SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


Bosaso: Madaxwaynaha Puntland oo ka soo dagay Bosaso.

Madaxwaynaha Puntland ayaa duhuradii  May 11, 2007 ka soo dagay gagida diyaaradaha ee Magaalada Bosaso halkaasi oo uu markii horeba uga anbabaxay Emaaraadka carabta dalka oo colaad ku jira.

Madaxwaynaha ayaa in mudo ah ku maqnaa Emaaraadka intii uu ku maqnaa halkaasina wax war ah oo saxaafada la sii yaya ma jirin oo ku saabsan safarka madaxwaynaha matalaya umada Puntland.

Puntland Batrool mise maaweelo
Puntland iyo Batroolka: Waxqabad Rasmi ah mise Maaweelo... Akhri

Sida lala socdana madaxda puntland inta badan ma shaaciyaan safaradooda xiliga ay tagayaan iyo waxa uu ku saabsan yahay balse waxaa laga war helaa oo kaliya mas'uulkii waa tagay ama waa yimid sidoo kalena lama shaaciyo xiliga uu yimaado wixii safarkiisa u qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin intaba taasina waxay gaabis ku tahay ama ay maja xaabinaysaa mas'uuliyada waajibka ah ee umada uu xilka u hayo uu uusan uga warbixin safarkiisa islamarkaana ka sii niyad jabaysa mar ba marka ka danbaysa.

Sida laga wada warqabana cade muuse waxa uu dalka ka tagay iyada oo ay ka jirto colaad ka imaanaysay dhinaca waqooyi galbeed ee Somaliland kuwaasi oo mar walba ku dooda dhulka Gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn oo ay si toos ah puntland iminka u maamusho, Madaxwaynuhu isaga ayaa ah Taliyaha Malatariga Puntland balse Jagadaas uu hayo madaxwaynuhu kama soo bixin oo waakan dalkii baylah dhigay isaga oo aan cid kale u magaacbina ka dhoofay.

Si kastaba ha ahaatee Maqnaanshaha Madaxwayne Cade Muuse ee mudada bisha ku dhaw ayaan la tabin waxaana is waydiin mudan Golaha wasiirada oo marka uu cade muuse tago iyagauna baylah dhiga waajibaadkoodii loo dhiibtay islamarkaana ku tagri fala hantida umada ee loo wakiishay.

Madaxwayne Cade Muuse markii uu gaaray Madaxtooyada Bosaso waxa uu shir jaraa'id oo aan saxaafadu su'aalo waydiin ku qabtay Xarunta madaxtooyada waxana uu sheegay in Puntland ay mar walba ku sii tilaabsanayso horumar kuwa doonaya in ay khal khalgaliyaan talaabo sharci ah laga qaadi doono, Hadalkaas oo dadbadan ay liqi kariwaayeen iskadaa bulshadee saxaafadii meesha fadhiday ayaa isaga huleeshay meshii hadalkaas dartiis.

Nabadoon Axmed Diiriye Yuusuf oo aan wax ka waydiinay horumarka madaxwynuhu sheegayo ayaa yiri malaha horumar waxa uu u yaqaanaa safarka diyaarada oo marba meeshii la doono loo raacayo,

Sidoo kale Nabadoon Axmed Diiriye Yuusuf ayaa sheegay in isaga shaqsi ahaan uusan u muuqan horumarka uu Cade Muuse sheegay waxana uu intaa ku daray malaha horumar waxaa ah Ajaanibka la afduubtay, Mise waxaa ah Maraakiibta iyo doonyahay hayb ahaan loo takooray.

Si kastaba Madaxwayne Cade Muuse ayaa soo laabtay isaga oo ku soo hungoobay Emaaraadka waxaana wax la iska waydiinyaa halka ay ku danbeeyeen heshiisyadii ay wada galeen shirkadaha shidaalka iyo macdanta ka baari lahaa puntland kuwaasii oo aan hadal danbe laga hayn wixii ka danbeeyay booqasho ay Ceelka Conoco ku yimaadeen kuwasii oo sheegay in ay mudo gaaban gudahood ku bilaabi doonaan hawlaha macdan baarista waxaase rumowday Hadalkii Cade muuse oo uu mar sii horaysya sheegay oo ahaaaa waxaan heshiis la galnay shirkado maafiyo ah ama duugo ah kadib markii ay kuwii waa waynaa na diideen.

Si kastaba ha ahaatee waxaa haadan Cade Muuse looga fadhiyaa in uu puntland ku soo celiyo wadadii xaqiiqada oo ay 3sano kahor baal martay ka dib markii la jabiyay sharcigii u dagsanaa puntland kaas oo aan ilaa iyo hada wax laga qaban.

Dad waynaha puntland ayaa ka sii niyad jabaya xukuumada Cade Muuse waxayna maanka ku hayaan waxa xigi doona maadaama aysan muuqan saan saan Doorasho oo puntland looga fadhiyo sanadka Cusub.

A/rizak koronto
Puntland/Somalia

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2007


Francois Lonsanly Fall oo ka soo degay garoonka Conooco ee Caasiimada Puntland iyo Madaxweynaha DGPl Cadde Muuse Xirsi oo ka soo degay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

May 12, 2007: waxaa shalay galab maqribkii soo caga dhigay markii u horeysay ciida Puntland, ergayga gaarka ah ee QM ee arimaha Soomaaliya Mr.

Francois Lonsanly Fall , oo ay weheliyaan xubno kale oo ka socday QM. weftigaan QM waxay soo mareen caasiimada Soomaaliya ee Muqdisho, halkaas oo ay kulamo kula soo qaateen madaxda DF ee Soomaaliya, sida madaxweyne. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geedi iyo sidoo kale gudoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida, Cali Mahdi Maxamed. Mr. Fall iyo xubnihii ku weheliey safarka ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka Conoco oo 35 KM u jira Garoowe, masuuliyiin ka tirsan Puntland oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Arimaha Gudaha iyi Aminga, Warfaafinta iyo Qorsheynta iyo saraakiisha ciidanka amaanka ee booliiska iyo masuuliyiin kale.
Mr. Fall, oo ay gelbinayaan gawaarida UN ka oo uu calanka QM ka babanaayo ayaa waxay durbadiiba afka isaga shubeen xarunta Madaxtooyada oo ay shir hordhac ah kula qaateen madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland, Xasan Daahir Maxamuud(Afqurac) , sidoo kalena, Fall ayaa waxaa uu la kulmay Isimada Sool iyo Nugaal, waxaana Mr. Fall iyo Isimadu isla soo qaadeen gobolada ay ku muran san yihiin maamulada Somaliland iyo Puntland , iyadoo dhanka dowlada Puntland na shirka hordhaca ah layskula soo qaaday siyaasada Tahriibta, Shaqaalaha ajnabiga ah ee lagu haysto degaamo ka tirsan Puntland iyo halka ay maanta marayso DF ee Soomaaliya iyo Doorka QM.

Dhanka maxaabiista ajnebiga ah ee lagu hasyto Puntland, ayaa markii ugu horeysay waxaa soo baxaya ujeedadii ka damaysay afduubka labada nin ee u kala dhashay Britain iyo Kenya iyo waxa ay haatan dalbanayaan afduubayaashu. Nimankaan afduubka loogu haysto maalintii 4-aad Puntland ayaa lagu hayaa meel qarar ah oo aan si kale loo geli karin wadahal mooyaane, afduubayaasha ayaa ku andacoonaya in Puntland iyo Hay'aduhuba ay godob ka galeen degaankooda oo aysan waxba u qaban marka laga reebo boor ay ku sii rogaan iyo wadooyin badan oo ay kala baxeen halkii ay xooluhu u daaqi jireen iyo sidoo kale iyagoo uga baxay balan qaadyo ay la galeen, si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in siideynta nimankaan oo ay ka qayb qaadanayaan odayaasha degaanka iyo waxgaradaka, iyo sidoo kale QM oo dalbanaysa codsi lagu sii daayo ay suurto gal ka dhigi karo in ooda laga rogo, beryahaan dambe ayaa waxaad moodaa in ay Puntland ka jirto"HADAAD GACAN TAAGTO LABAAN TAAGAYAA".

Dhanka kale

Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Gen. Cadde Muuse oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa wadanka Imaaraadka Carabta ee Midoobay ayaa shalay ka soo degay magaalada Booosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulkiis iyo waliba dadweyne fara badan.

Cadde Muuse ayaa muddo ba ku mashquulsanaa hawlo la xiira macdanta iyo shidaalka, iyadoo dalku uu ku jiray arimo aad u xasaasi ah sida dagaaladii Dhahar, kuwii beelaha wada-dega Cagaare IWM.

Cadde Muuse ayaa la filayaa in uu shir saxaafadeed qaban doono ku aadan waxa uu umadda u wado. .

Maxamuud Cumar Bille, Somalitalk, Garoowe.
mcbille@gmail.com


 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD