SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 2, 2006

 SOOMAALI WADA JIRTA

iyo

Socdaalkayga Nolosha!  (2) 

1aad | 2aad

Waxba uga noqon mayo, noloshii yaraanta, taasoo aan filayo, inaan wax weyni ku jirin, meesheeda ayaan se ku sheegi doonaa haddii Ilaahay idmo. Waxaan kasoo qaadanayaa oo keliya arrimaha la xiriira qadiyadda  aan rabo inaan ka hadlo. 

DHALASHO!

Waxaan ku dhashay degmada QANDALA ee gobolka BARI ee Soomaaliya. Taariikhdu wexey ahayd sida la sheegay 1958 ama 57dii, (ma laha facayga sideey u badan yihiin warqad dhalasho). Meeshu wexey ahayd Baadiye, Togga weyn ee loo yaqaan: JECEEL. Reerkuna wuxuu ahaa hayaan, roobkii da’ay dorraad dabajooga. Hooyo, ALLAHA U NAXARIISTEE, oo bilihii uurka dhamaystiratay wexey saarnayd, awr aan soo gaaray anoo hana qaada, iyo isagoo fac noqday, laguna magacaabi jirey: GAARDI.. Waxaa la ii sheegay, anna wax ka arkay, inuu ahaa awr fiican oo hayina reerkuna mudda dheer rarteen kuna intifaaceen. 

Goor barqa ah, oo reerku hayaankaas yahay, hooyona, Allaha u naxariistee, ratigaas fuushantahay, ayaa foosha jaq lagu siiyey!! Ilaahow kuu naxariiso, oo janadii ku gey. Geed goba oo weyn, oo hadh qabow, oo togga bartamihiisa ku yaal, ayaa lagu hoos furay, iyada iyo dumarkii la socday. Goobtaas, geedka hoostiisa ah, ayaa adduunkan iigu horreysey!! Maantana in badan, oo dad yari mareen, ayaan ka maray, Afrika, Oroba, Aasiya iyo Ameerika. 

Waxaan filayaa, sidaan u dhashay iyadoo reerku hayaan yahay, ayaa wax iga raaceen, oo aan aniguna u safar badnahay!! Wax safar iiga fududna maba arag, intaan guriga subaxdii kasoo boxo, ayaa jidka safar iigu dhashaa, markaasaan dhawr wadan ayaama isu maraa.!! 

Waxaas dani idiin kuma jirtee, yaanan idinku daalin. Haddaan hana qaaday, ma aanan aqoon waxa qabyaaladda la yiraahdo. Markii iigu horreysey, ee reer hebel iyo reer hebel aan maqlo, ama dad lakala soocdo, wexey ahayd OLOLIHII anigoo jooga aagga JAWHAR waxaan meel la joogay muddo bila ah, rag reer MUDUG ah, oo aan markii iigu horreysey ka maqlay kala qaad qaadka iyo Tafsiirka Qabaliga ah.!! (Reer mudugu hayga raali ahaadaan, wax xumaana ulama jeedo). Raggaasuna adduunka maanta meel ay kaga jiraan geeri iyo nolol ma aqaan. Asxaabtayda aanu sanadaha wada soconey ma aanan garan jirin, cid ay yihiin. 

Laakiin markii Soomaalidu is dishey, oo dagaalka sokeeye dalkeenna ka holcey ayaan beelaha soomaaliyeed wax ka bartay. Intii 16 sano lagu jireyna dhul badan, iyo beela badan oo soomaaliyeed ayaan dhex maray, waaya aragnimana waan ka faa’iidey. 

SOMMALI WADA JIRTA!

Tajribooyinka iigu horreyey adeegga guud, oo aan ku aaminey ineey Soomaaliyi  wax wada qabsan karto, midoobi karto, karti leedahay, deeqsi tahay, Fahma badantahay, wexey ahayd, Markaan Imaam ka Noqday Masjidka (Masjid Assunnah & Da’wa Center) ee Magaalada ATLANTA gobolka GEORGIA ee dalka Maraykanka dabayaaqada bartamaha sanadkii 1999. 

Masjidka waxaanu si rasmi ah u furnay Sep 5, 1999. Inkastoo August aan bilawnay ku tukashadiisa.

Masjidkaasi wuxuu ahaa Masjidkii ama markaskii ugu horreeyey ee JAALIYADDA soomaaliyeed ee Maraykanku asaasto. Iyadoo Xoogga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanku da’ yartahay, oo sanadihii 1991 bilaabatay, xoogeeduna ahaa 1994 iyo 95 wixii ka dambeeyey. 

MASJID ASSUNNAH sidee ayeey Soomaalidu ku asaastay iyadoo maraykanka ku cusub? Waa sheeka mudan in dadka Soomaaliyeed dhegeystaan ama akhriyaan, iyadoo aan Muxaadaraad badan ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba aan wax kaga tilmaamay, anoo tusaale usoo qaadanayey, SIDA SOOMAALI WADA JIRTA OO WAX WADA QABSATA LOO HELI KARO.!! 

Soomaalida Atlaanta deggan wexey soo bilaabatay sideetameeyadii markii ay yimaadeen arday dhawra, iyo qaxooti soomaaliyeed oo yar. 

Dadkaasi  dad isku xiran ma ahayn. Dad muuqan kara oo si gaara isu taagi karana ma noqon. Qaarkoodna diintaba uma soo jeedin ee wexey ku dhex milmeen, mujtamaca Maraykanka, oo ka guursadeen, ilma gaala ahna wey dhaleen. 

Markii ay Soomaalida qaxootigu kusoo korodhay ATLANTA sagaashameeyadii, wexey nolol cusub geliyeen dadkii horay u joogey oo sii ildaran.  Wuxuu igu yiri nin dadkii hore ahaa: ((Haddaan Ilaahay qaxootiga noo keenin nalama arkeen)). 

Wexey markaas Somalidu asaaseen dugsi yar, oo caruurta qur’aanka loogu dhigo, dadka waaweynna duruusta loogu akhriyo, salaadaha shantaa iyo jumcaha lagu oogo. Wexey kiraysteen, meel yar oo ku dhex taal Ilaahay amarki Baar Khamri iyo Kaniisad!!.

Waa meeshii ugu munaasab sanayd oo ay heleen.

Wexey asaaseen urur ay meeshaas ku fureen oo bulshada soomaaliyeed u adeega ayna ku magacaabeen: (Somali Islamic Society of Atlanta) .

Mudda hadii halkaas lagu jirey meeshii dadkii wey qaadi kari weydey, ilmihii iyo dumarkii iyo dadkii wey isku dhibtoodeen, cariiri awgiis. Guddigii, oo Soomaali oo dhan ka kooban, wuxuu go’aansaday in meel cusub oo weyn la raadsho, welibana mid la yeesho ay noqoto oo aan kira ahayn. Mudda hadii la raadshey waxaa lasoo helay, meel weyn oo (7.5 acre) ah, oo aqal kaniisad ahaan jirey ku dhex yaal, inta kalena banaantahay, qaarna hawd yahay, xaafadaha soomaalidu degantahayna aan ka fogayn, kan ugu badani gaariga 10 daqiiqo ku imaan karo, Soomaalida maahine muslimka oo dhan wax tar u noqon karta. 

Qiimaha lagu doonayo waa  (US$ 330,000) Jaaliyaduna markaa lacagba ma haysato.!! Heshiiska hordhaca ah ee lala galay qolada guriga iyo dhulka lahayd oo hindi ahayd la yiraahdo (Gujraati) oo HINDUUS ah wexey ahayd, Carbuuntu waa US$ 5000

bil ka dib waxaa la shubayaa qaybta hore ee lacagta oo ah US$ 85,000 , Dhulkayna waa laydin siinayaa, laakiin waraaqaha lahaanshaha waxaa weli haysanaya qolada leh ilaa lacagtu dhamaato. Inta hartayna 13 bilood ayaa bil walba US$ 18,333 la bixinayaa.  

Halkaas markey botorineyso, waxaa laysku qabtay dhulkan yuu inna dhaafin iyo Qar iska tuur ayaad tihiine xaggaynu lacag uga keeneynaa!! Labadaas talo markey isku dhalaashay, waxaa go’aankii ku dhamaaday aan meesha iibsanno, Ilaahayna u tala saaranno. Rag dhawra oo ganacsi yar yar meesha ku lahaana wexeyba Ilaahay la galeen Beeco, (Ballan) haddii lacagtaas bilna la bixin kari waayo, waxaan u xaraasheynaa ganacsigayaga oo dhan!!

Allaahu akbar, markaas ayey soo bidhaantay, xaqiiqada dadka Soomaalida ah ee khayrka iyo wanaagga jecel, iyo guusha Ilaahay la damcay dadka sidaa isugu duuba.

Waxaa la qabtay shir laysugu yeeray jaaliyadda, arrimihiina la hor dhigay, loona sheegay baahida loo qabo, XARUN aynu diinteenna iyo dhallaankeenna ku ilaashanno. Goobtaas waxaa fadhiyey dad boqol aan wax badan ka badnayn, amaba gaarin. Wexey ballan qaadeen lacag US$ 150,000, si qaybta hore ee guriga qiimihiisa loo bixiyo, weyna dhacday oo US$ 90,000 ee hormariska ahaa waa la bixiyey, furayaashii guriga iyo dhulkana waa lalasoo wareegay. 

Intaasu markey dhacday, meeshii la iibsheyna aan weli far la saarin, deyn US$ 250,000 ahna la qabo, oo heshiiska qalinka lagu duugey, ayaan booqasho ku imi, ATLAANTA,  July 1999, anigoo SUCUUDIGA ka imi. 

Sidee ayuu ku fuley Masjid Assunnah of Atlanta? 

Akhri Qaybat 3aad >>>> GUJI

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 3, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD