SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SIR FAKATAY

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"... Q.5aad



WAA ARIN CAAJAA'IB AH OO KA DHACDAY NAIROBI KENYA OO KU SAABSAN QUIXTAR-KA


Nairobi: Eeg sawirkan oo weyn

Waxaan rabaa in aan Bahda webside-ka SomaliTalk.com la qaybsado arrin ka dhacday Nairobi oo ku saabsan Quixtar-ka oo Nairobi looga yaqaan POOL. Sheekadan Quixtar-ku waxay nagu soo biirtay horaantii 2005 wakhtigaas oo si fiican Soomaalidu u dhex dabaalatay.

Waxaa na soo gaaray warqado  iyo Card-rar isla socda oo faallo ka bixinaya sida loogu faa'iidaya "Faa'iido ma ahane sida nalooku  dhicirabo".

Waxaa arrintaan keenay Niman Kenyan ah oo si khalad ah u  soo adeegsaday ardayda Iskuulaadka Kenya. Markii la arkay kaararkaas iyo siday qeexayaan oo run ahaantii sheeko run ah u eg markaad kor ka fiirisid dadkii kama fekarine si wayn ayey ugu daateen oo u galeen, taas waxaaba ka sii daran markii Culumada qaarkeen la waydiiyey ayey ku sheegeen in ay tahay AYUUTO  oo ay bannaantahay taas oo dadkii u sahashay in ay saa'id u qaataan.

Haddaba aan idiin dulmaro sida ku qeexan warqadaha. Marka ugu horaysa warqadaha waxay tilmaamayaan in aysan waxba kaa khasaarayn oo aad heli doontid  lacag  ka badan 1,000,000,000 K.sh  ah  oo markii doolar loo badalo gaaraysa in ka badan $14,000 USD taas oo ahayd midda dadka madax martay, fiiri haddaba habka aad u heli doontid  lacagtan tiradabadan muddo 7 toddobaad ah  ama laba Bilood kaliya ah.

Marka ugu horaysa waxaad gadanaysaa Card  waadna buuxinaysaa waxaad ku diraysaa boostada, Waxaadna raacinaysaa lacag dhan 1000 KSh ah lacagtaas waxaad ku caddaynaysaa  in 500 ay ku socoto Qofka ugu koreeya Card-ka oo ah qofka qaadanaya markaas lacagta, 500 oo kalena waxaad u diraysaa  nimanka Barnaamijka wada ee kenyanka ah.

Adiga waxa kaa baxay lacag 1500 KSh ah taas oo 500 aad ku gadatay Card-ka iyo 1000 oo aad Post ku dirtay iyo 200 oo aad Post-tada siisay isku gayn waa 1700 oo Kenya shilling ah, Muddo asbuuc (Week) kaddib ah waxaad helaysaa sadex Card oo kii aad buuxisay oo kale ah. Sadexdii kaar ayaad adiguna gadaysaa, mid kasta waxaad ka bixinaysaa 500 Ksh ah  oo iskugu kaa imaanaysa 1500 Ksh ah  waxaad ku boorinaysaa dadkaad Card-kan ka gadday in ay buux buuxiyaan oo ay xareeyaan sida ugu dhakhsiyaha badan Markii ay helaan jawaabta oo ah sadex Card in ay gadaan haddii kale aysan waxba helayn, Markaas adiga waxaa kaa maqan oo kaliya 200 oo aad Post-da siisay oo kaliya waxaadna sugaysaa lacag  ka badan 1,000,000,000 KSh ah( Hal milyan oo Kenya shilling ah).

Hadaba sida la raba in uu ku faafo qorshaha  oo aad lacagta ku heli kartid ayaa ah sidaan

Derejo (Position) Tirada Waraadaha (No of certificates) Faa'iido Wadaag (commission)
1 729x3=2187 287xksh 500=1,093500
2 792  
3 243  
4  81  
5  27  
6   9  
7   3 500x3=1500 direct commission

Pool_Card: Eeg sawirka oo weyn

Shaxda kor ku sawiran waxay tilmaamaysaa sida uu halkii Card ee aad gadatay u kordhaayo oo uu u gaari doono 729 Cards oo micneheedu yahay 729 qof ayaa kuu soo diri doona lacag 729x500= 1,093,500 Ksh ah taas oo ah lacagta aad helaysid.

Maalinta ugu horaysa ee aad hesho hal Card ee aad buuxisid waxaad usbuuc ka dib helaysaa sadex Cards oo aad adiga Magacaagii kaga qoranyahay booska 7aad sida shaxda kor ku sawiran ku cad. Markii saddexdaas kaar la celiyo oo saddex qof oo kale buuxiyaan ayaa waxaa soo noqonaya sagaal Cards maxaa yeelay mid kasta wuxuu noqday saddex Cards 3x3=9 markaan waxaad ku jirtaa booska 6aad,  sagaalkii Cards markii la celiyo waxay soo baxayaan iyagoo ah 27 maxaa yeelay 9x3=27  markaanna waxaad ku jirtaa booska 5aad.

Sidaas ayey Cards-ku  u soconayaan  adiguna aad hadba u dalacaysaa ilaa aad ka gaartid booska 1aad markaas oo aad heli doontid lacag dhan 1,093,500 Ksh

Dadku Markay arkeen qorshahaan aadka u habaysan oo Nimanka wataa ugu magacdareen ISCAAWINTA KU WAJAHAN DADKA KENYANKA AH ayey dadkii run umaleeyeen waxayna bilaabeen in ay si wayn u kala gataan oo waliba la is ballansado oo lagu yiraahdo ma xaraysay markay kuu soo baxaan sadexda Card aniga isii aniga ayaa kaa wada gadanayee, ilaa xitaa ilmaha yar loo buuxiyo Card-kaas, heer waxay gaartay Guri 10 qof ku noolyihiin ay wada galeen.

Goor ay halkaas Marayso ayaa waxaa loo geeyey Shiikh East Africa Caan ka ah oo Ku Nool Nairobi Magaciisana la yiraahdo Shiikh Maxamed Cabdi Umul oo Iiman ka ah Masjidka Islii 6 street Nairobi Kenya, Iyadoo Markaasi qaar Culumadda ka mid ahi ku khaldameen oo ay ogolaadeen Qorshahaan. Markaas ka dib ayuu ku dhex dhacay Wuxuuna ka soo diyaariyey Khudbad aad u dheer oo run ahaantii dadku Markay dhagaysteen kalliftay in gabi ahaanba albaabadda loo laabo Cards-kii.

Shiikh Umul oo ah sheikh ay Soomaalida Kenya ku Nool aad ugu xirantahay loogana danbeeyo dhina Diinta  ayaa Joojiyey sheekadii Quixtar-ka Kenya.

Run ahaantii shiikhu wuxuu caddeeyey in ay xaaraan maqdac ah ay tahay sheekdan oo saddexda nooc ee Ribaddu ay u dhantahay  taasoo aan aad uga naxay aniga oo ka mid ahaa dadka ku jiray sheekadan oo waliba booska 3 aad marayey oo lacagtu ii soo carfaysay balse dib danbe uma sii raadraacin, Sidoo kale hal mar ayey ISLII ka baxday oo la wayey wax xitaa sheegaya.

Waxaa arintaan ka horeyey ee Nairobi ka dhacday 1998-1999  sheeko tan oo kale ah oo uu watay nin Hindi ah oo dad aad u badan dhacay oo Soomaali ah, waxaan dhihi karaa Soomaalidii markaas joogtay Nairobi ee ganacsatada ahayd 80-90% way ku dheceen shirqoolkaas Hindigu Maleegay. Sheekadan oo ah sheeko inta badan Soomaalidu ka war qabto ayaa u baahan in wakhti gooni ah looga hadlo.

Waxan ummadda uga digayaa in ay ka fekeraan Marka hore oo waliba aysan fikirkooda kaliya  ku koobine ay Culumadda waaweyn la kaashadaan waxay diintu ka qabto. Haddii kale shirqoolka nagu dhacay haddaan nahay reer Nairobi ayaa idin helaya, SHirqookaan oo aan dhihi karo rag ruug caddaa ah ayaa dajiyey.

Mahad ILLAH baa leh ku dayashana Rusuulkeena ayaa mudan NNKH.

Sidoo kale waxaad Mahad iyo ammaan wayn u jeedinayaa bahda webside-kaan “somalitalk.com” oo run ahaantii anigu aan u arko qolo loo soo diray in ay Soomaalida ilaaliso. Waxaan idin leeyahay Howl wayn ayaad haysaane Howshiina ILLAH ha idiinla garabgalo.

Eeg Card-ka POOL... Guji Halkan...

AKhri qoraaladii "POOL"... Guji Halkan....

      WABILLAAHI TAWFIIQ 

ABDIDAHIR AWJAMA HIRSI (BLACK)
NAIROBI KENYA
Email:
dahir92@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2006


 



Quixtar saamayn intee le'eg ayey ku yeelatay Soomaalida daggan Maraykanka iyo Kanada, jawaabta ka AKHRI HALKAN >>> [Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"...]

Dumarka Soomaliyeed iyo "Quixtar"...]