SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SIR FAKATAY

"QUIXTAR OO GURIGAYAGII BURBURIN GAADHAY"


Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Q.4aad



SomaliTalk.com | April 6, 2006

  • Qoraalkan sidaas uu u qoran yahay waxaa SomaliTalk kusoo gaarsiiyey nin Soomaaliyeed oo magaciisa kusoo koobay Geelle.
Geelle iyo Xaaskiisa iyo Quixtar Wixii Kala Gaarey....

Marka hore waan idin salamay dhamaantiin salaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatuh.

Waxaa i soo jiitay qoraal cajaa'ib badan oo aad ka akhriyey SomaliTalk oo ku saabsanaa khiyaamada quixtar oo aad sifiicaan oo aan jeclaystay uga sheekayseen.
waxaan jeclahay in aan halkan idiiin ku soo gudbiyo aniga iyo xaaskayga iyo quixtar wixii na kala gaadhay.
 
Macayga waxaan ku soo koobayaa Geele waxaan deganahay California.

Waxay ahayd goor habeen ah mar aan ka imid jaamacada ayaan xaaskaygii u soo galay oo telephone ku hadlaysa oo aad u faraxsan markaas baan waydiiyey maxaa soo korday, waxay igu taabatay waynu taajiraynaa oo si deg dega ayeynu u taajiraynaa waxay ii sheegtay markiiba warka quixtar iyo sida fudud ee umad oo dhani uga taajirtay iyo sida aanu cidlada anagu u fadhino ee aanu nolosha ula rafaadsanahay. caajaa ib, ilaahay baa yaab ii keenay markiiba anigoon hadalkii dhamayn bay i tidhi: heblaayo ayaa igu xidhay ninkan (ninkuna wuxuu ka soo hadlayaa Minnesota oo waxaa la yidhaahdaa "Mahare" -ma ahan magaciisa asalka ah) wuxuu aad uga taajiray quixtar oo wuxuu sameeyaa 100,0000 oo dollar, ilaahaybaa yaab ii keenay, markaasay waliba ii raacisay: 4 saacadood oo qudha ayuu shaqeeyaa aad baan u sii yaabay.

Markiiba waxaan u sheegay xaaskayga in aanay wakhti iskaga lumin sheekadan waxan ina ay khayaali yihiin lagu siro dadka waayo anigu waan rumaysan waayey, xaaskaygii baa halkan ka qaylisay oo igu tidhi waxba iima ogolid, qayrkeen waa taajiray, ii ogolow in aan galo shaqadan.

Laba maalmood ka dib ayaa waxaa ila soo hadlay nin magaciisa ii sheegay, laakiin aan kusoo koobayo "Muruqmaal" oo Gobol kale iga soo garaacay, ninku waa nin aad u xiiqsan oo aad moodo in uu wax weyn ku waayayo hadii uu fikirkiisa kaa dhaadhicin waayo, sheeko ayaa na dhaxmartay wuxuu iiga bilaabay maxaad qabataa halkaad ka shaqaysaa, markaas baan u sheegay waxaan qabto iyo waxaan barto labadaba, wuxuu iigu bilaabay saaxiib horta nin dadaalaya ayaad tahay laakiin waxaan kuu hayaa meel ay ka dhawdahay oo deg deg laba sano wax ka yar aad kaga maarmayso shantan sano ee aad schoolka tagayso iyo shaqadan ku kadeeday ee kolba nin boss ahi kugu. Anigu aad baan u dhagaysnayaa bal ninkani wuxuu sheegayo intaa hadal kuma darsan waxna ma waydiin. kolba isaga oo aan hadalka dhamayn ayuu midkale badada kaga xidhaa.

Markaas baan waydiiyey: waar ninyahow adigu maxaad qaban jirtay ka hor intiii aadan ku biirin quixtar, wuxuu ii sheegay in uu lahaan jiray makhaayad oo uu iska iibiyey jaamacadna uu tagi jiray oo uu iska joojiyey.

Markaas baan waydiiyey oo maxaad jaamacada iskaga joojisay; kuyee lacagta aan ka samaynayo quixtar ayaa ka lacag badan doonta inta aan ka samayndoono 4sano kadib markaan qalin jabiyo. cajaa ib waaba yaabka yaabkii ilaahay yaab ii keen markaas baan waydiiyey oo imisa ayaad samayndoontaa wuxuu ii sheegay in aanay xadba bahashu lahayn oo ay ku xidhantahay kolba inta qof ee aad keentid. Habeenkii intaasi baanu ku kala tagnay.

Xaaskaygi baan ku noqday oo aan ku idhi waxad yeelaysaa warkan  ninkani wado iska dhaaf waa been. Ninka shan sano oo qudha joogay nimcadan uu soo helay ee umada maraykan oo dhami aanay ogayn waa ka shaki weyn.

Maalintii baan jaamacadii ku noqday si aan u hubiyo warkan quixtar waxaan waydiiyey arday aanu wax wada dhigano inta uu qosol u dhacay buu igu yidhi: waxaas ha rumaysan dadka minoratiga ah ee dalkan ku cusub  baa lacagta lagaga urusadaa.

 
QUIXTAR OO GURIGAYAGII BURBURIN GAADHAY

Waxaan ka soo istaagay warka quixtar, gabadhaydiina waxaaan u sheeegay in ay deg deg warkan uga hadho. Xaaskaygii waxayba soo taagantahay hadii aad ii diido guriguba halkaas buu ku burburayaa. Waxkasta oo aan u dhaqaaqo maxaad iiga hor istaagaysaa, meeshan lacagbaa taala oo soomalidii oo dhami way ka taajirtay , bal kaalay shirka (meeting-ka) ila tag maalin qudha wacdi baa xataa ka socda oo musheekhbaa joogtaa iyo dad diin leh iyo hablo wada xijaaban.

Waxay bilowday in ay tagto kulamadii (meeting) magaalada lagu qabto, waxay ii sheegtay in ay soomaalidu uga yimaadaan meelkasta oo ay Basaska waaweyn ku yimaadaan, xataa waxay ii sheegtay dumar uur leh oo jooga meetingka. Anigu marnaba ma tagin kulamada (meetingka) oo aad baan uga soo horjeeday wax qof inyar fikirayaa qaadan karona maaha. waxay bilowday markiiba in wax ka soo iibsato quixtar waxaa kaga baxay bishii ugu horaysay $500.00, waxaa looo soo celiyey $7.00 oo qudha.

Aniga waxaan sameeyo garan maayo, waatan balaayo anagoo bad qabna na soo gashay, waxaa la yidhi kulan (meeting) baa la tagayaa oo ka dhacaya long beach meel layidhaahdo oo LA u dhaw. Xaaskii waxay isa soo istaagtay waan tagayaa aniguna waxaan isa soo istaagay tagi maysid hadaad tagtana soo noqon maysid. waligay intaan maraykan joogay dhibaatada uu quixtar nabaday oo kale maan arkin wax i baday hadii ay noqoto dhaqaale ahaaan iyo  xataa xaaskaygii oo iga galaafan gaadhay.

 
Waxba yaanan hadal idinku daaline laba sano markii ay ku jirtay ee lacagtiina nagaga dhamaatay anigana laba arimood uun la i yidhi mid dooro ama ina kala kaxee ama iska aamus ama i caawi oo dee dad soo ururi. Aniguna aan doortay in aan iska aaamuso uun ilayn hadii kale dee reerku ha dumo caqli maahee.

Arriinta oo halkas taagan ayaan maalin dhawayd SomaliTalk.com furay Allaah-baan ku dhaartee aad baan ugu farxay warka aad ka qorteeed quixtar iyo khiyamadooda. Waxaan u akhriyey xaaskayga oo wali ku jirta oo aaminsan in ay taajiri doonto. Markii aan u akhriyey ayaa yaab ilaahay u keenay oo ay tidhi waa la i sixray. Halkiina waxay kaga hadhay quixtar iyo sheekadeedii.

miisaanAkhristoow waxaan kuu sheegayaa ogow in adiga marka hore lacag lagaa samaynayo oo aad adigu tahay macmiisha ugu horaysa, bal waxaad in yar ka fakirtaa inta kaaga baxaysa iyo inta aad helayso isku miisaan, Soomalidu waxay ku maahmaahdaa "WAX HA LAGUU SHEEGEE MAANKAAGA LA KAASHO", hadii aadan maaankaaga la kaashan adigaaba lagu iibsan doonaa.

 
Halkan waxaaan mahadnaq u soo jeedinayaaa walaalaha SomaliTalk, maansha Allaah, walaalayaal aad baad u mahadsantihiin. Maqaaaladan oo kalena faa'iido wayn bay dadka Soomalida ah u leeyihiin.

Salaamu Calaykum.

 


###

Nin kale oo akhiriyey qoraalka "Dumarka Soomaliyeed iyo "Quixtar:, ayaa yiri:

Waad ku mahadsan tihiin soo bandhigida aad soo bandhigteen qoraalka "Quixtar". Waxaan ka mid ahay, Dadka beenta loo sheegay, Lacagna waa la iga lunsaday, waxaa i helay Qalin Shubato. Arinta Quixtar  ee Telefishanadu ka hadleen dadka halooga digo.

###

Wixii talo iyo tusaalayn ah ee la xiriira arrintan waxaad kusoo hagaajin kartaan:
Email: webmaster@somalitalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | Khamiis Abriil 6, 2006


 


Quixtar saamayn intee le'eg ayey ku yeelatay Soomaalida daggan Maraykanka iyo Kanada, jawaabta ka AKHRI HALKAN >>> [Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"...]

Dumarka Soomaliyeed iyo "Quixtar"...]