SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
MUSUQMAASUQA - PUNTLAND

Naasnuujinta Cadde Muuse Iyo Musuqmaasuqa Mandaqada Puntland

  • Qore: Faysal Cali Axmed
    E-mail:
    faysal-dheere@hotmail.com
    Boosaaso,
    Puntland, Soomaaliya
    Link: www.somalitalk.com/puntland/faysal.html


    Afeef: Nidaamka waayadan Soomaaliya ku dhisan tahay ayaa ah in maamulka lagu qaybiyo hab qabiil, sidaas daraadeed marka laga hadlayo caddalad falka maamulka waxaa la eegaa sida uu dadka ugu sidan yahay. marka arrintaas laga hadlayona looma jeedo beesha uu markaas madaxweynuhu ka dhashay ee waxaa loo jeedaa sida uu madaxweynuhu ugu tagri falay caddaalada iyo in la iftiimiyo hab dhaqanka maamulka si xukuumaddu ugu waano qaadato ama si xukuumadda xigta aysan khaladkaas oo kale u gelin....

Qormada: 1aad | 2aad |

Caqliga saliimka ah ayaa diidaya in la qariyo xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta gobolada la isku dhaho Puntland oo uu hogaamiye ka yahay Cade Muuse. In badan ayaynu indhaha ku hayney isdaba marinta iyo musuqmaasuqa baahey ee ay gudaha gobolada Puntland ka wadaan Cade muuse iyo wiilasha ay isku qooyska yihiin.

Inta aanan u dhaadhicin dulucda qoraalkan waxaan jeclahay in aan dib u yar jaleeco guud ahaan sidii loo dhisey Maamul goboleedka puntland.

Dabayaaqadii sanadkii 1998 ayaa dhidibada loo aasey maamul ku meel gaar ah oo looga dan lahaa in gobolada Puntland (Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, iyo Mudug Qaybtiis) loo sameeyo hal maamul oo dhexe oo ay ku midoobaan. Heshiiskii mudada socdey dheer ka dib ayaa guushaas la gaarey, waxayna ahayd biloow aad u qurux badan oo dadku is lahaayeen barwaaqo ayaa ku gaadhaysaan. Ayaan daradii ugu weyneyd ee dhacdey waxay ahayd in maamulkaas iminka jirey muddo toban sano ku dhow in uu iska daa wax kalee uu diyaarin waayo dastuur, isla markaana afti loo qaado, bacdamaa maamulkii 1998-dii la dhisey uu ahaa maamul ku meel gaar ah oo laga rabey in uu ugu yaraan qaab dhsimeedkiisa ka bedelo ku meel gaar oo uu dhiso hay’ado badan oo aanu manta lahay.

Puntland, waa meesha keliya aduunka ee la dhaho waa maamul oo aan lahayn wax guddi doorasho la dhaho, waa wax aan lahay wax loo yaqaan dastuur aan ku meel gaar ahayn.

Su’aasha is waydiinta mudane waxay tahay Maxaa keeney in DGPL oo muddo toban sano ku dhow uu ka gudbi waayo ku meel gaar oo aanu weli afti u qaadan dastuur, ila markaana loo dhisi waayey guddi doorasho, loo hirgelin waayey nidaamka xisbiyada badan, maadama aynu ka war hayno in toban sano ay tahay muddo aad u badan oo lagu unki karey dhamaan hawlahaas kor ku xusan. Xasuusnoow in waqtigaas ay Puntland jirtey uusan dhicin inta badan wax xasilooni darro ama dhaqaalo xumo ah oo baajin karey in hawlahaas balaaran looga gudbo nidaamka iyo dastuurkii kumeel gaarka ahaa oo weli ay puntland umada ku dhaqdo.

Waxuu soo socdaba laga soo bilaabo sanadkii 2005-ta waxaa Puntland awoodeeda la wareegey Jabahadii GBP oo uu hogaaminayey Cade Muuse.

Ma jecli in aan qoraalkayga ku weeraro reer gaar ah, balse bacdamaa aan ahay Muwaadin reer Puntland ah waxaa igu wayn in aan ka aamuso xaqaa’iq dhab ah aan cadaymo badan u hayo, si kastaba ha ahaatee ugu yaraan waxaan is leeyahay aad iftiimisid waxyaabo is-daba marin oo ay iminkadan ku guda jiraan Cade Muuse iyo dhowr nin oo ay isku reer yihiin.

Inaga oo aad uga war hayna, heshiiskii lagu asaasey mandaqada Puntland, inaga oo aad ugu dhuun daloola nadaamka dhabta ah ee uu ku shaqeeyo maamulka Puntland ee ah qabiilka, inaga oo ka war hayna nadaamka caalamiga ah ee qaab dhismeedka maamul kasta oo jira, inagoo uusan daah ina ka saarneyn sidii ay Puntland ahayd nadaamka hada jira ka hor, waxaa si fudud kuugu soo baxaysa in nadaamka Cade Muuse uu ku dhisanyahay qabyaalad qaawan oo aan qof damiir leh ku dhaqmi Karin.

Haddii aan u guda galo dulucda qoraalkayga, Waxaynu akhristayaasha sharafta lahoow ka warhaynaa in Cadde Muuse uu shirkado Ajnabi ah la galey heshiisyo xaaraan ah oo aan ku dhisnayn caqli wayni iyo hogaan hufan. In shirkado ajnabi ah lagu casumo maalgashiga Puntland ma ahan wax xaaraan ah, aduun waynaha oo dhan waa ka jirta waxa afka qalaad lagu dhaho FDI (Foreign Direct Investment), heshiiska noocaasi ah waxa uu dhigayaa hadii aan heshiis xiriir goboleed jirin sida kan wuqooyi ameerika ee USA, Mexico iyo Canada ee jaarka ah ay u samaysteen ee la dhaho North American Free Trade Agreement (NAFTA) in shirkada Ajnabiga ah ay mashruuca la maalgashanayo ay ku lahaato saami ka yar kan wadanka la maalgashanayo uu leeyahay, Tusaale ahaan in shirkad qalaad aysan qaadan Karin saami ka badan 40%.

Nadaamkaas caalamiga ah waxaa si aan habooneyn u fahmi waayey nadaamka Cade muuse oo ilaa maalinkii uu madaxwaynaha noqdey ilaa maantey uu ka bixi waayey safar uu ku aado keliya wadanka isu taga imaaraatka carabta isagoo shaqo ka dhigtey keliya saxiixida heshiisyo aan weli hal midna ugu qabsoomin nadaam xumo ka dhex jirta isaga iyo kuwa uu la shaqeeystoba darteed. Xasuusnoow akhristoow in cadde muuse uu shirkad kasta oo uu heshiis la galo uu siiyo lahaanshaha saamiga oo dhan (Entirely owned Venture) isaguna qaato uun khidmada yar ee uu ka helayo saxiixa heshiisyada. Akhristoow waad ka war haysaan in Australia aynaan wax xuduud ah wadaagin oo aysan u dhaqmi Karin sida wadan jaar inala ah oo uu inaka dhexeeyo Regional Economic Integration oo u saamaxaya in ay saami wayn qaadato oo dadkii wadanka lahaana ay siiso oo keliya lacagta siinta ruqsadaha iyo damaanad qaadida amaanka goobaha la maal gashanayo uun.

Cade Muuse Iyo Al Jaabiri

Guud ahaan dadwaynaha Puntland waxay dhaqaale ahaan ku tiirsanyihiin dhoofinta xoolaha nool oo ay u diraan wadamada khaliijka carabta sida UAE, Yamen, iyo Cumaan, Cadde Muuse iyo dhowr wiil oo ay isku qooys dhow yihiin ayaa go’aansadey in ay hor istaagaan ganacsatada Puntland markii ay heshiis aan sinaba caqli gal u ahayn la galeen ganacsade sucuudiyaan ah. Waxaa xusid mudan in ganacsadahan sucuudiyaanka ah uu gobolada Puntland qabbaan/wakiil uga yahay nin ay isku hal qooys yihiin cadde muuse.

Cadde Muuse oo aad u daneeynaya in uu wiilashaas ay ilma adeerta yihiin uu u naas-juujiyo ka ganacsiga dhoofinta xoolaha oo ay keligood uga manfacaystaan ayaa waxay heshiiskaas xaaraanta ah la galeen ninkaasi sucuudiyaanka ah, iyagoo isku raacey in sanadkiiba 2 malyuun oo neef uu ka qaato Puntland, nadaamkaas oo awood buuxda u siinaysa ninkaas cade walaalkiis ah in uu isaga maahane aan cid kale dhoofsan xoolo oo uu halkaas ka helo maal fara badan isagoo ka faa’idaysanaya mdaxtunimada cade muuse ee Puntland. Waxaan shaki ku jirin in heshiis noocaas ahi uusan cade muuse iyo qooyskiisaba u saamaxayn in ku helaan maalkan ay raadinayaan, bacdama sharicyan Puntland ay weligeed ku dhaqmi jirtay nadaamka suuqa xorta ah oo aan weli la arkin hal shirkad oo keligeed awood u leh haqab tiridda baahida dadwaynaha.

Waxaa iyana xusid mudan in ninkaas sucuudiyaanka ah oo isaga laftirkiisu raba in isaga maahane aan ganacsade kale oo sucuudiyaan ahi uusan xoolo ka keensan Puntland uu lacag baqshiish ah siiyey cadde muuse si uu ugu saxiixo heshiiskaas.

Si kastaba ha ahaatee is waydiinta dhabta ah waxay tahay, hadiiba cade muuse heshiiskan u arkey mid faa’iido badan maxaa keeney in uu si gaar ah awooda xoolo dhoofinta u siiyo ninka ay isku qooyska yihiin? Maxaa hal nin oo sucuudiyaan ah keliya loola galey heshiis? Maadaama ay Puntland tahay maamul sidee bay ugu fekertey in ay la macmiisho ganacsade keliya iyadoon lala hadlin dawlada sucuudiga oo iyadu awalba diidey xoolaha soomalida? Ma Dawladda sucuudiga ayaa hor taagan xoolaha Soomalida mise ninkaasi Al Jaabiri? Sababtee Cadde Muuse isagoo qaab dhismeed ahaan madaxweyne ka ah Puntland ula heshiinayaa ganacsato bacdamaa Puntland leedahay wasaarado iyo hay’ado khsueeya Ganacsiga iyo xoolo dhoofinta, sida Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha iyo weliba Wasaarada Iskaashiga caalamiga ah oo dhamaantood loo aasaasey hawlaha ay ku magacaabanyihiin?

Naasnuujinta noocan oo kale ah waxaa marag ma doonto ah in ay wiiqayso awooda Cade muuse iyo wiilasha uu adeerka u yahay. Ma waysan ayaan darro ahayn nin dhan oo mas’uuliyad wayn loo dhiibtey uu u dhaqmo sidii aabbe caruurtiisa u shaqaynaya?. Ma waysan caqli xumo ahayn in Cadde Muuse uu si anshax xumo ah u isticmaalayo kursiga madaxtinimada Puntland? Ma wuusan Cadde Muuse ogayn in aan maantey Puntland aysan ka shaqayn wax la yiraahdo hanjabaad iyo is daba marin aan dahsoonayn?

Muwaadan kasta oo Puntlander ah ayaan hubaa inuu iiga marag kacayo in aan qabyaalad sidaas u indha cad weligeed soo marin Puntland. Waxaase waajib ku ah cadde muuse iyo dhowrka wiil ee qooyskiisa ka mid ah in ay maskaxda ku hayaan in cid kastaayi indhaha ku hayso isdaba marintooda qaawan ee aan u cuntamaynin cid kastoo caqli leh.

Cadde Muuse iyo Al Xabaabi

Waxay ahayd horraantii bisihii July  ee sanadkii 2006 eenu soo dhaafney markii cadde muuse uu si shakhsiya u horkeeney golaha wakiilada Puntland oo fadhi kulahaa magaalo madaxda Garoowe shirkada al xabaabi isagoo ka codsadey in barlamaanku uu ansixiyo in shirkadani ay noqoto shirkada ilalaisa xeebaha Puntland. Cadde Muuse ayaa isagu ku macneeyey ujeedada baahida shirkadan in ay tahay iyadoo maraakiib iyo doonyo badan ay si sharci darro ah uga kalluumaystaan xeebaha Puntland. Baarlamanku waa diidey ansixinta shirkadaas iyagoo wakiiladu ku macneeyey diidamadooda in ay ku salaysantahay iyagoo ka welwelsan ansixinta shirkadaasi in ay mandaqada Puntland ka abuurto xiisad beeleed.

Shirkada Al xabaabi waa shirkad nin carab ah uu leeyahay, waxaa madax looga dhigey Siciid warmajaale, Cagoole iyo weliba Ina Cali qood oo kulligood ah niman ay isku reer yihiin Cadde Muuse. Nimankaas Cadde muuse u naasnuujinayo xeebaha Puntland waxaa nasiib darro ah in aaan midkood toona uusan wax khibrad iyo aqoon toona u lahayn maamulka iyo maaraynta badaha.

Nimankaas saddexda ah waxaa cadde muuse u xalaaleeyey in iyagoo hoos harsanaya shikrada al xabaabi ay si dhuumaalaysi ah uga kaluumaystaan xeebaha Puntland, iyagoo weliba awood loo siiyey in ay soo qabtaan cidii aan iyaga ahayn oo ka kalluumaysta deegaanada Puntland. Taas waxaa ka marag kacaya sida qaawan ee nimnkaas badda u ilaaliya cade ay u soo afduubtaan markiibta kaluumaysiga isla markaana iska daa ganaax markaba ahaane dadkii saarnaa calaa qof ku xukumey lacag gaaraysa ilaa USD 1000/.

Saddexdaas nin oo aan kulligood si shakhsiya u aqaaney weligood ayaa  horey u ahaan jirey dulaalo iyagoo cadde muuse ka hor aan weligood u shaqayn wasaarada kalluumaysiga ama shirkadihii hore ee ilaalinta xeebaha Puntland, cid kastana ogtahay aqoontooda iyo shaqooyinkoodii hore ayaa waxaa si aan dhuumasho lahayn loogu dhiibey mas’uuliyad wayn oo aysan ka bixi Karin, sababta qudha ee loogu dhiibayna awooda ilaalinta xeebahana ay tahay qabyaalad cad oo aan caqliga wayni qaadan Karin kuna tusaysa baaxadda isdaba marinta cadde muuse iyo nidaamkiisa.

Xilligii madaxweyne C.laahi Yuusuf Axmed uu ahaa madaxwaynahay maamulka deegaanka Puntland waxaa ganacsatada ka kaluumaysta xeebaha Puntland ruqsadaha kalluumaysiga (Fishing License) si toos ah uga qaadan jireen wasaarada Kaluumaysiga iyo khayraadka DG Puntland, hase yeeshee markii cadde muuse awooda heley waxaa wasaarada kaluumaysiga laga wareejiyey awooda bixinta ruqsadaha kaluumaysiga, iyadoo madaxtooyada oo qudha ay awood u yeelatey in ay bixiso waxii documents ah oo ogolaanaya ka kaluumaysiga xeebaha Puntland.

Sharci ku tumashadan cusub ee uu horseedey cadde muuse ayaa dhalisey in ganacsato badan oo u hanqal taagayey ka kaluumaysiga badaha ay ku hungoobaan wasaarada kaluumaysiga, iyadoo wasiirka kaluumaysigu uu ganacasde kasta oo kaluumaysi u shaagayey in uu toos ula xiriiro madaxtooyada oo ay inta badan ka shaqeeyaan nimankaas aan kor ku soo xusey. Taasi waxay dhalisey in bacdamaa uusan jirin cid bixinaysa ruqsad kaluumaysi ay ganacsato badan bilaabaan ganacsiga kaluumaysiga.

Su’aasha habboon in la iswaydiiyo waxay tahay Maxay tahay sababta uu cadde muuse hay’ad walba oo dawli ah sida tan dhoofinta xoolaha iyo tan ilaalinta xeebaha uu madax uga dhigo niman ilma adeer ay yihiin? Kan sheeganaya in uu cadaalada hor keenayo cidii si sharci darro ah uga kaluumaysta xeebaha Puntland ee isna sharci darro uga kalumaysanaya Puntland ma iloowsanyahay in isaga laftirkiisa uu u baahanyahay cid cadaalada horkeenta bacdamaa doonyahay iyo maraakiibta ugu badan ee Puntland ka kaluumaysta ay u kiraysanyihiin Cagoole, Siciid Warmajaale, iyo Ina Cali qood.

Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan waxay tahay, Sharcigee bay ku shaqaynaysaa shikrakada Alxabaabi marba hadii aysan haysan xasaanadii golaha wakiilada Puntland?

Damiir xumada murugtey ee uu cade muuse ku kacayo waxay raad reebtey in uusan xitaa lahayn karti iyo aqoon baahsan oo uu ku kasbado dhowr iyo lixdanka xildhibaan ee golaha wakiilada Puntland.

Nadaamka Cadde Muuse ku shaqeeyo ma ahan mid barlamaani ah, waa mid si dheer ugu eeg sida guri hal reer deganyahay oo oday iyo wiilashiisu masu’uul ka yihiin.

Xasuusnoow cadde muusoow in adiga iyo ilma adeertaa aydaan sidaas meel ku gaadhayn, taas waxaa marag kuugu Filan Inta heshiis ee aad cadoow gashey oo aan weli wax kaaga suurtoobin, waxa keliya ee aad ka dheeftayna ay tahay adigoo lagu fahmey in aad tahay nin aqoon yari hayso oo aan xitaa aqoon sida wax loo qarsado.

 Cadde Muuse Iyo Macdan Baarista

In kastoo dadwaynuhu aad ugu dhuundaloolaan sharaf dhicii cadde muuse kala kulmey heshiiskii uu la galey maafiyadii reer ustureeliya ee dhigayey xaalufinta macdanta dhulka hoostiisa ee puntland hadana sidoo kale madaxa mashruucaas macdan qodista waxuu madax uga dhigey Liibaan Boqor oo ay isku qooys yihiin, si uu umada u jeediyo ayuu xilkii ka qaadey oo maareeyahay wakaaralada macdanta u magacaabey isla nin kale oo ay ilma adeer yihiin.

Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka DGPL, Salad Xareed Cali, ayaa May 1, 2007 sheegay in Dhagxaan si sharci darro ah looga dhoofiyo Boosaaso. Halkan ka dhegeyso

Macdan baarista Puntland waa fadeexadii ugu wayneeyd oo dadka reer puntland iyo soomaali oo dhanba tustey qalqalooca siyaasada cade muuse ee ku dhisan qabyaalada qaawan iyo boobka hantida la wada leeyahay.

Mashruucaas oo ahaa kii ugu waynaa ee uu waqti iyo lacag fara badanba ku bixiyey weli wax natiijo ah kama gaarin, taas oo macnaheedu tahay in aan weli shirkada reer usturaaliya ee uu watey Terry aan ku guulaysan baarista hal ceel ama hal bar oo lagu tuhmi karo shidaal ama macdan.

Mar aan dhowaan Terry kula sheekaystey garoonka diyaaradaha magaalada Jabuuti ee jamhuuriyada Djabouti ayaan waydiiyey sababta keentey in uusan weli u gelin hawshii macdan baarista, Terry oo aad u niyad jabsan ayaa ii sheegey in taasi aysan marnaba dhacayn sababtoo ah buu yidhi cadde muuse ayaan ka haysan wax kalsooni ah qabaa’ilka degan baraha shirkada u cayiman ee laga baarayo macdanta. Terry oo runtii wajigiisa ka muuqatey in uu aad ugu hungoobey riyadiisii ahayd in uu macdan ka baarto Puntland ayaa waxuu kaloo ii sheegey in cadde muuse siyaasad ahaan iyo caafimaad ahaanba uusan bad qabin taasina ay Terry ku khasabtey in uusan aad u aaminin nidaamka hadda ka jira Puntland oo uu afkiisa iiga sheegey in uu la shaqeeyo uun hal qooys.

Taas bedelkeeda cade muuse waxuu shaqo ka dhigtey aadista dalka isutaga imraatka carbta, waxuu maalin walba markuu asbuuc joogo puntland ku laabtaa imaaraatka si uu nimankaas maafiyadaa ula soo hadlo. Abid aduunka kama dhicin nin maamul dhan oo jira madax ka ah oo keligiis iyo walaalihiis ay heshiisyo maafiyo oo aan dahsoonayn la soo galaan ilaawona waajibaadkii qaranimo ee isaga dusha ka saarnaa.

Natiijada keliya ee aan ku xasuusano macdin qodista Puntland waa dadkii naftooda ku waayey deegaanka Majiyahan ee ka biyo diidey mashruuca cadde muuse iyo qooyskiisa ee ahaa xaalufinta macdanta dhulkeena hooyo.

Maxay ku dhinteen dadkaas muwaadiniinta ah ee cade muuse kitaabka u marey in uu naftooda iyo xoolahooda ilaaliyo? Ma waysan ayaan darro ahayn in uu isagu xabad ku dhufto intuu deegnaakooda ugu tago?

Waxaa xusid mudan in cadde muuse u si toos ah ula shaqaysto mulkiilaha shirkadda xawaalada (............)* oo isagu shirkadaha macdan baarista iyo cadde muuse dulaal muddo u ahaa kana bixinayey waxii damaanad ah ee ay dalbadaan maafiyada heshiiska ee reer ustureeliya ah. Intii heshiiskaas lagu guda jirey Xawaalada (..........)* oo ahayd xawaalad caalami ah oo dadka soomaaliyeed oo dhan si wayn ugu adeegi jirtey ayaa hadda haba yaraatee aan wax adeeg ah siin dadka caadiga ah iyadoo xawaalada loo isticmaalo uun soo dirista iyo dirista lacagaha ay kala qaadnayaan cadde muuse iyo Terry oo ah madaxa shirkadaha maafiyada ee macdan baarista.

Maxaa la gudboon dadweynaha nabada iyo hururmarka jecel ee Puntland?

Akhritayaasha sharafta lahoow kuma soo koobi karo fadeexadaha cadde muuse iyo dhowrka wiil ee ay ilma adeerta yihiin halkan (Warmajaale, Cagoole, Ini Cali qood, Caydaruus iyo Liibaan Boqor) balse waxaa iga xaxuusin ah in aan gacantayda ku hayo malaayiin cadaymo ah oo aan hubo in ay jahwareerinayaan amnigeena, balse waxaan door bidey in aan intaas ku eekaado si aan cadde muuse iyo ilma adeertiis u xasuusiyo in dadwaynuhu ogyihiin asal ahaan ujeedada cade muuse iyo ragaas ay qaraabada yihiin. Waxaana talo iga ah in cadde muuse uu ka waantoobo isdaba marintaas Puntland uu ka wado kuna celiyo nadaamkii ay Puntland weligeed ku socotey.

Dadka puntland waxaa cid kastooo soomali iyo ajnabi ahba ku amaantaa nabad iyo horumar jacayl. Duufaanaha colaadeed ee uu cade muuse iyo inta ku xeerani la maaganyihiin dad waynaha waa arrin u baahan in si wayn looga feejignaado. Waxay dadka reer puntland nasiib u yeesheen in cadde muuse iyo inta ku xeeran isdaba marintooda iyo musuqmaasuqoodu uu yahay mid aan dahsoonayn oo dadwaynuhu si xoog badan u daawanayaan.

Bacdamaa umada reer puntland qof kasti masuul ka yahay nabada aynu haatan haysano iyo horumarkaba waxaa muhiim ah in dadku iska leexiyaan jalaafooyinkan cusb ee cadde muuse ku raadinayo lacag iyo maal uusan wadadeeda hayn.

Hadaba waxaan soo jeedinayaa talooyin aan is leeyahay waxay inaka dul qaadi karaan isdaba marinta cadde muuse iyo dhowrkaas nin eey qaraabada yihiin:

  1. Midda ugu horeeysa ee aan is leeyahay waa udub dhexaadka iska dulqaadida nidaamka isdaba marinta iyo musuqmaasuqa cadde iyo qaraabadiisa waa in la is hortaago dhamaan heshiisyadaas oo dadwayuhu ka dhiidhiyaan iyagoo shardi ka dhigaya in keliya sharcgii golaha wakiiladu ansixiyaan uu puntland ka shaqayn karo.
  2. In ganacsatada Puntland ay ka shiraan sidii loo joojin lahaa heshiiska cade muuse ku naas-nuujinayo wiilasha ay isku reerka yihiin, iyadoo laga soo horjeesto dhamaan heshiiyada dhoofinta xoolaha iyo kaluumaysiga ee uu cadde ku doonayo in uu u madax banaaniyo qooyskiisa.
  3. In dadka reer puntland dareenkooda ku muujiyaan sida wayn ee loogu baahanyahay dastuur ay afti u qaadaan dadka reer puntland, isla markaana ay qoraan qareeno gaar ah oo laga dalbanayo dawlada federa-ka kumeel gaadhka ah si aan mar danbe cidii madax ka ah puntland aysan awood ugu helin naas nuujin iyo musuq maasuq baahsan.

Guntii iyo gabagabdii waxaan ku soo afmeerayaa dulucdayda taxanaha noqon doonta hadii allaha ka raali noqdo in nidaamka hada ka jira mandaqada Puntland uu yahay maamul si bareer ah uga leexday wadadii maamul ee loo dhisey, isla markaana ku shaqeeynaya nidaam qabyaali ah oo aan cidna daah ka saarnayn, hadii aan si dhaqso lehna wax looga qaban uu dadka reer pintland iyo mandaqoodaba uu dhaxal siin doono cawaaqib xumo muddo u dib dhigta nabada iyo horumarka dadka reer puntland.

Faysal Cali Axmed
E-mail:
faysal-dheere@hotmail.com
Bosaaso,
Puntland, Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2007

____________________
* Magaca Xawaaladda oo qoraagu xusay waxaana magaceeda u qarinay arrimo la xiriira ammaanka shirkaddaas xilligan, markii ku haboonala shaacin karo magaca....

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD