SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BANDIIRADLEY


Galkacyo: Ciidanka Daraawiishta Puntland oo Gaaray Waqooyiga Bandiiradley...

Waraka naga soogaaraya aaga dagaalka ee jiidda hore ayaa sheegaya in ay gaareen cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland waqooyiga Bandiiradley halkaasi oo ay Axadii ka dheceen dagaalo aan sidaas u sii xoogbadnayn.

Taliye Ciidamada Daraawiishta Aagaga Mudug Maxamud Muuse Ilka Dheere oo saxaafada kula hadlayay aaga dagaalka ee waqooyiga Bandiiradley ayaa sheegay in ay Puntland is difaaci doonto islamarkaana aysan cidna weerar ku ahayn balse haddii lagu soo gardaroodo ay xoog isku difaaci doonto, taliyaha ayaa intaa ku daray in wixii halkaas hada ka dib ka dhaca ay eeda dagala iyo dhibta qaadan doonto cidii ku soo duusha dhulka aanu gacanta ku ahyno ee nabad ah islamarkaana la isaga daba xisaabtami dono oo aan nina loogu aaba yeelayn.

Xoogaga Ciidanka Daraawiishta oo wata baabuurta gaashaaman ee dagaalka ayaa gaaray aaga hore ee dagaalka gaar ahaan waqooyiga Bandiiradley sida ay nagu soo gaarayaan wararkii ugu danbeeyay ee hada aagga soo gaaraya bandiiradley iyo aaga dagaalka.

Ciidanka Daraawiishta ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waqooyiga Bandiiradley, warka ayaa intaa ku daraya in ay halkasi isaga baxeen cidamadii maxaakiimta ee shalay gacanta ku dhigtay Bandiiradley kadib markii ay arkeen xoogaga ku soo fooleh oo aysan u babacdhigi karin, waa sida warku u dhigay'e.

Kabixida maxaakiimta ee bandiiradley ayaa timid ka gadaal xooga iyo quwada ciidanka puntland ee ku sii siqaya Bandiiradley hadana gacanta ku haya waqooyiga Bandiiradley oo dhan iyaga oo sheegay in ay halkaasi u tageen sidii ay uga sifayn lahaayeen Bandiiradley wax ay ku tilmaameen burcad dhulbalaarsi wada oo aan loo dulqaadan doonin waa sida ay hadalka u dhigeene.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in ay hada ka jiraan aaga hore ee dagaalka cabsi dagaal oo laga cabsi qabo in ay fooda isdaraan ciidamada maxaakiimta iyo kuwa puntland oo aan sidaa u kala fogayn dadbadan ayaa ka qaxaya guryahooda ee ku kala yaala galinsoor, cadaado, Bandiiradley oo intuba ah bartilmaameed dagaal caawa.

Xaalka ayaan lasaadaalin karin iyo sida ay wax noqondoonaan balse waxaa la ogaan doona warka oo dhan marka ay wax dhacaan cida ku adkaada gacan ku ahynta dhulka dagaalku uu ka taagan.

   

Xoogaga Ciidanka Daraawishta puntland ayaa sheegay in ay awood u leeyihiin in ay dhulkooda difaacdaan xaqna ay tahay in ay is difaacaan hadii lagu soo duulo iyaga oo aan nina u aabayeelayn.

Siqida ciidnanka Daraaiishta ee waqooyiga Bandiiradley ayaa waxaa ku weheliya Culumo'awdiin iyagu u khudbeeyay ciidanka daraawiishta oo halkaasi u tagay sidii ay ciidanka ula qaybsan lahaayeen difaacida dalka isla markaana ay utsin ama uga dhaadhicin lahaayeen waxa ay diinta islaamku ka qabto difaacida dalkooda.

A/rizak koronto, somalitalk.com
Garowe Puntland

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 13, 2006

Baaq ay wada jir usoo Saareen Waxgaradka reer Puntland ee Minnesota
Baaqan waxa uu DGPL ugu yeeray in ay hirgeliso kudhaqanka shareecada Islaamka iyo in ay... Guji... Nov 13

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD