SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

MAGACYADA DADKA RAYIDKA AH EE LA DILAY MUDDADII U DHAXAYSAY 22KA JULY 2005 – 20KA JULY 2006

Hay'adda xuquuqul insaanka ee Dr. Ismaciil Jimcaale oo soo saartey warbixin sanadedkeedii 2005 ta iyo 2006da ayaa sheegtey tirada dadka rayidka ah ee la diley oo ah 682 magacyadooda iyo meelihii ay ka kala dhaceen dilakaasi, waxeyna u qortey sida tan: 

26-kii july 2005, Marxuum Aadan Xuseen Barre oo lagu dilay Degmada Wanlaweyn oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose waxaana dilkiisa gaystay koox maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa qabiilka darteed. 

28-kii July 2005, Marxuum Axmed Xasan Barre ayaa lagu dilay Gudaha Magaalada Daafeed oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dilkiisa geystay ruux kale oo ay ku kala qeybsanaayeen taageerada laba kooxood oo ciyaartoy ah, dilkiisuna wuxuu ahaa mid si ula kac ah loo geystay. 

29-kii July 2005, Marxuum sheekh Axmed Muumin Haaruun oo ahaa khadiibka Masjika abuu Hureyra oo ku yaala agagaarka Suuqa qeyn ee Bakaaraha ayaa lagu dilay agagaarka xarutna Shirkadda NationLink ee xaafadda Xamar-Jadiid Degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay koox dabley ah, sababo qorsheysan oo aan la garan. 

30-kii July 2005, marxuum Maxamed Salaa(d) Cumar oo toban sano jir ah ayaa lagu dhexdilay dugsi quraan oo ku yiiley degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho. Waxaa dilkiisa gaystay koox maleeshiyo ah, oo goob ka agdhow dugsi quraanka isku rasaaseysay. 

31-kii July 2005, lix (6) caruur ah ayaa lagu dilay tuulada Baxdo oo ka tirsan Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud kuwaasoo ay dileen maleeshiyooyin sababo la xiriira haybtooda qabiilka, magacyada lixda caruur  ayaa kala ah: (1) Marxuum Cabdiwali Xuseen Axmed (2) Cabdi Xasan Axmed (3) Cali Xasan Axmed (4) Cabdi-salaan Xasan Axmed (5) Cabdi Aadan Cusaan iyo (6) Cabdi Axmed Aadan. 

1-dii August 2005, Marxuuminta kala ah (1) Ruqiyo Maxamed Cumar (Xeesheey) iyo (2) Luul Maxamed Baafow ayaa lagu dilay agagaarka xaafadda Via Liberia ee Degmada Waaberi Magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda geystay kooxo hubeysan, sababo la xiriira burcadnimo. 

9-kii August 2005, Marxuum Tahliil Shidane Maxamed ayaa lagu dilay xaaafada kaasa bobolaare oo ka tirsan degmada Hodan, waxaana dilkiisa geystay nin maleeshiyo ah oo ay meel ka wada shaqeynayeen, ka dib markii ay murmeen marxuumka iyo gacan ku dhiiglaha. 

10-kii August 2005, marxuum  Cabdifitaax Bagaase ayaa lagu dilay gudaha magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana dilkiisa geystay nin ku hubesnaa Toorey, sababo la xiriira aargoosi qabiil dartiis. 

13-kii August 2005, Marxuum Cabdulqaadir Nasir Maxamed oo ka mid ahaa beelaha aan hubeysneyn ayaa lagu dilay agagaarka Ex-Bangigii Ganacsiga iyo keydka Soomaaliyeed oo ku yiilay Degmada Shiingaani Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan sababo la xiriira lacagaha loo yaqaan leejada oo gaareysa Laba(2)-kun Sh.So. oo uu marxuumku ka madax adeygay bixinteeda.

16-kii August 2005, Marxuum Daahir Bocor oo ahaa darawal gaari Booyad Shidaal ayaa lagu dilay Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho, waxaa dilkiisa geystay koox burcad ah oo jidka u gashay, sababo la xiriira burcadnimo ah.

20-kii August 2005, Marxuum Saciid Cawaale oo ahaa darawal gawaarida BL­ka ee ka hawlgasha inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa lagu dilay jid gooyo tiilay agagaarka Degmada Afgooye, waxaana dilkiisa geystay nin maleeshiyo ah, sababo la xiriira lacagaha baada ah ee loo yaqaan Leejada oo marxuumku ka madax adeygay bixinteeda.

25-kii August 2005, Marxuumad Xaawa Cali ayaa lagu dilay agagaarka Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaa si kadis ah toorey ugu dhuftay nin burcad ah, ka dib markii uu si tuugaaleysi ah ugu soo dhacay guri ay ku nooleyd xilli habeenimo ah, sababo la xiriira burcadnimo

26-kii August 2005, Marxuum Saciid Muuse Cawaale ayaa lagu dilay Xaafada Kaasa-bobolaare ee Demada Hodan, waxaana dilkiisa geystay koox maleeshiyo ah, sababo la xiriira arrimo burcadnimo.

29-kii August 2005, Marxuum Yuusuf Axmed Garbow ayaa lagu dilay agagaarka wadada jidka Soddonka (30) ee Degmada Yaagshiid, waxaana dilkiisa ka dambeeyey kooxo hubeysan, sababo la xiriira burcadnimo.

31-kii August 2005, Marxuum Muxumad Xaaji Cumar Jees (Daqare) ayaa lagu dilay Xaafada kaasa bal-balaare, Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysan, sababo la xiriira burcadnimo.

11-kii September 2005, Marxuum Cumar Aadan Rooble ayaa lagu dilay deegaanka Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Degmada Jawhar, waxaana dilkiisa geystay koox maleeshiyo ah, sababo la xiriira aargoosi gabiil.

14-kii September 2005, Marxuum C/ladhiif Faarax Guutaale oo ka mid ahaa ilaalada Taliyaha Ciidamada Booliiska ee Maamul goboleedka Puntland, ayaa lagu dilay magaalada Garoowe, waxaa dilkiisa geystay nin kale oo ka tirsan ciidamada Booliiska, sababo lagu macneeyey rasaas si kama ah ugu dhacday.

21-kii September 2005, Marxuum Jaamac Cabdi Cali ayaa lagu dilay agagaarka Suuqa Xoolaha ee Degmada Huriwaa Magaalada Muqdisho, sababo la xiriira ka dib markii ay ku dhaceen rasaas ay is-weydaarsanayeen laba kooxood oo maleeshiyo ah oo halkaas ku sugnaa.

24-kii September 2005, Marxuum Yuusuf Xasan Calasow (Yuusuf Tarbuush) oo ka tirsanaa Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa lagu dilay agagaarka Suuqa weyn ee Degmada Shibis, Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay kooxo maleeshiyo ah, sababo burcadnimo ah awgeed.

25-kii September 2005, Marxuum Cismaan Ducaale Geelle oo ahaa agaasimihii Garoonka Diyaaraha No.50 oo ku yaala Gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu diley gudaha garoonka waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah oo ka mid ah ilaalada Garoonka.

25-kii September 2005, Marxuum Ciise Macallin Cabdulle oo ahaa ganacsade in muddo ah ku afduubnaa magaalada muqdisho oo kooxihii afduubka ku haystey, meedkiisa ayaa lagu arkey isagoo yaala agagaarka jidka warshadaha ee magaalada mugdisho, dilka marxuumka ayaa yimid kadib markii afduubayaashu ay dalbadeen in la siiyo lacag madax furasho ah taasoo ay diideen ehelada marxuumka.

28-kii September 2005, Marxuum Kuube Nuure Xersi ayaa lagu dilay deegaanka Qaab Yaxaas oo ka tirsan Degmada W/Weyn ee G/Shabeelaha Hoose, waxaana dilkiisa geystay kooxo maleeshiyo ah oo u galay wadada gaari uu marxuumku waday, sababo la xiriira burcadnimo.

29-kii September 2005, Marxuumad Khadiijo Caddow ayaa lagu dilay agagaarka wadada Sanca ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda geystay koox maleeshiyo ah oo ku soo weerartay goobteeda ganacsi, sababo la xiriira burcadnimo darteed.

2-dii October 2005, Marxuum Barre Xasan Axmed Carabow oo ahaa muruqmaalka ka xamaasha gudaha Magaalada Kismaayo ayaa lagu dilay agagaarka Suuqa weyn ee magaalada Kismaayo, ka dib markii ay ku dhaceen rasaas ay is-weydaarsanayeen laba kooxood oo maleeshiyo ah oo halkaas ku sugnaa.

3-dii October 2005, Marxuum Maxamed Mursal Abuukar oo ka mid ahaa ganacsatada Gobolka Bay ayaa lagu dilay gudaha Magaalada Baydhabo, waxaana dilkiisa ka dambeeyey kooxo hubeysan oo dhac u geysanayey, sababo burcadnimo awgeed.

3-dii October 2005, Marxuum Maxamuud Muuse Curaage oo ahaa madaxa nabadgelyada hay'ada qaramada midoobey ee Gobolka Jubada Hoose, oo lagu diley Magaalada Kismaanyo, waxaana dilkiisa gaystey Koox maleeshiyo abaaulan ah oo aan la garan ujeedada ay u dileen.

7-dii October 2005, Marxuum G/SARE MAXAMED MAXAMUUD RAAGE (Raage Coon) ayaa lagu diley Xaafada Tubaweyne oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, marxuumka ayaa waxaa dilkiisa gaystey laba nin oo maleeshiyo ah oo ku hubaysan bastoolado, kuwaasoo ay wajiyadooda soo dabooshey markii ay dilkiisa gaysanayeen.

8-dii October 2005, Marxuum Cabduqaadir Aweys Sheekhuna (Nuuraani) oo ahaa ganacsade kana soo jeeda beelaha aan hubaysneyn ayaa lagu diley gudaha Dukaan ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Baraawe, oo ka tirsan Gaobolka Shabeelada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo burcad ah oo dhacay dukaanka marxuumka dhimashadiisa kadib.

11-kii October 2005, Marxuum Cabdi Axmed Nuur (Cabdi yare) oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley gurigiisa oo ku yaaley Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo sababo aargoosi qabiil ah darteed.

12-kii October 2005, Marxuum Farxaan Maxamed Kulane ayaa lagu diley Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo muran dhexmarey.

15-kii October 2005, Marxuum Cabdirashiid Cumar Dubad ayaa lagu diley Xarunta taraafikada ee Magaalada Boosaaso waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo ka tirsan xarunta taraafikada oo uu muran dhexmarey, marxuumka ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo kirishboow ka ah mid ka mid ah baabuurta magaalada boosaaso ka shaqaysa.

15-kii October 2005, Marxuum Cabdi Xaaji ayaa lagu diley Tuulada Waambe oo ka tirsan Wan-laweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa qabiilka darteed.

16-kii October 2005, Marxuum Caydiid Xirsi wardheere oo da'diisu ahayd 12­sano jir ayaa lagu diley Xaafada Suuqa xoolaha ee Degmada Huriwaa Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo rasaas ku kala celinayey reero isdagaaley oo deegaankaa ku nool, rasaasii ay ridayeen ayaana ku dhacdey marxuumka keenteyna dhimashadiisa.

16-kii October 2005, Marxuumad Caasha Xasan Tiiroow ayaa lagu diley Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda gaystey Nin maleeshiyo ah oo xilli habeen ah ugu yimid gurigeeda kaasoo damcey inuu kufsado sida ay sheegeen dadka dariskeeda ah, laakiin marxuumada ayaa diidey falkaas xadgudubka weyn ah kadibna ninkii maleeshiyada ahaa ayaa isla goobtii ku diley marxuumada.

17-kii October 2005, Marxuumad Xaawo Maxamed Caadle ayaa lagu diley Xaafada Siinaay ee Degmada Wardhigley ee Magaalada Muqdisho, marxuumada ayaa lagu diley goobteeda ganacsi waxaana dilkeeda gaystey nin ay sheeko wadaag ahaayeen oo ku diley midi sababo la xiriira maseyr darted sida ay sheegeen dadka deegaanka.

22-dii October 2005, Marxuum Nuur Eelaay ayaa lagu diley Xaafada Waaberi ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo uu muran turub ay ciyaarayeen dhexmarey.

23-kii October 2005, Marxuum Dr. Cabdikheyr Maxamed Aadan ayaa lagu diley Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darteed, marxuumka ayaa ka mid ahaa takhaatiirta ka howlgasha magaalada kismaanyo.

29-kii October 2005, Marxuum Cumar Sheekh Xuseen ayaa lagu diley Xaafada Towfiiq oo ka tirsan Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaysatey xaaskiisa oo dilkiisa u adeegsatey faas ay madaxa kaga dhufatey, dhimashadiisa kadib ayaa dadka deegaanka qabteen xaaskiisa waydiiyeena sababta ku xambaartey iney disho ninkeeda waxayna sheegtey in ay u leedahay 3-caruur ah oo uu san biil siinin isla markaana uu mar kasta dili jirey, marxuumka iyo xaaskiisa ayaa ka mid ahaa dadka soo barakacey.

30-kii October 2005, Marxuum Cabdishukri Macalim Axmed Xasan ayaa lagu diley Xaafada Blacksea oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Koox maleeshiyo abaaulan ah oo aan la garan ujeedada ay u dileen, marxuumka ayaa ahaa Gudoomiyaha urur siyaasadeed la yiraahdo USA/PA, wuxuuna ka mid ahaa ergooyinkii ka qaybgaley shirkii dib u heshiisiinta ee Dalka Kenya lagu gabtey.

6-dii November 2005, Marxuum Cali Cabdi Xaaji oo ahaa wiil dhalinyaro ah ayaa lagu diley Xaafada fungal oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada. Muqdisho, Marxumka oo ka soo jeedey beelaha aan hubaysneyn waxaa dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah oo marxuumka sigaar uu haystey waydiistey inuu siiyo taasoo uu diidey, taro uu ka caroodey diidmadaas uu sameeyey marxuumka ayaa keentey inuu ku dilo bastoolad.

12-kii November 2005, Marxuum Qadar Cismaan Cilmi Bogore ayaa lagu diley xaafada Taleex ee Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah mana la garan u jeedada ay u dileen, marxumka ayaa waxaa dhalay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka soomaaliya.

15-kii November 2005, Marxuum Daahir Ibraahim Cabdi ayaa lagu diley Gurigiisa oo ku yaaley xaafada Taleex ee Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah, mana la garan u jeedada ay u dileen, marxxumka ayaa lahaa madbacad la yiraahdo Dahir Rrinting oo samaysa galalka iyo daabacaada buugaagta.

18-kii November 2005, Marxuum Cali Madkeer Sharma'arke ayaa lagu diley Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darteed.

19-kii November 2005, Marxuum Cabdullaahi Aadan ayaa lagu diley beertiisa 0o ku tiiley Tuulada Xagarkaa oo ku dhow Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darteed.

19-kii November 2005, Marxuum Maxamed Cabdiraxmaan Cusmaan ayaa lagu diley agagaarka warshada caanaha oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey xilli habeenimo ah koox maleeshiyo ah mana la garan sababta ay u dileen, marxuumka ayaa ahaa sarkaal Bare oo ka tirsanaan jirey Ciidankii Xoogga Dalka soomaaliyeed.

21-kii November 2005, Marxuumiinta kala ah: 1. Xaaji Saalax Xaaji Ibraahim Xaaji Cali Iyo Abuukar Xaaji Xasan Xaaji Cali ayaa iyagoo la gowracay meedkooda lags helay Agagaarka warshada kabka oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda gaystey koox maleeshiyo ah oo aad u naxariis daran sababo aan la garan darteed, marxuumiinta ayaa ka soo jeedey beelaha aan hubaysneyn ee ku nool Muqdisho, waxaana dilkooda gaystey koox maleeshiyo ah.

25-kii November 2005, Marxuum Cali Xaaji maxamed Xaaji Cali ayaa ku geeriyoodey cisbitaalka Keysaney oo ku yaala magaalada Muqdisho, marxuumka ayaa horey u dhaawaceen koox maleeshiyo ah oo dooneysey iney dilaan kadib markii ay soo qafaasheen isaga iyo laba walaalihiisa ah oo horey loo diley, waxaana dilkisa gaysatey isla kooxdii maleeshiyada aheyd ee dishey walaalihiis.

25-kii November 2005, Marxuum Maxamed Xasan ayaa lagu diley ayaa lagu diley Xaafada Blacksea oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Koox maleeshiyo oo doonaysey iney ka dhacaan mobel telefan uu watey.

28-kii November 2005, Marxuum Ax-med Saciid Cumar (Axmed Daahir) ayaa ku geeriyoodey isbitaalka madiina ee magaalada muqdisho 0o dhaawac ahaan loo geeyey ka dib markii ay dileen koox maleeshiyo ah oo isi soo qariyey, marxuumka ayaa ka mid ahaa shaqaalaha Hey'adda INTERNATIONAL AID SERVICE (IAS) ee magaalada Muqdisho.

3-dii December 2005, Marxuum Axmed Wali Xaaji ayaa lagu diley Xaafada Jamhuuriya oo ka tirsan Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Koox maleeshiyo 0o doonaysey iney ka dhacaan kuwaasoo marxuumka ku diley midi. 

14-kii December 2005, Marxuum Farxaan Cabdullahi oo ahaa darawal baabuur ayaa lagu diley Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darteed.

15-kii December 2005, Marxuum Qaasim Shariif Cabdullahi oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxaana dilkiisa gaystey nin ay walaalo ahaayen oo uu dhexmarey muran dhaqaaleed. 

17-kii December 2005, Marxuum Xasan Nuur Bidixey ayaa lagu diley Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada yaagshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo khilaaf uu dhexmarey.

18-kii December 2005, Marxuumad Khaali Xasan Maxamuud ayaa lagu diley Xaafada Suuqa Bacaad oo ka tirsan Degmada yaagshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda gaystey nin maleeshiyo a4n oo ka dalbadey iney xiriir yeeshaan taasoo ay marxuumada ka diidey .

18-kii December 2005, Marxuum Cabdullahi Cali Salaandheere ayaa lagu diley Agagaarka Xalane oo ka tirsan Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho, marxuumka ayaa haystey dhalashada Dalka Sweden oo uu ka yimid, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah sababo burcadnimo awgeed.

20-kii December 2005, Marxuum Daahir Maxamed Cabdi ayaa lagu diley xaafada taleex oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah sababo burcadnimo awgeed.

20-kii December 2005, Marxuum Shariif Maxamed Rooble oo ahaa Taliyihii Ciidamada ee Maxkamada Islaamiga ah ee Shirkole ayaa lagu diley Xaafada Buulo-xuubey oo ka tirsan Degmada Madiina ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo gaari ay dhaceen uu doonayey marxuumku inuu ka soo celiyo

21-kii December 2005, Marxuum Maxamed Xasan Cali (Baariyoow) ayaa lagu diley agagaarka Ex shirkada Barakaat oo ka tirsan Degmada Howl-wadaag ee .Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah sababo burcadnimo awgeed.

23-kii December 2005, Marxuum Cabdixamiid Cabdullahi Macallin Yuusuf (Dhagacaleen) oo ahaa Ganacsade ayaa lagu diley Tuulada Balanbal-Oomane 0o ka tirsan Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo haybtiisa gabiilka darteed.

24-kii December 2005, Marxuum Carab Macallin Xasan ayaa lagu diley goobtiisa ganacsi oo uu ku lahaa Xaafada Taleex oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo haybtiisa gabiilka darteed.

27-kii December 2005, Marxuum Xasan Xaaji Maxamed Nuur oo ahaa Ganacsade ayaa lagu diley Suuqa Dermooley oo ku yaala Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darteed.

28-kii December 2005, Marxuumad Xaliima Sheekh Muuse ayaa lagu diley Goobteeda Ganacsi oo ku tiiley Suuqa Maanabolyo 0o ka tirsan Degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda gaystey nin ay daris ahaayeen uu muran dhexmarey kaasoo marxuumada dilkeeda u adeegsadey midi uu ku gowracey. 

14-kii January 2006, Marxuum Sheekh Baashi Abshir Diiriye (Geesdiir), ayaa lagu diley Agagaarka KM 4 0o ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah oo ay ku murmeen kirada guri uu marxuumka wakiil ka ahaa.

20-kii January 2006, Marxuum Gaashaanle; SALAAD CALI DHOORE (Tima jilac) ayaa lagu diley degmada wardhigley ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo aan la garan darted, marxuumka ayaa ka mid ahaa Ciidamada Cirka Soomaaliya.

21-kii January 2006, Marxuum CORNEL; MAXAMED XASAN MAXAMUUD (Cadaawe) ayaa lagu diley wadada terebuunka, Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaysatey labs maleeshiyo ah o0 marxuumka ku dishey baabuur rakaabka ah oo uu saarnaa, marxuumka ayaa ka mid ahaa Ciidamada Boliiska Soomaaliya.

21-kii January 2006, Marxuum CORNEL; CALI XAAJI MAXAMUUD (Cali weyne) ayaa lagu diley galgalato, Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaysatey nin labs maleeshiyo ah oo sababo aan la garan darted ka mid ahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

24-kii January 2006, Marxuum Xasan Calasoow ayaa lagu diley agagaarka ceelka cali geedi oo katirsan Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira burcadnimo darted.

29-kii January 2006, Marxuum Injineer cabdugaadir xirsi Dheere ayaa lagu diley meet 20km dhinaca waqooyi uga began Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darted.

6-dii February 2006, Marxuum Khadar Maxamuud Cusmaan ayaa lagu diley Magaalada Boosaaso ee Gobolka waqooyi bari, waxaana dilkiisa gaysatey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darted.

8-dii February 2006, Marxuum Farxaan Xaashi Yuusuf ayaa lagu diley Magaalada Boosaaso ee Gobolka waqooyi bari, waxaana dilkiisa gaysatey koox maleeshiyo ah oo soo weerartey si ay u dhacaan shirkad xawaalad oo la yiraahdo Dalsan oo uu marxuumku markaas uu falka dhacayey joogey.

11-kii February 2006, Marxuum Xuseen Booroow ayaa lagu diley xaafada caymiska oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, marxuumka waxaa dilkiisa gaysatey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darteed.

11-kii February 2006, Marxuum Cabdimaalik Xuseen Caraaye oo ahaa wiil yar oo afar sano jir ah ayaa lagu gowracey agagaarka gurigooda oo ku yiiley saldhiga Booliska, Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, lama agoonsan cida ka danbeysey dilka wiilka, wuxuuna ku geeriyoodey cisbitaalka madiina oo dhaawac ahaan loo geeyey.

19-kii February 2006, Marxuum Cornel: Maxamed Cabdi Xuseen oo ahaa taliyeha saldhiga booliiska Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka sool ayaa la diley, marxuumka waxaa dilkiisa gaystey nin ka tirsan Ciidamada maleteriga sababo aan la cadeyn darteed, waxaana taariikhdu Markey aheyd 27-kii febraayo ayaa gacan ku dhiiglihii diley oo la oran jirey Nuux Diiriye Muuse ay Maxkamad ku taala deegaanka uu dilka ka dhacay oo hoos taga Maamulka Somaliland ku fulisey dil toogasho ah oo ay ku xukuntey.

21-kii February 2006, Marxuumiinta kala ah: 1.Bashiir Cabdullaahi, 2. Cabdiqani Xuseen Jaamac iyo 3. Sahra aadan qaadi ayaa u geeriyoodey madfac ku dhacay iyagoo ku sugan gurigooda oo ku yiiley Xaafada Geed­jaceel oo ka tirsan Degmada Wardhigley ee Magaalada Muqdisho, waxaana madfacaasi soo ridey kooxaha ku dagaalamayey agagaarka kulliyada Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

24-kii February 2006, Marxuum Cabduqaadir Axmadey ayaa lagu diley Xaafada Juungal, degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaa dilkiisa Gaystey laba maleeshiyo ah oo ku hubaysan bastoolado kuwaasoo doonayey iney marxuumka ka dhacaan Tel Mobile ah oo uu lahaa.

1-dii March 2006, Marxuum Saciid Axmed Sangab oo ahaa taliye xigeenka maleeshiyada wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta maleeshiyooyinka iyo Xaaskiisii marxuumad Saynab Cubeyd Faraj ayaa lagu diley xilli habeenimo saqdii dhexe ah gurigooda oo ku yiiley xaafada carafaad ee degmada yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkooda gaystey koox maleeshiyo abaabulan ah sababo aan cadeyn darted.

2-dii March 2006, Marxuum Cali shire Maxamed ayaa lagu diley magaalada Marka ee Gobolka shabellada Hoose waxaana dilkiisa gaystey maleeshiyo is rasaasayneysey, xabadihii ay isku ridayeen ayaana sababtey geerida marxuumka.

8-dii March 2006, Marxuumad Nimco Nuur lagu diley xaafada Suuqa Xoolaha oo ka tirsan Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho, marxuumada waxaa gowracey ninkeeda mans la sheegin sababta ku xambaartey falkaas jariimada weyn ah ee uu kula kacay xaaskiisa.

9-kii March 2006, Marxuum Maxamed Salaad Diini (Doolaal) ayaa lagu diley Degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, Marxuumka waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo aan la cadeyn darteed.

·   12-kii March 2006, Marxuum Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Ilaaq ayaa lagu diley Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal, marxuumka waxaana dilkiisa gaystey Nin adeerkiis ah oo ay ku murmeen arimo dhuleed, waxaana gacan ku dhiiglaha qabtey ciidamada boliiska ee Maamulka Puntland waxaana lagu xirey xabsiga magaalada Garoowe.

12-kii March 2006, Marxuum Maxamed Farax Madobe oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley Buundada Liigliigato eek u taala magaalada baladweyn ee Gobolka Hiiraan, marxuumka waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darteed.

13-kii March 2006, Marxuum Cusmaan Sheekh Ibraahim ayaa lagu diley Xaafada Kaasa-Balbalaare oo ka tirsan. Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah ku diley bastoolad xilli uu marxuumka ka soo baxay masjid uu ku soo tukadey salaada ceshaha, marxuumka ayaa ka tirsanaa ururada bulshada qaasatan shagaalaha hay'adda HARDO oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

16-kii March 2006, Marxuum G/Dhexe Abuukar Maxamed Xuseen (Abuukar Dheere) ayaa lagu diley Xaafada Towfiiq oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey laba nin oo maleeshiyo ah mana la garan sababta ay dilkiisa u gaysteen, marxuumka ayaa ka mid ahaa saraakiisha Ciidamadii hove ee Badda.

18-kii March 2006, Marxuum Diinoow Xuseen oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley magaalada baydhabo ee Gobolka bay, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo doonayey inuu lacag baad ah ka qaato gaari uu lahaa marxuumka, waxaana ninkii dilka gaystey soo qabtey ciidamada nabadgelyada ee magaalada baydhabo.

23-kii March 2006, Marxuum Cabdi Cali Cilmi (Cabdi Dheere) oo ka mid ahaan jirey ciidamada boliiska ayaa lagu diley Gaari uu la socdey oo marayey wadada caymiska oo ka tirsan Degmada yaagshiid ee magaalada muqdisho waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo isgarineysey kuna hubaysneyd bastoolado lama garan sababta ay dilka u gaysteen.

1-dii April 2006, Marxuum Cabdullahi Xasan Hadaafoow oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo ka dhacaysey mobelle telfoon oo uu marxuumku lahaa.

2-dii April 2006, Marxuum Cali Abshir Xaaji ayaa lagu diley Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, Waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah o0 deegaankaas ku sugan sababo burcadnimo darteed.

6-dii April 2006, Marxuum Cali Maxamed Gaabow (Cali Haamey) ayaa lagu diley Degmada kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darteed.

12-kii April 2006, Marxuumad Saynab Cumar barre ayaa lagu diley magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada hoose, waxaana dilkeeda gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira burcadnimo darted. 

15-kii April 2006, Marxuum Cabdirisaaq Maxamed Kulan ayaa lagu diley wadada warshada agagaarka Xaafada caymiska, Degmada Yaagshiid ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah oo ku weerarey gaari bas uu saarnaa sababo burcadnimo darteed.

17-kii April 2006, Marxuum Cali Yuusuf Cabdulle oo ka soo jeedy beelaha aan hubaysneyn ayaa lagu diley agagaarka Suuqa bakaaraha oo ka tirsan Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo burcadnimo darteed.

23-kii April 2006, Marxuum Cusmaan Aawow Cadaamoow ayaa lagu diley Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho, Waxaana dilkiisa gaystey labs koox oo maleeshiyo ah oo dagaalamey xabadihii ay is weydaarsanayeen ayaana ku dhacdey marxuumka oo goobtaa ka agdhawaa.

7-dii May 2006, Marxuumiinta kala ah; Cabdicasiis Axmed Ibraahim oo ka tirsanaa Booliiska Magaalada Boosaaso iyo Maxamed Daahir Axmed oo ahaa rayid ayaa lagu diley Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, waxaana dilkooda geystey koox maleeshiyo ah oo gaari soo dhacdey iyo boliiska kuwaasoo ku dagaalamey magaalada boosaaso.

8-dii May 2006, Marxuumiinta kala ah; 1. Cali kuusoow Maxamed 2. Ayaan Xasan Cali-oo da'deedu aheyd 2-sano jir, 3. Cismaan Xasan Cali oo da'diisu aheyd 8-sano jir ayaa ku geeriyoodey Gurigooda oo ku yaalla Xaafada Juungal, degmada yaaqshiid ee magaalada muqdisho kadib markii madfac uu ku dhacay kaasoo ka yimid kooxaha ku dagaalamayey magaalada muqdisho ee isbahaysiyada ladagaalanka argagixisada iyo midowga maxkamadaha islaaamiga ah, iyadoo Fardowsa cabdi cali oo qaoyskaas ka tirsana ay labada lugood uga go'dey, qaar kaloo qoyskaas ka tirsana ay ku dhaawacmeen.

13-kii May 2006, Marxuum Guuyoow Ismaaciil Mxamed ayaa lagu diley Tuulada Gaanjaroon oo ku dhow magaalada kismaanyo ee Gobolka Jubada Hoose waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo ku sugnaa deegaankaas oo uu iska hor-imaad u dhaxeeyey, marxuumka ayaa ahaa gudoomiyaha tuulada lagu diley.

14-kii May 2006, Marxuum Maxamed Cabdi Xaaji Xuseen ayaa lagu diley Magaalada Baladweyn ee Gobolka Hiiraan Waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira haybtiisa gabiilka darteed.

16-kii May 2006, Marxuum Cali Maxamuud Xaayoow ayaa lagu diley xaafada fungal oo ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho, Waxaana dilkiisa gaystey Wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Awees Cali Maxamuud oo isna ay dileen maleeshiyo deegaanka ah ka dib markii uu sii diley nin kale oo ka tirsan dadka xaafada degan oo isku dayayey soo qabashadiisa, waxaa la sheegey in wiilka iyo aabihii uu dhexmarey muran aad u xoogan oo keeney in ay dhacaan falalkan dilalka ah.

17-kii May 2006, Marxuum Cali Sheekh Cadde. (Cali Cadey) ayaa lagu diley Wadada u dhaxaysa Daynuuney iyo Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, marxuumka oo la socdey gaari rakaab ah oo wadada marayey waxaa dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo ay isbaaro u tiiley wadada sababo burcadnimo darteed.

22-kii May 2006, Marxuum Maadey Cadaani Xaaji ayaa lagu diley Tuulada ugunji oo ka tirsan Degmada Janaale ee Gobolka shabeelada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah oo xilli habeenimo ah ku weerartey gurigiisa, sababo la xiriira burcadnimo darteed.

23-kii May 2006, Marxuum Shiine Warsame Cali (Tiire) ayaa lagu diley Xili habeenimo ah agagaarka gurigiisa oo ku yiiley xaafada Farjano oo ka tirsan Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey laba Nin oo maleeshiyo ah oo wajiyada u qarsoonaayeen watey gaari markeyt ah, mana cada sababta ay u dileen marxuumka.

25-kii May 2006, Marxuumad Maka Xuseen Maxamuud ayaa lagu diley agagaarka sanca, Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda gaystey kooxaha ku dagaalamayey magaalada muqdisho ee isbahaysiyada ladagaalanka argagixisada iyo midowga maxkamadaha islaaamiga ah oo xabadihii ay isweydaarsanayeen ay ku dhacdey marxuumada oo ku sii jeeda gurigeeda o0o deegaankaas ku yiiley.

25-kii May 2006, Marxuum Xasan Yuusuf Maxamed oo ahaa will ardey ah ayaa lagu diley Xaafada Kaasa-balbalaare oo ka tirsan Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho,' waxaana dilkiisa gaystey kooxo maleeshiyo ah oo ku dagaalamey deegaankooda kuwaasoo xabadihii ay isweydaarsanayeen ay ku dhacdey marxuumka.

27-kii May 2006, Marxuum Axmed Muuse oo ahaa ganacsade ayaa lagu diley Suuqa Bakaaraha oo katirsan Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho waxaana marxuumka dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira burcadnimo darteed. 

27-kii May 2006, Marxuumad Canab Siyaad ayaa lagu diley Xaafada Xali ma hiite oo ka tirsan Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkeeda gaystey kooxaha ku dagaalamayey magaalada muqdisho ee isbahaysiyada ladagaalanka argagixisada iyo midowga maxkamadaha islaaamiga ah oo madaafiicda ay isweydaarsanayeen ay madaxa ka jartey iyadoo marxuumadu ku sugan gurigeeda, marxuumada ayaa lahayd sideed caruur ah.

2-dii June 2006, Marxuumiinta kala ah Awees Maxamed Abuukar iyo Maslax Nuur Eelay ayaa ku geeriyoodey qarax bam oo la dhigey rug lahu sameeyo jalaatada oo ku taala Xaafada yuusuf  alkowneyn oo ka tirsan Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho, lama aqoonsan cidii ka danbeysey dhigida bamkaas gaystey dhimashada marxuumiintaas.

9-kii June 2006, Marxuum Malaaq Seemoow Malaaq Cabdi Garuun ayaa lagu diley Magaalada 6aydhabo "waxaana: dilkiisa gaystey kooxo maleeshiyo ah- oo dagaalamey kuwaasoo uu malaaqu kala celinayey waxaana ku dhacay marxuumka xabadihii ay isweydaarsanayeen labadaas kooxood ee dagaalamayey.

20-kii June 2006, Marxuum Bashiir Baanoow ayaa lagu diley duleedka magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, marxuumka oo ahaa ganacsade waxaana dilkiisa gaystey koox maleeshiyo ah sababo la xiriira burcadnimo darteed.

23-kii June 2006, Wariye Martin Adler, oo u dhashey dalka Sweden una shaqeynayay Taleefashinka Channel 4 ee xaruntiisu tahay Dalka Ingiriiska ayaa agu diley fagaaraha terbuunka ee magaalada muqdisho 0o uu markaas ka socdey banaanbax lagu taageerayey midowga maxkamadaha, lama si dhab cidii gaysatey dilkiisa.

24-kii June 2006, Marxuum Jeesoow Cabdule Colow ayaa lagu diley Xaafada Xamar Jadiid oo ka tirsan Degmada Wardhigley ee Magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa gaystey Nin maleeshiyo ah oo aan la garan ujeedada uu u diley marxuumka oo ka soo jeedey beelaha aan hubesneyn eek u nool' Magaalada Muqdisho.

27-kii June 2006, Marxuum Suldaan Maxamuud Cusmaan Magan oo ahaa hogaamiye dhaqameed dadka uu ka soo jeedo ay si wada jir ah u caleemo saarteen ayaa lagu diley Magaalada Badhaadhe oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxaana dilkiisa gaystey nin maleeshiyo ah oo ka soo horjeedey caleemo saarka dhinaca dhaqanka ah ee marxuumka.

5-tii July 2006, Marxuumiinta kala ah Maxamed Xirsi Dhoore iyo Sahro Axmed Indhaweyne ayaa koox maleeshiyo' ah oo hoos tagta maxkamad islaami ah oo ka furan Magaalada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud ay ku dileen goob ay ku daawanayeen Ciyaaraha Aduunka ee kubada cagta.

SHAXDA XADGUDUBYADA SANADKA 22-KII JULY 2005- 20-KA JULY 2006

TAARIIKHDA

TIRADA XADGUDUBYADA SHARAFTA OFNIMO

TIRADA ISTICMAAL XOOG SIYAADO AH

 

22 -31 July 2005

7

9

17

 

1-31 Au ust 2005

10

 

1-30 September 2005

8

12

20

1-31 October 2005

16

 

1-30 November 2005

7

19

1-31 December 2005

12

10

 

1-31 Januar 2006

17

15

1-28 Februar 2006

40

68

 

1-31 March 2006

26

28

 

1-30 April 2006

21

40

 

1-31 Ma 2006

46

70

 

1-30 June 2006

29

44

 

1-20 July 2006__

26

65

 

ISUGEYN

265

417

 

ISUGEYNTA GUUD DADKA LA DILEY WAA:

682- Qofood

 

 

TAARIIKHDA

TIRADA LA FARAXUMEEYEY

TIRADA LA AFDUUBAY

 

22 -31 Jul 2005

2

2

 

1-31 Au ust 2005

1

2

 

1-30 Se tember 2005

2

1

 

1-31 October 2005

3

2

 

1-30 November 2005

2

1

 

1-31 December 2005

1

2

 

1-31 3anua 2006

2

1

1

1-28 Februa 2006

3

1-31 March 2006

2

1

 

1-30 A ril 2006

1

3

 

1-31 Ma 2006

1

1

 

1-30 June 2006

0

0

 

1-20 Jul 2006

0

0

 

ISUGEYN

20

17

 

 Waxaa soo tebiyey

JiisowMuuse Maxamuud Jiisow

Somali39@hotmail.com

Muqdisho Somalia

002521576666 / 002521653623

LINK::: www.somalitalk.com/2006/muqdisho/muqdisho.html

Faafin: SomaliTalk.com | July 24, 2006



Muqdisho iyo Maanta: Barxaddii Baarlamaankii Cusbaa iyo Seyd Maxamed C/dulle Xasan



Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD