Asharaafi waa maxay? Qofkii is sharfaa
Shariif ah!
Meeshii la joogaba Soomaalidu way isku
haysataa! Tolow maxaa kala dhexmaray? Inkaarta haysataase badanaa!. Maxaa
laga jarayaa dadkan?
Waayadii hore waxa laysku haysto waxaa u
badnaan jirey xoolo iyo dumar. Waayadii danbe waxay usoo gudubtay xukun iyo
dhul boob lagu raadinayo si anshaxdaran oo insaanimada ka baxsan. Markii
Soomaalidu aragtay sida ay beeluhu ugu hodmi karaan xatooyada Qaran oo ay
dadka u gumeysan karaan ayaa Beel waliba ku dhaaratay in ay is Mareexaamiso.
Dagaal iyo rafaad markii laga daalay ee la kala adkaan waayey ayaa waxay
Beelihii Soomaaliyeed bilaabeen inay xukunkii si sahlan ku raadsadaan:
sideen ku helaa qolo maanta ka xoog roon Soomaalida? Haa! Itoobiya!
Maanta is qabqabsiga Soomaalida meel uu
joogaba wuu ka soo gudbay Xoolo, Dumar, Dhul iyo Xukun jacayl wuxuuna galay
marxalad cusub oon horey loo arag. Xataa gudihii Soomaaliya iska daaye
dhibku Qurbuhuu Ummaddii ku naafeeyey. Waxaa ilaa iyo haatan muran ka taagan
yahay Ururkii Ardayda Jaamacada Minnesota MSSU oo u kala baxay Dir iyo
Daarood oo qoloba Itoobiya si u aragto. Waxay soo gashay Masaajidadii oo
waxaa kal hore laga eryey Imaamkii Masaajidka ku yaalay Carwada ku taal
wadada 24-ad ka dib markii uu noqday Beesha Hawiye aagaasna ay u badan
yihiin Beesha Ogaadeen.. Anagaa u badan, isagaana na hogaamiya? Socon mayso!
Kal
hore ayay ahayd markii daarahan dhaadheer ee ay Soomaalidu u badan tahay ee
Magaalada Minneapolis ee loo yaqaan Ceder River Side (Isku raran) la waayey
dad u diir naxa oo xaqooda u raadiya. Waxaa la waayey dad ka naxa carruurta
baaba’day ee hor tuban daaraha hortooda ee har iyo habeen sakhraanka ah.
Waxaa masaajidka laga doortay ilaa 9 qofood oo dadku dusha sare ka qiyaaseen
inay ahaayeen dad Iimaan leh oo hawshan ka soo bixi kara. Waxaa laga dhigay
Gudiga Xaafada(Board of Directors) si ay xaafada, nabadgelyadeeda, wax
barashadeeda iyo xafiiska xaafada ku dhexyaala u maamulaan. Gudigu aad buu
dardar ula soo baxay waxaana dadweynihii galay yididiilo iyo rajo hor leh.
Waxaa naftii kusoo noqotay Cabaas C/Xaliim oo ahaa ninkii ilaa 10 sanno
keligiis xafiiska xaafada dadka uga khidmeyn jirey. Wuxuu Cabaas dareemay in
kooxdan meesha maraysaa lagu diirsan doono. Waxaa sidoo kale farxad aad u
weyn muujiyey Deeq oo ahaa Madaxweynihii Gudiyadii hore ee kala biiqbiiqay
ka haray. Waxaa uu gudigani durbaba galay arrimaha xaafada dhibka ku haya
sida: Qasaaladaha, Wiishka, Waardiyaha iyo dhallinta baaba’day. Waxaa la
sameeyey Iskool carruurta galinka danbe wax loogu dhigo, Askariga jiifa si
xawliga baabuurtu u yaraato, la eryey ninkii Soomaalida dhuunta u galay ee
joogay qaybta lagu barto Ingriiska iyo Kombiyuutarada (Resource Center) iyo
Cabaas oo shaqadii iyo lacagtiiba loo kordhiyey. Dadkii Soomaaliyeed baa la
yaabay in dhallin sidan oo kale dadkooda ugu shaqayn karta ay Qarnigan nool
yihiin!. Maxaase naga qabsaday Guddi Hoosaadkii is bahaysatay ee Dhooye,
Fagare, Cismaan iyo Caabiyo!
Waxay
noqotay in Cabaaskii 10-ka sano soo taagnaa la eryo. Waxaa dhacday in lagu
bedelay Xaalawey Mareykan ah. Waxaa dhacday in Madaxweynihii (Deeq) uu is
casilo wada shaqayn la’aan awgeed. Waxaa dhacay isqabqabsi badan oo gaaray
in ay noo garnaqaan Milkiilayaashii guryaha. Waxay Milkiilayaashu heleen
fursad aysan weligood ku riyoon oo ah in ay baajiyaan lacagtii boqolaalka
kun ee xafiiska siin jireen, inay baajiyaan ballamadii lagu bedeli lahaa
Qasaaladaha, Wiishashka iyo waxyaabihii kale ee Gudigu ku amray in ay
bedelaan. Waxaa isdabayaacii uu na dhaxalsiiyey in lagu sigtay in sidii
Baarlamaankii kuraasta laysla dhaco. Waxaa iyadoo lays caayayo, lays
habaarayo lagu dhexdhacay carruurtii wax baranaysay. Waxaa dardar cusub la
soo baxday Xaawaleydii lagu bedelay Cabaas oo waraaqo meel walba u dirtay
iyadoo u sheegeysa in Guddigu kala qaybsan yahay intii badnaydna ay iyada la
jiraan. Waxay kaloo shaacisay in dadkani aysan kusoo barbaarin meel sharci
ka jiro oo ay yihiin Jabhado yaqaana sida wax loo baabi’iyo wixii hadda ka
danbeeyana ay iyadu tahay ta keliya ee badbaadin karta dadkan masaakiinta
ah. Halkan ka akhri warqad ay u dirtay Dugsiyada Dowlada ee Minneapolis
iyadoo ka dacwooneysa Jamal Abokor oo Maamule ka ahaa Seeraalaha ay
carruurtu wax ka baran jirtay una diiday inay Naagtani soo dhex istaagto
carruurta. Halkan ka akhri warqadii…………………
Dadkii naga dhex doortay masjidka ayaa
garan waayey waxay nagu salaamaan: Salam, Nabad, Habari, Hello, Aslamu,
Shalom, Hola, Ca va! Horta maxay istaahilaan in lagu salaamo ayaa lays
weydiiyey?. Iyadoo makhribkii laga baxay oo istaaqfurulaahida la bilaabay
ayaa Abgaalow ka dhex booday Masjidkii Imamu Shaafici. Abgaaloow oo macallin
ka ahaa iskoolkaa laga khasaariyey ubadkii wax ku baran lahaa ayaa u
adkeysan waayey raggii soo burburiyey oo haddana masaajidka ka khudbeynaya,
ka madax ah ama ku dhex tukanaya. Wuxuu u sheegay dadkii in laga qabto
nimankan Masaajidka waayo xaq maaha buu yidhi in ay ummadana soo baabi’iyaan
halkana ay isku madluumiyaan!.
Waar heedhe camalkeyga iska daa ee qaado
cilmigeyga!
Halkan ka dhegeyso bulaankii iyo buuqii ka
dhacay shirkii uu Biixi qabtay isagoo islahaa ku dhexdhexaadi dhinacyadan is
haya. Waxaase ummadii ka yaabiyey niman culima sheeganaya oo dadweynihii ka
dhaadhicinaya inay Xaawalaydani tahay naag wanaagsan oo diinta Kaatooliga
haysata mudana tahay in lala shaqeeyo. Waxay kaloo kooxdani waalidiintii
careysnaa hortooda ka sheegayaan in ay iyagu yihiin kuwii ka xiray iskoolka
ilmahooda ayna sidaasoo kale u geli doonaan wixii kale ee laga hor istaago.
Maantana
waxaa taagan sidii Masjidkii Wadada 24-ad ku yiilay aynu Masjidkan Darul
Hijra ninkan Asharaafta sheegta aynu ka inqilaabno! Anagaa u badan isagaana
na hogaamiya! Socon mayso!
Daarahan dhaadheer ee uu Masaajidkani ku
hoosyaalo ayaa waxaa ku hareereysan in kabadan 20 baar oo khamriga lagu cabo
iyo ilaa 3 masaajid. Waxaa lagu soo kordhiyey Masaajid kale oo ay Xertu
furatay sifiican uu u socdo dib u habeyntiisu. Wuxuu noqon doonaa saldhig
lagu cibaadeysto, carruurta wax lagu baro, lagu xadreeyo lagu xuso
munaasabadaha diiniga ah ee kala duwan. Wuxuu ku yaalaa meel dhex ah oo ay
dadku sii maraan soona maraan. Waxaa soo dhinac maray Xaruntan cusub niman
dhalin yara ah oo isku hayb ah waxayna soo wajaheen xagii Daarul-Hijra.
Salaamanaqsigii ka dib ayaa codbaahiyaha laga yidhi: “Mowliidku waa xaaraan,
cuntada laga cunana xalaal maaha! Waxaa loo baahn yahay inaad barataan
diinta iyo akhlaaqda wanaagsan ee Islaamka”
Markii dibada loo soo baxay ayaa Odayaal
caraysan oo u badnaa dadka ku tukuda Masaajidkan mid ka mid ahi ku qayliyey:
“Waar heedhe Fagarow orodoo nimankan tolkaa ah u kexeyso xarunta laga xusayo
Mowliidka! Maxaad masaajidkan uga dhex qaylinaysaa? Halkan Mowliidkaba
laguma sameeyee sidee wax kaa yihiin? Mise tol yaraantaad ku aragtay
Miskiinkan Asharaafta ah oo sidaasaad u handadeysaan? Haddaad rag tihiin
maad aadaan kaad sii dhaaftaan ee soo dhaaftaan?
Mid kalaa isna inta uu madaxa ruxay yidhi:
“Waarnimanyahow diinta iyo akhlaaqda uu sheegyaa ninkan may isaga ka muuqato
waata maalin walba dadka ay isku caayaan ama isku garaacaan wadooyinkee?”
Waar heedhe camalkeyga iska daa ee qaado
cilmigeyga!
Oday kalaa qosol jees-jees ah ku dhuftay
markaasuu yidhi: “ waar iska daaya sheekadani waa tii Haramcadkii oo kalee!
Ihii, Ihii! Faan weynaa!”
Sheekoy sheeko Sheeko Xariir
Beribaa waxaa jirey Haramcad ku noolaa dhul
oomana ah oo ugaadhuna ka fog tahay. Ilmihii uu dhalay ayaa gaajo darteed
habeen iyo maalinba afka isku dari waayey. Wuxuu goostay inuu usoo qaraabo
oo uu u raadiyo waxay cunaan. Wuxuu ilmihii ku hoos qariyey meel xas ah oo
aan laga arki Karin. Hal cabaar ah markii uu ka sii maqnaa ayaa waxaa
meeshii soo maray raxan maroodiyo ah oo is eryanaya. Waxay baabi’iyeen wixii
baad iyo dhir ahaa waxayna cagta mariyeen dhashii Haramcadka. Haramcadkii oo
xoogaa raq ah afka ku wada ayaa wuxuu soo dul istaagay ilmihiisii oo la
baduuqay wax noolna aysan jirin. Inta uu muraara dilaacay oo marba geed isku
qaaday ayuu waydiiyey dugaagii kale cida sidan u gashay ilmihiisii. Wuxuu
ballan ku qaaday inuu u aargudayo haddii ay u sheegaan cida moora duugtay
dhashiisii. Dugaagii kalaa u sheegay inay raxan maroodiya ay dul mareen oo
baabi’iyeen maxastiisii. Wuxuu cay iyo nacalad ku sayray dugaagii una
sheegay in ay ilmihiisa baabi’iyeen Sagaaro, Dabataag iyo Deero uuna ballan
ku qaaday inuu soo baabi’in doono. Waa laga daba qayliyey iyadoo loo
sheegayo in ay Maroodiyaashii jiraan xagga qorax u dhac laakiin Haramcadkii
isagoo gowsaha iyo miciyaha isla dhacaya carro aad u badana ay ka muuqato
ayuu xagaa iyo qorrax ka soo bax u baqoolay si uu deerada iyo sagaarada uga
soo aargoosto!
Shariifkii ka ahaa Masaajidka Imaamka ayaa
casarkii baraarujis u bilaabay dadka. Wuxuu u sheegay in la ixtiraamo
Imaamka Masaajidka oo wixii ay dadku tabanayaan la soo socodsiiyaan si
dhibku u yaraado. Wuxuu xasuusiyey Kooxdan isku tolka ah in laga fiican
yahay fidnada oo lagu dadaalo sidii ummada looga dhowri lahaa khilaafka.
Markii dibada looga soo baxay Masjidkii ayaa shariifkii la hareereeyey
waxayna Fagare, Cawil, Abdi-Rabi iyo Qays u sheegeen in aysan habooneyn in
uu shariifku sheegto in uu ugu cilmi badan yahay Magaalada iyo in ay kaba
xiri karaan masaajidka haddii ay u qasdiyaan. Shariifkii oo yaaban ayaa u
sheegay in ay isagoo dhanba dudumiyaan oo baroon la dhacaan haddii ay rabaan
laakiin uusan marna u ogolaaneyn Masjidka uu masuulka ka yahay in la
qashqasho oo wixii la doono laga sheego isagoon ka warheyn.
Nin
goob joog ahaa ayaa wuxuu sii arkayey Shariif C/Rahman oo sii socda oo la
yaaban ujeedada iyo ka jeedada nimankan tolka ah maadaama Masaajidkan aan
lagu xusin Mowliidka ka lagu xuso Mowliidka ee uu joogo ninka ay isku tolka
yihiina ay soo dhaafeen. Waxaa Shariifka maskaxdiisa ka soo baxayey isla
sheekeysi sida hirarka dananka oo kale ah oo loo turjumi karo sidan:
- 5 nin oo walaala ah sideenaa(Somali)
- 4-tu isku bah tahay sidiinaas(Ciise
Mohamud)
- Ninkuna bah gaar ah yahay
sideydaas(Asharaaf)
- 4-tu ninkey siri sideedaba(Damac)
- Ninkuna sirtii garan
sideeydaba(Inqilaab)
- Ma is amaan gelinaa sideenaba!
Tixraac: Oraahda maansada oo kale ah waxaan
ka soo minguuriyey tii Sayidka ee 9 nin oo walaala ah sideenaa…….
Waxaa soo gudbiyey
C/Rahman Eelaay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE EELAY...
Faafin: SomaliTalk.com |
April 16, 2005
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com