SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
QUUDHSI - DIID

Gacal Takoor 

Waxaa Maansadan tiriyey Abwaanka da’da yar ee Ahmed Asad. Axmed Asad wuxuu qayb libaax ka qaatay jilida Riwaayadii lagu soo bandhigay Shirkii ka dhacay Magaalada Minneapolis 26 Maarso 2005 ee lagu xusayey Maalinta la dagaalanka Midab kala sooca iyo Takoorka. Waxaa Riwaayadaa si cad oo qayaxan loogu soo bandhigay sheeko xarriirta iyo quraafaadka ay Soomaalidu soo daliishato marka ay takooreyso Tumaalka, Midgaanka, Yibirka, Jareerka, Reer Xamarka iyo dhamaan dadka laga tiro badan yahay. Markii ay Riwaayadii dhamaatay ayaa Axmed asad wuxuu si aad u wanaagsan oo ay dadweynihii jecleysteen ugu luuqeeyey Gabayga hoose iyadoo ay weliba dadku la hoorinayeen! 

Wuxuuna Abwaanku ku bilaabay sidan:  

  1. Gobanimadu Soomaliyeey garasho weeyaane
  2. Waxaan gocanayaa oo hurdada gama’ ii diiday
  3. Ama goon socodka iga dhigay gaabis la imooday
  4. Guul-guulka iyo waxaan arkaa gacal takoor baase
  5. Gaajada waxay noogu wacan ways gumeysiga-e
  6. Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye!
  7.  
  8. Gar Illaahay waa loo Islaam godobi waa ceebe
  9. Kuwaad gaabinaysiyo kuwaad gawrac marinayso
  10. Gun kuwaad ku sheegtiyo kuwaad gudub u riixayso
  11. Gabooyaada walaalkaa aheed ganaf ku taagayso
  12. Gabayooxa waxay noogu wacan godobta weeyaane
  13. Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye!
  14.  
  15. Gidigood Jareerta iyo Boon waad garbinaysaane
  16. Gayaan maaha baad odhan markay gole fariistaane
  17. Garta uma naqdaan odayadii guurtida ahaaye
  18. Guhaada iyo ereyada guracan waad ku ganaysaane
  19. Gurya-beelka waxay noogu wacan waa gar eexada-e
  20. Geerida horteed toobad keen, gaabis baad tahaye!
  21.  
  22. Gumeysiga Illaah baa xarimay gabi ahaantiise
  23. Gacalkaad takoorteena waa laysku gubayaaye
  24. Godka naarta baa lagu galaa Guule caasiga-e
  25. Gidigiinba Soomaaliyeey garasha dheer yeesha
  26. Gal-dalooladiinana astura goor iyo ayaanba
  27. Guuleytayaaloow samaha gaagax ka ilaasha
  28. Oo gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
  29.  
  30. Haddaan gebi-dhac jirin uumiyuhu nagama gawdheene
  31. Inagoo garwaaqsi leh ayuu goolku dhalan laaye
  32. Gudcurkaan ka bixilayn sidii geel inoo dhalaye
  33. Gacmaha is qabsada oo wanaag geliya maankiina
  34. Oo gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
  35.  
  36. Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
  37. Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!
  38. Is-gumeysi dhaqan yaanu noqon wayna gubayaaye!

Waxaa tiriyey Abwaan Axmed Asad ahmedy98@yahoo.com

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April 4, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD