SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 13, 2006

 (XISBIGA) AAMUSANE GOORMUU

AFKIISA FURI DOONAA!! 

Waxaan qormadan qorayaa anigoo hawada saaran, meel u dhexeysa bariga (Asia) iyo Galbeedka (yurub). Waxaan la yaabanahay, Ummadan Soomaaliyeed ee aamusan, aan kici hayn, dhiidhiyi hayn, codkoodana furayn, iyadoo in badan caradu ka buuxdu, Siduu yiri Cali Cilmi Afyare Allaha u naxariistee: 

Haddii aadan codkaagana furayn carona kaa buuxdo

Carwa saadki dhacay waa waxaan la cajabaayaaye. 

Gaalo dawladnima nooma rabto, noomana quurto. Itoobiyana, qaran guud iska daaye, (dawlad goboleed) nooma ogola haddeey talado teeda tahay, burburkii horana wey ka shaqaysay, oo Jabhadihii wada (s)ta ahaa, ayadaa dhashay, oo hubaysay si ay qarankii Soomaaliyeed ugu dumiso, oo mengiste af buuxa ugu yiraahdo: (Ethiopia waxaan u qabtay nin u qabtay taariikhda ma jiro, waayo cadowgeedi koowaad ee Somalia ayaan burburiyey si aanu mar dambe usoo kicin) wuxuuna ula jeedey jabhadihii dhabtiisa kuwada dhacay, ee uu dalkeenna ku dumiyey, qaarkoodna markuu dantiisa ka dhamaystay, ayuu xabsi dheer ku tuuray, sida Col. Cabdullaahi Yusuf Axmad, (Madaxweynaha Dawladda Federaalka)!!oo u maleeyey dawladda itoobiya iney u taageereyso inuu taliskii Muxammad Siyaad rido keliya, wuxuuna ku war helay, markii calanka itoobiya laga taagey meeluhuu ciidanka Soomaalidu ka kacay, oo laysku jimleeyey inta jabhadda ka dhimatay iyo inta ciidanka qaranka ka dhimatay, dabadeedna isaga xabsiga lagu tuuray!!  

Gaalada fogina wexey door bidday iney calooshood u shaqaystayaal soo kiraysato, sida kuwii isku magacaabay ladagaalanka argagixisada, ee ummadda iyo diinteeda, dagaalka ku soo qaaday. Waxaa mahad Ilaahay ah in kuwaas manta daahii ay isa saarayeen ka dilaacay, oo dadkii ay u muuqdeen iney yihiin, mindida ay gaaladu ku dooxeyso soomaaliya. Maantana haddeey muqdisha dhex maraan ummadu googoosaneyso!!  

Waxaan la yaabbanahay, miyeeynaan codkeenna furi Karin, inaan dalkeenna nabad iyo aamin iyo wada jir ugu noolaanno aanu dooneyno caddayn Karin, inta dibad nagaga baahdey, iyo inta caruur nagaga luntay dalal shisheeye iney hoygooda usoo noqdaan aan dooneyno, caddaysan Karin. 

Miyaan la gaarin, waqtigii, xisbiga ugu badan soomaali ee aan u bixinnay “AAMUSANE” uu afkiisa ku hadli lahaa, magaciisa in lagu ganacsado diidi lahaa, diintiisa iyo dalkiisa iyo sharaftiisa inuu ilaashanayo cadowga tusi lahaa? 

15 Dagaal qabyaaladeed oon cidi ku guulaysan ayaa nalaku mashquuliyey. Waana ku khasaaray: 

Nin qabyaalad doojoow
Doqonniimo waa cudur
Haddii aad dux leedahay
bal docdaada uun eeg
Inta dumar agooma ah
Inta dhiig dad lagu qubay
Inta darib nin lagu cunay
Inta duul ku qaran jabay
Debec yaa lahaayeey
Maxaa degel ku baaba'ay
Maxaa dhacay Umula-doox

Anigaa nin dooriyo
Anigaa wax dumin kara
Maxaa Beel ku dumug tidhi

Imisaa dugaag qaday
Dubaaxdiinna loo wadhay
Darka iyo xareeddiyo
Daaq laysu qoonsaday
Dirirtiyo colaaduu
Maxay haad dibbiriyeen
Islaan wiilki laga diley
Dugayeey maxay tidhi
Dadab iyo aroosiyo
Aqal laba daryaalle ah
Maxaa daaha loo rogey
Waxan uga dan lee yahay
Sumad iyo Dir-soociyo
ninkii duuf ku nooloow
Alle doori baad tahay
Soomali waa duud
Dekan qabae ha joogee
Waa ul iyo diirkeed
Deris iyo tol wada yaal
Nin danlaana kala gura
..................Gaarriye
 

Jabhadaa shir leh oo dib u heshiin doonayana 15 sano ayaa nala ku maaweeliyey, sagaarana biya kama cabin!

Waayo, ummadda soomaaliyeed talo lama weydiine, danaystayaal aan dad iyo diin iyo dal midna dan ka lahayn ayaa shirayey markii danahoodu iska horyimaadaana wey kala tegayeen, taana ummadda soomaaliyeed iyo daneheedi ayaa ku burburayey, mid soomaaliyi mar dambe u dul qaadan kartana maaha. 

Shirkii ugu dambeeyey ee Imbigaati ee 2da sano iyo dheeraadka socdeyna, wixii laga macaashay waa tan manta lahayo, rajadii yarayd ee Ummadda Soomaaliyeed  - is tiri – wey kuu bidhaantayna – waatan maalinba maalinta ka dambaysa sii dhimaneysa, waayo dawladdii ay qab qablayaashu soo dhiseen, ee aan , AAMUSANE, wax laga weydiin, wexey dhaafi la’dahay 2 sano, cali iyo cabdillaahi hala heshiisiiyo, cabdullaahi iyo shariif ayaa kala caraysan, Jawhar iyo baydhabo kee la degaa, xildhibaanada iyo wasiirada maxaa qaad loogu iibshaa, xoogaada kaalmada ah, ee dawladdu heshaana, (mushaaharooyinka iyo kharashka hoteelada – Nairobi- Muqdisho-Jawhar-Baydhabo – Qadada iyo Qaadka – 100 iyo hodhodho wasiir iyo wasiir ku xigeen, iyo boqollaal, xoghayn iyo istaaf, iyo shaqaale guri, iyo taleefanno, iyo internet, iyo tigidho, iyo 276 xildhibaan iyo kaaliyayaashooda) iyo inta shaxaadka u timaadda muqdisho iyo jawhar iyo baydhabo, haddii (100) milyan la siiyo, intaas ma dhaafi karto.  

Kharashka dawladda imbigaati wuxuu muujinayaa iney tahay dawladaha adduunka ugu hodonsan, waayo intaasoo dada ayey mushaaharooyin siisaa, kharashkoodana bixisaa!!  Dawladaha adduunka ugu hodonsani, boqollaal wasiir, kharash iyo culays kuma hayaan, waxa loo baahanyahayna kamaba badna 15-20 wasiir oo shaqaynaya!! Tan hadda jirtana macneheedu waxa weeye oo keliya:

Ama lacagtii ayaa naga badatay ama heshiiska la sheegayo iyo inaan dawlad noqonno ayaan daacad naga ahayn!! 

Haddii xoogaa shaxaada dawladu meelaha ka heshana, deynta uu sheeganayo (M. Dheere, iyo M. Gaab) maba dhaafsana!! 

Xisbiweynaha AAMUSANE ee soomaalida kala daadsan daafaha adduunka ee dal iyo dibadba ku darxumaysan, waxaan filayaa in la gaarey, waqtigii uu dantiisa iyo aayihiisa ka tashan lahaa!! haddii kalana ciil iyo oohin lala duugi lahaa!!

Qormada Xigta...

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 13, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD