SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006


C/LLAAHI YUUSUF AXMED OO USHIISII KU TUKUBAY

Qore  Saciid faarax  Boosaaso Soomalia
Email:
al_ixsaan@yahoo.com
 

Gogol Dhig :
wuxuu bilaabay hawlihiisii uu caanka ku ahaa , sidaa darted ayaan damcay in aan wax ka bayaaniyo Taariikda C/llaahi Yuusuf inta aan ka aqaan anigoo aan ku xad gudbayn kuna been abuuranayn ayaan rabaa si cadaalad ah in aan wax uga bayaaniyo inshaa allaah, waxaana ka bilaabayaa intii uu soomaaliya Shidada ku hayay .
Maqaalkii oo Faah faahsan :
Sanadkii 1978 C/llaahi Yuusuf wuxuu huriyay Dabka iyo Dhibka ilaa manta Soomaaliya ka taagan Wuxuuna isku dayay inqilaabkii dhicisoobay ee ay Lagu Dilay  Ragii hawshaas kula jiray , waxaana markaa jirtay Dawlad qaran oo shaqaynaysa  balse waxaa isaga ka maqnaa in aan Beeshiisu Madaxwayne ahayn oo keliya, inqilaabkaasi markii uu fashilmay ayuu u cararay Dalka Eithopia oo uu saldhig ka samaystay ka bacdina wuxuu bilaabay in uu u gacan haatiyo dad badan oo ay isku hayb ahaayeen isagoo ku dhawaaqayay Cadkii Majeerteen ayaa la cunay ee aan dawlada ridno isla markaa wuxuu uga faa,iidaytay arimahaa dad badan oo dawlada ka soo horjeeday oo haybo kale ah balse waa ka abaal dhacay oo markii dad badan ay Meeshii tageen ayuu Bilaabay In uu ragii u kala saaro ilaa Jifiyo Hoose ,halkaas oo ay ka soo baxday Tixdii ahayd ( Mar mareexaan marna Reer mahad,Tima ragaxsane Af ramaadsane, noogamaba Rayn wuu nakala raray, dhulku kula roor) Taas oo ahayd Qabyaalad cad oo ilaa hoos u sii fogaatay ,

Si kastaba Xaaladu ha ahaatee C/llaahi wuxuu Eithopia ka soo abaabulay Ciidamo Shisheeye oo Eithopian ah waxayna Soomaaliya ku soo qaadeen Duulaan qaawan waxayna dad badan ku laayeen Gudaha dalka Soomaaliya waxaana ka mid ahaa Goobihii Dhiibaatooyinka Badan loo gaystay Degmada Galdogob oo ilaa hada ay si fiican u Muuqdaan Qubuurihii ay sababeen dagaaladaasi, Dagaalkaas iyo ku googoos ahaa oo ka dhacay ilaa gobolka barina waxaa ka soo baxday Tixdii ahayd ( Hubka Mudug ku talax Togay, Garoowena Haraatiyay ,allaylehe Hubsiimiyo hakin Buu u Baahnaa).

Dagaalkaasi markii uu oognaa muda fara badan ayaa C/llaahi yuusuf jeel lagu riday Jeel ku yaalay dalka Eithopia intii uu xirna ayaa Colaadii uu hurinayay baa baday , balse muda ka dib waxaa dhacay khasaarihii waynaa oo lagu Burburiya Dawladii dalka ka jirtay , isla markaa ayuu C/llaahi la kowsaday dhibaatadii iyo Colaadaii sokeeye ee dalka ka dhacday isagoo markaa xabsiga laga soo daayay wuxuuna bilaabay in uu ka qayb qaato Dagaaladii sokeeye oo dalka ka dhacay isagoo ku hawl galaaaya magaca Qabiil wuxuuna ka mid noqday Dagaal Oogayaasha ugu dhibka badnaa ee ragaadiyay Bulshada Soomaaliya.

Sanadkii 1998  waxaa la dhisay Maamul Goboleedka Punt land  , markii maamulka la dhisayay waxaa aad iyo aad u muuqatay Saan Saan Colaadeed ,waxaana Dhici lahaa Dagaal lagu hoobto hadii aan looga tanaasulin Jagada madaxwaynaha Punt land ,Mudadii uu xilkaa hayay wuxuu sameeyay Cadaalad xumo iyo Qabyaalad aan gabasho lahayn isagoo markuu toban jago magcaabo ay ahaayeen toban jago faamiliga aad isaga ugu dhaw taas oo sababtay in uu ku waayo kalsoonidii shacabka, balse markii uu Dhamaystay  sadexdii sano oo ku ekayd intii loo doortay ayuu bilaabay in uu iskii ugu darsado sadex sano oo hor leh, arintaas oo Shacabku ka biyo diiday markii danbena  sababtay in uu dhaco dagaal sababay dhimaso iyo dhaawac fara badan  Dagaalkaas oo C/llaahi sabab u ahaa ayaa waxaa ku Weheliyay dalka eithobia oo Soo gaarsiiyay Shixnado rasaas iyo hubka waawayn isugu jiray oo uu ku dagaal galay waxaana Dhici kartay in ay Saraakiil Eithopian ahi dagaalkaa ka qayb qaateen , ka bacdi markii uu dagaalkaa Eithopian ku taageerayay ku qabsaday Punt land ayaa Shacabku ku dadaaleen in khasaarada intaa lagu af jaro oo loo tanaasulo ,

Sanadkii 2000 markii la soo dhisay dawladii carta wuxuu bilaabay in uu cadaysto qabyaalad isagoo adeegsanaya kelmado ah Cadkii Daarood iyo cadkii Majeerteen, Mararka Qaarna Wuxuu maxfalada ka cayn jiray C/qaasim iyo haweentiisa ama Beesha cayr ama wuxuu oran jiray hawiye ayaa raba inay ina Qabsadaan,

intaa ka dib  wuxuu Maal geliyay qab qablayaashii Koonfureed isagoo ku diraya dawladaas si ay u shaqayn waydo wuxuuna Dhisay Ururkii Salbalaar  ,
 intaa ka dib waxaa bilowday shirkii ceel dooreed oo hada isaga lagu doortay , wuxuuna Punt land uga tegay Rag ay hayb hoose wadaagaan oo uu ka mid yahay Carays iyo Gaagaab wuxuuna Cade ku khasbay in uu Gaagaab ka dhigo wasiirka Maaliyada ee Punt land oo aan Dhicin Halka Ciidamada Daraawiistana Carays oo Ina Adeerkii ahi uu yahay Taliye aan la bedelin marna .

 intaa ka dib markii uu Jawhar Tegay Waxay Durbadii qabyaalad isku qabteen Nin isaga oo kale ku ahaa Qabyaalada oo ahaa maxamed Dheere,  Magaalada Jawhar Ka bacdi Wuxuu go,aansaday inuu dul Dego qabiil Awood yar Eithopiana deris la ahaa wuxuuna Degay Baydhabo oo uu ku Fulin karay hawshii Qabiilka iyo Tii danaha xabashida oo uu  taakulo ku haystay Weligii,

2006 markii ay Gobolada Koonfureed qabsadeen maxkamadihii Islaamiga ahaa Ee Soomaalia Wuxuu bilaabay Xasad iyo Diin Necayb iyo qabyaalad is wata , tan xasadka  ma ogolayn Nabada iyo wanaaga Koonfureed marnaba , Tan Diin Necaybkana wuxuu bilaabay inuu yiraahdo waxaa qabsaday dalkii argagixiso isagoo gaalo Kaalmo kaga raba Xukunka islaamkana wuxuu ku Sheegay Xukun arga gixiso isagoo ku gqanacsan ka Dimuquraadiga inuu yahay Xukun sax ah , Qabiil ahaan wuxuu dad badan ka dhaadhiciyay Maxkamaduhu waa hawiye oo raba inay daarood qabsadaan .Wuxuuna Suura Geliyay in gobolada koonfureed Xabashi qabsato oo ay baabi’iso nabad gelyadii ay Maxkamaduhu sababeen 16 sano ka bacdi , isla markaana Wuxuu Gobolad Punt lan ka gurayaa Wixii mooryaan ahayd oo uu rabo in uu ku dabakho qaab dawladeed isagoo u dhutinya Nidaamkiisii qabyaaladeed oo qaawanaa  waxaana hada dalka ka aloosan Dagaal qabiil iyo Mid Diimeed oo uu sababay C/llaahi Yuusuf .

Gabagabdii:

Waxaan Ku talain lahaa
  1. In Ciidamada Shisheeye wadanka laga Saaro waayo wadamadii la geeyay ilaa Nus malyuunka Ciidanka ah weli nabadi kama jirto sida Ciraaq , afqaan ,IWM
  2. In Gobolada koonfureed ay samaystaan Maamul goboleed intii is raaci karta oo is aamini karta ama mabda ku heshiin karta ay doortaan cidii ay ku kalsoon yihiin oo cadaalad iyo amni keeni karta
  3. In c/llaahi yuusuf uu ka tanaasulo maamulkaan uu sheeganayo waayo madaxnimada soomaaliya uma qalmo ee isagaa halkaa gaarsiiyay Soomaaliya Taariikh hore iyo tan hada la joogoba , arinkiisuna waa (Dhurwaa Dhoomo ku raro) waa oraah Soomaaliyeed oo arinkaan ku aadan , Dhurwaa waa Waraabe,  Dhoomo waa haamihii Reer miyigu biyaha ku Dhaansan jireen
 
NB anigu Qabiil ahaan C/llaahi ayaan isku hayb nahay waxaan arinkaa u cadaynayaa in aan loo qaadan arin caadifadeed ama qabyaaladeed in aan maqaalka u qoray balse waxaan ahayn shaqsi jecel cadaalada iyo nabad gelyada ee Qabiil ahaan c/llaahi ayaan isku hayb nahay
 
Qore  Saciid faarax  Boosaaso Soomalia
Email:
al_ixsaan@yahoo.com
Wa billaah tow Fiiq

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 26, 2007


"Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya ma waxay u Adeegayaan Danaha Batroolka iyo Gaaska ee Reer Galbeedka"
Xiriirka u dhexeeya dagaalada Soomaaliya iyo batroolka... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com