SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - 2006


Sh. Muxamed Idris Axmad waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia iyo Masjidka  ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala xiriiri karaa Emailka: dalyaqaan@yahoo.com

April 5, 2006

 SOOMAALI WADA JIRTA

iyo

Socdaalkayga Nolosha!  (5) 

1aad | 2aad |  3aad | 4aad | 5aad

Soo dhoweyntii iyo kaalintii wanaagsanyd ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee BOSTON deggan noo fidisay, waxaan ka qaatay, dhiirigelin fiican, in dadka Soomaaliyeed wax qabsan karaan, iney markii runtu timaaddo wada jir u shaqayn karaan, inaan qabyaaladdu noqon Karin, gidaar ku kala teedan oo kala celiya. 

Wexey qabyaaladda wax kala goo goysaa shaqaysaa, markii la waayo, camal wanaagsan iyo qorshe la higsado, oo dadku u wada jeedaan kana wada shaqeeyaan.  

Arrinka dad badani buurta moodaan, oo niyadda ka jabiya, raja la’aantana ku abuura, oo ah, kala tagga iyo iska soo horjeedka, waa inta aanu iftiimin, YOOLKA wanaagsan oo immaddu wada higsato, oo ku tartanto. 

Dadku waa muslim, janadana wey wada jecelyihiin. Nin dooranaya naar inuu galo, ma jiro ama waa yar yahay. Laakiin waxa naarta geeya dadka waa caqli xumo, keentay iney diinti ILAAHAY ka haraan. Waa sidey gaaladu qirato maalinta qiyaamo, markey naarta arkaan, ayey yidhaahdaan: 

((Haddaanu wax maqli lahayn ama caqli lahaan lahayn, dadka naarta ku hoyda ma noqoneen!!)) 

Haddii si waanagsan loo tuso jidka ay janada ku gaarayaan, naartana kaga badbaadayaan wey isku wada shubayaan inta ayaan xumada Allaah u qoray  mooyaane.  

Sidaas darted, waxaa durba ii muuqatay, dadkii shalay la igu lahaa, beel beel ayey u kala fadhiyaan, oo waa is xantaan, waa diriraan, waa is neceb yihiin, oo manta meel wada fadhiya, hal shaqo wada qabsanaya oo maslaxad adduun iyo aakhiro u wada ah, u tartamaya, qof walbaa siduu janada jaga wanaagsan uga qabsan lahaa. 

Boston waxaan isniintii kasoo laabtay anigoo rajo iga buuxdo, fashilkii yaraa ee Virginia aan kala kulmanayna aan ka bogsaday, raja fiicanina ummadda iyo wax qabadkeeda iga gashay. 

Asbuucy maray gobola yar yar oo dad yari joogaan, sida North Carolina, Charlotte iyo Greensboro, oo dadweyneheeda aanu iyagana isku habaynay, waxaase aakhirka bisha fasaxa ku aadan waxa ay yidhaahdaan (Thanks giving) ama ciidda shukriga ee gaalada, oo ku began had iyo jeer, khamiista u dambaysa bisha November inaan tago magaala aan mudda sugayey, ballanteeda. Waxaa ii qorshaysnayd, Minneapolis, Caasimadda Jaaliyadda Soomaaliyeed ee maraykanka deggan. 

Minniapolis, Gobolka Minnessotta, waa meesha ugu badan ee Soomaalidu degto. Waa gobol aad u qabow, Xilliga aan tegeynana waa bartamaha qaboobaha ugu daran, Waa Bisha November 1999 ee barafku dhacayo, Anagu waxaanu ka nimi (Georgia) oo koonfur ah, oo kulayla, barafna aan lahayn, qabowguna caadi yahay, sida kan hargaysa, xilliga qaboobaha. 

Minneapolis Waxaan ugu tala galnay Qorshe ka duwan midka gobolada kale, waayo dadweynaha oo badan, iyo magaalooyinka ku hareeraysan. 

Sidaas darted waxaan waqti hore, lasii hadlay ducaadda magaaladaas jooga. Gaar ahaan waxaa aad noola shaqeeyey, Abdi weli dheere iyo C/razaq Lafoole.  Waxaa la haystaa afar maalmood oo fasaxa, khamiis, jimce, sabti, axad. Oo Shaqadoo dhan loo joojiyo, waxa daruurigaa maahine. 

Habeenkii khamiistu soo geleysey, Markey saacaddu ahayd, 1.00 AM saqda dhexe, ayaanu ka ambabaxnay magaalada ATLANTA, aniga iyo 9 nin oo ila socota, oo uu ugu da’weynyahay: Sh. M. Ismaciil (oo timaha iyo gadhkaba mid madow aan lagu arag) uguna yar yahay Abdil fataax C/xakiim, oo 13 jira oo abihiis soo raacay. 

Waxaanu wadaney gaari VAN ah oo 15 qaad ah, Waxaanu qaadnay Jidka weyn ee (High way 75) oo u socda xagga woqooyi. Waa safar aan ka yarayn 15 saacadood. Masaafa ku dhow 2500 KM. Waxaa la gooynayaa, Gobolada: Tennessee, Missouri, Wisconsin, iyo Minniapolis oo la tegayo. Waxaa la dhihi karaa sida magacoodaba ka muuqata:

(United States) (Gobolada Midoobey) waa dawlado la isaga gooshayo, laakiin, hal nidaam ku wada socda.

MURUGO!! 

Intaas aanu soconey habeenkii oo dhan iyo maalintii dambe qayb ka mida, Wax na istaajiya, ama wax na weydiiya, ama nala hadla ma aanaan arag!! 

Waxaa taase i xasuusisay, sida aan habeen, gaari uga qaatay, Magaalada Oslo ee dalka Norway, dhulkeeda ayaan gooyey, waxaan dhex maray Sweden dhul badan oo ka mida sida magaalooyinka Gothenburg iyo Maalmo, waxaan usii gudbey Denmark, Copenhagen aan salaadii fajar ku tukadey, taasna cishihii ka dib ayaan kasoo baxay, Intaas xuduudo aan maray, hal mar oo qudha cid tidhaahda xagee u socotaa ma arag. Hal mar ayaan shidaal iyo qaxwe u istaagey!! 

Annagana waxaa naloo quudhi la’yahay, Hal dad oo wada qoys keliya ah, isku afa, isku diina, isku taariikha, iney dalkooda si nabada ugu wada noolaadaan, nooc kasta oo nidaama ay ku heshiiyaanba.  

Waxaa Murugada igu soo kicisay markaan xasuustay, inaan Afgooye iyo Xamar, ama Xamar iyo Balcad, aan Dhawr iyo toban ilaa labaatan Jidgooyo maro, oo mid kasta aad ka beqeyso Xabbad Habow ahi iney kugu dhacdo!! 

Taas iskaba daaye, meelaha amaanka wanaagsan ilaa xad, sida waqooyi bari iyo Waqooyi galbeed ayaad, 20kii ama 30kii KM maraysaa isbaaro, wax hawla oo ay haysaa aaney jirin. Waxaanba ka naxaa dhalinyaradaas yar yar ee dhaxanta dar xumada ugu dhimanaya, nimanka dibiiray oo daacufta yeeshayna aaney dan ka lahayne, qada qaxara iyo majin qaada u tuuraan, uguna sheekeeyaan iney dereja leeyihiin!! Yaahu, Waxaan dhawr jeer maray, dhalinyara is hor fadhida, tuulada (Aricaddeeye) agteeda, ee Laascaana u dhow, dhalinyara meel dhaxana, oo cidla ah, oo waxba aaney oolayn, xoogaa qoryaa, oo DAXALAYSTEY isla hor fadhiya, waxaan ku sigtay inaan la hadlo, oo ku iraahdo hal kelimad:

( Nin aakhiradiisa adduunyo ku seegtay waa nin ayaan xun. Waxaase kasii ayaan daran, nin aakhiradiisii, adduunyo nin kale ku seegtay!! Maxaa, adduuna ama aakhira ah, oo halkan aad u fadhidaan?)!! 

Labada maamul ee labada dhinac mexey isku haystaan oo meesha yaal. Meeyey caqligii!!  

Waxaa hurgumada igu kiciyey, maalin walba waxaan dhex marayaa:

Gaalo, cadow isu ah, kala dhaqana, kala dhalada, oo haddana sidaas aan kuu tilmaamay, ee ay isugu furan yihiin, oo shaqada ugu wada dhaqaaqeen, dantooda adduunyo moodey oo ugu xishay, khilaafaadkoodiina, xoogaa asturay, si ay u wada noolaadaan.

Gobolka Wisconsin Caddaanka deggan Jarmal ayaa u badan, Minnesootana dadkii ka yimi Scandinevia ayaa u badan, markey xasuuqeen kuwii hindigii wadanka u dhashay. 

(United States) ama dawladda maanta adduunka hadba dhinac u jeedineysa, awood u yeelatay, ineey boqollaal kun oo ciidana saacada guduhood ku geeyso adduunka dacal ilaa dacal, dhaqaalaha bilyanada ahna shubeysa sida tuubada biyaha, wexey taa ku gaartay, (50)ka dawladood ee ay isu furtay, awoodoodiina hal meel isugu geeysey. Yurub oo arrinkaas ku baraarugtay mar maraykan adduunkii ka qabsaday, ayaa hadda haahaabaneysa 20 dawladood in ka badan oo kala afa, kala diina, kala dhaqana, kala abtirsiya, iney meel isugu keento, waayo haddii kale, Maraykan ayaa LIQAYA!! anagana 2 gobol, oo faqri iyo gaajo u dhimanaya, ayaa dagaal u haliilaya habeen iyo maalin, 2 beelood oo aan waxba haysan, ayaa berked cidla ah isku laynaya, oo dam isaga dhigaya, 2 gobol ayaan isu furi kari la’nahay, caqli xumoy ba’.!! 

Miyeynaan ogeyn in Muslimiintu midnimada diin iyo dhaqanba u leeyihiin, oo iyaga laga bartay?

Miyeynaan ogeyn in dawladda islaamka boqol sano ka hor, Ruush iyo China laga soo bilaabo ilaa iyo Yurub iney isu furnayd oo hal isbaaro aaney lahayn, qofka muslinkaana intaas meeshuu doono uu ka dego!! 

Allahayow noo naxariiso. Allahayow ummadan jirraban ee danteeda garan weydey, oo dulliga u macaansatey, oo danaystayaasha daba joogta, Allahayow dulliga ka qaad, naxariistaadana ku soo deji. Aaamiin.  

Waa socotaa….

Sh. Muxamad Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 6, 2006


SHUKRAN MALAYSIA: Qaybtii 1aad | Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad | Qaybtii 4aad | Qaybtii 5aad | Qaybtii 6aad | Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad | Qaybtii 9aad | Qaybtii 10aad |

CALOOL XUMO:  1 | 2 | 3


KENYA: Booqashadii Culumada ee Xeryaha Qaxootiyada iyo Sida loo Gaalaysiiyo Qaxootiga Soomaaliyeed


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD