SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxkamaduhu Maka Faa'iideysan Doonaan Guulaha, MIse Saliid iyo Baladxaawo Kama Duwana.

Asad Caddaani Ibraahim

assadlaska@yahoo.com

June 5, 2006
 
Waxaa labadii todobaad ee ugu danbeeyey soo badanyey hadal haynta guulaha maxkamada islaamiga ah ee dagaalka ba'an la galay kooxda isku magacowday la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta nabad galyada ee uu taageero Maraykanku.
Mar wariyaha T.V Aljazeera ee Muqdisho weydiiyey Afhayeenka maxkamada Shiikh Shariif in ay guusha intaas le'eg filanayeen in ay gaadhayaan mudada ka yar afarta bilood ayuu ku jawaabay Shiikh Shariif in aanay filanayn in ay guushaas gaadhaan.
 
Waxaana markiiba soo baxday arrintan sidan isu badeshay maxay dib ka la soo bixi?. waxaana shaki weyni galay shacabkii Muqdisho ku dhaqnaa oo dhamaantiis su'aal iska weydiiyey maxaa keenay jabka ku dhacay Hogaamiye kooxeedkii?, mase la odhan karaa xeelad ayaa meesha ku jirta oo maxkamadaha ayaa magaalada looga baxay si weerar balaadhan oo ay ka qayb qaataan dawladaha hareera ka xiga Soomaaliya iyo diyaaradaha maraykanka ee ku gedaaman xeebaha Soomaaliya loola beegsado, oo muqdishaba weerar balaadhan ayaa ku soo socda oo la mid ah kii, Kaabul lagu qaaday 2001.
 
Arrimahaas iyo kuwo kaleba waa arrimaaha ka guuxaya maskaxda bulshada ku dhaqan Muqdisho , iyo guud ahaanba Soomaalida indhaha ku haysa isbadelka ka socda Muqdisho.
 
Haddaba waxaa isweydiin leh wadaada maxkamaduhu ma ilaalin karaan guushaas ay gaadheen, inaga oo hore u ogayn in dagaalo ay ku dhexmareen goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah Qabqablayaal dagaal iyo wadaado xanbaarsan fikirka salafiga ah oo aan ka fogeyn kan Shiikh Usaama BInu Laadin?.
 
Sida lawada ogsoonyahay Dagaalkii ka dhacay Gobollada Bari ee hadda loo yaqaano Puntland sannadkii 1992 kaas oo dhexmaray ururka Al-itxaad iyo ciidamo beeleedyo uu hogaaminayey C/laahi Yuusuf Madaxweynaha dawlada imbigaati lagu soo dhisay waxa dhaliishiisa siyaasadeed ka hor intaanu dagaalku dhicin la saaraa wadaadadii markaa mayalka u hayey ururka Al-itixaad oo la sheego in ay si aan xeel dheerayn u mareeyeen hawlihii xilligaas la soo gudboonaadey taas oo ay jirtay daandaansi siyaasadeed oo uu C/laahi Yuusuf iyo kooxdiisii SSDF ku soo qaadeen wadaada oo xilligaas ammaan baaxad weyn shacabku ka sheegan jireen gaar ahaan maaraynta hawlaha degadda Boosaaso iyo sugida nabad galyada goobaha ganacsiga.
 
Daandaasigii siyaasadeed ee lagu qaaday wuxuu keenay in ay ku talaabsadaan hawl ay ku riyoonayeeyn kooxda C/laahi Yuusuf taas oo ahayd in ay gacanta ku dhigaan Odayaal goob ku shirayey runtiina iyaga loogu tashanayey sidii laga yeelio lahaa, taasina ay noqotay dhinbiishii dabka shiday, marmarsiiyo baaxad weyna loo helay shacabkiina lagu soo jeediyey, wixii ka dhacayna lawada ogaa , in Gobollada Barri iyo waqooyiga Soomaliyaba laga ogaadhsaday.
 
Taas waxaa ku xigtay talaabadii labaad ee xanbaarsanayd qaladkii labaad ee isaguna isugu jiray mid siyaasadeed iyo milatariba, markii ay wadaadadu xarun ka dhigteen magaalada Luuq , balad xawana hantiyeen , maankoodana galiyey in ay halkaas ka abuuraan dawlad ama imaarad islaamiya, maba ay xumaateen in ay dalka gudihiisa imaaradaas ka dhaliyaane , waxay aragtidooda iyo garashadoodu siisay in ay siin karaan garab milatari walaalahooda ka halgamaya gudaha Itoobiya, taas oo ahayd talaaabadii ugu xumayd ee ay qaadeen wadaadadii xilligaas maamulayey labada magaalo ee Luuq iyo Baladxaawo, mana xuma in aad walaal kaa u-gargaarto laakiin maaha maaha yaa jirta carabiya oo tidhaahda (ŃĶć Ēįįå ĒćŃĘä ŚŃŻ ŽĻŃ äŻÓå) ilaahay hawnaxariista qofka yaqaana awoodiisu inta ay le'eg tahay, taasi waxa ay dhalisay in ay indhaha dawladihii hareera ka xigay Soomaaliya ku soo jeediso Luuq iyo Balad xaawo , isla markaana la adeegsado xubno u dhashay deegaankaas oo ka qaybqaatay sidii wadaada looga sifeyn lahaa gobolkaas, taas oo la ogaa wixii ka dhacay Baladxaawo iyo Luuq , maanta waxaad moodaa in ay taariikhdu marlabaad isa soo celisay, iyada oo wadaada xilligan ay muuqato in iyaga la daandaan saday .
 
Sidee haddaba xilligan wadaadadu uga faa'iideysan karaan guulaha ay ka gaadheen caasimada Soomaaliya ee Muqdisho?.
 
Sida muuqata laba wado ayaa u furan maxkamadaha , labadaas wado oo kala ah.
 
1-In ay u arkaan in ay gaadheen guul balaadhan sidii Daalibaan dabadeedna ay bilaabaan in ay markiiba ku dhawaaqaan dawlada islaamiya kagana dhawaaqaan Muqdisho, taas oo ka dhigan tii  Afgaanistaan, ka dibna indha caalamku ku soo jeesto iyada oo markii horeba ulo boo ah loogu tukubayey , dabadeedna markiiba ay dhacdo iska hor'imaad Maxaakimta iyo Caalamka isla weyn ee ay hogaamiyaan reer galbeedku, dabadeedna halkaas ay ka dayaamaan wixii ka dhacay Afgaanistaan.
 
2- In xilligan xeeladeysi ku jirto, isla markaana muddo loolan siyaasadeed lagu hanan karo oo ah,In maxkamaduhu markiiba sheegaan in ay diyaar u yihiin in ay la shaqeynayaan maamulka dhawaan lagu soo dhisay Dalka Kenya ee ay hogaanka u hayaan C/laahi Yuusuf , Geedi iyo Shariif , lana shaqeynayaan, magaalada Muqdishana ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha , amnigeedana la sugo,intaasna ku daraan in waxa la sheegayo ee ay nimanka hogaamiye kooxeedka ahi ku soo qaateen mashruuca ay diyaar u yihiin in lala arko.
 
Maanta shacabku waa ka daalay hogaamiye kooxeedyo Muqdisho curyaamiyey iyo danihii Soomaaliya, rajaduna waxaad moodaa in ay ku soo noolaan karto Maxaakimta oo aan xilligan muujin in ay lee yihiin damac siyaasadeed oo xilligan taagan , taas oo ay shacabka taageero dheeraad ah kaga heli karaan mustaqbalkana hogaamin siyaasadeed ku heli karaan uu shacabku iskood u dooro.
 
Asad Caddaani Ibraahim

assadlaska@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 5, 2006

Magaalada Balcad oo Gacanta u Gashay Midowga Maxaakiimta...
»Sh. Ibraahim Max'd oo codsaday in lagu Celiyo dalkiisii
»Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaarey Baydhabo....
»Madaxweynaha DGPL oo u ambabaxay Dalka Jarmalka
»Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal ka dhacay Som
»8-Gaari oo Tiknikaa oo uu leeyahay Yalaxow oo isu dhiibey
»Maleeshiyo ka tirsan Isbahaysiga Argagxisada oo gaarey Bay
»Siyaasiyiin ku hayb ah Wasiirada hubeysan oo isku haysta
»Urur Haween ah oo howlo nadaafadeed ka fuliyey CeelBarde
»Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo lala sugayo Xil ka qaadista
»Xubno ka tirsan wafdigii DF oo booqday Jaamacadda Bariga
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Guji... Jun 4


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD