SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 15, 2006

 Ilaahay aan barino! 

Waxaa Ilaahay ii qadaray inaan 4 habeen ku dhoxo, Guriga Ilaahay ee barakaysan ee Makkah. Meeshan uu Ilaahay daahiriyey, oo adduunkiisa ugu sharaf badan, Allaahna ugu jecelyahay, waa fursad ayaan is iri, aad Ilaahay ku barido inuu Ummaddan Soomaaliyeed ee arrinteedu murugtey, oo is daba wareeg ka bixi weydey ilaa iyo 16 sano, inuu Ilaahay jihada wanaagsan u bixiyo, oo nabad iyo xasilooni iyo dawladnima wanaagsan ugu deeqo. Kuwa daafaha adduunka ku dayacan, meel kastana daadsan, inuu Ilaahay nabad dalkooda ugu soo celiyo, dal eey ku noqdaan oo ku nastaanna uga dhigo, inta yare e adduunyada la joogo. Ilaahow naga aqbal. 

Markaan beytka Ilaahay anoo fadhiya, aan xasuustay dalkaygii iyo dadkaygi waxa haysta, maskaxdayda ay ku soo wareegtay cajal muujinaya, waxa ka socda, waqooyi, iyo koonfur, bari iyo galbeed, qaadka iyo qabiilka, dhiiga qulqulaya iyo nabad darrida, dawlad la’aanta iyo sideey rajadeedu weliba u xuntahay, qab qablayaasha iyo dagaal oogayaasha midba tuula ka qaylinayo, cadow diin iyo dalna daabka u hayo, khilaafka iyo is maandhaafka cid walba saameeyey, wadaad iyo waranle, dumarka ooyaaya, kuwa adduunka ku dayacan, kuwa meel ay u noqdaan garan la’ iyo kuwa gaajada iyo harraadko dhamaynayo, waxa internetka qolal qabyaalad iyo mid walba isla toosnaan daacayo, kan kalena aanu wax u hanbaynayn, waxaasoo dhan ayaa sidii filin xiimaya maskaxdayda usoo maray anoo kacbada hor fadhiya, markaas ayaan hal mar iri:

(ليس لها من دون الله كاشفة )

(Ilaahow cid aan adiga ahayn oo feydi kartaa ma jirto). 

Dadku wuxuu leeyahay dal astura oo dugsoon oo ay dabaylaha ka galaan, waxaan Soomaali ka ahayn, oo dibadda dhaxantu ku dileyso.

Dadku wuxuu leeyahay, dal ay dugsadaan, iyo dawlad difaacda oo danohooda ilaalisa, waxaan soomaali ka ahayn, oo dibadaha baasabooro, (amaaha) qaarkood ka heleen, aanse salka si buuxda u dhigi Karin meelaan dalkoodi ahayn, oo shisheeye ku yihiin.

Dadku wuxuu haystaa nabad ay dalkooda si aamina u mari karaan habeen iyo maalin, meesha ay doonaanna kaga dekeyn karaan, waxaan soomaali ka ahayn, oo aan dhulkooda dariiqyada si nabada ku mari Karin, meesha ay ka doonaanna danohooda si aamina habeen iyo maalin uga gudan Karin.

Dadku wuxuu aroorti u kalaxaa shaqooyin, iyo xafiisyo, danohooda adduunyo looga soo dhameeyo, sharci iyo kala damayni ka jirto, waxaan soomaali ka ahayn, oo agoon wada noqotay, xafiis iyo dawlad dan u qumisana aan lahayn, sheekadeedana iskaba hilmaantay. 

Allahayow ixsaan badanow

Arxamu raaximiin la hubow 

Cadaabtaada naga kori. 

Cabdullaahi iyo cali iyo shariif, wexey qabtaanba daaye, 2 sano iyagii ayaa isku mashquulsan, oo mushkila noqday, mexey mushkila dal xalliyaan. 

Jawhar mid ayaa ka qaylinaya, oo gaala madow iyo kuwa cad cad ayaa xagga iyo xagga isu dhaafaya, meeluu u socdo iyo miduu ka socdo ma yaqaan. 

Muqdisho arrinteedu waa murug. Isbahaysi caddaysanaya inuu diinta iyo dadka iyo dalkaba col la yahay, qiranaya inuu shisheeye u adeego, qandaraas ku soo qaatay inuu dadkii la dhashay laayo, iyaga ka horow lama arag. 

Dad mid walbaa gooni u qaylinayo, oo isagu sheegayo, maslaxadda iyo danaha dalka inuu wado, oo arrintoodu murugtey, Ilaahow jiha khayr u bixi.  

Markii dhibku bato, oo cadaabku dadka iyo dalka wada saaqo, waxaa loo baahnaa in Allaah la baryo, oo jilbaha la dhigto, oo rag iyo dumar, yar iyo weyn, bannaanka laysugu yimaado, la toobad keeno, Ilaahay loo noqdo.

( فلو لا إذ جاءهم بأسنا تضرعوا ولكن قست قلوبهم وزين لهم الشيطان ما كانوا يعملون)

( ولقد أخذناهم بالعذاب فماستكانوا لربهم وما يتضرعون ) 

Arrinkan mid qolo keligeed xallin karto maaha, waa arrin bani aadamka ka tan weyn. Alle in lala kaalmaysto, shaqo iyo hannaan quruxsan iyo xikmad badanna lala yimaado. 

Sida hadda wax ku socdaanna xikmad badani kama muuqato. Ilaahow na caymi.

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD