SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


Qaybtii Saddexaad(3) ee Qaxootiga Somalida - Kenya.
Xeryaha Somalida Barave/Jomvuu/Carab
Waxaa soodiyaariyey:
Maxamed cabdi farax Botan
faaraxbotan@yahoo.com
May 25, 2000

Assalaamu Calaykum W.W.
Bismilaahi Raxmaani Raxiim:

Horudhac:

Qaybtaan 3aad ee Qaxootiga Somalida Kenya waxay kakooban tahay Saddex (3) Xero oo Qaxooti Somali ahi daganaayeen oo kuyiil Gobolka Xeebta ah ee Dalkan Kenya , Saddexdan (3) Xero aad bay ooga yaraayeen Xerihii Hore ee aannu soo Aragnay, Waxayna Kalayihiin

  • Xerada Qaxootiga ee Barave - Somali Baraawe
  • Xerada Qaxootiga ee Jomvukuu - Somali Baajuun
  • Xerada Qaxootiga ee Jaaliyadda Somali - Baraawe+Carbeed.
Haddii Alle Idmo waxaan Xero kastaa kabixindoonaa sida uu Macluumadkeeda ahaa waqtigii ay jirtay, iyo Qaabkii ay Nolosha qaxootigaas uu ahaa, waxaana u Bilaabi Doonaa Sidan Hoose.

1. Xerada Qaxootiga Baraava - Somali Baraawe:

Xeradan waxay aad iyo aad uugu dhawayd Degaan ahaan marka la’eego Deegaankeeda halka uu ku yiil Xeradii Banaadiriga , Xeradan Waxaa kunoolaa Dad Somali Baraawe, Dadkan oo kamid ahaa Dadkii Kasoo Nabadgalay Dhibaatadii Kadhacday Somalia, Dadka Xeradan Daganaa Xaqiiqdii Noloshooda waxay ku xirnayd Ganacsi Yar- yar, Dadka Xeradan Daganaa waxay kaga duwanaayeen Qaxootigii Xeryihii hore Waxyaabo yar yar oo laxiriira Dhaqanka, Luuqadda, Dabeecadda,.

Dadkan Intii kahoraysay Dhismaha UNHCR-ta ee Xeradan Barava, waxay aheeyen Dad kunoolaa oo Daganaa Magaalada Mombasa, waxayna ahaayeen intooda badani Ganacsato, Ka ganacsata Dharka Alaabooyinka Hiddaha Iyo Dhaqanka, Harqaamada, Samaynta Kabaha oo noocwalba ah, Dahabka IWM. Waxayna Markaa Isticmaali jireen Suuqa looyaqaano Marketti, Suuqaan waxaa loodaayay Dadka Reer Baraawaha ah iyo Qaybo Kamid ah Somalidii Utange, Xeradan waxaa kunoolaa Tirada ay UNHCR-ta kahayso waxay dhamayd qiyaastii Dadgaaraya Illaa (12000)oo Qoys oo Reer Barava ah.

Xeradan waxaa Daganaa oo kaliya Dadkaas aan kor kusoo qeexay oo kaliy, waxayna lahayd Hal (1) Masaajid, waxaa kuyiilay Iskuul ay UNHCR-ta u dhistay Dadka daganaa si caruurahooda wax loogu baro. Dadkan waxay kaga duwanaayeen Somalida waxay ku hadli jiren Luuqadda loo Yaqaan (kiswahili) oo Dalkan Kenya Looga Hadlo, waxaa kale oo ay ku hadli jireen Luuqad iyaga Ugaar ah oo looga hadli jiray Gobolka layiraahdo Jubbada Dhexe ee Somaliya Sida Magaaloyinka kala ah JILIB, BARAAWE, BU’AALE.

Dadkan waxay ahaayeen Dad aad iyo ad u xir xiran oo aan la dhexgali karin, il gaar ahna waxay isaga eegi jireen Somalida, Dadkan waxay waqtigii Xeradan lasamaynayay ku hadaaqi jireen Hadalo Liddi Ku’ah Dadka Somalida ah iyo Dalka Somaliya Intaba, waxayna UNHCR-ta kadhaadhiciyeen Iyo Dowladda Kenya inay ahaayeen Dad si xun loola Dhaqmay Xilligii Dagaalka Sokeye ee Somaliya uu Socday. Dagaalkaas waxaan wada xasuusan nahay in Umadda Somaliyeed uu Si ba’an u wada saameeyey , iyadoo aysan jirin Cid si’gaara uu Unaafeeyey, waxay Sheegteen Xilligii Dowladii Somaliya jirtay inay ahaayeen Dad layaso oo aan ka Qayb galin Maamulkii Somaliya.

Walaalayaal Dadkaas Markuu Sanadku ahaa 1997-dii Horaantiisa ayaa waxaa Dowladda Maraykanka uugu Deeqday Dib Udajinta Qaxootiga, Qorshahaan oo ay UNHCR-ta udiyaarisay Dadka Reer Barava waxaa soo wada Dhameeyay Maamulka Laanta Qaxootiga Iyo Xubno aad looyaqaan Dowladdan Kenya oo ah Dad maalqabeen ah oo Asalkodii ahaa Reer Barava., Iyagoo waliba qaarkood ayba Tageen Dalka Maraykanka. Bishii March, 1997dii waxaa xeradaas yimid Wafdi Kasocda Dowladda maraykanka oo laanta socdaalka Maryanka katirsanaa fadhigooduna yahay Magaalada Nairobi, Wafdigaas Maraykan ka ah waxa loosameeyay Xaflad lagu qabtay Xeradas Barava, waxa loo ciyaaray Ciyaaraha Reer Barava ay hiddaha uleeyihiin.

Bishii May, 1997dii waxa Bilowday Qorshihii Dib udajinta Qaxootiga Somalida ee Reer Barava, Dadkaas waxaa raacay Dad somali ah oo ubadan Dhalin yaro oo Bosaska Dadkii Reer Barava ahaa Ka faa’iidaysta Iyagoo ooga Faa’iidaystay Qaabkaan

Tusaale ahaa : Reerbaa waxaa uu haystaa Kaar (Refugee Card) Qaxooti oo tirada dadkiisu yahay 12 Ruux, marka Tiradaas waxa laga yaabaa in Tiro La’eg (8)Ruux Kaliya ay qoykaan kajoogto, Marka Tiradii (12_ka ahayd marka ay (8)Ruux kaliya Joogto , Tirada sohartaa oo ah (4) Ruux waa la’iibsaday oo midkiiba waxaa lagu gadanayey Illaa Lacagta uugu yar oo ah($ 3500)Dolar Qiimaha uugu Badani waxa u ahaa ($5000) .

Qaabka Noocaas ah ayay Dhalin yaradii Somalida ahayd kaga Baxday Qaxootiga Kenya oo ugaareen USA. Iyagoo kusocda Magacyo Reer Barava ah Sida LooLoow, Shiikheey, Qadarow, Shaacir, ETC.

Xeradan waxay Xirantay Sanadku markuu ahaa (1998) Horaanteedii.

2. Xerada Qaxootiga ee Jomvuu - Somali Baajuun:

Xeradaan Waxaa Daganaa Dadka Looyaqaan Baajuunta, Dadkaan waxay kasoo Qaxeen Magaalada Kismaayo iyo Nawaaxigeeda Xilligii Dagaalka Sokeeye, Xeradan Dadka Kunooli waxay lahayeen Caadada Wadanka Kenya, Dadkaani waxay lahayeen Doonyo ay Kukaluumaystaan, Waqtiga Xilliga Doorashadana waxayba kaqayb gali jireen Cod Dhiibashada Wadankaan, Dadkaan iyagu Isumay Arki jirin inay yihiin Qaxooti, waxayna kaxaaman jireen magaalad Mombasa. Qaarkood waxayba watteen Baabuurta Magaalada Ka dhexshaqaysa oo Dadku Raaco.

Xeradan waxaa ku dhexnoolaa oo kaliya qoysas aad iyo aad uyar o Somali ah. Xeradan Si wayn looma Dadaganay, Xilligii Dib Udajinta Maraynkana ee Xeryihii hore iyagu ma'aysan helin Markii danbana waxaa Dib loogu Raray KKUMA oo ah Xerada uugu wayn ee Qaxootiga Kenya. Insha Allaah KKUma waad Ogaan doontaan .

3. Xerada Qaxootiga ee Jaaliyadda - Barava iyo Carab:

Xeradan waxa wada daganaa Dadka looyaqaan Somali Carbeed iyo Baravan, Xeradan dadkii kunoolaa Illaa iyo hadda way kunoolyihiin. Waxayna dhan yihiin illaa (1000 Qoys), Xeradan UNHCR-ta si wayn uma Rumaysna, Xilligii Ladhisayay Barava kahor ayay Jirtay, waxaana Dadkaas Wax siiya Niman Carab ah oo taajiriin ah Dagganna Mombasa iyo Reer Barawe Wadanka Hanti Fiican Kuleh sida:

  • Taarikh Shiikh Saciid (TSS) oo Maqalqabeen Baravan ah
  • Xaaji Yuusuf (By Yusuf LTD)
Illa hadda (sidaan kor kusoo xusnay) Dadkii Daganaa Wali Waydagan yihiin, Laanta Qaxootiga ee UNHCR-tana wax xirrir ah lama ay lahan, Dhinaca Dowladda Kenyana Magacyada Kor Kuxusan ayay Xeradan Udhaaftay, Iyagoo Magacyadaa ay wadanka Hanti badan soo gashaan.

Xeradan waxay kutaal Magalada Mombasa Gudaheeda, Waxayna u dhowdahay Bank-ga layiraahdo Baroda Bank. Waa Degaan aad u yar, Dadka Xeradan Dagan waa Dad Shaqaysta oo Kashaqaysta Dukaamada uugu waa wayn ee Mombasa, Dadkani waa Dad Xadaaradeed waxayna Ka Ganacsadaan Dharka, Dahabka, Dekadaha, Airborada, Carwooyinka

Dadkaan waxay U dhoofaan Qaarkood Dalka Imaradka Carabta (UAE) Waxayna kakeenaan Dharka iyo Alaabooyinka Kale ee Guryahay Lagu Sharaxdo, Xagga Xeebta Waxay ku Xiran yihiin Xeebta Zanzibar iyo Da-res-salaam ee Tanzania Waxayna Wax kadhoofiyaan, kana soodajiyaan Dakadda Mombasa.

Wabilaahi Towfiiq

Wassalaamu Calaykum W.W. NB: Walalayaal waxaan ka cudur daaranayaa Qoralkan oo aan uugu talagalay inuu mar hore Idin soo gaaro, haddana Waqtiga oo cariiri ah Awgiis ayuu Dib uugu dhacay, Insha Allah wali waxan kusii jirnaa Wararkii Qaxootiga Somalida ee Kenya

Waxaa Idinku soo maqan Dhawaan Haddii Rabbi idmo Xerayahan Hose

¨ KKUMA
¨ IFO
¨ DHADHAAB+DHAGAXLEEY


Waxaan (qoraaladan) uhibeeyay page-ka Somalitalk.com
Waxaa diyaarshay:
Maxamed cabdi farax Botan -Shiike.
Waxii jawab ah kusoo hagaaji
Email: faaraxbotan@yahoo.com

Daabacaad: Thursday May 25, 2000  | Faafin: SomaliTalk.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD