SOMALITALK.COM
Home | SIIRO | SALAT | ZAKAT | RAMADAN | Feedback

| Allah Is Great

w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QURBAHA

Nin Diley Caruurtiisii !! - Maxaa ka Qaldan Soomaalida Qurbaha?

Hordhac

Dhacdooyin aan horey loogu dhex arag guud ahaan dadka soomaaliyeed meel ay joogaanba, ayaa beryahan dame aad ugu soo badanaya dadka soomaaliyeed ee jooga qurbaha. Dhacdooyinkaas oo ah kuwo aad iyo aad u naxdin badan, qof kasta oo akhriya ama arkaana uu indhaha ka ilmeynaayo. Arimahaas amakaaga iyo la yaabka leh, kuwii ugu naxdinta badnaa ayaan halkan hooso ku sheegi doonaa.Ka dibna waxaan guda geli doonaa waxyaalaha laga yaabo iney kalifeen dhacdooyinkaas iyo sidii looga hortegi lahaa.  

Maxay ku muteysteen dil? 

  • 6-dii oktoobar-2006-da. Aabe soomaaliyeed oo lagu magacaabo Saciid biyaad ayaa 4-caruur ah oo uu isagu dhalay ku diley magaalada Louisville ee dalka mareykanka. Ninkaasi waxaa kale oo uu dhaawacay caruurtaas hooyadood.
     
  • 31-dii agoosto-2006-da. Gabar soomaaliyeed oo da`deeda lagu sheegay 18-jir ayaa waxaa ay hooyadeed ku dishey magaalo ku taal dalka Norway. Gabadhaasi mindi ayey hooyadeed madaxa kaga dhifatay. Isla goobtii ayeyna hooyadaasi ku geeriyootey.
     
  • 8-dii maarso-2006. Nin soomaali ah oo 32 jir ah ayaa waxaa uu ku diley xaaskiisii dalka Finland. Gabadhaas da`deedu waxaa ay ahayd 25 jir. Ninkaasi waxaa uu adeegsadey toorey. Hooyadaas waxaa lagu hor diley wiil yar oo ay dhashay oo da`diisu tahay  sannad iyo bar jir.
     
  • 25-kii juun-2005-tii. Nin soomaali ah oo la yiraahdo Jamaal ahmed sheekh ayaa xero qaxooti oo ku taal dalka yeman ku gowracey xaaskiisii oo la oran jirey Sahro Xilwo.
     
  • 5-tii Janaayo-2005-tii. Nin soomaali ah ayaa xaaskiisii oo xaamilo sagaal bilood ah ku gowracey magaalo ku taal wadanka Norway. Waxaa kale oo dhacdadaan ka horeysey mid kasii naxdin badan,  taas oo ah kolkii uu nin soomaali ahi bireeyey laba caruur ah oo uu dhalay iyo hooyadood. Dhacdadaas naxdinta lihi waxaa ay ka dhacday isla Norway.

Maxaa sababi kara dilka noocaan ah.  

Dilku waa mid weligiis ka dhex dhici jirey bulshada soomaaliyeed. Dilkaasu sida aduunyada kaleba waxaa uu ku saleysan yahay waxyaalo kala duwan sida: Siyaasad, diin, xoolo, qabiil iwm. Dilkaasi waxaa uu inta badan ka dhex dhacaa laba nin ama dhowr nin. Taas waxaan ula jeedaa in la isdilo oo la isku dilo arimaha aan kor kusoo sheegay waxaa ay ku badan tahay ragga dhexdooda. Balse kolkii la eego taariikhda soomaalida, waxaa aad u yareyd in nin ama naag ay disho kuwii jirkeeda/kiisa ka soo goy. Kuwaas oo ah ilmaha ay labada qof dhaleen. Waxaa kale oo iyana aan ku badnayn dhaqanka soomaalida inuu nin caafimaad qabaa xaaskiisa dhegta dhiiga u daro.  

Waxaa dhaci jirtey, welina dhacda in dumarku kolka ay maseyraan isku dayaan iney waxyeelaan ragooda. Taasna kolkii la weydiiyey ninamka ku takhasusay cilmi nafsiga, waxaa ay sheegeen in qofka dumarka ah ee lala guursadey ay ayaamaha hore ku sugan tahay xaalad maskaxeed oo wareersan. Taas oo haddii ninka naagta qabaa aanu si cilmiyeysan u wajahin, laga yaabo in waxyeelo timaado. Maanta waxaan aragnaa in isbedel weyn uu ku yimid, dhaqankii soomaaliyed ee diinta ku saleysnaa. Taas oo ay ka mid tahay aabe gowracaaya ilmihiisii, ama hooyadii dilaaya iyadoo ilmihiisii caloosha ku sida.Waxaan kaloo aragnaa Ubadkii lagu soo rafaaday, caloosha lagu sidey 9 bilood, wax badan loo soo jeedey, la siiyey cunno iyadoo hooyadii baahan tahay, ay si sahal ah waalidkood dhegta dhiiga u daraan. War xagee beynu ku soconaa!!!!!  Bal  wax yar halkan ku istaag, adigoo fekeraaya. Maxaa qaldamay? Maxaa la qaban karaa? Maxay arimahakani ugu badan yihiin soomaalida qurbaha. Waxyaalahaan soo socda ayaan u arkaa iney sababeen isdilka noocaan ah.

Rajadii uu  qofku qurbaha ka qabey oo meel mari weydey

Dadka soomaalida ah waxaa ay yimaadeen qurbaha iyagoo rajadoodu ay aad iyo aad u sareyso. Iyagoo ku haminaaya iney wax badan naftooda u qabtaan. Isla markaasna ay ehelkoodii caawinaan.Hamigaasi waxaa uu noqon karaa mid dhaqaale ama mid waxbarasho. Waxaa uu qofku aaminsanaa inuu si sahal ah shaqo ku helaayo, ama uu si fudud ku gelaayo jaamacdaha wadanka.

Arimahaas badankood waxaa ay noqdeen kuwo lagu hungoobey. Waxaa dhacday in soomaalidii dhib kala kulmeen wadamadii ay tageen badankood. Taasoo ay ka mid tahay shaqo laan iyo noloshii wadankaas oo ay gebi ahaanba la qabsan waayeen. Rajadii ay dadku qabeen kolkii ay qurbaha imaanayeen iyo xaqiiqdii ay la kulmeen ayaa noqotay mid aan isudhigmin. Dad badani waxaa ay ka mid noqdeen dabaqada ugu hooseysa bulshadan ay u yimaadeen. Waxaa laga yaabaa in qofkaasi dabaqad sare ku jirey kolkii uu joogey wadankii soomaaliya. Rajadaas lagu hungoobey waxaa ay dhalisay in dad badani ay galaan xaalad jahwareer maskaxeed ah ( psychological vacuum). Xaaladaas oo keenta inaan qofkuba ogeyn waxa uu sameynaayo. Qofku waxaa uu noqonayaa mid careysan oo doonaaya inuu aargoosto, balse aan garaneyn ciddii uu ka aargoosan lahaa.Haddii aan xaalada qofkaasi ku sugan yahay si deg-deg ah wax looga qaban, waxaa iman karta inuu shakhsigaasi  waxyeelo geysto. Waxyeeladaasina sida ay sheegeen aqoonyahanada cilmi nafsigu waxaa ay ku dhacdaa dadka qofka ugu dhow. Kuwaas oo badanaaba ah xaaskiisa iyo caruurtiisa. 

Qaab nololeed ka duwan kii soomaaliya. 

Qaabka nolosha ee  kolkii la joogo dalka soomaaliya ayaa aad uga duwan, tusaale ahaan kan ka jira wadamada reer galbeedka. Kolkii soomaaliya la joogo qoysku waxaa uu leeyahay hab- nololeed qof walbaa yaqaan kaalinta uu ku leeyahay. Xaasku kaalinteeda hooyanimo ayeey taqaan, aabuhu kaalintiisa aabanimo ayuu yaqaan, caruurtu kaalintooda caruureed ayey yaqaanaan. Wax isku dhex yaac ahi haba yaraadee ma jiraan. Qofkii reerka ka mid ah ee kaalintiisa ka leexdana waxaa jira qaab loola dhaqmo. Waxaa kaloo iyana muuqata kaalinta bulshada, haydaha dowlada,  iskoolada, caafimaadka, qaraabada iwm. Waxaa kolkii qurbaha, gaar ahaan wadamada reergalbeedka lasoo galay, gebi ahaanba burburay qaab nololeedkii reerka soomaaliga ah.Aabayaashii waxaa intooda badan ku dhacday shaqo la an. Doorkii aabaha ee ahaa madaxa reerka ugu sarreeya ayaa meesha ka baxay. Qoysaska intooda badan waxaa biila hadaha cayrta bixiya. Kaalintii aabaha ee ahayd inuu reerkiisa masruufto ayaa iyaduna ka baxday meesha. Doorkii hooyada ayaa iyana mugdi gashay. Waxaad arkeysaa qoysas badan oo ninkii iyo xaaskii si aad ah ugu tartamayaan ciddii reerka madax u noqon lahayd. Tartankaas labada qof ee isqabaa waxaa uu marar badan isu bedelaa mid cadowtinimo xambaarsan, iyadoo qofba uu doonaayo inuu ka adkaado kan kale.

Arimahaasi waxaa ay ugu dameynta keenaan in reerkii burburo. Taasoo dhalisa in ciyaalkii laysku qabsado, xaaladuna ay gaarto heer gacan ka hadal ah. Doorkii caruurta ayaa isna isbedeley kolkii qurbaha lasoo galay. Caruurtu waxaa ay tacliin badan iyo hogaamin ka helaan bulshada tirada badan ee lala noolyahay. Waxyaalahaas ay curuurtu bulshadaas qalaad kasoo bartaan ayaa badanaaba ka hor yimaada dhaqankii iyo habnololeedkii reerka. Halkaasna waxaa ka bilaama isfaham Laan iyo dagaal dhexmara waalidkii iyo caruurtii. Waxaa iyana dhacda in labada waalid midkood caruurta la safto isagoo ku raacaaya dhaqankii xumaa.Waalidkaas oo bilaaba inuu u cudurdaaro caruurta isagoo leh waa dhalinyaro, waa fiicnaan doonaan iwm. 

Maxaa xal ah? 

Qof kasta oo soomaali ah, gaar ahaan dadka ku nool qurbaha waxaa arinkan ka saaran masuuliyad weyn. Masuuliyadu ma aha mid harta, xitaa haddii qofku isku dayo inuu ka dhuunto. Qaybahaan soo socda ee bulshada waa in mid weliba doorkiisa ciyaaraa: 

  • Dadka u soo haajirey qurbaha: Waa in ugu horeyn aan fahamnaa farqiqa u dhexeeya qaabkii aan u nooleyn soomaaliya iyo qaabka wadamada reergalbeedka. Waa inaan fahamnaa doorarka isbedeley ee dhinac walba taabanaaya. Waa ineynu yaqiinsanaa in aan soo galay bulsho wax walba aan ku kala duwannahay. Waxaa kala duwan qaabkii nolosha gebi ahaanba, waxaa kala duwan doorka ninka, xaaska, waalidka, caruurta, macalinka , daqtarka iwm. Waa in aan helaa qaab aan ugu noolaan karno wadamadaan reer galbeedka. Inagoon ka tegeynin waxyaalihii fiicnaa ee dhaqankeena, isla markaasna ka qaadaneyna dhaqamaadaan cusub waxyaalaha fiican. Waa in la badiyaa wadatashiga lala gelaayo dadka culimada iyo aqoonhanada soomaaliyeed ee wadamadaan jooga.
     
  • Culimada diinta: Waa iney dhibaatadaan isdilka ah aad uga hadlaan. Waa iney dadka u bayaamiyaan cawaaqib xumada ay leedahay in ehelkaaga la gumaado.Waa iney muxaadarooyin arinkan ku saabsan qabtaan. Waa arinkani noqdaa mid ku jira ajandayaasha shir sanadeedyada culimadu qabtaan. Waxaan marar badan ka qayb galay shirar lagu casumey culimo waaweyn oo soomaali ah. Balse habayaraatee aan lagu soo qaadan dhibaatooyinkaan isdilka ee aan kor kaga soo hadalay. Waxaad arkeysaa shiikh ka hadlaaya arimaha Falastiin, jejniya, ciraaq, dowladii cusmaaniyiinta, afganistaan, itoobiya iwm balse balse aan marna xuseyn shicibkan uu ku dhexnool yahay ee caruurta saqiirada ah qaarkood gowracayaan. Waa in wax laga bedelaa shirarka islaamiga ah oo ay noqdaan kuwo ka hadla dhibta haysata dadka ku nool qurbaha iyo sidii looga bixi lahaa.
     
  • Aqoonyahanadu waa iney iyaguna doorkooda ka soo baxaan. Waa iney badiyaan wacyi gelinta. Waa iney kulano iyo seminaaro qabtaan. Waa iney qoraalo sameeyaan. Waayadaan dame waa laga yaaban yahay waxa ku dhacay aqoonyahankii soomaaliyeed. Meel walba waa ka maqan yihiin. Nasiibdaro in badan oo ka mid ahi shahaadooyinkii intey armaajooyinka ku xirteen ayey ka doodaan meelaha fadhi kudirirka.
     
  • Haweenka: Waa iney ku jiraan kaalintoodii sharafta lahayd ee reerka. Waa tii mar hore la yiri hooyadu waa saldhiga reerka. Waa in markasta hooyadu miisaanto nolosheenii hore ee soomaaliya iyo tan taal reergalbeedka. Waa in talaabo kasta oo la qaadayo la eegaa: Maxaa u dan ah caruurta: Waa in hooyada wax fahamtey ay isku daydaa iney wacyi geliso hooyooyinka kale. Waa inaan baranaa inaan ka shaqeyno dhinaca wanaaga. Waa in reerku xoogooda iyo xeeladooda isugu geeyaan sidii loo soo saari lahaa ubad anfaca, waalidkiis, diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa. Ubadka noocaas ah, waalid dagaal iskula jiraa masoo saari karo.
     
  • Dhalinyarada: Waa in aan bulshada kaga dayanaa waxyaalaha wanaagsan sida waxbarashada iyo qofku inuu meel iska soo saaro. Waa in dhalintu sameystaan ururo dhalinyaro oo isku xiran. Waa in la xoojiyaa isku xirnaanta dhalinyarada iyo aqoonyahanada.
     
  • Ururada qurbaha ka jira: Nasiib daro ururada qurbuhu kuma saleysna fikir balse waxaa ay ku saleysan yihiin qaab qabiil. Kaas oo ah qaab urureedka keliya ee dadka soomaalida ahi fahmaan. Waxaa cad in urur qabiiladu xitaa aaney qabiilka uu sheegaayo inuu matalo aanu waxba u qaban. Maxaa yeelay dadka iswada diley oo caruurtoodii iyo xaasaskoodii diley qabiil bey ka dhasheen. Halkaas waxaa ka cad in urur qabiil aanu waxba tareynin ee waa in la helaa ururo soomaaliyeed oo cilmi iyo fikir ku saleysan, bulshadana wacyi geliya.

 Mahadsanidin

C/risaq Maxamed Xuseen- Eskilstuna- Sweden
Title: Fil.Mag. in economics
habdirisak@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 11, 2006

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
 



HTML CD