Gardarada garabka og iyo gobanimadoonka
go’doonsan
A.D.
Elmi
adelmi@hotmail.com
Marka Xisbullaah, Xamaas, Taalibaan, ONLF,
kuwa Ciraaq, Shiishaan, Kaashmiir iyo dhammaan ururada kale ee
gobanimadoonka ah una dagaalamaya inay xoreeyaan dalalkooda, aayahoodana ka
tashadaan, haddana jawaabta ay helayaan ay noqoto waxa maanta lagu hayo ee
ah dilka kufsiga, dhaca iyo qaxinta isugu jira iyadoo taasi u dheertahay in
loogu yeero argagixiso jahwareersan oo aan lahayn wax ula jeeddo ah oo sidaa
u buuran, halka kuwa dhul iyo dhiig doonka ahi, sida Yuhuudda iyo Maraykanku
ay yihiin mas’uuliyiin waddo sax ah ku taagan, iyagoo haysta qaraaro ka soo
baxaya golaha ammaanka oo la oran karo waa golaha danaha galbeedka iyo
Yuhuudda isu caleemo saaray inay fuliyaan siffeyn dhan ka ah dad aan waxba
galabsan. Bal ka waran caddaaladda noocaas ah marka ay timaaddo maxaa u
bannaan qof kasta oo sidaas loola dhaqmo oo aan ka ahayn inuu ku kaco wax
kasta oo uu kari karo, maxaa kuu diidaya inay kugu dhacaan cudurada sida
dhiig karka, sonkorta iyo cudurada uu welwelka iyo walbahaarku sababo, maxaa
kuu diidaya inaad duurka gasho oo aad jabhad noqoto marka aad garawshiyo ka
wayso iska daa cadowgaagee kuwa dadka kuugu sokeeya oo aad isku Diin iyo dad
tihiin, maxaa kuu diidaya inaad dhimasho dalabto waqti aad caddaalad iyo
sinnaan ka weysay dunida dulmigu camiray, dunida isu bedeshay gole khansiir
iyo Doofaaro ka taliyaan…..
Dilka, dhaca, afduubka iyo kufsiga lagu
hayo dhammaan muslimiinta dunida ku firirsan, waa mid dugsanaya ducfiga ku
yimid dadka ku abtirsada Diinta Islaamka, ka gadaal markii bahweynta
Muslimiintu ay ka tageen inay si habsami leh ugu dhaqmaan Diinta Islaamka,
ayey noqdeen wax aan summad iyo hayb midna lahayn, waxayna taasi soo
dadajisay in cid walba oo aan Muslim ahayn ay si kala gaar gaar ah u
ugaarsato muslimiinta ku kala nool daafaha caalamka, maadaama aan la kala
xigin, (marka xooluhu ka dhumaan jidkooda waxay u kala firiraan afarta jiho,
waxayna markaas baylah u noqdaan inay ku dhacaan afka bahalaha wax cuna oo
dhan).
Muslimiinta maanta waxay illaaween wixii
shalay ka dhigay dad laga haybaysto, waqtigii ay lahaayeen awood dhaqaale
iyo milateriba, waxay illaaween kaalintoodii ahayd inay iyagu noqdaan
hormuudka nolosha oo dhan oo ay ahayd in lagu daydo, waxay illaaween wixii
ay cadow lahaayeen, waqti uu cadowgooduna uusan taas hilmaansanayn, markii
Yuhuudda, masiixiyiinta kuwa sheegta, kuwa dabka iyo dhagxaanta caabuda ay
ka diyaar garoobeen dhinaca hubka iyo dhaqaalaha, ummadaha muslimiintu waxay
ku mashquuleen dhalanteed, gaar ahaan wadamada Carabtu waxay ku jeesteen
dhaldhalaalka dunida ee maaweelada ku dhisan, waxay daba galeen xaddaarado
fasahaad ku salaysan, aragtiyo shirqool ah oo ku salaysan in Teknoolajiyad
iyo Dimuquraadiyad la daba galo, kuwaas oo ay calanka u sidaan wadamada
galbeedka oo waqtigan noqday dad aanba diin aaminsanayn, laakiin haddana
qaba in Islaamka lala dagaalamo.
Marka qofka indhaha la’ uu ka tago ushiisa
uuna go’aansado inuu iska socdo, waxaa la rajaynayaa inuu god iyo meel daran
ku dhaco, haddaba dadka Carabtu markii ay ka tageen Islaamkii waxay arintu
noqotay inay maanta soo gaaraan halka ay taagan yihiin, waxaa xaqiiq ah in
dadka Carabtu ay yihiin dad aan haba yaraatee aan noolaan karin haddii
Islaamka la waayo, waxaana jirtay oraah oranaysa (Carab oo Islaam laga jaray
waxay la mid tahay eber) waxaana hubaal ah in arinkaasi yahay dhab maxaa
yeelay Carabtii ku noolayd Jasiiratul carab waxay ahaayeen dad aan ka war
hayn xaddaaraddii iyo hab maamulkii ka jiray daafahooda oo haba yaraatee
aan cilaaqaad iyo is dhexgal la lahayn boqortooyooyinkii ku heeraarsanaa ee
Roomaaniyiinta iyo tii Faarisiyiinta, taas bedelkeedana waxay ku
mashquulsanaayeen carabtii Jasiiraddu dagaallo ay isaga soo horjeedaan, dhac
iyo dil aan kala go’ lahayn mana aysan lahayn wax horumar ah ilaa ay ku
sifoobaan inay dilaan caruurtooda gabdhaha ah, iyagoo xaaladdaas ku sugan
ayuuna Islaamku yimid wuxuuna dadkii sidaas ahaa u bedelay dad nool oo nabad,
caddaalad iyo sinnaan la yimaadda, waxayna hormuud u noqdeen in Islaamku uu
gaaro daafaha dunida oo dhan, waxayna ka kobceen dhinaca dhaqaalaha awoodda
ciidanka waxayna dhex galeen ummado kale oo iyaguna qaatay nuurka Islaamka,
waxaana si wada jir ah looga faa’iidaystay wax yaalihii lagu kala horeeyey,
xittaa boqortooyooyinkii soo maray Muslimiinta, sida Ummawiyiinta,
Cabbaasiyiinta, Cusmaaniyiinta iyo kuwii kaleba waxay door weyn oo aad u
wanaagsan ka ciyaareen fidinta Islaamka, waxayna boqortooyooyinkaasi ka
go’nayd inay hor istaagaan kuwa duulaanka ku ah in nuurka Islaamku uu gaaro
dunida, waqtigaasi waxa uu ahaa xilli xasuus mudan oo qof kasta oo Muslim
ah, gabar yar wiil yar oday, habar, mid madow mid cadddaan ah, da’duu doono
ha ahaado, darajaduu doonana ha lahaadee waxa uu ku noolaa sharaf iyo
karaamo, xaalad cabsi la’aan ah, amni iyo horumar, caddaalad iyo sinnaan iyo
xoriyad taam ah, laakiin maanta maxaa soconaya, muxuu qof kasta oo Muslim ah
ku nool yahay, ma haystaa xittaa xuquuqdii aas aasiga ahayd? Jawaabta waxaa
na siiyey Yuhuud iyo Maraykan, jawaab waxaa noogu filan waxa hadda
soconaya.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa hubaal ah in
maalin maalmaha ka mid ah uu dib u soo noqon doono sharafkii iyo Cissigii
Muslimiintu waqti ku naaloon jireen, Ilaahayna ma dayacayo kuwa wanaagga la
raba dunida ee amarkiisa qaadanaya. (Wa kaana xaqqun calaynaa nasrul
muuminiin).
W. Q. A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saiixan
Faafin: SomaliTalk.com | AUg 14, 2006
ONLF maa SNLF loo bedelo.::: Bal ka waran
haddii laguu sheego inaad beri boqor noqon doonto
Dood-Cilmiyeed:
Isbedelka Cusub ee Soomaaliya Aqoonyahanno ku sugan dalka Canada ayaa ka hadlay kacdoonka Soomaaliya iyo
raadka uu... Dhegeysi...
|