SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ururka Haweenka Oslo, Waa loo Gefaye ha la Xaal mariyo. 

Waxaa jira in dadka qaarkood ay isku khaldi karaan midabada, sida Jaallaha iyo midabka loo yaqaan Pink ama laga yaabo inuu jiro qof kale oo isna isku khaldi kara midabka guduudka iyo kan Kafayga, isla markaana uu qofku qaadanayo go’aan ah in waxa uu arkay ay yihiin sida uu u malaynayo, (Bal ka waran haddii aad meel fog ka aragto waqti oomane ah, waxa Soomaalidu ugu yeerto Wiire Wiire oo markaad ka fogtahay u muuqaal eg biyaha, laakiin aan dhab ahaantii sidaas ahayn, ka waran haddii aad qoyskaaga ama ummad dhan aad ku hoggaamiso khiyaaligaas). Haddaba waxaa la oran karaa qofka sidaas u dhaqmaya waa qof  sal fudud oo maskaxdiisuna aysan in badan miisaanayn, go’aan qaadashadiisuna ay tahay mid  ku salaysan qar iska tuurnimo aan si rasmi ah looga baaraan degin, dadka caynkaas ah oo sifooyinkan aan sheegnay iska lehna waxaa lagu tilmaamaa in aysan u qalmin hoggaaminta dad ama duunyo (Xoolo)……...                            

Muhimadda qormadaydu waxay tahay: 

waxaa dhowaanahan  soo baxayay eedaymo iyo dhaliilo loo soo jeediyay ururka haweenka Soomaaliyeed ee Oslo ee marka magaciisa la soo gaabiyo la yiraahdo SKF, waxaan akhriyay qormooyin dhawr ahaa oo ka soo horjeeday ururka hablaha Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaantood ahaa eedeymo aan ku salaysnayn caddaymo dhab ah oo la hayo, isla makaasna muujinaya in ururka SKF uu yahay mid si toos ah ama si dadban ugu  lug leh hawlo ka soo horjeeda Diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee sharafta badan, eedeymihii loo soo jeediyay ururkanna waxay dhammaantood ahaayeen kuwo ku salaysan waa la yiri iyo SKF wuxuu iskaashi la leeyahay urur isagu xiriir la leh Kaniisadaha oo magaciisa la yiraahdo PMV, iyo hadallo kale oo macne aan samaynayn, haddaba waxaa meesha ka muuqanaysa in dadka soo jeediyey eedeymahaasi ay in badan isku khaldayaan SKF iyo PMV,  ayna dacaayado fidiyeen iyagoon waxba hubsan, taas oo macnaheedu tahay inay jiraan dad isku khalda midabada sida aan soo sheegnay.  

Dhinaca kale waxaa jirta dhibaato kale oo haysata bulshadeena Soomaaliyeed, taas oo ah in wuxuun la iska dhaliilo, la iskana sheego wax yaalo badan oo macne ku fadhin marka aad  dhab u dhegeysato.  Burburkii dalkeena ka dib, waxaa aad u soo caan baxay goobo ka mid ah dalka gudihiisa iyo goobo ka mid ah wadamada Yurub ee aan u qaxnay oo ay isugu yimaadaan Soomaalida qaarkeed ee aan shaqaysan, goobahaas oo loo bixiyay fadhi ku dirir; Fadhi ku dirirka waxaa inta badan ka qayb qaata dalka gudahiisa oo kale, dadka biilka tooska ah bil  kasta ka hela qaraabadooda ku nool dibadaha, taas oo macnaheedu tahay inay yihiin dad aan shaqaysan isla markaan nolol maalmeedkooda si sahlan u hela, sidaas oo kale wadamada Yurubna dadka ka qayb qaata Fadhi ku dirirka waa dadka Cayrta qaata, labadan qaybood ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba jooga waxay ka siman yihiin inaysan shaqaysan waxna baran, waxa ay markaas u baahan yihiin ee ka maqanina ay tahay oo keliya inay sheegaan warar  aan la aqoon meesha laga soo xigtay, waxaadna mooddaa markaad u fiirsato Fadhi ku dirirada in loola jeedo goob  lagu tartamayo aftahannimo iyo xog ogaalnimo oo ay tahay in xubin kasta oo ka qayb qaadanaysa fadhi ku dirirka ay ku khasban tahay inay soo kordhiso war cusub oo aan miiska horey u ool, taas marka waxay ku xambaartaa xubin kasta oo ka qayb qaadanaysa Fadhi ku dirirka inay wax cusub keento, waxba xittaa mashaakil ma leh haddii warka aad sheegayso uu yahay mid aad isla miiska aad fadhido aad ku aliftay waxaad helaysaa in badan oo ku dhegeysata. 

diridhabaFAALLO: MAXAA KA JIRA IN URURKA HAWEENKA OSLO KU XIDHMAY KINIISADAHA:
"waxaanu xidhiidh la leenahay urur xidhiidh la leh kiniisadaha", Gudoomiyaha haweenka Somalida Norway
Guji

Haddaba haddii aan dib ugu laabto qormooyinkii aan akhriyay ee lagu xumaynayay muuqaalka guud ee ururka haweenka Soomaaliyeed ee ka jira Oslo, wax badan kama duwana xogta laga soo uruuriyo fadhi ku dirirada, waxaana intaas ku sii lamaansan sida aan qoraalada qaarkood ka fahmay inuu jiro nacayb gaar ah oo loo qabo ururkaas xubno ka mid ah, sidaas daraadeedna la mala awaaley waxaan meeshaba horey u oolin. Arimaha  noocan oo kale ahna waa wax iska caadiya waxaadna ogaataa qof kasta oo doonaya inuu wax sameeyo in ficilka uu sameynayo uu u haysto marmarsiinyo badan oo macquul uga  dhigaysa naftiisa inuu hawshaas uu go’aansaday uu fuliyo isla markaana uu ku dhaqaaqo, tusaale haddii aan u soo qaadanno qofka burcadka ah ee doonaya inuu dhaco Bangi, isagoo og inuu dambiile yahay haddana waxa uu isku dhiiri geliyaa oo uu sambabadiisa ka buuxsadaa in ay sax tahay inuu Bangiga dhaco, isagoo cuskanaya tiirar mala awaal ah oo naftiisu u sawirtay  sida isagoo isu sheegi kara “Maadaama aadan  shaqo haysan, hantiilana aadan ahayn waa sax inaad wax dhacdo ama dadka bangiyada lacagta dhigtay waxay markoodii horeba ku kasbadeen hantidan qaab khladan, sidaa daraadeed ayay kuu bannaan tahay inaad dhacdo”,  sidaas oo kale markii uu Bush weerarayay dalka Ciraaq, waxaa jiray sababo iyo tiirar uu u cuskanayay weerarkii uu ku ekeeyey dalkii Ciraaq, sababahaas oo ay ka mid ahaayeen in Ciraaq ay haysato hub khatar ah iyo arimo kale, taas oo run ahaantii aan sal iyo raad midna lahayn, ula jeedada weerarkuna uu ahaa wax ka duwan wixii dunida loo sheegay. 

Sidaas oo kale waxaan qabaa  in waxa lagu haysto ururkan haweenka Soomaaliyeed ee SKF oo loo cambaareynayo inay tahay cuqdad iyo xasdi loo qabo xubno ka mid ah gabdhaha ururka wada oo iyaga dagaal shaqsi ah lagu hayo (Baroortu orgiga ka weyn), taasina ay keentay in kuwa wax eedaynayaa ay khasab ku noqotay inay maraan waddo kale oo ay adeegsadaan dacaayad ballaaran oo u keeni karta ururkan in uu muuqaalkiisu u ekaado si ka duwan qaabkii iyo ula jeedooyinkii loo dhisay.  

Xaqiiqduna waxay tahay in ururka haweenka Soomaaliyeed ee Oslo uu yahay urur samafal ah isla markaana ka shaqeeya danaha dadka Soomaaliyeed, hawlihiisuna ay yihiin kuwo muuqda oo la taaban karo.  

Marka laga hadlayo in Shaqsi, urur ama dawlad ay xiriir la yeelato shaqsi, Urur ama dawlad aysan isku Diin, Dhaqan iyo Afba ahayn, waxaa haboon in la isweydiiyo muxuu yahay nooca xiriirka dhex maray iyo hawsha ay wada fulinayaan dhinacyadani, markaad hesho jawaabta way fududaanaysaa waxa dhab ahaan ay qabanayaan oo ay faraha kula jiraan waxay doonaanba ha ahaadeene, ama si kale haddii aan hadalka u dhigo waxaan ula jeedaa in adigoo Muslim ah aad iskaashi la yeelan kartid shaqsi, urur ama dawlad aan Muslim ahayn idinkoo iska kaashanaya tusaale ahaan in la dhawro deegaanka si wada jir ah, in lala dagaalamo cudurada, in si wada jir ah aad u kobcisaan Technolojiyadda in adeegyada bulshada aad iska kaalmaysaan, haddaba xiriirada caynkaas ah iyo iskaashiyada arimahaas caamka ah ku dhisani maaha wax quseeya labada Diimood ee aad kala aaminsantihiin, saamayna kuma yeelan karto Caqiidooyinka aad kala sidataan.

Haddaba miyaysan kuu muuqan  in ururka SKF  xubnaha ku jiraa ay yihiin gabdho Soomaaliyeed oo Muslimiin ah, isla markaana gudanaya hawl ay u baahnaayeen dadka Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. Sidaas oo kale ma fahantay in SKF iyo PMV ay laba urur oo kala duwan yihiin, haddana ay iska kaashan karaan arimaha caamka ah ee aan Diin quseyn..?.   

Gabagabadii waxaan oran lahaa ururka haweenka Soomaaliyeed ee Oslo waa loo gafaye ha la xaal mariyo. 

Waxaa Qoray A. D. Elmi
adelmi@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 20, 2004

XAAFID QURAAN.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Sawir gacmeedka Amiin Caamir
| www.aminarts.com

Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD