SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

WAA GAR IN LA AFDUUBO HAY’ADAHA AJNEBIGA AH EE DALKA SOOMAALIYA  GAAR AHAA KUWA PUNT-LAND JOOGA , WAAYO

Qore : - Saciid Faarax, Boosaaso Soomaaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com

GOGOL DHIG:

Cadaalada rabi ayaa kugu jecel mana ah eexda iyo qabyaaladu wax lagu horumaro waaana waxa Africa oo dhan burburiyay oo dhaqaalaha iyo hurumarka ku yareeyay, Cinwaanka Maqaalkaan markii aad aragtid waa la yaabi kartaa oo waxaad is oran kartaa maxaa sababaya in la afduubo dad ajaanib ah oo dalka u tegay arimo horumarineed ,balse markii aad si fiican u akhriso maqaalka iyo warbixinaha ku jira ayaad  fahmi doontaa hadii aad tahay qof caadil ah.

DULUCDA MAQAALKA :

Dulucda maqaalku waa cinwaanka kor ku qoran , 09/05/07 waxaa lagu afduubay meel u dhow Tuulada Xiriiro oo ka tirsan Gobolka Bari laba nin oo u dhashay Dalka Ingriiska iyo Dalka Kenya oo u shaqayn jiray hay’ada Care international ee dalka Maraykanka , muda ka sii horaysay oo ay ka soo wareegtay in ka badan lix biloodna waxaa soonkaa lagu dhacay baabuur siday alaabo mucaawino ah oo ay isla hay’adaani bixisay oo ahaa qalabka bada looga kaluumaysto oo ah Shabaagaha oo u socday Xaafuun.

Hadaba akhristow waxaa la iswaydiinayaa maxaa loo afduubay nimankaan iyo hay’adaan shaqaalaheeda ajnebiga ah ,??????

Jawaabta waxaan anigu u arkaa waa cadaalad xumo ka jirta Punt land oo dhan mana ah Hay’adaan oo keli ah ee waxaa dhibi soo gaari kartaa hay’adaha ajnebiga ah oo dhan hadii aanay arinkaan ka waantoomin .

Jawaabtaa ka dib hadii aan maqaalka dulucdiisa u dhaadhaco waxaa jirta in ay hay’ada Care ay qaybisay in ka badan 300 oo doonyaha kaluumaysiga ah ee yar yar waxaana la siiyay Afar magaalo oo ay degaan beel ka mid ah beelaha ku nool Punt land ee walaalaha ah waana ( Garacad, Eyl, Bayla iyo Xaafuun ) iyadoo ay jiraan ilaa in ka badan 15 Magaalo oo xeeb ah oo reer Punt land Degan yihiin markii Soomaalida kale laga soo tago waana marka laga soo bilaabo ( Laasa surad ilaa iyo Garacad ) oo si wayn loo yaqaan inta Magaalo oo xeeb ah oo ku yaal, mana jirto hal mid oo la siiyay hal doon oo keliya ,

Isla hay’adaani waxay qaybisay shabaago gaaraya 24000 xabo waxaana loo qaybiyay Afartii magaalo ee aan kor ku soo xusay ee la siiyay Doonyaha , waxaana jirtay in mar la dhacay baabuur siday Shabaago oo looga soo qabtay ragii dhacay si Nabad ah iyagoo loo sameeyay balan qaadyo ah in wax laga siin doono maal gelintaan wax ku oolka ah waxna looma qaban oo balan qaadkaasi waa beenoobay waxaana ku ceeboobay Gudoomiyaha gobolka bari iyo ragii kale ee mas’uuliyiinta ahaa ee hawshaa galay iyo Hay’ada Care.

Hadaba akhristow inamada hada wax dhacay iyo kuwa kale oo dhaarsan oo aan ahayn hal qabiil waxaa ku kalifay arinkaan waa sidaan horay u sheegay oo waa Cadaalad xumada iyo Qabyaalada Afrika taal , waana ragii xeebaha ka shaqaysan jiray Gaar ahaan Tuulada Xeebta ah ee Foocaar iyo agagaarkeeda , waxayna arkeen Saaxibadood ay wada shaqaysan jireen oo wata Doonyo casri ah iyo qalab kunbad ah oo cusub waana waxa ka caraysiiyay,

Marka Waxtarkaan iyo horumarku ma cirkuu ka soo dhacay mase waa eex la galay ?????

Waa su, aal aan uga tegaayo dadwynaha wax akhriya iyo hay’adaha deeqaha bixiya iyo cidii Cadaalda jecel oo wax fahmi karta .
 
Intaa waxaa dheer Shaqaalaha Hay,adaha Punt-land, Guryaha ay kiraystaan , Baabuurta laga kiraysto ee raaxada oo joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn ee Xamuulka qaada ee la raro mararka qaarkood waxaa iska haysta hal Qoys oo keli ah , Waxyaalaha Baabuurta loo dhacayona waa ka mid oo waxaa jira Baabuur loogu magac bixiyay inaanay kiro ka waayin hay’ada WFP waxaana loo bixiyay (Ma qade) oo waxaa leh ninka Hay’ada (WFP) Baabuurta u kireeya Jifidiisa ,oo waxaa dhacda in Gaari fayl ku jiro mudo dhan hal bil midna uu asbuucii laba goor rar qaado ama safaro loo kiraysto oo xataa la sugayo hadii uu maqan yahay iyadoo aan wadanka gaari laga waayin.

Hadii aan arinkaa been ka sheegaayo Maxaa loo kiraysan waayay Guryaha waawayn Ee Xaaji Cabdi ama Siciid Dishiishe ninba suu u yaqaan ee ku yaal Soonka Hay’aduhu ka degaan Magaalada Boosaaso waxaa kiro ugu danbaysay 1994 Berigii Unisom,  halka maalin walba ay kiro yihiin guryo ka yar yar oo ka qaab liita oo ka ciriirisan,  Waa su’aal ku wajahan Mas’uuliyiinta Punt land iyo hay’adaha naftooda ??

Inta Dareewal ee ka shaqeeya iyo raga kale ee shaqaalaha ah waxaa la dhihi karaa waa hal qoys oo hoose 80% marka loo eego Qabaa’ilka dega Punt land  .

GEBAGEBADII :

Madaxda Afrika oo Cadaalada xun iyo Hay’adaha ajnebiga ah oo u dhega nugul oo aan wax Qabadkooda Cadaalad ku eegin iyo si siman oo Bulshada oo dhami uga faa’iidaysan karto waxa ay sababi doontaa in Hay’adaha ajnebiga ahi ku waayaan danahooda iyo in waxtarkoodii sidaas ku ragaado.

Waxaanse ku talin lahaa in Hay’aduhu u xoroobaan wax qabadkooda oo ay si dhex dhexaada wax u qabtaan , Maamulkana ay ka qaataan fasaxa iyo wixii amni ah ee ay u baahan yihiin Balse aan ninka Maamulka hayaa wax u yeerin oo aanu cid gaara iyo Meel gaara farta ugu fiiqin ee ay iygu Indhahooda, Caqligooda iyo Aqoontooda ay wax ku cabiraan ayna sameeyaan Sahan badan inta aanay wax qaban ka hor , Bulshadana ay u noqdaan dhexdhexaad ee aanay iyaga iyo madaxdu isku danaysn oo keli sida hada muuqata
Hadaba Arinkaani waa mid Qota dheer oo Afrika ku baaba’day , waayo Reerkii maamulka qabta iyaga uun ayaa baahan oo Ooman mana dhergaan , arinkaas markii loo dul qaadan waayo ayaa waxaa bilowda burbur iyo intii kale oo burburisa wixii meesha ka jiray sidaas ayaana lagu waayaa Dawlad iyo amni iyo kala Danbayn ,iyo dad kugu dhexloodaa, iyo mid wax ku tara intaba .
 
Soomaalidii hore ayaana hadal dhamaysay oo waxay tiri ( Cadka raga walaaliyaa waa Hunguriga  )
 
AFEEF :

Igama aha Qoraalkaani Qabyaalad iyo in aan cid canbaareeyo balse waxaan ahay ruux jecel cadaalada , Qabiil ahaana waxaan u dhowahay Dadka aan ku tuhmaayo cadaalad xumada oo aan rabo in aysan qaadan xaqdaro waayo Xaq daro laguma horumaro ee waa lagu duloobaa Muslim iyo Kiristan midkaad doonto ahaw 
 
Qore : - Saciid faarax Boosaaso Soomaaliya
Email: al_ixsaan@yahoo.com

Qoraalkii Hore ee Saciid Faarax

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD