SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Sawiro Cadaynaya in ay kaniisad la shaqeeyaan Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo

cadayn kaniisada la shayaanteeda

Waxa la dhihi jirey war jiraaba cakaaruu iman kadib marki ay wariye Saida Sheikh Ahmed VIP ay kusoo samaysay baaritaan in ay Ururka Haweenka Soomaaliyeedd ee Oslo ay la shaqeeyaan Kaniisada Olso  isla markaana uu  ururka haweenka Soomaaliyeed ee Oslo uu si cad uga hor yimid warkaas ayaan raadinay warbixin madax banaan oo dhexdhexaad ah waxaanse soo helnay war bixin cadaynaysa warkaas ah in la shaqeeyaan kaniisada kadib markaan soo helney kataloog laga soo saaray xarunta ururkaas oo ka waramaysa in ay kaniisada la shaqeeyaan ururka PMV, kaniisadaasoo magaceeda yahay Church City Mission isla markaana ay hoos tagaan ururka haweenka Soomaaliyeed ee Oslo isla Ururka PMV iyagoo taasna ku qirey qoraaladooddi ay hore ugu soo saareen qaar ka mid web site yada Soomaaliyeed.

Hadaba ooda qaad iyo jiid waa isla guri gayn mar hadii ay ururka haweenka Soomeeliyeed ee Oslo la shaqeeyaan PMV, PMV na ay ku xiran tahay kaniisada sida aad ku arki doonto Katalooga maxaa halkas ka cad aqristoow adiga iskaga jawaab ?

Dumarka & Carrurta Soomaaliyeed | Catalog

Hadaba war bixintaan madaxa banaan waxay cadaynaysaa in uu ururka Haweenka Soomaaliyeed ee Oslo meel cidla ah ka eedeynayaan wariye Saida VIP iyagoo isku dayaya in ay sumcada wariyaha wax u dhimaaan una samaynaya dacaayado raqiis ah waxaan u sheegeynaa ururka haweenka Soomaaliyeed in ay raali galin ka bixiyaan xadgudubka ay u gaysteen wariyaha maadaama aan halkana ku hayno cadayn buuxda kuwo kale oo madax banaan aan wali raadin doonno.
Mar aan qadka Taleefonka kula xiriiray wariye Saida Sheikh Ahmed waxay ii sheegtey in aysan waqti u ahayn in ay ka jawaabto eedo aan macno samaynayn waa caadi ayay tiri markii uu wariyaha wax qoro in aysan dadku ku wada qancin taasna ay keento in qaybaha qaar ay aad u gubtaan iskuna dayaan in ay howl ka dhigtaan in ay caayaan wariyaha balse waxa wariyaha Proffessional ka ah laga doonayaa inuusan ka jawaabin oo halkii uga haro articlka uu sameeyo balse waajibka wariyaha saaran ay tahay inuu hubo waxa uu ka hadlaayo ayay iigu jawaabtay VIP oo ii raacisay "waxaa iga batay howlahayga gaarka ah waqti uma hayo walalahay u jawaabistooda waana wax wanaagsan in feed back laga helaa wixii la qoro"

Firi kataloogaan waxaa ku cad in ay PMV la shaqayso kaniisada, ururka haweenka Soomaaliyeedna waxay qoraaladooda hore ku qireen in ay la shaqeeyaan ururka PMV sawiradan waxa ku cad calaamada kaniisada iyo PMV oo qireysa wada shaqaynta kaniisada ka dhexeyasa waxaa kaloo ka muuqda dhalinyaro Soomaaliyeed iyo sawiro qaar ka mid ah xubnaha sarsare ee ururka haweenka  

Muqtaar Cali Guuled
Muqdisho Somalia
muqtar70@yahoo.com

Afeef: Sawirada iyo Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan | Qoraalada ku qoran sawirada waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga maqaalka Email: muqtar70@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 21, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Calaamada Kirishtaanka

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD