SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


MA ANIGAA WAALAN MISE CADAN BAA LAGA HEESAYAA

  • Jibriil | Email: talo-keen@hotmail.co.uk | Feb 7, 2007
  • Aaway qaybtii Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu deeqday Puntland.....

Assalaamu caleykum, Waxaan akhriyey qoraal cabasho ah oo uu Wasiirka Tacliinta P/land kaga cabanayo Webka SomaliTalk, Webkaas oo uu ku eedaynayo inuu been abuur ka sameeyey Wasaaraddiisa kaas oo ku saabsan Buugaagtii P/land loogu deeqay oo lagu sheegay in Suuqyada Garoowe lagu xaraashayo.

Haddaba waxaan la yaabay Wasiirka oo ay isaga iyo Agaasimayaashiisu soo qoreen sida ay Buugaagtaas u qaybiyeen oo ah sidan hoos ku qoran:-

Gambool Garoowe ............................602 Book
Buurtinle Nugaal ..............................132 Book
D/sare Boosaaso .............................602 Book
Najax Boosaso ................................287 Book
White Tower/Boosaaso ....................132 Book
Shaafici/Boosaaso .......................... 35 Book
Qardho Karkaar .............................. 287 Book
Muuse Yuusuf/Laascnood ................. 287 Book
Xuddun Sool .................................. 30 Book
Cumar Samatar/Gaalkacyo Mudug ...... 602 Book
Galdogob Mudug ............................. 132 Book
Total Guud .................................. 3128 Books

Gobolka Bari 1021 Book
Gobolka Nugaal 734 Book
Gobolka Mudug 734 Book
Gobolka Sool 317 Book
Gobolka Karkaar 287 Book
Gobolka Sanaag -----???
Gobolka Cayn -----???
Gobolka Haylaan -----???

Laascaanood waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare, Waxaa saami helay mid keliya, Buuhoodle waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare haddana midna lama tirin, Xuddun waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare mid baa sandareero la siiyey, Fiqi-fuliye waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Ceerigaabo waxaa ka furan 2 Dugsi oo sare midna lama tirin, Badhan waxaa ka furan Dugsi sare lama tebin, Waxaana dhici karta inay jiraan Degmooyinka kale oo la mid ahi.

Guud ahaan waxaan la tebin 8 Dugsi oo sare oo guud ahaanba ku yaalla 4 Gobol oo ay P/land tirsato waa Sool, Sanaag, Cayn iyo Haylaan, Halka Gobolka Bari oo keliya laga siiyey 1021 Buug.

Haddaba waa yaabe! Wasiirku muxuu dulmiga intaas le’eg ugu badheedhay oo uu sidaas wax ugu qaybiyey? Haddiise ay sidaas la noqotay oo aanay dad badani la ogeyn miyaanay caqli-xumo u ahayn inuu misana weliba isagu Weriyeyaal xaqiiq soo helay cambaareeyo oo uu raalli gelin weydiisto.

Waxaa jirey Gabay uu Cali Cilmi Afyare Xukuumaddii Millateriga ahayd u tiriyey oo ay ka mid ahayd:- (Gargaarkay shisheeyuhu baxshaan waw gudboonnahaye, Boosaaso gaadhsiiya waad gelin karaysaane).

Haddaba Horjoogayaasha maamula P/land waxaan kula talin lahaa inay xaqsoor u sameeyaan Deegaannada ay sheegtaan inay ka taliyaan, Hana ogaadeen inuu nin weliba waxa shacabka u hor marsado leeyahay oo ay ka horreeyaan.

Wasiirka ina Siciid Awnuurna waxaan kula talin lahaa inaanu ceebihiisa dadka dunida ku filiqsan usoo bandhigin, Soomaalidu waxay tidhaahdaa:- (Nin Guri Quraarad ah ku jiraa wax ma shiidho).

Waxba ha la yaabina waxaaba dhici karta inuu Wasiirkani yahay Wasiirka Maamullada Soomaaliya hadda ka jira Min Bari ilaa Bogox ugu caddaaladda badane, Wasalaamu caleykum.

Jibriil | Email: talo-keen@hotmail.co.uk 
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan | Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2007


GAROOWE : Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland " waa been abuur warka lagu daabacay Websitka Somalitalk ee wax looga sheegay Wasaarada Waxbarashada"
Posted to the Web Feb 06, 2007 17:36
 

Garoowe:-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Punland Axmed Siciid Aw-nuur ayaa maanta warsaxaafadeed uu ku qabtay xafiiskiisa Garoowe ayuu wuxuu si wayn u beeniyay war been abuur ah oo lagu daabacay Wabsaytka Somalitalk ka soo lagu sheegay in suuq-madow ee Garoowe lagu arkay buugaag ay dhawaan Hay’adda UNESCO ay ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ,  Wasiirku wuxuu sheegay in ay arintaasi tahay mid been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaasna maamulka wabka laga doonayo in uu caddeeyo halka lagu gaday iyo cidda gaday ama ay raali galin ka bixiyaan warkan been-abuurka ah.

 

Wasiirka oo warsaxaafadeedkiisa ay ku waheliyaan Wasiirkuxigeenka Cabdi Goobe iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Jibriil ayaa waxay soo ban-dhigeen documentiyadii ay ugu qaybiyeen Iskuuladda , cidda la siiyay ,  tirada Iskuulaadka la siiyay iyo waliba magacyada Iskuulaadka waxaana halkan idinka muuqda Docomentiga lagu qaybiyay oo ay saxiixeen Agaasimaha Guud , Maamulayaasha Iskuuladda la siiyay iyo waliba Hay’adda bixisay bugaagta.

 

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

Axmed Siciid Aw-nuur Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland wuxuu wabka Somalitalk ku sheegay  waa siduu hadalka u dhigaye mid horay si wayn ugu mashquulsanaa wax ka sheegida maamulka Puntland gaar ahaan arimaha shidaalka iyo macdan-baarista iminkana ay u soo jeedsadeen wax ka sheegida waxbarashada.

 

Mar labaad Masuuliiinta waxbarashada waxay maamulka Somalitalk ka codsadeen in ay soo caddayn sax ah ay u keenaan  warkan haddii kale ay ka bixiyaan cududaar rasmi ah.
 
Waxaa xusid mudan sawirka loo qaatay warkan been-abuurka ah uu ahaa sawirkii laga qaaday xaflada lagu bixiyay buugaagta.
 

Waa tan sida loo qaybiyay buugaagta Iskuulaadka la siiyay iyo tirooyinka la siiyay:-

 

Gambool                                              602 Book

Buurtinle                                               132  Book

D/sare Boosaaso                                  602 Book

Najax-bosaso                                       287 Book

White Tower/Bosaso                            132 Book

Shaafici/Boosaaso                                35 Book

Qardho                                                 287 Book

Muuse Yuusuf/Laascnood                     287 Book

Xudun                                                  30 Book

Cumar Samatar/Gaalkacyo                   602 Book

Galdogob                                             132 Book

 

Total Gud                                              3128
 
Axmed C/salaam
Garoowe , Puntlandpost.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh websiteka ku saxiixan

Aaway qaybtii Gobolada Sanaag, Cayn, Haylaan ee Buugaagta UNESCO ugu deeqday Puntland, jawaabta waxaa laga sugayaa wasiirka waxbarashada Puntland.


Garoowe: Qalab ay haayadda UNESCO ugu deeqday Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Lagu Arkay Suuqa Madow.

Haayada UNESCO ayaa 30 January 2007 waxay buugaag iyo qalab ugu deeqday wasaarada waxbarashada ee DGPL kuwaasi oo ay haayadu ugu tala gashay in ay ka faa iidaystaan ardayda Dugsiyada sare ee deegaanada Puntland.

Buugaagtaan iyo qalabkan kale oo ay Hayaddu Gudoonsiisay wasiirka waxbarashada ayaa maalmihii ugu danbaysey lagu arkayay suuqyada magalada Garowe iyaga oo iib ah ayna ka muuqato shaabado kale duwan oo muujinaya in aysan buugaagtaani ahayn iib sida (Not for Sale).

Sikastaba  ha ahaate suuqa madow ee deegaanada Puntland ayaa mar walba waxaa lagu kala gataa waxyaabaha aan munaasibka ahayn in laga macaasho kuwaasi oo u baahan xanaanayn gaara ah iyo ka faa'iidaysi haday ahaan lahayd buugaag iyo qalabka kale ee ay haayaduhu ku deeqaan sida Computerrada, qalbaadka xafiisyada iyo kuwo kale.

Wasiirka oo isagu gudoomay qalabkan la gudoonsiiyay wasaaradiisa waxbarashada ayaan ilaa iyo hada ka hadlin sababta keenatay in la gato qalab deeq ahaan loogu deeqaya shacbawaynaha puntland, in kasta oo ay tanina qayb ka tahay musuqmaasuqa waynaaday ee ragaadiyay puntland hadana waa waxyaabo aysan samayn karin dad damiir leh una damqanaya sharaftooda iyo karaamadooda in ay gataan qalab deeq ahaan loogu talagalay ubadka Soomaaliyeed in ay wax ku bartaan.

Wasaarada waxbarashada oo iyadu ka mas'uul ah hawlaha waxbarasho ee baaxada waynleh ee ka socda Deegaanada puntland ayaa iyadu ka mas'uul ah ragaadinta waxbarashada yar ee ay haystaan kumaa kun oo reer Puntland ah maadaama aysan marna wasaraadaasi u raadin ardayda sanad walba ka qalin jabinaya dugsiyada sare ee puntland deeq waxbarasho oo lacag la'aan ah iyada oo u heli karta si fudud waliba isla markaana aan ku tala galin in ay xataa gudaha puntland ka hirgaliso jaamacd tayo sare leh oo xamili karta ardayda dugsiyada ka soo qalin jebinaya ama ay dhanka kale u raadiso ardayda shaqo ay kaga gabadaan baagamuuntada iyo shaqo la'aanta ka jirta dhulka puntland, intaas badalkeeda ayay wasaraadu ugu badashay ardayda in ay ragaadiso oo ay ka musuqmaasuqdo wixii ay baranayeen iyo qalabkii loo keenay iyada oo sanad walbana ay ardaydu ku jiraan muran iyo dagaal kagadaal marka la keeno sixitaanka imtixaanada puntland xiligaasoo ay wasaaraadu u baahato in ay hesho lacag si ay ardayduna u helaan natiijada imtixaanada iyada oo dhaafsiisanaysa shilimaan musuqmaasuq jira awgii.

Manajirto ilaa iyo hada cid ka hadashay qalabka waxbarashada ee deeqda loo bixiyey ee lagu kala gadanayo suuqa madow ee sida dadka reer Garoowe aaminsan yihiin ay wado wasaarada waxbarashadu maadaama ay iyadu ka mas'uulka ahayd ama ay ba lahayd gudoominta alaabtaasi.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2007

Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000
lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD