SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOGGA DIRIDHABA
Daabaco Boggan | Print


FAALLO: MAXAA KA JIRA IN URURKA HAWEENKA OSLO KU XIDHMAY KINIISADAHA
  • Gudoomiyaha urur haweenka Soomaaliyeed ee Norway: waxaanu xidhiidh la leenahay urur xidhiidh la leh kiniisadaha
Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

  • "Ayaan Yaasiin ayaan waxan weydiiyey inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya ururkooda iyo kaniisadaha. Waxay ii sheegtay in iyaga iyo kaniisadaha wax xidhiidh ah ka dhexayn laakiin bay tidhi waxay wadashaqayn naga dhexaysaa ururka PMV oo iyagu xidhiidh dhaqaale la leh ururka kaniisadeed ee la yidhaahdo Kirkens Bymisjon." Axmed Cabdiraxmaan Yaasiin

Haweenku Sidoodaba waa Udub Dhexaadka bulsho kasta oo ilaahay Uumay meel kasta ha joogaane, waxaana lagu tilmaami kara inay yahiin laf dhabarta horumarka iyo Hogaanka Bulsho Kasta.

Wixii ka danbeeyey Burburkii gaadhay Dhulka Soomaalidu degto ee ku yaalla geeska afrika  waxay Soomaalidu ku kala firdheen dhammaan daafaha dunida meelo badan oo ka tirsan iyada oo duruufta ka jirta Soomaaliya gudaheedu ay u noqon wayday qoysas badan oo Soomaaliyeed inay ku noolaadaan, Hadaba 20 Sannadood ee ugu danbeeyey ayaa Soomaalidu waxay si xad dhaaf ah u degeen waddamo badan oo qaaradda Yurub iyo Waqooyiga America Ku yaalla, Wadamadaasi ay Soomaalidu ugu badantahay waxaa ka mid ah waddanka Norway oo la sheego in Soomaali kumanaan gaadhaysa ay degeen 15 sannadood ee ugu danbeeyey ee Soomaaliya aanay ka jirin dawladda dhexe, inkasta oo shacab badan oo u dhashay dhinaca Somaliland ay dib usoo laabteen.

Hadaba waddamada Nordics ama Scandanevians-ka oo ah waddamada  ay Soomaalidu ugu badantahay ayaa waxaa 2-dii sannadood ee ugu danbeeyey soo baxaayey ifafaalooyin waxshinimo ah oo ay ku dhaqaaqeen Soomali badan oo ku dhaqan wadamadaasi, gaar ahaan Haweenka oo noqday meel dhaqankii iyo diintii Islaamka looga soo dusay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Scandavians-ka.

Sida Saxaafadda lagu shaaciyey aniga iyo dad badan oo aan ka mid nahayna nagu Maqaalo ah waxaa muddo seddex sanno ka hor ah ka dhacday dalka Holland Masiibo bulsheed ama diimeed tii ugu darrayd ee Sumcadda Soomaalida u haajirtay qurbaha soo marta 20 sannadood ee galbeedka degenayeen, waxaana ka soo dhex baxay gabadh Soomaaliyeed oo degen waddanka Holland oo la yidhaahdo Ayaan Xirsi magan inay sheegatay inay ka baxday diinta Islaamka, weliba halkaasi kagama ay hadhine waxay Ayaan aflagaado cad oo aan qarsoodi lahayn u gaysatay diinta Islaamka iyada oo ku tilmaantay diinta Islaamku mid u gafta haweenka, Waxaana dawladda Netherland ugu abaal gudday Ayaan Xirsi Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Netherland iyada oo xisbi diimeedka Libral party ay ka noqotay xubin muhiim ah, waxaana Saxaafadda Holland oo iska indho tiraysa malaayinka muslimiinta ah ee ku dhaqan dalkeeda ay siisay fiiro gaar ah Ayaan Xirsi, Ayaan kuma joogsanin aflagaadooyinka ay diinta islaamka uga gaysanaysay saxaafadda dalka holland eh, waxay sannadkii la dhaafay soo saartay Filim cadho weyn ku abuuray dhammaan bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada Muslimiinta ah ee ku dhaqan waddanka Holland iyo qaaradda Yurub, Ayaan Xirsi maanta waxay ka mid tahay dadka ugu cabsida badan ee dunida guudkeeda ku dhaqan iyada oo dhawaan lagaga takhalusay ninkii ka danbeeyey soo saaritaanka filimkeeda sida weyn diinta islaamka ugu gaffay.

Hadaba ifafalooyinkaasi ka soo dhex baxay bulshada Soomaalida ee degen waddanka Holland ayey waxay lagama maarmaan u noqotay in diiradda la saaro bulshooyinka kale ee Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka  ee aan ka fogayn dalka Netherland.

                   
Afhayeenka baarlamaanka midawga europe iyo wakiilka xisbiga SSUP oo wada hadal ku yeeshay xarunta midawga europe 8-12-2004
[Eeg Xaflad laga casumey wakiilka SSUP]

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo makhaayada (Kafeeteriyada), halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida... Guji... | Minneapolis | June 25, 2000

Hadaba dhawaan ayaa wakiilka Xisbiga SSUP ee dalka Belgium xarunta midawga Europe ee Brussels Saciido Shiekh Axmed (VIP) waxay Socdaal ku tegtay waddamo badan oo ka tirsan wadamada Scandanavians-ka waxaanay ka qayb gashay xaflad ay samaysteen Urur Haweeneed ka jira waddanka Norway gaar ahaan xaruntiisa Oslo, Saciido oo ah gabadh Soomaaliyeed oo aad iyo aad u firfircoon xaqiiqdiina ku leh Miisaan aad u weyn xarunta Midawga Europe ee Brussels iyada oo in badan ka dhaadhicisay mansabka Soomaalida safiiro badan oo ka tirsan Midawga europe sida Xoghayaha arrimaha dibadda ee midawga europe Havier Solana iyo xildhibaano ka tirsan midawga europe ayey isku dayday inay usoo kuur gasho nolosha ka jirta waddankaasi Norway iyo sida ay Soomaalidu ugu noolyahiin, Sidoo kale waxay Saciido gacanta ku haysa laba buug oo dhawaan soo bixi doona oo ka sheekaynaya Haweenka Soomalida iyo tacadayada loo gaystay, waxay saciido kuur gal ku samaysay nolosha soomaalida ku dhaqan dalka Norway, waxaanay nasiib u heshay inay la kulanto Urur haweeneedka halkaasi ka jira, balse Saciido waxay xustay in ururkaasi uu leeyahay ifafaalo ama calaamado muujinaya mid ceeb iyo sharaf dhac usoo jiidi kara dhamaan bulshada soomaalida ee ku dhaqan mandaqadda Scanavianska Maadama oo ururkani uu yahay urur haweeneedka qudha ee ka jira mandaqadda ee xidhiidh la leh urur ku xidhan kiniisadaha Waddanka Norway.


”Wax Diin Kiristan Ah Oo Aanu Ku Shaqo Leenahay Ma Jirto” | Akhri halkan...

Ururka Haweenka soomaaliyeed ee Norway oo kulan furan ku qabtay xaruuntooda magaalada Oslo.

Ka Akhri: Qoraalkii qoraalkii Axmed Cabdiraxmaan


"Ayaan Yaasiin ayaan waxan weydiiyey inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya ururkooda iyo kaniisadaha. Waxay ii sheegtay in iyaga iyo kaniisadaha wax xidhiidh ah ka dhexayn laakiin bay tidhi waxay wadashaqayn naga dhexaysaa ururka PMV oo iyagu xidhiidh dhaqaale la leh ururka kaniisadeed ee la yidhaahdo Kirkens Bymisjon." Axmed Cabdiraxmaan Yaasiin | Email: axmedx@hotmail.com | Oslo, Norway

Hadaba isla markii ay Saciido soo saartay qoraalkaasi waxaa urur Haweeneedka dalka Norway ay soo saareen War Saxafadeed ay ku beeninayaan in uu jiro xidhiidh ay la leeyahiin, balse hadana sida qoraal ku soo baxay Internetka 09/12/2004 oo uu qoray ninka lagu magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Yaasiin waxaa ku yaallay hadallo badan oo is burinaya beeninta Urur haweeneedkaasi uu beeninayo eedeynta loo soo jeediyey.

Axmed qoraalkiisa waxaa ka mid ahaa Sida tani " 

Gudoomiye ku-xigeenka ururka Khadra Nuur Axmed ayaa iyaduna tidhi: - ”SKF waa urur samo-faleed oo u adeega haweenka iyo dhallinyarada soomaaliyeed . Waxanu ka caawinaa habkii ay wadankan wax uga qabsan lahaayeen wixii dhibaato ah ee kaga yimaadana isaga qaban lahaayeen”.

Hadana Axmed wuxuu weydiiyey su'aal Gudoomiyaha urur haweeneedka SKF Ayaan Yaasiin

Ayaan Yaasiin ayaan waxan weydiiyey inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya ururkooda iyo kaniisadaha. Waxay ii sheegtay in iyaga iyo kaniisadaha wax xidhiidh ah ka dhexayn laakiin bay tidhi waxay wadashaqayn naga dhexaysaa ururka PMV oo iyagu xidhiidh dhaqaale la leh ururka kaniisadeed ee la yidhaahdo Kirkens Bymisjon.

Waxaa halkaasi kaaga caddaanaysa in dhaqaalaha iyo gar gaarka maaliyadeed ee uu ku shaqeeyo urur haweeneedka SKF ay toos u siiyaan ururka ay Ayaan ku sheegtay PMV oo isaguna xidhiidh dhaqaale la leh sida ay Ayaan sheegtay urur kiniisadeedka la yidhaahdo KIRKENS BYMISJON .

Soomaalidu waxay ku maah maahda "Caana daatay qabasho ma leh" oo macnaheedu tahay wixii dhacay lama soo celin karo, balse waxaa soo socda waxaa  lagaga hortagi karaa keliya in dadka laga wacyi geliyo balaayada cidda faraha kula jirta loo cadeeyo, Maadama oo waddamada Scandanaviansku yahiin wadamada diinta kiristaanka ugu faafis badan, waxay fahmeen kiniisadaha ku yaalla mandaqadda Scandaneviansku meesha qudha ee bulsho laga weerari kara inay tahay Haweenka iyo Caruurta.

 

 

 

 

 

 

 


Bidix: Ayaan Yaasiin Gudoomiyaha urur haweeneedka Norway [
SKF] iyo Khadra Nuur  gudoomiye ku xigeenka. | Sawirka jamhuuriya

Hadaba aniga oo tixraacaya hadalka ka soo baxay afka Ayaan Yaasiin oo ah sida la sheegay Madaxa urur haweeneedka SKF, oo ay tidhi waxaanu xidhiidh la leenahay urur xidhiidh la leh kiniisadaha waxaan meesha ka maqnayn in waxyaabo badan ay bulshada Soomaaliyeed ee dalka Norway ku soo socdaan, waxaanan ku baraarujinaya in waxyaabaha diinta Ilaahay dadka ka fogaynaya laga taxadaro, Soomaalida degen waddanka Norway iyo dhammaan dawladaha Nordics iyo dhammaan dalalka galbeed waxaan uga digayna inay ka taxadaraan dagaalka Macatabka (the physcological crusade War).

Qoraalkani waxaa diyaariyey MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA
KARACHI, PAKISTAN
.

E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004

MUXAADAROOYIN KU SAABSAN DUMARKA... GUJI... | hnur.com

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Sawir gacmeedka Amiin Caamir
| www.aminarts.com

Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD