SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ururka PMV Qof Daad Qaaday Xumbo Cuskay

Waxan maalmahaan la socday fadeexad la yaab leh oo ay soo bandhigeen web site yada Soomaaliyeed kuwaasoo ka hadlaayay Urur la yiraahdo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo ee hoos taga PMV inuu yahay urur la shaqeeya Kaniisad kadib markaan maqlay ayaan toos ula xariirey asxaab aan ku leeyahay dalka Norway magaalada Oslo iyagoon aan si toos ah u waydiiyay hadii ay yaqaanaan ururkaas taasoo ay asxaabtayda ii sheegeen inuu yahay ururkaas urur ay sax tahay waxa laga sheegayo oo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Oslo si looga habaabiyo wadada toosan lagu yiraahdo lacag baa la idin siinayaaa ee kaalaya isku imaada kaasoo ka shaqeeya arimo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed kana fog Anshaxa iyo xishoodka.

waxaa kaloo maqlay xataa markaan gudo galay arimaha ururkaas in ay haweenka ka shaqeeya ee ah gudiga sare qaarkood ay caruurtooda in ay lacag helaan darteed ay ku qasbaan in ay ajnabiga lacagta siiya sideey doonaan u yeelaan sideey doonaan u yeelanaa hadaan sii macneeyo waxaa ula jeeda waxa la igu yiri waxay u tumaan Music taasoo ay ilmahaasi la cayaaraan Dance ama Ciyaar ajnabiga iyadoo ay macquul ahayn in ilmo Soomaaliyeed oo waalidkood la jooga ku hor cayaaraan ama ku hor niikiyaan waliba iyagoo la cayaaraya dad ajnabi ah waxayna ka mid tahay nasiib xumada umadda Soomaaliyeed soo wajahday beryahaan danbe inkastoo la ii sheegeyna in xataa ay ururkaas yimaadaan haween badan oo ceeb ka nasahan balse iyagoon ogayn waxa meesha ka jira u yimaada kaliya sheeko kuwaaso lagu tilmaami karo Innocent balse ay jiraana qaar u yimaada in ay Qaad ka ku cunaan iyagoo ay dayacan yihiin carurtooda iyo reerkooda.

Hadaba warbixintaas asxaabayda kadib ayaan aqriyay qoraal ay isku difaacayaan ururkaas PMV oo ay soo qortay gabar la yiraahdo Ayaan nasiib xumase ay kusoo dareen in ay Masjidka Oslo xiriir la leeyihiin iyadoo aan ognahay urur la shaqeeya kaniisad inu masjid Islaam ah marna la yeelan karin xariir lagana sugaayo wadaadada masjidka in ay iska fogeeyaan arinkaan fadeexada ah waxaana ka xumahay in ay marmarsiimo ka dhigteen ururkaan oo reer Oslo ay ii xaqiijiyeen inuu yahay mid Kaniisada la shaqeeya balse waxaan u qaatay kadib markii ay u adkaysan waayeen fadeexada in ay Ururkaan ka tahay marmarsiimadaan Nin Daad Qaaday Xumbo Cuskay

Maxamed Cali Axmed
maxamed_sweden@yahoo.com
Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD