SOOMAALIDA
SOUTH AFRIKA: “CIDNA UMA MAQNA CEELNA UMA QODNA”
1998dii ayaan waxaan aad ula dhacay
maqaal aanan hada xasuusan wargayskii lagu soo daabacay oo nin xikmad
badan ku soo qoray majalad uu kaga hadlaayay dhibaatooyinka ay
soomaalidu ka dhaxleen burburkii iyo nidaam la’aantii ay sababeen
dagaaladii sokeeye. Qoraaga oo xuuraansaday qaababkii nolosha ee ay ku
sugneeyd bulshada soomaaliyeed iyo sida aysan u muuqan tiigsashada
asbaabihii looga bixi lahaa ayaa wuxuu ku halqabsaday “cidna uma
maqna, ceelna uma qodna”. Damcan tii Rabi waa gooni, laakiin
qoraalkiisu wuxuu ka tarjumayay sida dadku aysan u hayn dhabe ay kaga
bixi karaan masiibada ku habsatay.

Port Elizabeth
| Sawirka: Google search |
Iminka oo marxaladihii dhulkeenii hooyo
wax badan iska badaleen ayaa waxaa la oran karaa oraahdaas waxaa
badashay “Allaa u maqanaayoo sahan uma baahnayn”
Laakiin “cidna uma maqna ceelna uma
qodna” waxaa i xasuusinaya marxalada murugsan ee shacabka Soomaaliyeed
ku haysta wadankaan Koonfur Afrika.
Soomaalida ku nool wadankaan Koonfur
Afrika waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 15,000, kuwaasoo inta ugu badan
ay ku nool yihiin magaalooyinka ugu waawayn sida Johannesburg, Cape
Town, Port Elizabeth iyo Durban.
Soomaalida oo wadankaan ku jooga
qaxooti ahaan waxaa raacyadoodii ugu horeeyay soo galeen 1991dii,
inkastoo wixii ka biloowday 1993dii ay marba marka ka danbaysa ay isa
soo tarayeen Soomaalida wadankaan ku soo qulquleeysay.
SHARCIGA AQOONSIGA
Sharciga qaxootiga la siiyo oo ah marka
ugu horeeysa ilaa iyo lixbilood oo ku meel gaar ah, ayaa ah carqabada
ugu horeeysa ee qofka qaxootiga wadankaan ah la kulmo. Sharcigaan oo loo
yaqaano “temporary permit to prohibited persons” macnihiisuna yahay
“fasax-joogitaan ku meel gaar ah ee dadka (soo galooti) la xarimay” ayaa
saamaxa joogista wadanka inta laga baarayo qofka qaxootiga sheegtay inuu
xaq u leeyahay aqoonsiga qaxootinimo iyo in kale. Hadii uu qofku ku
guuleeysto baaritaankiisa quseeya sheegashadiisa qaxootinimo, waxaa la
siiyaa sharci labadii sanaba mar la cusbooneeysiiyo oo loo yaqaan
“Refugee Status”, kaasoo ka dhigan in qofka loo aqoonsaday qaxootinimo
islamarkaasna uu wadanka ku joogi karo qaxootinimo fasaxna uu u haysto
inuu shaqaysto ama wax ka barto. Marka laga reebo joogitaanka wadanka,
labadaan sharci waa kuwo ay aad u adagtahay inaad ku heshid xuquuqda ay
leeyihiin sharciyada kale ee wadanka, waana fursad aad u adag in shaqo
la isaga siiyo goobaha shaqooyinka. Waxaana xusid mudan in aan badanaa
si toos ah loo qaadan ee musuqmaasuq, laaluush iyo dib udhacyo ay
ragaadiyaan goobaha lagu bixiyo sharciyadaan.
GANACSIGA IYO SOOMAALIDA
Maadaama aad sharciyan ku shaqaysan
karto labadaan waqradood ayay soomaalidu waxay dan bidaa inay furtaan
ganacsiyo yar yar oo ay ku soo saartaan nolol maalmeedkooda. Qaar badan
oo ka mid ahaa ganacsiyadaan yaryar ee ay soomaalidu furteen ayaa u
najaxay tijaarooyin wax soo saar leh kuwaasoo suurta galiya ineey
qaxooti soomaaliyeed oo shaqo laa’aan la silicsanaa ay shaqooyin ka sii
helaan walaalahooda wax u tooseen. Hadaba Soomaalida oo is gacan qabata
ayaa waxay ku soo shaac baxeen dad ganacsiga xirfad wanaagsan ku leh oo
horumar ka sameeya. Waxaa si deg deg ah u balaartay ganacsigii qaxootiga
soomaalida ee wadankaan, taasoo keentay inay galaan dhulal lama galaan
hore u ahaa wadankan, Luuqada oo inta badan ku yarna kama aysan
horjoogsan horumarka ganacsiga ay ka samaynayaan. Tani waxay sababtay
ineey u nuglaadaan oo ay bartilmaameed u noqdaan burcada iyo ganacsato
wadani ah oo ka hinaasay horumarka muuqda ee ganacsatada Soomaaliyeed ku
tilaabsadeen. Waxaa arinta sii murjiyay sida inta badan ay Soomaalidu ka
cabato booliiska wadanka oo aan waxba ka qaban dacwooyinka Soomaalidu
gudbiso iyo dilalka iyo boobka wuxushnimada ah ee loo geeysto had iyo
gooraale.
Falalkaan bani aadinimada ka baxsan ee
lagula kacay ganacsatadaan soomaaliyeed ayaa waxay kasii dartay dhowrkii
bilood ee ugu danbeeyay. Sawaxan xagga saxaafada ah oo isqabsaday kadib
ayaad waxaad moodaa in dilalka oo badanaa maalin walba dhici jiray ineey
u yarahakadeen asbuucle,kadib markii ay ceeb ku noqotay dowlada ayna
culays saareen booliiska, inkastoo wax muuqda oo laga qabtay aysan ilaa
iyo hada jirin.
Arinta fajicisada ah ee ugu wayn ayaa
waxay tahay kala daadsanaanta haysata dadka Soomaaliyeed. Waxaad
arkaysaa sida caadiga u ah marka qof la dilo oo inta laxabaalo meesha
looga dhaqaaqo iyadoo aysan labo danbe ka wada hadlin. Arintaan oo
dhiira galin u noqotay danbiilayaasha ayaa waxay salka ku haysaa waaya
aragnimo la’aan Soomaalida ka haysata sharciga iyo qaabka wadanka ay ku
noolyihiin, ayadoona ay u dheertahay nololmaalmeedka oo ay aad ugu
mashquulsanyihiin, taasoo u fududeeysay dadka cadawga ku ah ineey sii
dar dar galiyeen falalka ay wax ugu dhimayaan.
AHMIYADA ISKU DUUBNAANTA
Hadii Soomaalidu si isku duubni leh u
wajihi lahaayeen falalkaan ka dhanka ah waxaa suurta gali lahayd in
cadaalada la hor keeno dambiilayaasha ka danbeeya, taasoo cashar u noqon
lahayd kuwa danbe ee u bareeri lahaa fal kan la mid ah ineey ka
waantoobaan.
Waxaa wax laga argagaxo ah in
dhacdooyinkii ugu danbeeyay qaar ka mid ah, qaasatan magaalada Cape
Town, uu booliiska wadanku ku been abuurto in falalkaan ay ka danbeeyaan
soomaalida dhexdeeda, taasoo ay aad uga caroodeen dadkii dhibanayaasha
ahaa oo inta dil iyo dhac loo geeystay misana eedii ayaga la saaray.
Su’aasha meesha ku jirta ayaa ah
inkastoo falalka caynkaan ah lagula kacay Soomalida wadankaan ku nool,
maxaa sababay ineeysan meelna uga socon, bal noqosho iskaba dhaafe
maalin walba kuwo dheeraad ah ay ku soo qulqulayaan. Jawaabta su’aashaan
labo arimood ayay noqon kartaa. Waa tan horee dadku meel ay ku badashaan
ma arkaan ayagoo awoodoodii isugu geeyay meheradaha ay ka
mushaaxayaan.Tan labaadna, inkastoo dilalku jiraan oo amaanku uusan
wanaagsanayn misana waxaa wadankaan aad ugu badan fursadaha ganacsiga
iyadoo badanaa goobaha amaankoodu wanaagsanyahay aysan dhibka la qabin
goobaha kale. Arinta carabka lagu dhufan karo in Soomaalidu wadankaan ka
faa’iday ayaa ah ayagoo ku shaqo bartay oo laga yaabo in shaqsigu har
iyo hoyaad uu uga tago sidii uu tijaaradiisa uga mira dhalin lahaa
maadaama qofkii wadankaan seeg seeg ku noqda uu bada ka cabayo. Runtii
waa wax lagu faani karo in aad arkaysid dadka soomaaliyeed oo 80%
howlkariin ku soo baxay wadankaan, inkastoo ay aad uga gaabiyeen xaga
aqoonta.
MAXAA
LA GUDBOON?
Guntii iyo gaba gabadii maxaa talo ah
oo ay u baahanyihiin Soomaalida Koonfur Afrika?
Soomaalidu
waxa ay ka qayb qaateen xorayntii dadka reer Koonfur Afrika sida
uu sannadkii 1962 xusay Nelsan Mandela oo ma hadlayey kulan lagu
qabtay magaalada Addis-Ababa (1962).
Akhri....
|
Ugu horeeyn waxaa ay u baahanyihiin in
ay dhacsadaan xuquuqdooda, taasoo hadii aysan yeelin aaneey cidna usoo
dhicin doonin. Waxaa muhiim ah in ay ogaadaan xaqa ay ugu leeyihiin
dowlada in ay wax muuqda ka qabato amaankooda, maadaama ay dowladu
saxiixday axdiga qaxootiga (UNHCR), hadii ay dowladu aysan damaanad
qaadi karin amniga qaxootiga, markaas waxaa xaq loogu leeyahay in la
waydiisto UNHCR-TA in ay dadka dajiso wadamo kale oo ay ku amaan
helayaan. Waxaa kale oo muhiim ah in dadka la laayay eheladooda aysan
inta ay duugtaan aysan iska libdhin ee waa inay keesaskooda furtaan xaqa
ay leeyihiina aysan ka harin. Waxaa jira meelo laga caawin karo oo xagga
sharciga iyo wixii kale ee xaquuqdooda ah. Laakiin waxaa ay xaquuqdooda
dhacsan karaan marka ay iku duubanaan laga helo (class action). Kuwa u
dhaqdhaqaaqa jaaliyadaha Soomaalida ayaa gaabiska ugu wayn ka jiraa,
laakiin hadii isku duubnaan aysan jirin gudiyada community-iga wax saas
u sii buuran ma keeni karaan.
Waxaan qoraalkayga ku soo koobayaa in
dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kunool Koonfur Afrika iyo guud ahaan
qurubaha in ay hurdada ka kacaan oo wax isla qabsadaan si ay uga baxaan
dhibaatooyinka aduunyada daafaheeda ku haysta.
HUSSEIN DULQALAM
hustanic@gmail.com
-
Talo iyo tusaalayn iyo wixii aad macluumaad haysid oo ku saabsan
Soomaalida Koonfur Afrika, fadlan kusoo hagaaji:
hustanic@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com
| Nov 17, 2006