SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


Qaybtii labaad(2) ee Qaxootiga Somalida-Kenya.
Banadiri Refugee Camp
Waxaa soodiyaariyey:
Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
May 15, 2000

Assalaamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakaatuhu:
Bismilaahi Raxmaani Raxiim:

Walaalayaal waxaannu horay usoo aragnay taariikhdii Somalida kenya ee qaxootiga , gaar ahaan waxaan kasoo hadalnay Xerada qaxootiga ee Utange, . Qoraalkaan waxaannu kaga hadli doonaa haddii rabbi idmo Xerada Layiraahdo Banadiri Refugee Camp:

Walaalayaal xeradan waxay ahayd xeradii ku xigtay Xero ahaan Xerada Utange , waxay labadan xero isu jireen qiyaastii 1KM oo xagal ah, xeradan waxaa gaar ahaan loogu dhisay markeedii hore dadka looyaqaan REER BANADIR, dadkan waxay kamid ahaayeen dadkii soomalida ahaa ee usoo qaxay kenya, kana soo nabad galay dagaalkii ba’naa ee soomaliya. Xeradan dadkii loodhisay tiro ahaan waxay dhamaayeen ugu badnaan marka laqiyaaso (2000)oo qoys. Dagaankeedii si fiican oo qorshaysan ayaa loodhisay ,nabadgal yadeedana waxaa gacanta ku hayay (Polis)somali ah oo lashaqaynayay (Kenya-Polis) Polis-kaas somalida ah waxaa biilayay UN-ka ,Xerada guud ahaanteed habaynkii marka lagaaro waxii kadanbeeya salaadda Cishaha ,marka watiga east-africa uu yahay (8:00)sharp Fiidkii , dadka looma ogolayn in lasoc –socdo si nabadgal yada ay u sugnaato.

Xeradan waxay lahayd School wax lagu baro Caruurta , waxaa kuyiil Dugsi Quranka dadka lagu baro, Dhinaca dumarka Hiwaayad ahan waxaa labari jiray Tolinka Dharka iyo Harqaanka , Sida loosameeyo Darmaha iyo Alaabada kale ee Hiddaha iyo Dhaqanka Dadka xeradan dagan waxay kaga duwanaayeen Xeradii hore ee Utange ,waxay u dhaqmi jireen qaab ah TAKOOR, somalida way iska ilaalin jireen ,waxayna isku magacaabi jireen inaysanba ahayn Somali , Dadkana waxay ka dhaadhicin jireen In dadkaan soomalida ahi ay yihiin Kuwii dhibta ugaystay, Colaad sidaas ah bay qabeen .

Xaalku si kastaba ha’ahaadee , markii laga guuray Utange 15.03.1995. dadkii aan aadin xerayihii aan horay usoo sheegnay ayaa waxay doorbideen inay soodagaan- BANADIRI REFUGEE CAMP. Xeradan sidaan idiin qeexayba waxay tahay xero dadka dagani iyo kuwa usoo qaxay aysan isku qanacsanayn , dhibtan oo ka’imanaysay dadka Xerada loogu yimid ee Baanadiriga ah, Markii xeradii lawada dagay oo qaabab badan loodagay ayaa waxa isku dhacay Dhalin yaro aan horay udaganayn Xeradan oo nidaamkeedaba lasocon iyo Poliskii-xerada mamuli jiray, waxay ahayd goor danbe habaynkii illaa Abartu markay ahayd (12:15pm)east-africa, Dhalinyaradu waxay kasoo baxeen Meel lagu daawado Ciyaaraha Kubadda Cagta ee Adduunka . markii Xeradan aysoo galeen gudaheeda ayaa waxaa hor istaagay Polis-kii Somalida ahaa ee Banadiriga Dabadeed waa la’is Afdhaafay halkaasna waxa ka dhacay Dagaal Koox dhaliyaro ah iyo Poliska waxa wax gaaren Poliskii , Dhalin yaradiina way kala yaacday.

Dhibta kale ee meeshaas ka dhacday waxay ahyd ,maalin ayaa waxaa Reer Somali ah oo xerada dagan u yinid Naag Madow ah oo doonaysa in ay u Adeegto Reerka .waxay naagtu ahayd Shaqo raadis , Reerkii way qaabileen Islaantii Howlihii ay rabeen inay uqabato ayay u qabatay, dabadeedna markii lagaray Xilligii Qadada , waxaa reerka markaas qado ahaan ay maalintaas isticmaalayeen CANJEERO. Islaantii Madowga ahayd waligeed ma’aysan isticmaalin Canjeero, ,maalintaas canjeeradii Reerka ayay wax ka isticmashay dabadeed Islaantii Caloosha ayaa laga qabtay , waxay uqaadatay inay naftaba kahaadayso, Iyadoo ooyaysa Calooshiina lamajiirayo ayay waxay ku guda dhacday Reerahoodii ,waxay usheegtay in reerkaas Somalida ahi ay cunto aysan aqoon siiyeen , Qoyskeedii kama roonaane oo Islaantii Isbitaal magayne Weerar ayay kuqaadeen Reerkii dabadeedna dab qabadsiiyeen Qoyskii Somalida ahaa , dabkii waa fiday oo illaa Qoysas garaya 250 Qoys ayaa halkaas ku guryo beelay.

Dhinacaas dabku kadhacay waxaa si gaar ah u daganaa dad laga soo raray Xeradii qaxootiga ahayd ee la’oran jiray Majengo Refugee Camp. Xeradan waxaa daganaa wadaadadii soo Afduubay markabkii laga soo afduubi jiray Xeebta kismaayo 1991dii.markabkaas oo ay lahayd Dowladda Talyaaniga.

Walalayaal xeradii gubashadii kadib dadkii way dhisteen guryahoodii, dhaqaalo dadka ay kaheleen walahooda dibadda jooga ,eheladooda iyo qarabada kale ayay dadkaasi kusoo nolol noqdeen, dhinaca UNHCR-ta waxaa laga helay oo kaliya Bustayaal iyo macun yar oo wax lagu karsado. Walaalayaal markii dhibtaas ku habsatay sigaar ah dadkii lagasoo raray Xeradii Qaxootiga ee Majengo kadib, waxaa xeradaas aad usoo dagay dadkii kaharay Xeradii Utanga, dabadeed waxaa bilaabmay dhismo balaran oo dadku guryaha ku dhisanayeen, Xeradii Banadiriga Bulsho balaran ayay heshay , Ganacsi yar yar ayaa kabilowmay xeradaas, Bakhaaro,Farmashiyaal, Maqaayado yar-yar, Shinemoyin dhalinta kadaawato Ciyaraha Sports-ka ah , waxa xeradaas kuyiilay Dugsiyo quraan iyo Iskuulo wax lagu barto oo isagu jira 2qaab, A-School ay maalgaliso UNHCR-ta iyo Kenya Red Cross-ka, B- School Private ah oo Dhalinyarada Somalida ahi Caruuraha iyo dadka waawayn qaarkood Bara luuqadda English-ka.

Markii muddo xeradaasi qaabkaas loodaganaa , ayaa sanadku markuu ahaa 1995-tii dabayaaqadeedii waxaa xeradasi Dowladda Maraykanka ugu deeqday Dib udajin Dalka Maraykanka, Qaabka xeradaasi dadka looqaadayay ayaa waxaa ay ahayd in Latix galiyo Shaqsi kastaa oo Haysta Card-ka Qaxootiga si loogu aqoonsado in qofkasta yahay qaxooti xaq uleh in Dib u dajin lasiiyo, Arrintaani waxay Abuurtay Colaad si dadban loogu colaadiyay dadkii Somalida ahaa ee waligood Xeradaasi daganaa Haystayna card-kaas Qaxootiga ee banadiriga, markii loogudagalay dib udajintii ayaa waxaa bilabmay dhowr arrimood oo sidan hoos ku cad ah .

Waxaa latakooray dhammaan wixii Card-Qaxooti ahaa oo ay lahaayen dadka Somalida ah. Iyadoo UNHCR-tu ay ka qayb-qaadanayso,marka aan leyahay UNHCR-ta ayaa kaqayb qaadanaysa waxan kawada shaqalaha UNCHR-ta ah ee Somalida Banadiriga. udhashay

Waxaa sigaar ah looqatay oo loo tixgashay Qofkii loo’aqoonsado inuu Banadiri yahay, dabadeedna qofkaas uu si xaraga leh uugu gudbo laanta qaxootiga Maraykanka ee looyaqaano JVA, Dadkii kasoo haray ee aan laqaadan ama markii hore lagareebay Qorshaha dib udajinta qaxootiga ee Tabaruca ahaa waxaa kararkoodii markii ay kadoodeen loogu magac daray (Card-Problem) UNHCR-ta ha’idin soosaxeen, hana soo caddeeyeen inaad tihiin Banadiri. Waxa kale oo an halkaan kusoo koobi karin arrima kale oo waafaqsan qoraalkaan.

Dhibaatadii kadhacday xeradan waxaa kale oo kamid ahaa ,markii laguray dadkii Banaadiriga ahaa , ayaa waxay UNHCR-ta dib ubilowday siyaasaddeedii ahayd dib uraridda qaxootiga iyo midaynta Xeryaha, dadkii ayay waxay usoo bandhigtay inay isu diiwaan gashaan xerada KKUMA, dadkii qaxootiga ahaa ee haraga ahaa arrintaas way kamaagteen, shirar badan ayaa dhex maray maamulka Xerada iyo UNHCR-tii, wax gul ah oois afgarad ahi kamadhalan dhowrkaas shirar oo isdaba joog ahaa , Xerada markaas waxaa mas’uul ka’ahaa xagga UNHCR-ta gabar u dhalatay dalka Uganda oo dhalasho maryakan ah haysata magaceedana waxa la’oranjiray Elazabeth.

Walaal markii xaal intas marayo ayay UNHCR-ta waxay abaabushay musuqmaasuq iyo jahwareer , iyadoo ay markastaa xerada cabsi galinaysay, waxay dadka uugu baaqi jirtay in haddii ay iyagu is diiwaan galin , si qasab lagu rari doono, arrintaas waxaa kasoo wajahay soomalida cabsi iyo iyagoo awalba horay iyiqiin qaabka ay oola dhaqmaan Askarta kenya. Waxaa malin duhur ah xeradas kadhacay masiibadii uugu xumayd ee soo foodsaarta dadka somalida ah , tan iyo xerayaha qaxootiga ooidil tii uugu darnayd.

Waxa maalin duhur ah sooweerara xeradaas Dhalin yaro kenyan ah oo ubadan dadka looyaqaan Rastas, Dhalinyaradaan waxaan hubaa in ay is ogaayeen UNHCR-ta iyo sargaal katirsanaa Polis-ka Kenya, oo markaas heeganka xerada lahaa kuna magacownaa, walaalayaal iyadoo dadkii qaarkood magaalada jiraan,dadna aay iska ganacsanayeen ayay xeradii gees Dab kasoo qabadsiiyeen, markii dabkii la’isagu romaday oo la’isku daday in laga hortago ayay dhinicii kalana kasoo weerareen iyagoo wata qalabka lagu dagalamo ee loyaqaan Af-Somali ahaan (Bangado, Falaaro,Ulo,Masaaro) IWM..

Xeryaha masiibadii ugu waynayd waxay kadhacday Xeradan Banaadiriga, Dabkaasna waxa ku dhintay Nin Somali ah oo Isagoo Hurda Gurugiisii dab laqabadsiiyay Markii uuka soo Bixilahaana Horta Laga istagay , Iyadoo dabkii Gurigii uu ka qaxmayay dib loogu ceshay ,waxa Ninkaas uu kuhaftay Qiiqii faraha badnaa ee dabku watay dabadeedna uu kusuuxay Dabkii Gudihiisa, halkaasna uu ku Nafwaayay. Allaha Unaxariistee Marxuumkaas waxa la’oran jiray Cabdulaahi Faarax Guuleed Waxaa uu Caan ku’ahaa Cabdulaahi Itop.

Markii masiibadaasi Dhacday waxa dadkii ucadaatay in meeshaani la’isku Gowracayo haddii lasii fadhiyo halkaasna waxaa dadkii isu qaban qaabiyeen inay ukala yaacaan dhowr magaalo Sida Nairobi oo qofkii usaamaxo dhaqalihiisa uu ucararay Qaarna Mombasa ayay dageen, Kkuma , Ifo, Jomvuu. ETC.

Walayaal waxa laheli karaa sawiradii dabkaas xoogiisa oo muuqda iyo xattaa maydkii Marxuumka aannu kor kusoo sheegnay.

FG: walalayaal illaa hadda Marxuumkaas oo Dabkaas kugeeryooday dadkiisii wax ay UNHCR-ta uqabatay majiraan.

Waxaa intaas noogu eg warbixintii 2aad ee xerayaha qaxootiga somalida.

Cudurdaarasho:

Walayaal waxan kacudur daaranayaa in aan ladaahay Qoraalkaan lakin insha allah kuwa xigaa way kasoo dag dagidoonaan


Waxaan (qoraaladan) uhibeeyay page-ka Somalitalk.com
Waxaa diyaarshay:
Maxamed cabdi farax Botan -Shiike.
Waxii jawab ah kusoo hagaaji
Email: faaraxbotan@yahoo.com

Daabacaad: May 15, 2000 | Faafin: SomaliTalk.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD