SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PL


  • Wasiirkii Ganacsiga DGPL oo Shaqaddii Laga Joojiyey
  • Shaqaale Ajnabi ah oo lagu af-duubtay Puntland
  • Shirkii Buurtinle oo la soo gaba-gabeeyey.
  • Masar: Goloha shacabka oo ka dooday doomo lagu haysto Puntland:
  • Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Dhaliiley Xukumadda Cadde Muuse
  • Roobab lagu Qaboobey oo xalay ka da'ay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug

Wasiirkii Ganacsiga DGPL oo Shaqaddii Laga Joojiyey

Wareegto Maanta oo Khamiis ah (May 10, 2007) wareegto la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska Madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Maxamuud Afqurac, ayaa lagu sheegay in xilkii laga joojiyey Wasiirkii Ganacsiga iyo Wershedaha Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdirisaaq Cali Siciid "Shaahdoon".

Waregtadaasi ma caddayn sababta dhabta ah ee wasiirka xilka looga qaaday ama looga joojiyey.

Wareegtadu waxay booskii ama jagadii wasiirkaas si kumeel gaar ah ugu magacawday Wasiirka Waxbarashada D. G. Puntland, Axmed Siciid Aw-Nuur.

Markab Ka Faakaday Boosaaso

Dhanka kale xalay (oo Khamiis soogeleysey May 10, 2007) waxaa dekedda Magaalada Boosaaso ka fakaday hal Markab oo ka mid ah doonyihii iyo markaakiibtiiay toddobaadkan ay ganaaxa ku xukuntay Maxkamadda derejada Koowaad ee Boosaaso. Arrintaas oo wajigabax ku noqotay maamulka DGPL. C/laahi Cali Ciise oo arrintaas faallo ka qoray kana mid ah weriyayaasha Puntland ayaa yiri "fakashada markabkan, ayaa la oran-karaa wuxuu tusaale u yahay maamul-xumida ka jirta Puntland, iyadoo la orankaro siidaynta Markabka ayaa gacan-siisay musuqmaasuqa baahsan ee hareeyay maamulka Puntland."

Isha: Wakaaladaha | May 10, 2007


Shaqaale Ajnabi ah oo lagu af-duubtay Puntland iyo Shirkii Buurtinle oo la soo gaba-gabeeyey.

Buurtinle: waxaa Arbacadii (May 9, 2007) lagu soo gunaanuday degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal shirkii Beelaha Cagaare, shirkaan ayaa waxaa ka qeyb -galay masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland, Issimo, culuma-u-diin, aqoonyahano iyo dadweyne kale oo aad u farabadan(Grassroots).

Waxaa halkaas hadallo ka soo jeediyey masuuliyiin kala duwan oo aad u fara badan, oo ay ka mid yihiin Issimo kuwaas oo aad u weeraray siyaasada maamulka Puntland ee maanta dalka ka taliya iyo doorka ay ka gaabinayaan sida arrintaan Cagaare oo kale, waxaa isna munaasubadaas ka hadlay, Salaad Xareed Cali oo u sheegay Issimada in ay Puntland tahay tan cuntay xaqii shaqaalaha, isagoo intaas ku daray cidii cunta xaqa uu qof maskiin ah shaqaystay ay markaba ka muuqato. Siday rabtaba ha, uga muuqatee.

Salaad Xareed Cali, Gudoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee DGPL ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Reer Puntland gaar ahaan Issimada in aysan gacmaha ka laaban waxa cad ee muuqda oo uu ula jeeday maamul xumada iyo musuq-maasuqa ay ku kacayaan Maamulka Puntland, waxaa hubaal ah in ay shacabka reer Puntland intooda badan taageersanyihiin hadalka Salaad Xareed Cali, ayna ku garab-taaganyihiin sidaas waxaa Somalitalk.com u sheegay masuul ka tirsan Maamulka Puntland oo magaciisa ka gaabsaday in la shaaciyo "waayo ninkii xaqa sheegaya Ilaahayna waa arkaa, aadamuhuna waa ogyahay waxaan waa laga baxayaa waana la xisaabtami doonaa aakhiro iyo aduunkaba, tan damaana daran" ayuu yiri, ninkaan ayaa intaas ku daray hadal yar oo murti ah oo ahaa "waabaa nin wuxuu leyn jirey caruuraha dadka kale dhaleen wuuna u darnaa kuwa kula nool gurigiisa, sidoo kale wuxuu aad ugu roonaa una jeclaa caruurtiisa, maalin maalmaha ka mid ah ayaa caruur uu dhalay ninkaas asaga ah habaabeen oo waxay u tageen reer meel degan reerkii baa caruurtii hayb-saday, markay garteena waay soo dhaweyeen waxayna ka dhigeen caruurtooda oo kale, ninkii asaga ahaa ayaa u yimid reerkii markaas buu ku yiri war caruurtii walaahi Muslim bay heleen wale labadayada waxaa dadka ku waji roon caruurta yaryarka ah anigoo jirey 70 sano waa yaab".

Dhanka kale, niman dabley ah oo la sheegay in ay ka soo jeedaan Gobolka Bari ayaa ku afduubtay Tuulada Xiriira oo hoos tagta degmada Iskushuban, laba Nin oo ka tirsan shaqaalaha Hay'adda Care International oo ka howl gasha degaamada Puntland, gaar ahaan waxay Care ku mashquulsanayd degaamadii ay ku dhufatay Tsunami, gaar ahaan dhulka xeebaha ah sida Gara-cad iyo Xaafuun. Hay'adda Care International waxay ka hawl galeysay Puntland mudadii dowlad la'aantu ka jirtay Soomaaliya oo dhan. labadaan nin ee lagu af-duubtay degaanka Iskushuban ayaa u kala dhashay dalalka Britain iyo Kenya.

Waxayna degaankaas u tageen kormeer la'xiriira mashaariic ay hal kaas ka wadeen.

Isku soo wada duuboo, arrintaan ayaa ah mid aan looga baran degaamada Puntland.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in arintaan ay salka ku hayso maraakiib iyo doonyo, ganaax ay dusha uga tuurtay maxkamadda Boosaaso, kuwaas oo lagu muran-san yahay in ay ruqsado ka haysteen rag masuuliyiin ah oo ka tirsan maamulka DGPL.

Maxamuud Cumar Bille
somalitalk.com Puntland
mcbille@gmail.com

Masar: Goloha shacabka oo ka dooday doomo lagu haysto Puntland:

Garoowe: Ka maqnaanshaha madaxda dawlada Puntland ee Caasimada oo aysan tabin. Akhri

Goloha shacabka Masar ayaa kalfadhigii Talaadadii May 8, 2007 si kulul uga dooday doomo iyo kaluumaysato Masaari ah oo u xiran maamulka Puntland kadib markii Xildhibaan Moustafa Bakri ka codsaday madaxa golaha Fatxi Suruur iyo baarlamaankaba in arintaas laga hadlo.

Xildhibaan Bakri ayaa sheegay in ilaa shan (5) doon oo Masaari ah lagu haysto Somalia, doomahaas waxaa saaran 250 Kaluumaysato ayuu intaa ku daray, isagoo hadalkiisa kusoo Gunaanaday in doomahaas halkaas tageen kadib markii ay ogolaasho ka haleen Mas'uul Soomali ah.

Dhowr Xildhibaan oo sidoo kale arintaas ka hadlay ayaa ku dooday in rakaabka doomahaas lagu haysto madax furasho, iyagoo aanan haysan wax daryeel ah sida cuno iyo cabitaan isla markaana la kulmaan handadaad joogto ah...

Dhanka kale Wasiirka isku xirka Baarlamaanka iyo dowladda Moufiid Shihaab oo arintaas ka jawaabayey ayaa sheegay in xarigga kaluumaysata ay xiriir kala sameeyeen maamulka Puntland kasoo sheegay in doomo sedex (3) ah gacanta ugu jiraan iyadoo lagu haysto ku xad-gudubka biyaha Somaliya, taas oo sida uu wasiirku u sheegay goloha in puntland kusoo wargalisay Maasar in biyaheeda doomahaas ku xad-gudbeen, wasiirka ayaan intaa raaciyay in Puntland kusoo war-galisay Masar in doomahaas ku ganaaxday lacag, una sugayaan muddo 60 maalmood ah, hadii mudadaas ay lacagta ganaaxa iskaga bixi waayaana ay la wareegayaan doomaha iyo qalabka saaran.

Waziirka ayaa sidoo kale goloha u sheegay in doomahaas ku xad-gudbeen biyaha Somaliya,si sharci darro ahna ugu kaluumaysteen, sida ay kusoo wargelisey Puntland.

Shihaab ayaa caddeeyay inay jiraan doomo laga leeyahay wadamada Yemen iyo Jaban oo ku wehliya xarigga doomaha Masaarida.

Maamulka Puntland ayaan wali wax faahfaahin ah ka bixin tirada doomaha gacantooda ku jirta ee laga leeyahay Masar in ay yihiin shan ama saddex iyo in doomahaas maamulka gacanta ugu jiraan ama kooxaha doonaya madax-furasho, hadii kooxahaan dambe gacanta u galaan isla markaana dhibaato gaystaan waxaa hubaal in dhibaato soo wajihi-doonyo diblimaasiyadda labada dal ee Somaliya iyo Masar.

Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,Cairo.
Email:
gurbiye@hotmail.com

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Dhaliiley Xukumadda Cadde Muuse
May 9, 2007

Gabgabadii kulankii dib u heshiisiinta beelaha wada daga degaanka Cagaare oo ay ka qeyb galeen Issimo, waxgarad, aqoonyahano, xubno ka socda maamulka Puntland, maamulka gobolka Nugaal iyo xildhibaano ka tirsan barlamaanka Puntland ayaa dhaliil xoogan waxa looga soo jeediyay xukuumada Cadde Muse.

Islaan Ciise Islaan Maxamed , ayaa gunaanadkii kulankaan ka sheegey in aan loo baahnay in maamulka Puntland ay yeeshaan qoys kaliya, balse uu ka wada dhexeeyo dhamaan dadka wada daga Puntland.

Islaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in si weyn loo dhaliilsan yahay xukumada Cadde Muse isla markan loo baahan yahay in deg deg ah wax looga qabto khaladadka jira waa sida uu hadlka u dhigaye.

Islaan Ciise ayaa aad ugu nuux nuuxsadey in cadaalad daro ka jirto maamulka isla markaana loo baahneyn in beel gooni ah ay maamulka yeelato.

Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee golagha barlamanka Puntland Salaad Xareed oo ka hadley madasha shirka ayaa sheegey in dowlad aysan jiri karin hadii shaqaalaheeda qaadan mushaharaadkii ay xaqa u lahaayeen isaga oo ugu baaqey xukuumada Cadde Muse in ay xaq baxdo.

Salaad Xareed ayaa yiri " addunka kama dhacdo in jeebna la buxiyo jeebna la mariyo," isaga oo ula jeedey in mushaharka shaqaalha ay dad gooni ah jeebka ku shubtaan.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa ku goodiyay in aan dowlada la sheegan karin hadii aan si deg deg ah mushaharkii shaqaalaha loo bixin.

Salaad Xareed ayaa Isimada uga baaqey in xalada maamulka Puntland isha ku hayaan isla markaana soo faragashadan hadii xaalku ka sii daro madama ay yihiin laf dhabartii ummada.

Yaasiin Cabdisamad oo ka mid ah Cuqaasha gobolka Mudug oo ka hadley kulankaan lagu heshiisiinayay labo belood oo wada daga deganka Cagare ayaa sheegey in aysan habooneyn in mamaulka Puntland lagu tilmaamo maamul.

Dhinaca kale Aqonyahano iyo waxgarad kale oo kulankan ka hadley ayaa ka codsadey in Issimada Puntland ay xill iska saaraan wax ka qabashada xaalka maanta Puntland ka taagan.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac oo goobta kulanka fadhiyay ayaa sheegey in aan loo baahneyn in gogosha nabbada hadalo mucaardnimo looga baahneyn isla markaana arrinkaan loo fadhiyin in laga hadlo.

Xubnaha xukuumdda Cadde Muse oo goobtaas ayaa waxa ka muuqdey wajagabax iyo filanwaa hadalada ka soo yeeraya Issimada iyo waxgaradka kale oo goobtaas isugu yimid.

Gogosha dib u heshiisiinta oo ay fidiyeen Issimida iyo waxgaradka gobolka Nugal ayaa waxa isugu yimid marti sharaf gaaryesa 400 oo qof kuwaas oo ka kala yimid gobolada Sool, Sanaag iyo Mudug.

Madaxweynaha DGPL ayaa in mudo ah ku maqnaa magaalada Dubai halkaas oo la sheegey in arrimo ganacsi u joogo.

Cadde Muse ayaa magaalada Bosaso ka dhoofey xilli degmada Dhahar ay gacanta u gashey ciidamo ka socda maamulka la magac baxey Somaliland.

Isha: Garowe Online

Roobab lagu Qaboobey oo xalay ka da'ay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya degmada xarfo oo ka tirsan gobolka mudug ayaa sheegaya in uu xalay (Arbacadii) degmadaasi ka da''een roobab mahiigaan ah oo aad loogu deyrsadey sida uu ii sheegtey mid ka mid ah cuqaasha degmada xarfo oo aan khadka taleefoonka kula hadley saaka.

Waxa uuna yiri roob saacado da'ayay oo lagu qaboobey si aad ahna u biyo dhigey degmada xarfo ayaa ka da'ay habeenkii xalay inkastoo buu yiri roobkan uusan wax khasaaro oo naf iyo maalma leh uusan geysan.

Roobabka gugu ayaa bishan iyo bishii aynu soo dhaafney waxa ay ka da'ayeen gayiga dowlad goboleedka puntland iyo guud ahaan soomaaliya meelaha ay roobabkaasi ka da'een waxaa ka mid ah magaalada caasimada ah ee garowe oo uu habeen hore qabtey roob aad u fara badan oo lagu qaboobey iyo sidoo kale degmada burtinle ee ka tirsan gobolka nugaal.

Roobabka guga ayaa waxa ay aalaaba da'aan bilaha april iyo may ee aan haatan ku jirto roobabkan inta la ogsoon yahayna waxa ay ka da'een meelo aad u fara badan oo ka tirsan dowlad goboleedka puntland iyo guud ahaanba dalka soomaaliya.

Isku soo wada duuboo roobabkan guga ayaa waxa ay ka curteen kana da'een gobolo degmooyin iyo tuulooyin fara badan oo ka tirsan dowlad gololeedka soomaaliyeed ee puntland.

Yuusuf Guduudow
E-mail yusufguduudow@hotmail.com

Degmada Caluula oo Rafcaan u qaadeysa Doonyo ay Xukuntay Maxkamada Boosaaso

  • $100,000 oo Doolar oo lagu Ganaaxay Maraakiib iyo Doonyo tiradoodu dhantahay Sagaal (9).

Boosaaso: Maxkamadda darajada Koowaad ee G/Bari Boosaaso ayaa May 7, 2007 waxay xakuntay doonyo, marakiib muddo 10 cisho ka hor ah laga soo qabtay aagga Qandala iyo Caluula.

Lix (6) ka mid ah doonayahaas waxaa lagu ganaaxay lacag u dhexaysa $3200 ilaa $47,000 oo Doolar. Waxaana Saddex (3) doonyood kabtanadii wadey lagu ganaaxey midkiiba $5,000 oo Doolar.

Isku darka lacagta lagu xukumay doonyahaas waa $100,000 oo Doolar.

Waxaa kale oo ganaax lagu xukumay shaqaalihii doonyahaas oo tiradoodu 104 qof, kuwaas oo mid kasta lagu xukumay $100 doolar.

Maxkamadda waxaa guddoomiye ka ah Maxamed Cabdi Awaare, waxaana xeer ilaaliye ka ahaa Axmed Taaran.

Saddex (3) ka mid ah doonyaha la xukumay waxay ruqsad ka haysteen maamulka degmada Caluula, waxaa sidaas sheegay  Maamulka degmada Caluula.

Gudoomiyaha degmada Caluula, Xareed Ciise Cumar, waxa uu qaar ka kamid ah warbaahinta Boosaaso u sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan xukunka doonyahaas lagu ganaaxay.

Isha: Wakaaladaha Wararka:

Weriye Maxamed Cabdullahi Khaliif oo Lagu Diley Gaalkacyo

Qoraal Arbacadii May 9, 2007 ka soo baxay ururka Badbaadada Weriyeyaasha ee loo yaqaan CPJ ayaa sheegay in maalimadii Sabtidii magaalada Gaalkacyo lagu diley weriye Mohammed Abdullahi Khalif, oo ka tirsanaa raadiyaha codka nabada, waxana warku sheegay in uu ku dhintay tacshiirad la isku weydaarsadey suuqa hubka sharci darrada ee Galkacyo. Marxuumka waxay da'diisu ahayd 25 jir waxana uu idaacadaas ugu shaqaynayey si mutadawacnimo ah sida uu sheegay agaasimaha idaacadaas... AKhri Halkan.....

SomaliTalk.com | Garoowe | May 10, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD