo jeestaa sidii lagu dhisi lahaa, dadna waddanka waa burburriyeen dadka waxay isu taageen inay dhisaan" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay iyadoo ay hareer joogeen dadweyne aad u fara badan oo u luxayay caleemo.  

Guddoomiyaha Midowga maxkamadaha Islaamiga Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo howshiisa shaqo ku guda jira ayaa wuxuu uga sii gudbay garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen warbixinana ay ku siiyeen xubno ay ka mid yihiin Eng. Cumar Aftooje oo ka mid ah masuuliyiinta midowga maxaakiimta shareecada iyo maareeyaha Airporka ee dhowaan la magacaabay C/raxiin Aadan Weheliye iyo xoghayihiisa Max'ed Xuseen Alax, kuwaasoo ka warbixiyay dhibaatooyinkii airporka soo gaaray intii uu dayacnaa, waxayna tuseen meelihii laga jajabiyay lagana rartay carrada iyo jayga.  

Guddoomiyaha oo halkaasi hadallo kooban ka jeediyay ayaa uga mahad celiyay dadweyaha howsha baaxadda leh ee ay sida mutadawacnimada ah u qabteen, wuxuuna yiri "maanta waxaa la gaaray heer aan garoonkii iyo waddooyinkii aan gacmaheena si nabad gelyo ah ugu nadiifino, waxaana ka qeyb qaatay dad kala duwan, wuxuuna u mahad celiyay dadkii keenay qalabka wax lagu xaaqo keenay sida baldoosarada, iska rogayaasha, iyo dadkii qorraxda taagnaa oo gacmahooda shaqada ku hayay, wuxuuna sheegay in fursaddu ay furan tahay, dadkii shalay wax ka xumaadeen inay maanta isa sixi karaan, wuxuuna sheegay in ay Muqdisho ku nool yihiin labo ilaa seddax malyan, howshanna ay ka soo qeyb galeen intii ilaahay garansiiyay, dalku wuxuu maanta marayaa marxalado kala geddisan, inay gacmahooda ku xaaqaan qashinkii waddooyinka yiilay, dibna ay u howl geliyaan ilihii dhaqaalaha sida dekedda iyo airporka, taasina waa  arrin xagga Eebe ka timid, shaqaduna waa socotaa" ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay guddoomiyaha. 

Intaa kadib wuxuu socod ku soo maray goobihii laga qaadan jiray carrada iyo jayga, Eng. Cumar Aftooje ayaa ka warbixiyay sida ay wax u gaareen airporka iyo meelaha loo baahan yahay in la dhiso. 

Guddoomiyaha oo weli howshiisii kormeerka aheyd sii ambaqaadaya ayaa waxa uu sii gudbay garoonka diyaaradaha qeybta ciidamada Afisyooni, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiisha, saraakiil xigeenada iyo duuliyayaal ka tirsanaa ciidamada cirka iyo difaaca cirka, waxaana ugu horreyntii halkaasi ka warbixiyay Duuliye Max'ed Kediye Jimcaale, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa: "Halkan waa taliskii raxanta gaadiidka ciidanka cirka Soomaaliyeed, ka sii hor intii aan la abuurin laanta Civil Aviation 1960-64tii sidaasi ayay u shaqeyneysay, annaga ayaa isku xil qaannay arrintan, ciidamadan cirka waxay badbaadiyeen inaan la qodan hareeraha Airporka inta dhinacooga soo xigta, wuxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in guddoomiya uu halkan ku soo booqdo, qaarkoodna ay sheegeen inay raadiyaha uun ay ka maqli jireen, maantana ay indhahooda ku arkeen, iyagoo isku marxabeeyay, wejiyadoodana ay ka muuqatay farxad. 

Intaa kaddib waxaa hadalkii qaatay gudoomiyaha midowga maxaakiimta islaamka Sheekh shariif Sheekh Axmed, ugu horreyntii wuxuu xusay in dhibaatada ugu weyn ee dalka ka dhacday ay ku dhacday ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka difaaca cirka, wuxuuna u mahad celiyay ciidankii sida mutadawacnimada ah uga qeyb qaatay badbaadinta garoonka diyaaradaha, wuxuu sheegay in dalku marxalad cusub, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay in la raadiyo nabad ku wada noolaansho, shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxaa ku dhacday masiibo qaran, waana in aan ka badbaadinaa intii aan awoodno, ciidanka  xoogga dalka Soomaaliyeed waa kuwo dhiiggooda u huray dalka iyo dadka, iyaga ayaana koowaad iska leh, fursaddan waa inaan ka wada faa'iideysanaa dhammaanteen dibad iyo gudo ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.  

 

JiisowMuuse Maxamud Jiisow
Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia
002521576666
002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | July 3, 2006




Halkan ka akhri qoraal kale oo kusaabsan socdaalkii Nabada Muqdisho

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD