SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA
Daabaco Boggan | Print


AABO "MIKI IYO OLIVER WAXAA LOO SOO GADAY KUMBUYUUTARKA CIYAARAHA 'GAME'." DHACDO

Waxaan kuguda jirnaa gabagabadii sanadka 2004. dadka gaalada waxa ay u dabaal dagaan sanad walba dhamaadkiisa ayaga oo ay u tahay xilli ciideed oo kale, fasax dheerna gala. Laakiin haddii aan nahay muslimiin sida diinteena noo sheegtay waxaan leenahay maalmo gooni ah oo aan dabaal dagno sida labada ciidood ee 1- ciida fidriga 2- iyo ciida adxada.

Waxa ay dareemayaan in badan oo Muslimiin ah oo kunool wadamada gaalada marka lagaaro gaba gabada sanadka in ay gaaladu dabaal dagayaan, laakiin dadka waawayn ee ku soo caqliyeesatay wadan muslim ah way garanayaan waxan in ay dhaqan u tahay gaalada laakiin waxaa hubaal ah in badan oo ubadkeena ah in ay lumiyeen dhaqan-koodii wanaagsanaa taasoo keentay inayna dareen kaqabin ama waxba kala socon waxyaalaha ay arkayaan maalin walba si fududna ugu dhagay dhaqamada reer galbeedka noolashoodana lajaan qaada maalin walba.

Haddaba anoo arintaas baadhaya udabaal daggida ciida kirismiska iyo waxa uu kaqabo islaamka ayaa waxaa ii suurta gashay in aan arintaas hor dhigo Sheekh kamid ah Shuyuukhda waa wayn oo deggan wadankan Australia magaaladiisa Melbourne sheekhaasoo layidhaahdo Sheekh Fahmi mar aan ugu tagay xafiiskiisa uu kuleeyahay( Masjidu Cumur Binu Alkhadaab) ee xaafada Preston bal inuu iftiin saaro arintan ayada ah si muslimiinta ay u ogaadaan waxa ay tahay arintan ayada ah gaar ahaan ubadka yaryarka oo aan ayagu waxba kala socon, qaatana waxwalba oo ay arkaan.

QAYBTA KOOBAAD. 

XIISH. Sheekh fahmi Asalamu calykum.

SHEEKH FAHMI "Wacalaykumu Salaam waraxmatulaah".

XIISH. Fursada aad nasiisay waad kumahad san tahay.

SHEEKH FAHMI" Alxamdu lilah"

XIISH" Adoo mahadsan  waxaad kawarqabtaa in aan ku guda jirno gabagabadii sanadka 2004. maxaad ku tilmaali lahayd sandkan tagay ee 2004.?

SHEEKH FAHMI " Waxaa mahad iska leh ilaahaygii naga dhigay  muslimiin, sanadkan waxa uu iila mid yahay sanadadii hore ee tagay, laakiin waxa uu xambaarsanaa kuna reebay xasuus hadii aan nahay muslimiin in aan ahay dad fiktam ah "Labeegsaday" waxaa sanadka oo dhan biloowgiisii ilaa dhaamdkiisii la weerarayay dad walaaladeen ah sida "Ciraaq"  Arin tan oo aan aad la ilxumaa kaligay ma aha Musliinta oo dhan. ayada oo xataa in taan ku guda jirnay bishii barakaysnayd lagaraacayay dadkaas ayaga ah, marka waxaan dhihi karaa wuxuu ahaa sanad aan ahayn hadii an nahay Musliin kuwa labeegsaday oo diiradu saarnayd.

XIISH" Waxaa jiro marwalba markii lasoo gaadho wakhtigan oo kale in gaaladu dabaal dagaan ayaga oo udabaal dagayo ciidooda ama waxa ay ugu yeedhaan kirismiska, bal kawaran sharci ahaan haddii aan nahay Muslimiin waxa nooga aadan arintaas ayada ah?

SHEEKH FAHMI" Haddii aan nahay Muslimiin waxa nooga aadan arin tan ayada ah waxaa weeye: koow- ma banaana in qof muslim ah u dabaal dago ciidan ayada ah , waxaan leenahay ciido noo gaar ah sida ciida Fidriga iyo ciida adxada, marka waa laga yaabaa in badan oo muslimiin ah inay yidhaahdaan waxaan leenahay saaxiibo marka waan kala qayb galaynaa oo si aan u ilaalino dareenkooda. Arintan ma aha wax sahlan sida uu tilmaamay sheekha weyn ee caalimka ee loo yaqaan (Sheeykhul Islaam Ibnu tamiyah kitaabkiisa " Iqtidaa Alsiraad AlMustaqiim, Mukhaalafatu asxaab aljaxiim) Wuxuu ku sheegay " In gaalada haddii lagala qayb galo ciidahooda ay farax galinayso ayaga, (waxayna taasi) siina dhiiri galinaysaa waxa ay ku jiraan ee baadil ah ". Sheekh fahmi waxa aan arkaa hadii aan nahay muslimiin in aan ilaalino oo aan qiimo u yeelno islaamkeena iyo dhaqankeena.

XIISH" Muxuu yahay dardaaranka aad u soo jeedinayso Musliinta gaar haan kuwa kunool Gudaha "Australia" (iyo dhammaan qurbaha)?

SHEEKH FAHMI" waxaan u soo jeedinayaa in ay muujiyaan muslinimadooda macnana ay uyeelaan. In badan  ayaa lumiyay muslinimadoodii marka meesha aan joogno waa muhim in aan noqono muslim dhab ah si aan tilmaam ama tusaalo unoqono.

XIISH" Waad mahad san tahay Sheekh Fahmi"

SHEEKH FAHMI " Laa shukra cala waajib"

Waraysigan oo dheeraa oo taabanayay qeebo badan ayaa fursado noo saamaxayn in aan indiin soo wada tabiyo.

QAYBTA LABAAD.

Aniga oo gadoon u sii ahaa gurigayga ayaa waxa maskaxdeeyda ku soo dhacday in aan alaab kasii gato suuq aan agmarayay, markaas albaabka dukaanka ayaan kula kulmay aabo Soomaaliyeed oo aan aqoon isu leenahay asaga oo isiiyay waqti yar bal si aan laba kalimo isu dhaafsano. Sheekadaanadii ayaa isu badashay arin uu aabahaa iiga sheegay in ay dhaxmartay asaga iyo wiil yar oo uu dhalay. waa tan sheekadii:

" Markaan soo dhamaystay shaqadii oo aan guriga imid ayaa xaaska waxa ay igu tiri hebal maqadeynin oo qadadii wuu diiday, maxaa ku dhacay?  magaranayo ayay iigu jawaabtay. Waan raadiyay qolkiisa ayaan ugu galay aniga oo bal ogaanayo waxa jira waxaan utagay wiilkii oo ilmadu ay katifqayso indhihiisiina ay noqdeen guduud .  waan naxay markaan arkay, aabo maxaa kugu dhacay ayaan waydiiyay? jawaab fiican ima siin, bal nakeen aan qadayno ayaan ku idhi, xidhiidhkaanaga aniga iyo ilmaha runtii waa wanaagsanaa laakiin waxaan is waydiiyay maanta iskuulka miyaa wax kadhaceen.

Anigoo yaaban markaan arkay bal in uu yar dagay ayaan waydiiyay aabo bal iiwaran maxaa ku haleelay maanta? wuxuu iigu jawaabay " Miki iyo Oliver shalay waxaa loo soogaday kumbuyuutargaym. oo aabahood ayaa u soo gaday waa barasantigoodii "hadyadoodii" kirismiska aniga waxba iimiina soo gadin kirismiskan maxaan ku ciidi". Anoo ah xiish ayaa soo dhexgalay hadalka maxay yihiin Miki iyo oliver? waa laba ilmood oo dariska ah oo cadaan ah oo ay iskuulka isla dhigtaan.  Haddaan kuu soo gadi ayaan ku idhi bal si aan udajiyo. Markii uu qadadiisii dhamaystay ayaan waday oo aan geeyay dukaan, waxaana u soo gaday alaabtii uu rabay, waana kaas taagan hadda baabuurka albaabkiisa. Aabihii oo hadalkiisa siiwata ayaa yiri "runtii arintan waxa ay igu aburtay dareen wayn, waxaan ogaaday in ilmaha ay ubaahan yihiin fiiro gaar ah, waligay iguma dhicin laakiin si ayna udhicin midan oo kale waa inaan siinaa waqti ubadka yaryarka ah bal si aan u barno waxa ay yihiin kirismiska iyo ciidaha ay gaalada leeyihiin. Aniguba aan iska bilaabee". Waa sida hadalkiisii uu ku soo gaba babeeyay aabaahaas oo iga codsaday inaan magiciisa baahin. War waayahay xiish ayuu iyidhi yaana ku daahin."

CABSIDA LAGA QABO MUSTAQBALKA CARUURTA SOMAALIYEED EE KU SOO BUTAACAYA DALALKA GALBEEDKA

Haddaba haddii aan nahay muslimiin waa inaan ubadkeena yaryarka ah barnaa waxa uu yahay kirismiska si ay u ogaadaan in aan kala duwanahay anaga iyo gaalada oo aan ciido kala duwan leenahan

Mohamed Wli (xiish)

Melbourne  Australia

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2004

XAAFID QURAAN.....

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 

Sawir gacmeedka Amiin Caamir
| www.aminarts.com

Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004


Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Raaqiyo Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004

Amnesty International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD