A.D.
Elmi
adelmi@hotmail.com
In ka badan 15
sanadood oo xiriir ah ayay shacabka Soomaaliyeed agfduub ugu jireen
hoggaamiye kooxeedyo tiro badan oo kala jar jaray dalka Soomaaliya, gaar
ahaan kuwii ugu xumaa ee Muqdisha oo iyagu la degey si gaar ah sumcaddii
shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir, xittaa ay arintu u ekaato in dadka reer
Muqdisho ay yihiin isma dhaanto iyo dhashood, waxayna taasi rajo beel iyo
quus ku abuurtay quluubta dadka reer Muqdisho oo u qaatay inaysan jirin meel
ay uga bixi karaan mashaakilkan 15 sano jirsaday, waxayna xamxamta iyo
hadalka hoose ee shacabku dhaafi waayay “DAGAAL OOGAYAASHAN ILAAHOW DHINAC
NOO DHAAFI” waxay ahayd duco lagu celcelin jiray ilaa iyo inta dhibku jiray,
hase ahaatee Ilaahay waa aqbalay baryadii dadka reer Muqdisho waxaana la
gaaray waqtigii uu xaqqu qabsan lahaa hawshiisha, baadilkuna uu banayn lahaa
goobta.
Maxkamado Islaami ah oo awel loo dhisay inay
la tacaalaan tuugada iyo burcadda qaarkood, ayaa soo ifbaxay, waxayna
noqdeen horseedka kacdoonka najaxay ee maanta la wareegay talada gobolka
Banaadir kana dhigay goob nabdoon oo la isku hallayn karo, maxkamdahaas oo
kaashanaya qaybaha bulshada Soomaaliyeed oo aan hayb iyo qabiil ku kala
soocnayn ayaa waxay soo qaadeen waddo dheer oo dhib badan, laakiin Ilaahay
sahlay, wadadaas oo ah in shacabkan la badbaadiyo inta ka hartay daanada
qabqablayaashii dagaalka, waxay ahayd howl hufan oo ay tahay in cid walba oo
u danqanaysa shacabka Soomaaliyeed ay ku farxi karto, waxayna shacabka kacay
ee reer Muqdisho iyo Soomaalida kaleba ay rajaynayeen inay heli doonaan
taageerada dowladda magaca ah ee aan muruqa, maaliyadda iyo makaan ay ka
talisaba lahayn, laakiin taas bedelkeedii waxaa dowladdii ka soo yeeray
ereyo aad u qalafsan oo haddana wata ficillo aad u fool xun.
Markii ay soo hoydeen guulo wax ku ool ah oo
shacabku ku talaabsaday ayaa waxaa dowladda ka soo yeeray bilawgii hore
waxoogaa ereyo ah oo yididiilo xambaarsan laakiin goor dambe ayay giraantu
wareegtay, waxaa laga war helay dowladdii dalka oo u ololeynaysa in waddanka
ciidamo shisheeye la keeno gaar ahaan Itoobiya, iyadoo qeybihii hubaysnaa ay
bilaabeen ianay wareejiyaan hubkooda intii xoogga looga qaaday mooyee,
waxaa la maqlay dowladdii oo ku celcelinaysa argagixiso ayaa Muqdisho joogta,
waa Alqaaciddo waxa ka dagaalamaya Mudisho iyo ereyo kale oo aad u xaraar
badan.
Waqtigaas ka gadaal ayay shacabka Soomaaliyeed
dal iyo dibadba is eegeegeen, waxaana la isweydiiyey waxa dhab ahaan loola
jeedo hadalka ka soo yeeray dowladdii dalka oo la rabay inay iyadu xil iska
saarto hoggaaminta shacabka, ilaalinta xuduudaha dalka Soomaaliya, inay amba
qaaddo dib u heshiisiinta dalka, inay ka fekerto sidii ay ugu soo guuri
lahayd caasimadda dalka oo la islaaxiyey.
Ugu dambeyntii waxaa loo fasiray isbeddelka ka
yimid dowladda inay tahay mid ku salaysan laba arimood:
1-
Tan labaad oo ah
in dowladda Itoobiya aysan doonayn in Soomaaliya ay ka dhalato dowlad
Islaami ah, maadaama ay Itoobiyaanku ka cabsi qabaan awood Islaam oo ka
dhalata geeska Afrika, iyagoo aaminsan inay khatar ku tahay jiritaankooda.
Si kastaba oo ay u jiraan arimahaasi, haddana
waxaa la is weydiin karaa dowladdu ma waxay ka shaqaynaysaa danaha Itoobiya
mise waa dowlad loo dhisay inay samata bixiso dadkeeda, Dowladdu ma waxay
qayb ka tahay ciidamada Maraykanka ee iyagu u xilsaaran la dagaalanka waxa
ay ugu yeeraan Argagixisada, maxay dowladda taagta darani ugu meeraysataa
argagixiso aan iyada halis ku ahayn, haddiise xittaa ay ka waddo xeelad ay
ku shukaasanayso caalamka oo ay is leedahay aad ku soo jiidatid, sow taasi
haddana dhinaca kale ma dhuminayso cidda ugu muhiimsan ee loo baahan yahay
in la soo jiito, haddii aad dhumiso taageerada shacabkaaga maxay kuu
taraysaa mid dibadeed oo weliba og inaad tahay dowlad taag daran oo aan
meelna xukumin?. Dowladdu ma ku quus qaadan waysay markii Maraykanku intuu
dhinaca kale ka wareegay uu dagaal oogayaashii Muqdisho u xilsaartay la
dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, iyadoo weliba dowladdu ay dalka
joogto ?.
Haddaba marka arintu
halkaas marayso miyaysan shacabka Soomaaliyeed xaq u lahayn inay wixii
markaas ka dambeeya ay ka tashadaan dowladdii waqtiga badan ay ka
dhursugayeen, miyaysan xaq u lahayn inay kacdoonkooda sii wataan ilaa ay ka
gaarayaan miraha halgankooda oo waddanka oo dhanna ay la wareegayaan.
W. Q. A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com