SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com


Koffi Annan oo Noqday Xoghayihii ugu horeeyay ee QM.oo booqda shir soomaaliyed

Kofi Annan & madaxweyne Mwai Kibaki: Sawirka Eastandard

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Koffi annan oo booqasho gaaban ku yimid dalka kenya ayaa booqday xarunta ay ka socdaan wada hadalada somaliya ee Mbagathi.waxaana ku soo dhaweeyay qaar ka mid ah madaxda Guddiga fududeynta ee IGAD.

Kulankan oo si wayn looga soo qaybgalay waxa ugu horeyn furay gudoomiyaha shirka Danjire Bethuel Kiplagat.waxaa kadib hadal gaaban halkaasi ka jeediyay wasiirkii hore ee arrimaha dibada kenya oo ka hadlay xaaladihii uu soo maray shirka mudadii uu socday iyo muhimadda uu u leeyahay shacabka soomaliyeed xusayna in ay somaliya horay uga qasaaray dhowr iyo toban shir kanna waxaan aad ugu raja waynahay ayuu yiiri in uu mira dhal noqon doono. kuna tilmaamay in uu marayo shirka gabagabo iyadoo lagu jiro marxaladii ugu dambaysay ee awood qaybsiga shirkana waxa ku tilmaamay in uu ka duwan yahay kuwii hore maadaama uu soo booqday xoghayaha Guud ee QM.oo wax wayn ka badali doonta shirka,waxa uuna mahadceliyay Xoghayaha intaas kadib waxaa qudbad soo jeediyay koffi annan.

Koffi annan waxa uu ka hadlay in QM.ka go'an tahay sidii ay somaliya ku heli lahayd Dowlad soo celisa nidaamkii iyo kala dambayntii si Dalku uu u helo xuquuqdii uu lahaa.sidoo kale dhamaan ururada kale ee caalamiga ah waxay si wayn u danaynayaan ayuu yiri in somaliya ay cagaheeda isku taagto dhamaan gobolka oo dhanna waxaa ugu jirta dan in ay somaliya ka baxdo dhibka.

Mar uu ka hadlayay koffi annan dhinaca taageero iyo waxqabad ee ay QM. ka gaytsatay somalia waxa uu sheegay in xiligii dhibaatada daran iyo dagaaladu ay ka socdeen halkaasi ay QM. u fidisay gargaar mucaawino oo wax wayn ka badalay dhibkii jiray,balse waxaa lagu fashilmay ayuu yiri howlgaladii kale oo lagala kulamay dhibaato.

waxa uu intaasi ku daray in taageero walba oo lagu socodsiinayo wadahadalada nabadeed ee somaliya ay sii wadayaan kana go'an tahay isagoo ku eedeeyay hogaamiyaasha siyaasada kuwa aan oofinin heshiisyada ay galaan taasna ay tahay mida keenta fashilaada ku timaada shirarka marwalba oo la filayo in wax soo baxayaan isagoo xusay heshiiskii xabad joojineed ee bishii "ogtober 2002" ay hogaamiyaashu ku kala saxeexdeen magaalada eldoret uusan noqonin mid la fuliyay kuwii ka dambeeyayna sidoo kale aan meelna laga soo qaadin,waxa uu ugu baaqay hogaamiyaasha siyaasadda in ilaaliyaan shirarka iyo heshiisyada ay galaan.

Waxa uu sheegay annan in ay mas'uuliyad ka saaran tahay madaxda soomaliyeed sidii ay dalkooda nabad ugu raadin lahayeen.muhiimna ay tahay in la helo Dowlad ku dhisan cadaalad iyo maamul guud,muhiimna ay tahay in la helo helo amaan buuxa,taas oo xitaa faa'iido wayn u leh hay'adaha QM.in ay helaan meel nabad ah oo ay dadka ku gaarsiiyaan gargaarada ay u baahan yihiin.

Gabagabadii waxa uu xusay dadaalkan qaatay muddada waxaa mahadeeda iska leh ayuu yiri wadamada dariska la ah somaliya,mid gaar ahna u soo jeediyay Dowladda kenya oo marti galisay shirkan.si guudna ugu aamaanay urur goboleedka IGAD gacan ku haynta shirka dhamaan gobolkana faa'ido u leh.

Ugu dambayntii booqashadan Xoghayaha guud ee QM.ayay dad badani is waydiinayaan saamaynta ay ku yeelan karto shirka iyo kaalinta Qaramada midoobay ee ay ka qaadan karto wadahadalada nabadeed ee Dalka kenya uga socda hogaamiyasha siyaasadeed ee soomaaliya.

Anab Mohamoud Abdulle
canabmumtaz@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 9, 2003

Soomaaliya iyo Qabqablayaasha Dagaalka
Faaladii Toddobaadka ee Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Guji July 8

HORUMARKA SHIRKA IYO HAABASHADA DAWLADNIMO
Faalladii Ibraahim Maxameddeeq ee maanta
Guji

BAYAAN: Daladda Culimada Soomaaliyeed
Bayaankaas oo ka hadlay qodobada kala ah: 
Guji

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

 



HTML CD