SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 20, 2006

 SOOMAALIYA MAANTA IYO BERRI!! 

Soomaaliya Maanta:

-         Dagaal baa oogan laysku dhamaanayo wax natiija ahna aan lahayn, 16 sano ayuusan waxba reebin, waxaa ku nool dagaal quutayaal aan dan ka lahayn dalkooda iyo dadkooda iyo xitaa naftooda.!

-         Waxaan tacliin helin malaayiin caruur soomaaliyeed ah, oo dhashay xilliyada dagaalka, oo aan war ka hayn iney jiri jirtey Soomaaliya wadan la yiraahdu, una malayey noloshoodu iney ku jirto oo keliya dagaal ooge iney gawaarida u wadaan, mijin qaadana u dhintaan!!

-         Waxaa dumey qarankii soomaaliyeed, waxaa dhulka ku dhacay calankeedi, waxaa adduunka ka baxay magacii dawlad soomaaliyeed, waxaan la oqoon warqadaha aqoonsi ee soomalida!

-         Waxaan dalkeenu lahayn, iskuullo dawladeed, jaamacado, macaahid, waxaanu lahayn cisbitaallo, waxaanu lahayn, koronto, waxaanu lahayn, biyo nadiifa oo aadamigu cabi karo, waxaanu lahayn wadooyin iyo gaadiid guud, hadduu (baabuur, basas, tareyno, dayuurado), waxaanu lahayn gegooyin diyaaradeed iyo dekedo.

-         Waxaanu lahayn nidaam iyo maamul iyo kala damayn, dalka oo dhan, (meela yar yar oo iska tabar daran mooyaane) waxaanu lahayn shaqa guud, waxaanu lahayn adeegyo iyo ila dhaqaale oo daryeela bulshada soomaaliyeed, kii shaqaysan lahaa iyo kii taagdaranba.

-         Nabad inuu qofka soomaaligaa dalkiisa hooyo meel kasta u maro ma heli karo, haddaanu gabbaad qabiil helin, xilliguu doono iyo meeshuu rabo ma mari karo, wuxuu jeebka ku sito ammaan uma qabo, gurigiisa nabad uma seexan karo.

-         Masaajidda iyo dugsiyada iyo waxbarashada guud ahaan cid daryeesha ama agaasimta ma haysato.

-         Iyadoo dagaalka sokeeye ee waalane naafeeyey, ayaa waxaa ugu darmaday cudurka qabyaaladda iyo gobolaysiga iyo goo gooska iyo cudurka dilaaga ee qaadka.

-         Malaayiin soomaali ayaa dunida ku yaacsan, kuna dayacan, ubadkoodu gaalnimo iyo dhaqan gaddoon halis u yahay, boqolaal kun ayaa qaxooti u dac daraysan oo geedaha hoostooda ku jira.

-         Boqolaal kun  ayaan diintooda fahamsanayn, adduunku meel uu marayo ogayn, duniduba wexey u tahay reer hebel iska dhiciya. 

Soomaalida berri INSHALLAAH:

-         Dad diintooda fahamsan, aakhiro iyo adduunba u shaqaysta, aqoon iyo wax barasho ku horamaray.

-         Ummad wada jirta oo midaysan, dalkooda si wada jira u dhista una ilaaliya, wada jirka iyo wadani nimaduna ku weyntahay.

-         Qabyaalad iyo gobolaysi iyo (aniga keliya) aan wax ku qaybsan, ogsoon inaan far keliyii fool dhiqin, qabiilna dawlad noqon Karin.

-         Facyaasha soo socda ee ubadkooda u fekera oo noloshooda u googol xaara.

-         Musuq maasuqa ka fog, danta guud hormarsha, wada jirkana gorgortan aan gelin.

-         Maamul wanaagsan leh, baayac mushtar xora leh, Dhaqaaleheedu sareeyo, dakhliga qofka soomaaligaa kor u koco, khayraadka dalkeeda uga faaiidaysa dadkeeda, adeegga bulshada ee asaasigaa dalkeeda dhista, sida biyaha, korontada, jidadka, isgaarsiinta, gaadiidka kala duwan, iwm. Adduunka wax la qaybsata oo la tartanta.

-         Soomaaliya 15 sano ee soo socota ku tashata iney horay u kacdo dhaqaala ahaan, wax barashada heerarkeeda kala duwan, technolojiga, nolosha bulshada, shaqada, wax soo saarka, sancada, adeegyada casriga ah iyo xiriirka adduunka. 

Taas weeye soomaaliyada cusub ee aynu berrito rabno.  

Laakiin side lagu gaari karaa?  Wexey u baahantahay: 

Dad iimaan iyo ammaano, aqoon iyo waaya aragnimo Ilaahay ugu deeqay.

Dad go’aan leh, oo diintooda iyo dalkooda iyo dadkooda iney u adeegaan ay daacad ka tahay, Ilaahayna u tala saarta.

Dad dadaal bixiya, wadada toosanna mara, masuuliyaddana qadariya.

Dad danta guud hormarsha, iyagoon midda gaarkaa wada hilmaamin.

Dad musuq maasuqa iyo is daba marinta ka fog, xisaabtan ogol, hantida guudna aan lunsan!

Dad qabyaalad iyo gobolaysi iyo aragtida gaaban ee cariiriga ah ka fog. 

Haddii Soomaalidaas cusub la helo, waxaan shaki ku jirin, in mudda gaaban, Ilaahay xaalkeena sedan si ka wanaagsan u bedelayo Ilaahay Idanki. 

Haddiise, aan ku jirno sida hadda taagan, oo danayste iyo dagaal ooge, iyo duf ku bexe aan diin lahayn, iyo daaduf falan oon dad iyo duunyo midna reebayn, iyo dugaag ka xume aan dan guud ilaalin, iyo laaluush cune, hungurigu dheeraaday, jeebabkiisuna aaney weligood buuxsamin, cadowga qandaraasya kasoo qaata si uu dalkiisa iyo dadkiisa dam uga dhigo, Haddaan kuwaas ka sugno iney dad iyo dal wax u qabtaan, waxaa la hubaa in mugdiga lagu jiro, lasii jibaaxi doono mudda dheer. 

Ilaahow na caymi!!

Akhri qaybta xigta...

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April  20, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD