SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 5, 2006

 SOOMAALI WADA JIRTA

iyo

Socdaalkayga Nolosha!  (4) 

1aad | 2aad |  3aad | 4aad

 

Bishii Oktoober 1999, asbuucii u horreeyey ayaan tegey Virginia, waxbadana iigama suurtoobin saan sheegay, waayo, (Qorshe) wanaagsan looma dejin, xirfadda qaabka bulshada loo adeejiyana nooma dhacsanayn, tababarna kuma qaadan, laakiin wexey ii noqotay waaya aragnimo inaan ka korodhsado. 

BOSTON

Asbuucii labaad ee October 1999, waxaan la hadlay dad ka mida Jaaliyadda Soomaalida ee Boston. Axmad Daahir ayaa nagu soo dhoweeyey, oo meeshaas muddo deganaa waxna ka baran jirey. 

Waxaan la hadallay Masjidka weyn ee magaalada in Jimcaha khudbadda la iga siiyo, waxna aanu muslinka ka urursanno. Imaamkii Masjidka oo Masri ahaa arrinkaa waa noo diidey, wuxuuna yiri, khudbada waa ogolnahay, laakiin lacag ururin maya!! Waxaanu ku niri, waayahay, Galabta Jimcaha Muxaadaro Afka carabiga ah aanu dadka u jeedinno, wixii ilaahay naga siiyo kaalmana aanu ka qaadanno. Taasna wuu naga diidey, oo muxaadarada wuu ogolaaday laakiin lacag ururinta ayuu misna diidey. Wuxuuna ku cilleeyey markaan taleefan kula hadlay: Annaga ayaa sabtida Xaflad lacag ururin ah qabaneyna, marka haddaad jimcaha wax urursataan, taayada ayey dhabar jebin ku noqoneysaa. Waxaan ku iri: Walaalow risiqa Ilaahay baa haya:

QOF WALBANA WIXII LOO KATIBAY WAA LA KULANSIINE 

Laakiin kuma aanan guulaysan inaan qancinno. Hase yeeshee, waxaan ku iri: Muxaadarada Galabta jimcaha waa sideeda xitaa haddaanan waxba urursan dacwada ayaanu gudaneynaa. 

Waxaan ka dalbay Walaalihii soomaalida ahaa, iney ii qal qaaliyaan meel kale oo jimcaha la tujiyo haddeey jirto. 

Jaaliyadda raga qaban qaabinayey aad ayey cabsi uga muujiyeen, jaaliyadda Soomaalida ee Boston, wexeyna yiraahdeen: Dad isku xiran, ama wax lacaga laga heli karo maaha!! Waxaanu ka beqeynaa inaad ku soo lu’ go’daan. Qabyaalad daranina wey ka shaqayneysaa. Waxaan ku iri:  

Idinku Madasha kulankana noo diyaarsha, rag iyo dumarna isugu yeera, wixii yimaada ayaa ka faaiidaysanaya inshallaah. Haddaanan xitaa tageero dhaqaale ka helin, ajarka dacwada waayimeyno inshallaah. 

Maalintii jimcaha ee balantu ahayd ayaanu aniga iyo nin ila socda ee idaarada Masjidka ka mida, diyaarad Atlanta ka qaadanay, anagoo ku sii jeedna Boston. 

Waxaa dhalinyaradu soo qal qaaliyeen inaan khudbada jimcaha ka akhriyo: Jaamacadda Boston (Boston University) oo aradad muslimiinta ah meel waasaca ee furan ku tukadaan waqtiga jimcaha.

Halkii ayaanu toos u tagnay, khudbadii ayaan u jeediyey arday 2 boqol ka badan oo muslimiina oo isugu jira nooc walba, carab, asian, afrikaan. Ardaydii wexey mashruucii Masjidka ugu tabaruceen, lacag gaareysa US$ 5000, oo aanaan ka filanayn!! 

Galabtii Sabtida waxaa golaha Bulshada ee xaafad ka mida Boston isugu yimi, dadweyne soomaaliyeed oo rag iyo dumar iyo carruur intaba leh, muxaadaro ayaa ka dhacday, cunto iyo cabitaanna gabdhaha ayaa keenay, Ilaahay fadligiis Galabtaas dadkii joogey wexey ku tabaruceen si wada jira oon look ala harin: US$ 28,000!! Wuxuu yiri ninkii arrinta nala qaban qaabshey: Weligay kuma fekerin Boston jaaliyadda soomaaliyeed ayaa inta isu timaaddo intaas oo lacaga isku darsaneysa iyadoo wada jirta!!

Arrinkaasu wuxuu noqday mid ku dhaliya Jaaliyadda Boston iney meel u gaara Jaaliyadda Soomaaliyeed, oo ay u dhanyihiin, dhisan karaan, marka horena kiro ku bilaabi karaan, anaguna arrinkaas ayaanu ku dhiiri geliney, waxaanuna u sheegnay inaanu la ururineyno lacagta, oo ay Atlanta iyo qeyrkeedba noogu yimaadaan. 

Waxaanu kaloo u sheegnay in layska war hayo oo culimo mar kasta loo soo diro sida ay codsadeen.. 

Waxaa xusid mudan: Isla maalintaas qoladii walaalaha carabta ee masjidkooda noo diidey inaan wax ka urursanno, iney xaflad lacag ururin qabteen, lacag US$ 3000 ka badanna ayan helin!!  

DERSI:

Waxaan ku bartay socdaalka dacwada, in Arsaaqda Ilaahay qaybiyo, oo sida dadka loogu qaybshey, mashaariicdana loogu qaybshey.

Waxaan ku bartay in dadka Soomaaliyeed haddeey helaan Yool Nololeed wanaagsan oo ay higsadaan, eey dad wax tara oo wax qabsada noqon karaan.

Waxaan ku bartay in Arrin walba uu kaaga soo noqdo natiijo inta adigu aad dadaal geliso.

Waxaan ku bartay, inaan khayrka marna la is hortaagin, oo haddaad dadka walaalahaa ee khayrka wada danohooda fududayso Ilaahay taada fududaynayo. 

Waxaan bartay, Ummadda Soomaaliyeed, sida ay khayrka u jeceshahay.

AKHRI QAYBTA XIGTA >>>> GUJI...

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 5, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD