SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CILMI

 


TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA

Qaybtii 10-aad

 


W.Q. C/fataax M. Cabdulle
abdulfatah@yahoo.com


RAADIYAHA

 

HORDHAC:

 

Raadiyuhu wuxuu ka mid yahay aaladaha ugu caansan ee loo adeegsado warbaahinta; wuxuuna adduunka u horseeday qaab war-isgaarsiineed oo si deg-deg ah u xiriiriya daafaha dunida oo dhan. Haddii aaladda taleefoonka loo adeegsaday isgaarsiinta qof - qof kale la hadlaya, aaladda raadiyaha waxaa loo adeegsaday isgaarsiinta qof dad badan mar keliya la hadlaya. Waa aaladda loogu magac daray wardiiq wadareed (mass broadcasting).

 

Dunidan casriga ah ee aynu ku nool nahay qarnigan 21aad, waxaan haysannaa raadiye aan wararka iyo macluumaad kaleba ka dhegeysanno, oo guryaha, xafiisyada, iyo gaadiidkaba innoo yaalla. Isgaarsiinta raadiyuhu waxay u muuqataa wax iska caadi ah, oo si fududna lagu heli karo; hase ahaatee, waa wax la yaab leh marka aad u kuurgasho habka uu raadiyuhu u shaqeeyo.

 

Marka aad raadiyaha daarato codka aad ka maqleysaa, wuxuu kuu soo marayaa “hawada”, isagoo kaaga imanaya saldhig warbaahineed, warlaliye, wariyeyaal, iyo farsamayaqaanno ku sugan goob aad uga durugsan halka aad raadiyaha ku dhegeysaneyso.

 

Haddaba, haddii aan dib u milicsanno qarnigii 19aad, kaddib markii la helay farsamada taarka, dadku waxay ku fakareen in codna lagu gudbin karo waayirro; taasina waxay u muuqatay wax macquul ah oo la fahmi karo, balse in cod lagu gudbin karo hawo (air) aan indhuhuba arki karin, iyadoo aan waayir la adeegsan, waxay u muuqatay wax aan caadi ahayn, oo u baahan maskax-tuujin iyo kasmo xeel dheer.

 

Raadiyuhu wuxuu baahiyaa cod, hawada ayuuna marsiiyaa, dadka ayaana sidaas uga dhegeysta. Haddaba, inta aynaan taariikhda raadiyaha u gudbin, aan marka hore kala qeexo micnaha guud ee cod iyo hawo; iyo xiriirka labadooda ka dhexeeya.

 

COD:

Codku waa wax dhegtu maqasho oo ka samaysma saylaanka hawada (air vibration); wuxuu noqon kara dhawaaq afka kasoo baxa (tusaale ahaan: hadalka dadka iyo dhawaaqa jirriqaaga), ama shanqar aan ahayn codka dadka iyo duunyada (tusaale ahaan: gugaca).

 

HAWO:

Hawadu waa wax aan la arki karin balse mararka qaarkood aan arki karno ama maqli karno jabaqda walax ay hawadu socodsiineyso. Ereyga “Hawo” marka aad maqasho waxa durbadiiba laabtaada kusoo dhacaya - neefta san-ku-neefluhu ku noolyahay oo kolna sambabada dhex gasha kolna kasoo baxda, ama ufada, xagaayada iyo saxansaxada roobka kasoo horreeya, ama dabaysha doonyaha wadda ee xilliba mar jiho u jeesata, ama aaryada shaagagga baabuurta iwm. laga buuxiyo kolka ay banjaraan, ama xanfarka kugu seyriya boorka iyo quruuruxa yar-yar ee indhaha laga ilaashado - laakiin micnaha guud ee hawada waa dululaati (space) oo ah walax ku xeeran koonkan aynu ku noolnahay, waana wax loo baahan yahay oo aan la’aanteed cidi noolaan karin.

 

Haddaba, iyadoo laga duulayo baahida dadku u qabaan wararka iyo macluumaadka, ina-aadane wuxuu ku fakaray in uu war isugu gudbiyo hawadaas aynaan arki karin. Waxana lagu guuleystay in la ikhtiraaco aalado kala duwan oo dira ama qabta wararka hawada dhex sabbaynaya. Codadka aan ka dhegeysanno aaladda raadiyaha waxay innoo soo maraan mawjado ama hirar kala duwan midkood, oo isugu jira kuwo gaa-gaaban, kuwo dhaa-dheer, kuwo dhexe, iyo kuwo kale. “War baa ugu gaajo kulul” maahmaah Soomaaliyeed.

 

Dhawr qofood oo goob fadhi-ku-dirir ah xaajo ku gorfayna, waxaa shaki la’aan inta iyaga u dhexeysa mar-maraya warar iyo xog kala duwan oo dadka goobtaa ku sheekaysanayaa aanay u jeedin. Wararkaa waxaa jira aalado gaar ah oo loo ikhtiraacay in ay qabtaan isla markaasna dadka ugu beddelaan cod ay garan karaan.

SIDA RAADIYUHU U SHAQEEYO:

War ku dirista iyo war ka helidda aaladda raadiyaha waxaa ka qayb qaata saddex curiyayaal: warlaliye (transmitter), hirar raadiye (radio waves), iyo warqabte (receiver).

Warlaliyuhu baaqyada codka ah ee uu ka helay makarafoon (microphone) ama rikoor, ayuu u beddelaa hirar raadiye. Kaddib hirarkii raadiyaha waxaa hawada usii bixiya (radiated) anteenno.

Anteennadu waxay hirarka raadiyaha u kala firdhisaa sida hirarka biyuhu u kala firdhismaan marka, tusaale ahaan dhagax yar lagu tuuro. (eeg: sawirka bidix ee muujinaya hir-biyoodka). Hirarka raadiyuhu waxay ku socdaan xawaare le’eg kan ileyska. Haddaba si loo dhegeysto baaqyadii codka ahaa ee warlaliyuhu u beddelay hirar raadiye, kaddibna hawada soo maray, waa in dib loogu sii beddelo hirar codeed (sound waves); taasina waa hawsha uu hayo warqabtuhu. Markaa kaddib, codkii rasmiga ahaa oo fasiix ah baa laga dhegeystaa warqabtaha isagoo kasoo baxaya samaacad (loudspeaker).

SOCODKA HIRARKA:

Fikradaha ku saabsan hirarka iyo socodkooduba waxay lagama maarmaan u yihiin sharraxa iyo barashada tebinta ama mootinta, bixinta dhalanka iyo astaamaha guud ee hirarka jabaqda, ilayska iyo hirarka kale ee birlab-danabeedka ah.  

Sida cilmi-saynisku inna barayo, tamarta waxaa meel ka qaadi kara oo meel kale geyn kara: hawo, hirka badda, ama gantaal la ganay. Gudbinta kulka iyo danabkuna waa si labaad oo tamarta meel looga qaadi karo oo meel kale loogu gudbin karo. Sida saddexaad ee tamarta loo gudbin karo waa iyadoo ay qaadaan hirar soconaya. Eeg jaantuska hoose ee muujinaya qaab-socodka hirarka: 

 

Dhammaan hirarku waxay leeyihiin saddex astaamo dhalaneed, oo kala ah: rakaad (frequency), hirbaac (wavelength), iyo qoton (amplitude). Sidoo kale, hirarka dhammaantood waxay leeyihiin xawaare lagu tibaaxo xarafka (V) oo had iyo goorna lagu halbeego m/s. Xawaaraha hirka waxaa suga hadba abuurka labidda hirka iyo dabeecadda dhexyaalka ee hirku dhex marayo. Xawaaruhu waa mid gaabinaya (102 m/s) sida hirka biyaha; mid yara dheereynaya (103 m/s) sida hirka jabaqda; iyo mid xawaaraha ugu sarreeya ku soconaya (3 X 108 m/s) sida hirka birlab-danabeedka. 

Hirbaaca ama dhererka mawjadda (wavelength) waa fogaanta u dhexeysa laba hir oo isku weji ah. Waxa kale oo la oran karaa waa fogaanta u dhexeysa laba tuurood (crests) ama laba diisan (troughs) oo hir leeyahay. Hirbaaca waxa lagu tibaaxaa xaraf giriig ah: lambda (λ) oo loo akhriyo lamda, inta badanna waxa lagu cabbiraa mitirro (m). Sida sawirka bidix ka muuqata: Tuur – waa meesha taagan ee qaab-socodka hirka. Diisan – waa meesha daacsan ama godan ee qaab-socodka hirka.

Rakaadka hirka (wave frequency) waa tirada hirar ah ee dhaafa bar taagan sekenkii walba. Halbeegga rakaadkuna waa Heertis (Hertz). Hal heertis wuxuu la mid yahay hal wareeg sekenkiiba ama (S-1 = / S). Sida badan rakaadka (frequency) waxaa lagu tibaaxaa xarafka (f). 

Kal (period) waxaa lagu tibaaxaa xarafka (T), waana amminta (time) uu u baahan yahay hal hir oo dhan in uu bar dhaafo. Kalku Wuxuu la mid yahay socodka fudud ee isku-dubbaridan ee tusaale ahaan walhaduhu (pendulum) sameeyo. 

HINDISAHA RAADIYAHA IYO HEERARKII UU SOO MARAY:

 

Inkastoo helitaanno kala duwan oo la xiriira farsamada danabka ay muhiim u ahaayeen hindisaha iyo horumarinta raadiyaha, haddana, hindisaha taariikhda raadiyaha waxaa dhab ahaan laga soo billaabaa sannadkii 1873-kii, waxaana gundhig u ah buug xambaarsan aragti uu lahaa Fiisikisyahan Iskootish ah (Scottish), oo magaciisa la dhaho James Clerk Maxwell; buuggaas wuxuu ku diiwaan geliyey fikrad ku saabsan hirar birlab-danabeed ah (electromagnetic waves). Fikraddii uu Mr. Maxwell uu diiwaan-geliyey waxay sheegeysay in ay jiraan hirar birlab-danabeed ah oo si dhakhsi ah u leexeysanaya (oscillating) hawada, iyagoo ku soconaya xawaaraha ileyska oo kale.

 

Qiyaas ahaan 15 sano kaddib, aragtidii Mr. Maxwell waxaa ficil ahaan isugu rakibay isla markaasna danabeeyey Fiisikisyahan kale oo Jarmal ah, oo magaciisa la dhaho Heinrich Hertz. Ninkaasi waxa kale oo uu cabbiray hirarkii uu danabeeyey wuxuuna u bixiyay hirarka Hertiz (Hertzian waves) oo ay ku jiraan hirbaaca (wavelength) iyo kaynaanka (velocity) hirarka. Mr. Hertz, waxaa kale oo uu soo bandhigay:

 

-          in hirarku ay dib-u-noqdaan (reflected) kolka ay meel gabiib ah ku dhacaan, si la mid ah dib usoo noqoshada banooni meel lagu dhuftay.

-          in hirarku ay qalloocsamaan (refracted) kolka ay galaan hir-dhexaad ka duwan xawaarihii ay ku socdeen.

-          in hirarku ay gadaal-baahaan (diffracted), kolka qayb hirka kamid ahi ay marin-xiranto.

 

Waxa xusid mudan in halbeegga rakaadka oo ah heertis (Hertz) loogu magac daray Mr. Heinrich Hertz, waxana sida badan loo soo gaabiyaa Hz. Hal heertis wuxuu la mid yahay hal wareeg sekenkiiba.

 

Sidoo kale, nin Maraykan ah oo magaciisa la dhaho Lee De Forest ayaa isaguna kamid ah aqoonyahannada horseedka u ah horumarinta isgaarsiinta raadiyaha. Ninkaasi wuxuu sameeyey gudbiye aasaas u noqday ikhtiraacidda aaladda raadiyaha. Waa qalab yar oo quraaradi ay ku dahaaran tahay, una eg guluubka nalka. Qalabkaasi wuxuu qabtaa baaqyada hawada usoo mara, wuxuuna suurta geliyey in la dhegeysto cod fasiix ah oo la fahmi karo. Qalabkaas yar ee uu sameeyey wuxuu u bixiyey “audion tube” oo ah tuubbo madhan (vacuum tube). Sidoo kale waxaa loo yaqaan saddex-qotinle (triode), wuxuuna ahaa xubin aad muhiim ugu ah aaladda raadiyaha, iyo waliba sidoo kale raadaarka, iyo telefishinka ilaa iyo horraantii 1950-aadkii. Markaas kaddib, waxaa la helay qalabka warlaliyaha (transmitter) oo beddelay tuubbooyinkii la adeegsan jiray.

 

DHALASHADII AALADDA RAADIYAHA:

Mr. Guglielmo Marconi oo ah aqoon yahan u dhashay dalka Talyaaniga ayaa noqday ninkii ugu horreeyey ee ku guuleysta ikhtiraacidda aaladda isgaarsiineed ee raadiyaha. Ninkaas ilaa yaraantiisiiba wuxuu xiiso weyn u qabay isgaarsiinta aan waayir la adeegsan.

Sannadkii 1895-kii ayuu ku guuleystay in uu baaq ku gudbiyo hawada, isagoo u tebiyey goob dhawr kiilomitir (km) u jirtay.

Sancadiisa wuxuu ka diiwaan geliyey dalka Ingiriiska, wuxuuna ku qaatay laysin ay siisay dowladdii Ingiriiska, ee xilligaas jirtay.

Sannadkii 1897-kii, ayuu magaalada London ee dalka Ingiriiska ka hirgeliyey shirkad uu u bixiyey Marconi's Wireless Telegraph Company, Ltd, isagoo da’diisu ay xilligaas ahayd 23 jir.

Sannadkii 1899-kii, ayuu sidoo kale hirgeliyey isgaarsiin raadiye oo isaga gudubta dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.


Mr. Marconi oo fadhiya saldhiggiisii loo yiqiin Signal Hill, ee ugu yiil magaalada St John's, ee ka tirsan gobolka Newfoundland, dalka Canada.

Sannadkii 1901-gii, wuxuu ku guuleystay in uu hirgeliyo isgaarsiin raadiye oo isaga gudubta Bad-weynta Atlantiga (inta u dhexeysa Poldhu, Cornwall ee dalka Ingiriiska iyo St. John's, Newfoundland ee dalka Canada).

Inkastoo Mr. Marconi uu ikhtiraacay aalado fara badan oo uu curinta qalabka raadiyaha u adeegsaday, haddana waxa ugu weyn ee uu soo kordhiyey waa in uu is-waafajiyey isla markaasna uu sii hagaajiyey aalado kale oo hore loo ikhtiraacay. Tusaale ahaan, Mr. Marconi wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee samaynta raadiyaha u adeegsaday aaladda loo yaqaan (Branly coherer) ee uu hore u ikhtiraacay Fiisikisyahan Faransiis ah oo magaciisa la dhaho Edouard Branly, isagoo ku xiriirinaya aalad kale oo magaceeda la dhaho (spark oscillator), taas oo iyadana uu hore u sameeyey Fisikisyahan kale oo Jarmal ah, oo magaciisa la dhaho Heinrich Hertz.

Farsamadii Mr. Marconi waxaa durbadiiba dhaqan-geliyey ciidamadii badda ee dowladihii Ingiriiska iyo Talyaaniga. Sannadkii 1907-dii, ayaa dadweynaha rayidka ah loo oggolaaday adeegsiga isgaarsiinta raadiyaha, kaddib markii Mr. Marconi uu aad u horumariyey.

Muddadii uu socday dagaalkii 1-aad ee adduunka, Mr Marconi wuxuu mas’uul ka ahaa adeegga isgaarsiinta aan waayirrada lahayn. Xilligaas wuxuu soo kordhiyey habka la iskula xiriiro hirarka gaa-gaaban (shorwave), waxaana la isugu tebin jiray wararka qarsoodiga ah ee ciidamada.

La soco qaybta 11-aad ee TAXANAHA TAARIIKHDA WAR-ISGAARSIINTA, Alle idankiis.  

Aad baan usoo dhaweynayaa fikradaha akhristayaasha. Wixi talo iyo turxaan bixin ah waxaan codsanayaa in e-mail la iigu soo diro.

W.Q. C/fataax M. Cabdulle

Ottawa, On. Canada
abdulfatah@yahoo.com

Raadraac: 

- Early Electronic Communication: E. A. Marland; Abelard-Schuman Ltd. New York, 1964.

- Microsoft Encarta Reference Library 2005.

- http://electronics.howstuffworks.com/radio.htm

- http://inventors.about.com/library/inventors/blradio.htm

- SAWIRRADA: www.google.com & Microsoft Encarta Encyclopedia.

- JAANTUSYADA: C/fataax M. Cabdulle

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2006


QAYBTA 9aad QAYBTA 1aad   

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

FEEDBACK | SEARCH

 
 



HTML CD