SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - NOLOSHA QAXOOTIGA
Daabaco Boggan | Print


DHIBAATADA HAYSATA SOOMAALIDA KU NOOL WADDANKA YEMEN

__________
Qaybtii 1aad 

Ka dib markii uu burburtay qarankii soomaaliyeed dhammaadkii sagaashankii dadkii soomaaliyeed adduunka dacalladiisa ayey u kala firxadeen oo qof waliba meeshii uu is yiri waad ku badbaadaysaa, nololna waad ka helaysaa ayuu wajiga saaray, ilaa qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ay naxariis ka raadsheen yuhuudda. Soomaalidu meelihii ay adduunyada ka tageen waxaa ugu liita kuwa tagay waddankaYemen oo aan lahayn wax daryeel caafimaad, mid guri iyo shaqo toona Waddanka Yemen oo ka mid ah waddamada adduunka ugu faqiirsan, uguna danbeeya xagga horumarka iyo waxbarashada ayaa waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah Yementa koofureed iyo tan waqooyi; Yementa koofureed waxaa gumaystay Ingiriiskii waxaana caasumad u ahayd Cadan, gumaystihii kadib waxay noqotay dawlad shuuci ah oo hantiwadaagga sida shiinaha oo kale ugu dabaqday waddankeeda, tan waqooyi waligeed ma gumaysan gumaysigii reer yurub oo waxaa xukumi jiray Dawla Islaamiya, waxaana ugu dambeeyey Imaam Yaxya iyo Imaam Axmed kuwaas oo ahaa niman kasoo jeeda waddanka Turkiga ee ay ka jirtay khilaafadii Islaamka ugu dambeysay ee cismaaniyiinta, caasimaddeeduna waxay ahayd Sanca, Waxayna isku darsameen ka dib dadaal badan iyo cadaadis ka yimid yementa qurbajooga ah iyo ehelada la kala qaybiyey sannadkii 1990kii bishii May 22dii, waxayna qaadatay habka xisbiyada badan (multiple party system) waxaana doorashooyin xor ah ka dhaceen sannadkii 1993dii, natiijada doorashada ee kuraastii baarlamaanku waxay farax galin wayday madaxdii koofurta oo markaas ka mid ahaa dawladda midnimada qaran oo ay ka mid ahaayeen Cali Saalim beid iyo Caddaas kadibna waxay goosteen inay ka noqdaan waxdada ama midawga ay la midoobeen waqooyiga, kadibna waxaa dhex maray dagaal aad u haraar sannadkii 1994tii waxaana lagu jaybiyey reer koofureedkii, halkaasna ay waddanka dibadda uga carareen madaxdii gooni goosadka rabtay.Waxay idaacaduhu sheegeen inay dagaalkaas ku dhinteen ugu yaraan dad gaaraya 450 soomaali qaxooti ku ahayd xero u dhow cadan oo ay isla soo galeen labada ciidan markay dagaalamayeen inay qolada koofureed oo la cayrsanaayey ay gabbaad ka ama dhufays ka dhigteen dadkii soomaalida ahaa teendhooyinkooda. Markaa haddaan u soo laabto mawduuca cinwaankayga oo ah dhibaatada haysata soomaalida ku nool wadanka Yemen, taas oo aan ku soo koobi karayo illaa shan (5) qaybood. 

  1. Soomaalida yemen joogta oo aan lahayn cid u dooda xuquuqdooda .
  2. Iyagoo la iska baado ama laaluush  tiro badan looga qaato xataa waxay xaq u leeyihiin.
  3. Iyaga oo aan loo ogolayn inay xataa siiyaan jinsiyad dadka labaatanka sano iyo ka badan joogay waddanka, wax beecmushtar ahna aan ka sameyn Karin waddanka gudihiisa oo magacoodu ku qoran yahay.
  4. In dawladda xataa dadka u shaqeeya ay dulmiso.
  5. In qofka soomaaliga ah ee gala xabsiyadooda ay jir dilaan askarta  xataa qaarkood ku dhinteen.

I. Soomaalida joogta waddanka yemen malaha cid u dooda xuquuqdooda hadday ahaan lahayd mid iyaga dhexdooda ah ama dibadda ka ah, taasina waxay keentay in aan cidina xil iska saarin ama aysan xaqdhawrin xataa si biniaadaminimo ku jirto, waayo ma laha joornaal, raadiyo, ama afhayeen u hadla xuquuqdooda ama dooda xuquuqdooda, soomaalida yemen ku nool waxaa lagu hayaa  midab takoor aan sinaba caadi u ahayn, tusaale ahaan haddii la ay rabaan inay guri kiraystaan waxaa laga qaadaa kiro laban laaban oo  macneheedu yahay soomaalidu waxay haystaan Dollar sidaa daraadeed waa in ay bixiyaan kiro dhabal ah, baabuurta kirada ah ee taxiga waa la mid meeshuu qofka yemeniga ah ka qaado 100 YR. qofka soomaaliga ah wuxuu ka qaadayaa 250 ama in ka badan waana soomaalida kaliya oo aysan la wadaagin ajaanibka kale, taasina waxaa laga arkay inay dadka soomaaliyeed yihiin HILIB BISIL oo qofkii soo gaaraa meeshuu ka soo gaaro ka cuno. 

II. Qofka soomaaliga ah hadduu uga baahdo laamaha dawladda mid ka mid ah wax mucaamilo ah kama helo illaa uu lacag bixiyo, walibana uusan helin waqtigii uu u baahnaa, haddiisan lacag bixinna waligiis indha ma ma saarayo mucaamaladiisa oo nin baa khaanad iska gashanaaya oo haddii uu doono dhahaaya waa luntay ama waa la xaday oo markaas ay noqonaysaa inuu mid cusub dib u soo bilaabo haddana intii oo kale ku qaadato inuu soo caamilo ama soo sameeyo. Waxaa dhacday in nin soomaali ah oo shaybaariiste ah uu ka shaqeynayey tuulo ku taalla yementa waqooyi qaybta buuralayda ah oo Sanca looga socdo 12 saacadood oo raf ah uu baahday inuu soo samaysto warqadda oggolaansha shaqo (work permit) hal sano ah oo ay bixiso wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada (wazaaratal camal wa shu’uunal ijtimaaciyah), waxay ku qaadatay inuu la soo baxo warqaddaas 6 lix bilood oo uu ka soo tagay shaqadiisii uusanna haynin wax kale uu reerka ku masrufo, waxaa laga yaabaa kan isaga la mid ah ee ama ciraaqiga ah ama falastiiniga ah inay ugu dhammaato saddex maalmood ama ninka meesha iska lehi uu u soo sameeyo isagoon shaqadiisa ka tagin, laakiin ninkaas soomaaliga ah shaqadiisii intii uu ka soo maqnaa ayaa uu ninkii mustawsafka ama clinicga ama bukaansocod eegtada iska lahaa cid kale keensaday, taasna waxaa u sabab ah iyadoo la yiraahdo qofka soomaaliga lacag uusan awoodin. 

III. Yementu uma ogola inay siiyaan dhalasho caruurta waddankooda ku dhalata iyo dadka soomaalida ah ee ku noolaa wax ka badan labaatan sano. Dastuurkooduna wuxuu dhigayaa qofkii waddanka ku noolaada 10 sano inuu xaq u leeyahay inuu qaato dhalashada waddanka, laakiin waa khad warqad lagu qoray (xabrun calaa waraq) oo macneheedu  yahay waa hadal afkana laga yiri warqadna lagu qoray laakiin aan lahayn wax camal fal ah markay noqoto dhinaca soomaalida, xataa hadda waxaa iqaamad ku jooga dadkii soomaaliyeed ee aabayaashood ahaayeen askartii ingiriiska oo markii horena ka faani jiray yemenimada oo iqaamad qaadan jiray markay dawladdii soomaaliyeed burburtayna loo diiday dhalashadii illaa ay hadda la mid yihiin kuwa qaxootiga ku ah oo aan loo tixgalinaynin muddada dheer ee ay waddanka ku sugnaayeen iyo inay aabayaashood waddanka u shaqeeyeen kana mid ahaa ciidamada xoogga dalka yemen, iyo dhammaan hay’adaha kale ee dawladda, waana yementii koofureed oo ah midda hadda laga dhawro meelaha sar sare ee dawladda lana fogeeyo iyadoo la leeyahay waxaad tihiin dadkii damcay inay goostaan. 

IV. Dawladda yementu waxay dulmisaa dadka u shaqeeyaa ee ah macalimiinta iyo dhaqaatiirta ah ee soomaalida ah. Gaar ahaan macalimiinta soomaalida ee wax ka dhiga iskuulada yemen ma aysan qaadan wax lacag ah sannad dugsiyeed dhan. Waxaa dhacday inay dawladda yementu ay safaaradda soomaalida ee sanca ay ka codsatay inay u keento macalimiin soomaaliyeed oo dhiga maaddada Englishka kuwaas oo ah sidii macalimiin ku imaanaysa heshiis dhexmara laba dawladood oo kale ama contracts ama (MUCAAR). Safaaradda soomaaliyeed macalimiintii waxaan maqlay inay u keentay dawladda yemen, kuwii hore u joogayna ay qaar ku dartay, laguna heshiiyey in ay shaqo bilaabaan macalimiinta soomaalidu, sidaana macalimiintii shaqadii ku bilaabeen, markii la gaaray waqtigii mushahar bixinta oo macalimiintu lacag qaadan lahaayeen ayaa macalimiintii soomaalida waxaa loo soo qoray sidii ayadoo waddanka gudihiisa laga qaatay, taasoo macneheedu yahay in ay qaataan RIYAAL YEMENI, iyo lacag ka yar intii horay loogu heshiiyey, taasoo sababtay inay macalimiintii soomaaliyeed diidaan inay qaataan lacagtaas aan waafaqsanayn heshiiskii lagula heshiiyey ayna ku shaqo tageen. Waxaa jirta in bil kasta lagu yiraahdo waxaa la idin siinayaa lacagtii bisha soo socota, laakiin waxaan ogaaday waqtiga aan maqaalkan qoraayo inaysan qaadan wax lacag ah ayna ku nool yihiin dayn ay qaadanayeen sannad dhan, illaa qaarkood xataa dukaamadii yementu u diidaan inay siiyaan wax dayn muddada dheeraatay awgeed anigoo u malaynaya in qaarkood maanta BAKHTIGU U XALAAL YAHAY, taas oo ka baxsan qaanuunada adduunka jira oo dhan iyo xuquuqul insaankaba, markaa haddii ay jiri lahayd innaba wax xuquuuq bani aadaminimo ah ayna istaahisho dawladda yemen wax laga dacweeya maxkamadaha caalamiga ah iyo hay’adaha u dooda xuquuqda dadka shaqeeya iyo kuwa bani’aadamka. Markaa haddii dawladdii waxaa sameynayso maxaad ka malayn kartaa dadka shacabka dadka soomaalida ah ee u shaqeeya, waxaa dhacda qofka soomaaliga ah in lagu qaato ama dhaqtar ama shaybaar ama booyaaso oo markay shaqeyso bil ama laba bilood inuu ninkii yemeniga ahaa meesha iska lahaa uu u diido mushaharkii isagoo waliba ku cabsiinaya waan ku xirayaa iyo wax ma taqaanid iwm.

V.  Dadka soomaalida ee ku nool waddanka yemen wax xaq dhawr ah , xushmad iyo tixgalin bani’aadanimo midna kuma haystaan waddanka yemen waayo dad qaxooti ah raashin la siiyo oo xeryo ku jira maahan, wax shaqo loo ogol yahay ay ku noolaadaanna ma ahan, dalka yemen sharci uma ogola aan ka ahayn kaar qaxooti oo taariikh uu ku dhaco leh, hadda kay haystaan wuxuu dhacay sanadkii hore dhammaadkiisii ilaa haddana wax loo cusbooneeyey ma jiraan, waxaa kaloo jira in askartu yementu iska qabsadaan qofka soomaaliga ah kadibna ay lacag waydiistaan hadday ka waayaanna iska xirta ilaa uu lacagta looga keenaayo, haddii uu xabsiyadooda  galona inay jir dilaan ay u badan tahay. Bishii hadda dhammaatay bay ahayd markii qaar ka mid ah bogaga internetka soomaalida ay soo qorayeen inay askarta yementu qof dumar ah oo soomaali ah koronto ku dileen xabsiyada yementa ee magaalada sanca mid ka mid ah. Soomaalida yemen ku nool iyo kuwa kale oo caalamka meelo badan oo ka mid ah ku nool bay dhibaatadaas oo kale haysataa, WAANA CEELNA UMA QODNA CIDINA UMA MAQNA, inkasta oo ay la qabaan soomaali oo dhan.

La soco qaybaha dambe oo aan kaga hadli doonno soomaalida tahriibta yemen ku timaadda iyo dhibaha ay la kulmaan. 

Waxaa qoray Hussein Abdi.
hussein_abdi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | June 13, 2005

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

RAADIN

 



HTML CD