SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA-C/RAXMAN EELAY

Asharaafi waa maxay? Qofkii is sharfaa Shariif ah!

Meeshii la joogaba Soomaalidu way isku haysataa! Tolow maxaa kala dhexmaray? Inkaarta haysataase badanaa!. Maxaa laga jarayaa dadkan?

Waayadii hore waxa laysku haysto waxaa u badnaan jirey xoolo iyo dumar. Waayadii danbe waxay usoo gudubtay xukun iyo dhul boob lagu raadinayo si anshaxdaran oo insaanimada ka baxsan. Markii Soomaalidu aragtay sida ay beeluhu ugu hodmi karaan xatooyada Qaran oo ay dadka u gumeysan karaan ayaa Beel waliba ku dhaaratay in ay is Mareexaamiso. Dagaal iyo rafaad markii laga daalay ee la kala adkaan waayey ayaa waxay Beelihii Soomaaliyeed bilaabeen inay xukunkii si sahlan ku raadsadaan: sideen ku helaa qolo maanta ka xoog roon Soomaalida? Haa! Itoobiya!

Maanta is qabqabsiga Soomaalida meel uu joogaba wuu ka soo gudbay Xoolo, Dumar, Dhul iyo Xukun jacayl wuxuuna galay marxalad cusub oon horey loo arag. Xataa gudihii Soomaaliya iska daaye dhibku Qurbuhuu Ummaddii ku naafeeyey. Waxaa ilaa iyo haatan muran ka taagan yahay Ururkii Ardayda Jaamacada Minnesota MSSU oo u kala baxay Dir iyo Daarood oo qoloba Itoobiya si u aragto. Waxay soo gashay Masaajidadii oo waxaa kal hore laga eryey Imaamkii Masaajidka ku yaalay Carwada ku taal wadada 24-ad ka dib markii uu noqday Beesha Hawiye aagaasna ay u badan yihiin Beesha Ogaadeen.. Anagaa u badan, isagaana na hogaamiya? Socon mayso!

Kal hore ayay ahayd markii daarahan dhaadheer ee ay Soomaalidu u badan tahay ee Magaalada Minneapolis ee loo yaqaan Ceder River Side (Isku raran) la waayey dad u diir naxa oo xaqooda u raadiya. Waxaa la waayey dad ka naxa carruurta baaba’day ee hor tuban daaraha hortooda ee har iyo habeen sakhraanka ah. Waxaa masaajidka laga doortay ilaa 9 qofood oo dadku dusha sare ka qiyaaseen inay ahaayeen dad Iimaan leh oo hawshan ka soo bixi kara. Waxaa laga dhigay Gudiga Xaafada(Board of Directors) si ay xaafada, nabadgelyadeeda, wax barashadeeda iyo xafiiska xaafada ku dhexyaala u maamulaan. Gudigu aad buu dardar ula soo baxay waxaana dadweynihii galay yididiilo iyo rajo hor leh. Waxaa naftii kusoo noqotay Cabaas C/Xaliim oo ahaa ninkii ilaa 10 sanno keligiis xafiiska xaafada dadka uga khidmeyn jirey. Wuxuu Cabaas dareemay in kooxdan meesha maraysaa lagu diirsan doono. Waxaa sidoo kale farxad aad u weyn muujiyey Deeq oo ahaa Madaxweynihii Gudiyadii hore ee kala biiqbiiqay ka haray. Waxaa uu gudigani durbaba galay arrimaha xaafada dhibka ku haya sida: Qasaaladaha, Wiishka, Waardiyaha iyo dhallinta baaba’day. Waxaa la sameeyey Iskool carruurta galinka danbe wax loogu dhigo, Askariga jiifa si xawliga baabuurtu u yaraato, la eryey ninkii Soomaalida dhuunta u galay ee joogay qaybta lagu barto Ingriiska iyo Kombiyuutarada (Resource Center) iyo Cabaas oo shaqadii iyo lacagtiiba loo kordhiyey. Dadkii Soomaaliyeed baa la yaabay in dhallin sidan oo kale dadkooda ugu shaqayn karta ay Qarnigan nool yihiin!. Maxaase naga qabsaday Guddi Hoosaadkii is bahaysatay ee Dhooye, Fagare, Cismaan iyo Caabiyo!

Waxay noqotay in Cabaaskii 10-ka sano soo taagnaa la eryo. Waxaa dhacday in lagu bedelay Xaalawey Mareykan ah. Waxaa dhacday in Madaxweynihii (Deeq) uu is casilo wada shaqayn la’aan awgeed. Waxaa dhacay isqabqabsi badan oo gaaray in ay noo garnaqaan Milkiilayaashii guryaha. Waxay Milkiilayaashu heleen fursad aysan weligood ku riyoon oo ah in ay baajiyaan lacagtii boqolaalka kun ee xafiiska siin jireen, inay baajiyaan ballamadii lagu bedeli lahaa Qasaaladaha, Wiishashka iyo waxyaabihii kale ee Gudigu ku amray in ay bedelaan. Waxaa isdabayaacii uu na dhaxalsiiyey in lagu sigtay in sidii Baarlamaankii kuraasta laysla dhaco. Waxaa iyadoo lays caayayo, lays habaarayo lagu dhexdhacay carruurtii wax baranaysay. Waxaa dardar cusub la soo baxday Xaawaleydii lagu bedelay Cabaas oo waraaqo meel walba u dirtay iyadoo u sheegeysa in Guddigu kala qaybsan yahay intii badnaydna ay iyada la jiraan. Waxay kaloo shaacisay in dadkani aysan kusoo barbaarin meel sharci ka jiro oo ay yihiin Jabhado yaqaana sida wax loo baabi’iyo wixii hadda ka danbeeyana ay iyadu tahay ta keliya ee badbaadin karta dadkan masaakiinta ah. Halkan ka akhri warqad ay u dirtay Dugsiyada Dowlada ee Minneapolis iyadoo ka dacwooneysa Jamal Abokor oo Maamule ka ahaa Seeraalaha ay carruurtu wax ka baran jirtay una diiday inay Naagtani soo dhex istaagto carruurta. Halkan ka akhri warqadii…………………

Dadkii naga dhex doortay masjidka ayaa garan waayey waxay nagu salaamaan: Salam, Nabad, Habari, Hello, Aslamu, Shalom, Hola, Ca va! Horta maxay istaahilaan in lagu salaamo ayaa lays weydiiyey?. Iyadoo makhribkii laga baxay oo istaaqfurulaahida la bilaabay ayaa Abgaalow ka dhex booday Masjidkii Imamu Shaafici. Abgaaloow oo macallin ka ahaa iskoolkaa laga khasaariyey ubadkii wax ku baran lahaa ayaa u adkeysan waayey raggii soo burburiyey oo haddana masaajidka ka khudbeynaya, ka madax ah ama ku dhex tukanaya. Wuxuu u sheegay dadkii in laga qabto nimankan Masaajidka waayo xaq maaha buu yidhi in ay ummadana soo baabi’iyaan halkana ay isku madluumiyaan!.

Waar heedhe camalkeyga iska daa ee qaado cilmigeyga!

Halkan ka dhegeyso bulaankii iyo buuqii ka dhacay shirkii uu Biixi qabtay isagoo islahaa ku dhexdhexaadi dhinacyadan is haya. Waxaase ummadii ka yaabiyey niman culima sheeganaya oo dadweynihii ka dhaadhicinaya inay Xaawalaydani tahay naag wanaagsan oo diinta Kaatooliga haysata mudana tahay in lala shaqeeyo. Waxay kaloo kooxdani waalidiintii careysnaa hortooda ka sheegayaan in ay iyagu yihiin kuwii ka xiray iskoolka ilmahooda ayna sidaasoo kale u geli doonaan wixii kale ee laga hor istaago.

Maantana waxaa taagan sidii Masjidkii Wadada 24-ad ku yiilay aynu Masjidkan Darul Hijra ninkan Asharaafta sheegta aynu ka inqilaabno! Anagaa u badan isagaana na hogaamiya! Socon mayso!

Daarahan dhaadheer ee uu Masaajidkani ku hoosyaalo ayaa waxaa ku hareereysan in kabadan 20 baar oo khamriga lagu cabo iyo ilaa 3 masaajid. Waxaa lagu soo kordhiyey Masaajid kale oo ay Xertu furatay sifiican uu u socdo dib u habeyntiisu. Wuxuu noqon doonaa saldhig lagu cibaadeysto, carruurta wax lagu baro, lagu xadreeyo lagu xuso munaasabadaha diiniga ah ee kala duwan. Wuxuu ku yaalaa meel dhex ah oo ay dadku sii maraan soona maraan. Waxaa soo dhinac maray Xaruntan cusub niman dhalin yara ah oo isku hayb ah waxayna soo wajaheen xagii Daarul-Hijra. Salaamanaqsigii ka dib ayaa codbaahiyaha laga yidhi: “Mowliidku waa xaaraan, cuntada laga cunana xalaal maaha! Waxaa loo baahn yahay inaad barataan diinta iyo akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka”

Markii dibada loo soo baxay ayaa Odayaal caraysan oo u badnaa dadka ku tukuda Masaajidkan mid ka mid ahi ku qayliyey: “Waar heedhe Fagarow orodoo nimankan tolkaa ah u kexeyso xarunta laga xusayo Mowliidka! Maxaad masaajidkan uga dhex qaylinaysaa? Halkan Mowliidkaba laguma sameeyee sidee wax kaa yihiin? Mise tol yaraantaad ku aragtay Miskiinkan Asharaafta ah oo sidaasaad u handadeysaan? Haddaad rag tihiin maad aadaan kaad sii dhaaftaan ee soo dhaaftaan?

Mid kalaa isna inta uu madaxa ruxay yidhi: “Waarnimanyahow diinta iyo akhlaaqda uu sheegyaa ninkan may isaga ka muuqato waata maalin walba dadka ay isku caayaan ama isku garaacaan wadooyinkee?”

Waar heedhe camalkeyga iska daa ee qaado cilmigeyga!

Oday kalaa qosol jees-jees ah ku dhuftay markaasuu yidhi: “ waar iska daaya sheekadani waa tii Haramcadkii oo kalee! Ihii, Ihii! Faan weynaa!”

Sheekoy sheeko Sheeko Xariir

Beribaa waxaa jirey Haramcad ku noolaa dhul oomana ah oo ugaadhuna ka fog tahay. Ilmihii uu dhalay ayaa gaajo darteed habeen iyo maalinba afka isku dari waayey. Wuxuu goostay inuu usoo qaraabo oo uu u raadiyo waxay cunaan. Wuxuu ilmihii ku hoos qariyey meel xas ah oo aan laga arki Karin. Hal cabaar ah markii uu ka sii maqnaa ayaa waxaa meeshii soo maray raxan maroodiyo ah oo is eryanaya. Waxay baabi’iyeen wixii baad iyo dhir ahaa waxayna cagta mariyeen dhashii Haramcadka. Haramcadkii oo xoogaa raq ah afka ku wada ayaa wuxuu soo dul istaagay ilmihiisii oo la baduuqay wax noolna aysan jirin. Inta uu muraara dilaacay oo marba geed isku qaaday ayuu waydiiyey dugaagii kale cida sidan u gashay ilmihiisii. Wuxuu ballan ku qaaday inuu u aargudayo haddii ay u sheegaan cida moora duugtay dhashiisii. Dugaagii kalaa u sheegay inay raxan maroodiya ay dul mareen oo baabi’iyeen maxastiisii. Wuxuu cay iyo nacalad ku sayray dugaagii una sheegay in ay ilmihiisa baabi’iyeen Sagaaro, Dabataag iyo Deero uuna ballan ku qaaday inuu soo baabi’in doono. Waa laga daba qayliyey iyadoo loo sheegayo in ay Maroodiyaashii jiraan xagga qorax u dhac laakiin Haramcadkii isagoo gowsaha iyo miciyaha isla dhacaya carro aad u badana ay ka muuqato ayuu xagaa iyo qorrax ka soo bax u baqoolay si uu deerada iyo sagaarada uga soo aargoosto!

Shariifkii ka ahaa Masaajidka Imaamka ayaa casarkii baraarujis u bilaabay dadka. Wuxuu u sheegay in la ixtiraamo Imaamka Masaajidka oo wixii ay dadku tabanayaan la soo socodsiiyaan si dhibku u yaraado. Wuxuu xasuusiyey Kooxdan isku tolka ah in laga fiican yahay fidnada oo lagu dadaalo sidii ummada looga dhowri lahaa khilaafka. Markii dibada looga soo baxay Masjidkii ayaa shariifkii la hareereeyey waxayna Fagare, Cawil, Abdi-Rabi iyo Qays u sheegeen in aysan habooneyn in uu shariifku sheegto in uu ugu cilmi badan yahay Magaalada iyo in ay kaba xiri karaan masaajidka haddii ay u qasdiyaan. Shariifkii oo yaaban ayaa u sheegay in ay isagoo dhanba dudumiyaan oo baroon la dhacaan haddii ay rabaan laakiin uusan marna u ogolaaneyn Masjidka uu masuulka ka yahay in la qashqasho oo wixii la doono laga sheego isagoon ka warheyn.

Nin goob joog ahaa ayaa wuxuu sii arkayey Shariif C/Rahman oo sii socda oo la yaaban ujeedada iyo ka jeedada nimankan tolka ah maadaama Masaajidkan aan lagu xusin Mowliidka ka lagu xuso Mowliidka ee uu joogo ninka ay isku tolka yihiina ay soo dhaafeen. Waxaa Shariifka maskaxdiisa ka soo baxayey isla sheekeysi sida hirarka dananka oo kale ah oo loo turjumi karo sidan:

  • 5 nin oo walaala ah sideenaa(Somali)
  • 4-tu isku bah tahay sidiinaas(Ciise Mohamud)
  • Ninkuna bah gaar ah yahay sideydaas(Asharaaf)
  • 4-tu ninkey siri sideedaba(Damac)
  • Ninkuna sirtii garan sideeydaba(Inqilaab)
  • Ma is amaan gelinaa sideenaba!

Tixraac: Oraahda maansada oo kale ah waxaan ka soo minguuriyey tii Sayidka ee 9 nin oo walaala ah sideenaa…….

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April  16, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD