MINNEAPOLIS IYO DULMANAW TOOS! DULMIYOW
JOOJI!
Shirkii la sugayey lee maahinoo. Waa
shirkii ugu horeeyey ee ay isugu yimaadaan dhamaan dadka ka tirsan Bulshada
ay Soomaalidu u bixisay “Minority”. Hiraaboodkii ayaa lagu jarmaaday Golaha
Shirarka ee ku yaala Macadka Humphery ee ka tirsan Jaamacada Minnesota.
Waxaa Magaalada ka soday shirar badan oo kale oo dadweynihii ay u kala
jabeen. Shirkan oo looga hadlayo Qowmiyadaha laga tirada badan yahay ee wax
badan lagu dhibaateeyey Dalweynihii hore ee Soomaaliya ayaa waxaa ka
hadlayey Marti sharaf ka kala duwan oo ay inta badani ka yimaadeen Gobolada
kale ee Mareykanka. Waxaa shirkaas lagu casumay oo ka soo qayb galay:
Professor Eno, Professor, Jaamacada Portland, Aqoonyahhan Abdirashid,
Jaamacada San Diego, Professor Asha Abdisamad, Jaamacada New York, Professor
Abdullahi Osman,Jaamacada Atlanta, Sheekh C/Rahman Shariif, Sh. C/Rahman
Omar. Marwo Saynab Hassan, Mohamud Abuukar, Jaaliyadda Banaadiriga, Marwo
Faadumo Hiirad, Marwo Maryan Mohamed, Sheekh Cali Azhar iyo Abwaanka Caanka
ah ee Sangub. Waxaa kaloo halkaa wacdara aan la iloobi Karin ka geystay
kooxihii kala duwanaa ee qaabilsanaa Majaajilada iyo Bandhig Faneedka:
Shariif Jeeg iyo Asxaabtiisa iyo Kooxdii sida aadka u soo bandhigtay
Bandhigii hurgufnaa ee ay ka wada qayb qaateen Ahmed asad, Suldaan Ahmed
Mohamed Deeq, Badri, Caasha, Indhadeero iyo C./Rahman Eelay. Sh. Jeeg wuxuu
ka warbixinayey Qowmiyada Reer xamarka halka ay Kooxda kale ay soo
bandhigeen dhibaatada lagu hayo guud ahaan qowmiyadaha kala duwan ee la
takooro gaar ahaan Madhibaanka. Waxaase fagaarahan laysku arkay aan iman oo
nasoo gaari waayey Xildhibaan Mohamed Hassan Daryeel oo aad looga sugayey
Magaaladan. Inkastoo Ururka SIMA ay casuntay oo hawla badan loo maray lana
sii qorsheeyey meeshii uu salka dhigi lahaa inta uu joogo Magaaladan ayaa
haddana Xildhibaan Daryeel lagu hungoobay imaanshihiisii. Waase laba bariday
kala war la’e waxaa kaalintiisii buuxiyey dadyow kalsoo kala safray dacalada
Mareykanka.
Waxay ahayd Maalin Sabti ah Maarso 26 2005,
Waxaa qorshauhu ahaa in Shirka uu bilaabmo 9:00am oo Golaha albaabada loo
furay. Hayeeshee barqo libaaxyeyn iyo intii istoos-toosis lagu jirey ayaa
wuxuu shirku si rasmi ah u bilaabmay ilaa 11-dii. Waxaa halkaa ka qiseeyey
Xiriiriyaha Shirka ahna Madaxa Ururka ardayda MSSU isagoo ka sheekeynaya
taariikhdii Ururka wixii u qabsoomay iyo waxa ay tiigsanayaan mustaqbalka.
C/Rahmaan Mukhtaar wuxuu shirkii ku soo dhaweeyey Sh. Ali-Amin Khadar (Indhadeero)
si uu u barakeeyo shirka oo uu Aayada Quraan ah ugu furo, Baraarujin iyo
Alle ka cabsina uu quluubta dadka u xasuusiyo. Indhadeero ayaa Dadweynihii
Adduunka ka yara dhuftay oo Aakhira geeyey.
Sh. C/Rahman Shariif oo aad uga hadlay waxa
ay diintu ka qabto quudhsiga iyo in Eebe hortii loo wada siman yahay. Wuxuu
yidhi Eebe cidna ma cunsurideeyo, Maalinta la qaawan yahayna Midgaanka,
Boonka, Yibirka, Jareerka iwm dhamaantood siku si ayaa loo xukumaa oo cid la
sharfayo oo la leeyahay Laandheeraad tahay ee soo hormar ma jirto.
Suubanuhu(csw) wuxuu yidhi: “ Qofkii Camalkiisu reebaa oo dib u dhigaa
Nasabkiisu kor uma soo qaado. Wuxuu dadweynihii ku guubaayiyey inay
caqligooda kaa shadaan oo aysan ku shaqayn caqli ummado hore oo Jaahil ka
ahaa Diinta Islaamka.
Sh. C/Rahman Omar ayaa isna ula kala baxay
oo dadkii uga qiseeyey siyaabihii kala duwanaa ee Asxaabtii iyo
Suubanuhu(csw) ay u tirtireen kala sareynta iyo Quudhsiga. Wuxuu ka warramay
sidii Dadkii Madmadoobaa ee Adoonta u ahaa Isla weyntii Qureesh loo
karaameeyey ee weliba looga dhigay kuwii dadka ugu sareeyey. Maxaynu anagu
maanta ku kala duwan nahay ee aanu u takoornay walaladeen ayuu Shiikhu
waydiiyey Dadweynihii. Diintu ma qabto dhuudhsiga aad wadaan, meelna kama
soo galo ee Soomaaliyeey Eebihiin u noqda oo ka run sheega waxa aad aaminsan
tihiin ayuu shiikhu yidhi. Labadan Shiikh oo Immamo ka ah laba Masjid oo ku
yaal Xaafada Soomaalida Magaalada Minneapolis ayaa Soomaalida aad ugala
hadlay Quudhsiga iyo Takoorka iyo inuusan raad ku lahayn oo meelna ka soo
galayan Diinteena Barakeysan. Allow dhego!
Jazaakumu-Allahu Kheiran markii la boobay
ka dib ayaa waxaa lagu sharfay hadalka Madaxweynaha Ururka SIMA Mudane
Mohmed Keynaan oo soo dhaweeyey marti sharaftii ka soo qaybgashay shirkan
iyo sida ay wakhtigoodii ugu soo hureen iyagoo weliba ka yimid meelo
fog-fog. Wuxuu shirka ka salaamay oo uu uga mahad celiyey dadaalka ay wadaan
hogaamiyaasha kala duwan ee Ururkan SIMA ee kala jooga Gobolada kala duwan
ee Mareykanka, Mogadishu, Hargeisa, Kenya, Jabuuti, Imaaraadka iyo Yurub.
Wuxuuna mahad balaaran u celiyey dadweynihii ka soo qayb galay shirka.
Rashiid Farah oo Magaalada SanDiego nooga
yimid ayaa Soomaalidii aad ugu fasiray quraafaadka iyo sheeko xariirta ay ku
saleysan tahay takoorkoodu. Wuxuu Soomaalidii xasuusiyey oo uu tusaale usoo
qaatay waxyaabaha gabood falka ah ee laga galay bulshaduu ka soo jeedo ee
Yibraha. Wuxuu na xasuusiyey quraafaadkii la isla dhex mari jirey ee ahayd
in aan cidina weligeed arag Yibir dhintay iyo qabrigiisa toona!. Waxaa la
oran jirey buu yidhi xanfaley ayaa qaada oo lama arko meydkiisa! Wuxuu
Soomaalidii u sheegay inay taasi tahay Jahliga ka ugu weyn ee xataa ay
Caqiidada qofku ay ku fasahaadaso. Qowmiyadahan la yasaayi waxaa ay
Soomaalida ka heli jireen buu yidhi Cayda, aflagaadada iyo dhega ku hadalka
halka ay soomaalidu heli jirtey manaafacaad la taaban karo oo dhinacya badan
leh. Waar Soomaaliyeey ma waxaasaad bedel nooga dhigteen buu su’aalay. Waa
bedel runtii baas leh!. Wuxuu Rashiid aad ugu dheeraaday siyaabaha kala
duwan ee Soomaalida Isla weyni ay u bahdilaan una takooraan dadka
walaalahood ah.
Waxaa codbaahiyihii la wareegay Prof.
Abdullaahi Osman oo Atalaanta Jamacadeeda naga soo bariidiyey. Wuxuu dadka
tusaaleeyey sida uu quudhsigu u xunyahay. Wuxuu yidhi bal ila qaybsada oo
qof waliba ka ag fadhiya ha ku yiraahdo: “ Anigu waxaan ahay Bilis,
Laandheere ah adiguna waxaan tahay Boon”. Mar keliyaa dadkiiyoo wejiyadoodu
shuxayaan, afkooduna gariirayo, qaarna ay hiin raagayaan isla dhawaaqeen.
Aamusnaan ka dib ayuu la kala baxay ka sheekeynta siyaabaha kala duwan ee
Soomaalida isla qabweyni ay u duraan, takooraan una yasaan dadyow fara badan
oo walaalahood ah isagoo Luqada Ingriiska ku khudbaynaya. Wuxuu ka
sheekeeyey sida uu Isticmaarkii u sameystay dadyow uu soo rabaayeeyey oo
Jidh Madow laakiin Qalbi Cad si ay ugu sii adeegaan oo abad usii fuliyaan
amaawiirtiisa isagoon xaadir ahayn. Waxaaban soo xasuustay Abwaankii Belaaya
Cas iyo Maansadiisii Aan Ooyee Albaabka ii xidha!.
Wuxuu Prof. C/llaahi aad uga sheekeeyey
tirakoobyo badan oo la sameeyey oo lagu ogaaday in dadka la yasaa ay ka tira
badan yihiin dadyowga Islaweyn ee ismooday inay ciidaa iyo camaarkaa yihiin.
Tirakoobyadaa oo kuwii u danbeeyey ay sameysay Dowladii Milateriga ahayd
ayaan cidna la tusin oo sagxada hoosteeda la geliyey si aysan fashilaad iyo
baraarug u keenin. Waxaa uu Pro. C/llaahi tusaale u soo qaatay in 60-dii iyo
wixii ka danbeeyey ay Goboladii la isku oran jirey Majeerteeniya oo amarka
loo eego Shacbiga Soomaaliyeed ka ahaa buu yidhi 11% ay mar walba yeelan
jireen 70% Madaxda, Wasiirada iyo Manaafacaadka Wadanka. Xoogaa ganuus, rayn
iyo guux ayaa xagga dadweynaha laga dareemay, markaasuu Abdullaahi ku sii
adkeystay in waxan uu akhrinayaa aysan ahayn hadalkiisa ama iska dheh ee ay
tahay wax xaqiiq ah oo jirta oo cidii u baahani ay ka heli karto Matxafyada
iyo buugaagtii laga qoray. Hadalkiisii buu sii watay isagoo kusii dheeraaday
kala faquuqa iyo is duleysigii ka jirey Soomaaliyadii Hore.
Waxaa dhextaal laga dhigay Majaajilo,
Maanso iyo Maaweelo ay soo bandhigeen Shariif Jeeg iyo Asxaabtiisa. Waxay si
maad ah oo xikmadi ku dheehan tahay ugu soo bandhigeen dadweynihii Asalka
Reer Xamarka, Deegaanada uu dego iyo sidii ay Xoriyada ugu soo halmagameen.
Wuxuu Shariif Jeeg halkaa ka sheegay bal inay Soomaalidu dib u xasuusato
magacyadii Halgamayaashii SYL ee 13-ka ahaa iyo inay ka soo helaan magac
qalafsan oo adag.
Waxaa misna hadalkii qabsaday Prof. Omar
Enow oo ka soo jeeda Qowmiyada Jareer Weyn. isna door biday inuu Ingriis ku
warramo ilaa dad badani ka codsadeen inuu Soomaali ku hadlo si ay iyaguna
jaanis ugu helaan inay markooda qosol la fuuraan. Prof. Eno oo aad u yaqaana
siyaabaha kala duwan ee Soomaaligu wax u caayo una takooro ayaa weydiiyey
Dadweynihii meesha isugu yimid sababta ay dadka Jareeta ah u caayaan har iyo
Habeen! Wuxuu isweydiiyey bal inuu Soomaaligu Sanka Weyn iyo Timaha
Jadheedhta ah uu u ciil qabo oo uu dooni lahaa inuu wax ka helo! Waa yaabe
buu yidhi haddii aad qurux badan tihiin oo aad isla weyn tihiin, maad isku
kalsoonaataan maxaad noogusoo gurya noqonaysaan: Bal eeg Jareerkan, Bal eeg
sankiisa, bal eeg timihiisa, Belaayo murqa kuus-kuusan. Haddee ma qaraar baa
idinka haye see wax u jiraan! Maxay idiin tareysaa caydan aad caynaysaan
Jareerka, Midgaanka, Raxanweynta iyo Reer Xamarka? Tolow ma xoogaa niyad
dhis iyo niyad qaboowsi (relief) baad ka heleysaan miyaa!. Prof. Eeno oo ah
nin aad u maad badan oo hadalkiisa uu aad u cad-cad yahay, Somaaligu necebaa
hadalka hurgufan, ayaa dadweynihii ka dhigay wax yaaban, wax madaxa ruxaya
iyo wax iska qoslaya oo afka kala haya.
Wuxuukaloo ka sheekeeyey sida loo jecel
yahay ee loogu nacamleeyo marka qofku wax barto, lacag yeesho ama uu jago
heer sare ah haysto. Waxaa dadkii ka yaabiyey markuu yidhi: “ Weligaa
Soomaali ma weydiisay waxa uu yaqaan ama soo bartay ama uu waddankiisii iyo
dadkiisii u qabtay? Jawaabtu waa inuu ku faano nin kale oo qaraabadiisa ah
oo Tacliin leh, Maal leh, Derejo leh ama Jago haysta”. Wuxuu Soomaaligu
oranayaa; “ Hebel ma garanee inaadeerkey waaye noo! Intaas wuxuu isleeyahay
ha lagugu ciseeyo ama wax ku hel”. Wuxuu Eenow yidhi inay ka wacnaan lahayd
inuu isagu is faaniyo oo wax barto intuu qof kale ku irsaaq doonan lahaa!
Ishaad ka ridey Macallinka!
Wuxuu halkaas ka cadeeyey inuu yahay ninka
u ololeeya Somali Bantu oo uu keenay dad kaban 13,0000 oo qof Mareykanka.
Waxaan aad ugu dedaalaa buu yidhi oo har iyo habeenba u soo jeedaa sidii aan
wax u bari lahaa oo horey ugu dhigi lahaa dadka Bantuga ah. Waxaan ku
dedaalayaa buu yidhi inaan helo dad badan oo Jareerka oo ilaa heer PHD gaara
inaan helo mustaqbalka dhow. Intaa markay afkiisa ka soo baxday ayaa
Shariifku ka dhex qayliyey dadweynaha dhexdiisa: “ Xagey la aadayaan! ?”.
Ismalurre Eenow ayaa si debecsan ugu jawaabay: “ Ma aragtidoo ninka
Seneterka ah ee Gobolka Illinois ka soo galay Aqalka Odayaasha! Jareer Reer
Kenya ah oo Jalwa ah waaye noo! Adduunkana xagee maanta laga wadaa?
Mareeykan lee maahinoo! Adiga iska noqo anagana halkaanaa Remote-ka kaaga
haynaa, halkaanaa kaa koontarooleynaa! Sidaan rabno adigaaba iska yeelaaya
baryo la’aan! Qosol aan kala go’ lahayn ayaa ku xigay!
Wuxuu ku soo gabagabeeyey oo Soomalida ugu
baaqay inay ka faaiideystaan dadka ay Yasayaan si ay fakhriga uga baxaan oo
loo baro sida Beeraha loo fasho, Guryaha loo dhiso, Kabta loo sameeyo, Dadka
loo daaweeyo iyo sida cunto nafaqa leh loo sameysto. Xayeesinimadaa ka bixi
lahaydeen noo!
Abwaan Sangub oo ah Abwaanka har iyo habeen
u soo taagan qadhiyada la dagaalanka Quursiga ee aad uga soo qayb gala
golayaasha iyo shirarka looga hadlayo quudhsiga iyo takoorka ayay haatana
tahay markiisii(tookadiis). Abwaanku wuxuu Professor-dii ku canaantay
inaysan ku hadlin Afkoodii Hooyo oo ay jiraan dad badan oo aysan gelin waxay
shubayeen. Abwaanku wuxuu had iyo jeer ku baraarujiya Soomaalida inaysan ku
habsaamin sheeka xariirta ay ku habsaameen awoowayaashood. Wuxuu inta badan
ku canaantaa Soomaalidu inaysan daacad ka ahayn waxyaabaha ay qabanayaan ama
ay ku hadlayaan. Wuxuu ku booriyaa dadweynaha Soomaaliyeed ee ka soo qayb
gala shirarka iyo kuwa soo abaabulayba in afkooda iyo uurkoodu uu is waafaqo.
Inta badan waanadiisu waxay ku saabsan tahay in layska daayo Munaafiqnimada
oo runta laga sheegaan waxa uuka yuurura ee buux dhaafay. Hadaladiisu waxay
ku soo gabagabeysmaan in Quudhsiba uu dhamaan lahaa haddii inta ay
indhihiisu arkayaan ee soo hor fadhida ay daacad yihiin. Runtaa dheh!.
Abwaanku wuxuu halkaa ka tiriyey
Maanso aad u yaab badnay oo guud ahaan ka hadlaysa takoorka iyo quudhsiga
lagu hayo qayb ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu ku xijiyey Gabay Alla
bari ahaa oo uu Eebe, Diinta iyo Suubanaha ku amaanayo. Maansadiisii hore ee
Abwaanka ka akhri halkan [qaylodhaan].
Asha Abdisamad oo ah Halyeeyad Soomaaliyeed
oo Maamule ka ah Hay’ad u dooda Xuquuqda Aadanaha waxna ka dhigta Jaamacad
ku taala New York ayaa markana u baxday. Asha ayaa aad uga sheekeysay sida
ay Soomaalidu u sheegtaan Muslinimo iyo sida ay u xaqiraan una quudhsadaan
walaalahood kale oo Muslimiin ah. Waxay tidhi: “miyeysan taasi ahayn Af iyo
Uur is khilaafsan? Miyeysan ka faaiideysan sida iyagiiba maanta meel walba
loogu takoorayo oo aysan marna xusuusan wixii ay ku hayn jireen ilaa
maantana ku hayaan dadka walaalahood ah? Miyaan wax laga naxa oo laga
yaqyaqsooda ahayn marka ay takoorkooda cadayn uga dhigayaan bakhti bay
cuneen? Miyeysan Soomaalidu caqliga kaashaneyn?” Waa hadduuba caqli jiro
Caashooy!
Pro. Asha ayaa xataa la yaabtay fara
badnaanta cunsuriyada ku jirta Soomaalida iyo sida ay Soomaalidu u yasto
walaalahood ku dhashay Kenya ee ay u bixiyeen SUJUWI. Waa wax aan anigu u
fahmay bay tidhi in Soomaaligu ay farad iyo waajib ku tahay inuu wax
cunsurideeyo, wax quudhsado ama wax caayo. Prof. Caasha waxay kusoo
gabagabeysay inay Soomaalidu iskaashadaan oo midoobaan gacmahana is
qabsadaan. Bal eega ayay tidhi inta Soomaali ah ee ku nool Gobolkan! Haddii
intaasi ay ul iyo diirkeed noqdaan siyaasada iyo majaraha Gobolkan Minnesota
qayb lixaad leh ayay ka qaadan lahaayeen. Waxay kama danbaystii halkaas ka
akhrisay qodobo dhowr ah oo ay dalalka Adduunkoo dhami wada saxiixeen oo ku
saabsan ilaalinta Xoriyada, Sharafta, Maalka, iyo Sinaanta qofka
bini’aadamka ah.
Reer Arlaadii baan ahay oo Madhayta iyo
Moora gaabey (Xudur) ayaan ka imid, waalidkeyna Eebahay waa ka nabad
gelieyey dhibaatada quudhsiga ah ee dadyow badani ay garan la’ yihiin sidii
ay qalbigooda uga saari lahaayeen ayay tidhi Maryan Mohamed oo hadalka u
baxaday. Waxay aad uga sheekeysay Berisamaadkii iyo sidii wanaagsanayed ee
ay dadku isku ahaayeen iyo sida ay maanta belaayadu uga dhex taagan tahay.
Waxay aad uga sheekeysay sidii qayaxnaa ee Raxanweynta loo quudhsan jirey:
Daba Rogoto, Garam-garam, Tima adag, Wanlaweyn, Haatooy iwm. Waxay ku soo
gabagabeysay in ay Soomaalidu is ixtiraamto isuna naxdo isna quudhsan si ay
horumar u tiigsato.
Saynab Hassan oo ah ardayada keliya ee wax
ka barata Humphery Institute ayaa ka sheekeysay qadiyad iyo siyaasad xumada
Soomaalida. Waxay si aad ah u bidhaamisay sida ay dadyowga adduunku isu
ixtiraamaan iyagoo aad ugu kala duwan marka laga eego dhinacyo badan: Diin,
Dhaqan, Af, Midab iyo Degaanba. Laakiin waxay nasiib xumo ku sheegtay in
maanta iyo qarnigan aanu joogno aanu daliil uga dhigno takoorka walaalaheen
sheeko xariir uu nin diintiisa iyo tii adduunkaba jaahil ka ahi uu noo soo
gudbiyey. Waxay tidhi iyadoo la yaaban sida ay dadku ugu dhegan yihiin
quraafaadkaa:”Belaayadu ma diinbaa, la jecelaa”!
Waxaa dhextaal laga dhigay Bandhig
Faneedkii lagu soo bandhigay ay wadeen Quudhsiga iyo Takoorka Soomaalida.
Waxaa loo jilay si aad loola yaabay oo laga soo bilaabay Abtirsiinyo Reeraha
isla weyni ay gelayaan ilaa iyo Carabta iyo Jareerta, Midgaanka, Digil iyo
Mirif iyo Reer Xamarka oo meelna u saari waayey Abtirsiintoodii. Kadib waxaa
halkaa lagu soo bandhigay Sheeka Xarrirta caanka ah ee uu Ajigu u adeegsado
takoorka Midgaanka ee ahayd Sheekadii Bakhti cunka. Waxaa run ahaantii
halkaa lagu soo bandhigay dhibaatada, cayda, dilka iyo guhaadkai uu ilmaha
yar ee Midgaanka ahi la kulmo marka uu dhasho ilaa inta uu ka dhimanayo.
Waxay dadweyne badani u ahayd wax ay aad ula yaabaan dhibaatada lagu hayo
dadkaa walaalahood ah. Riwaayadaa yar markii ay gabagabo joogtay ayaa waxaa
buraanbur aad loogu riyaaqay halkaas ka tirisay gabadha sida wanaagsan u
jishay Bandhig Faneedka ee Caasha(Naga suga Buraanburka). Waxaa isna halkaa
ka tiriyey gabay ay dadkii la hooriyeen Axmed Asad. Asad sidii uu gabayga
ugu luu qeynayey ayuun buu mar qudha ka rogoo laba u saaray: “Hoobaalayey
heedhe, Hoobaalayeey heedhe” Waa la baashaalay! Gabaygii Ahmed Asad ka akhri
halkan
gacaltakoor.
Waxaa halkaa isna khudbad aad u qiima badan
ka soo jeediyey Mudane Mohamed Abuukar oo ah madaxa Jaaliyada Banaadiriga.
Wuxuu aad aga sheekeeyey doorka uu Reer Xamarku ku lahaa Xoriyadii
Soomaaliya iyo sida ay u ahaayeen dad soo jireen ah. Wuxuu qiray sida ab-ka
ab u deganaan jireen Xeebta dheer ee ku teedsan Badweynta Hindiya wuxuusae
maxamed iska dheereeyey hadaaqa ay maant Soomaalidu isugu sheekeyaan ee ah
in Beesha Banaadirugu tahay soo galooti dhowaan yimid wadanka. Wuxuu xusay
tacadiyada faraha badan ee loogeystay dadkan maadaama ay ahaayeen qowmiyad
aan hubeysnayan. Waxaa kaloo oo si wanaagsan u sharxay quudhsiga iyo midab
takoorka loo geysan jirey oo ay ugu horeysay magic loola baxay ee ah Gibil
Cad. Waxaa jirtay buu yidhi fikrado khaldan oo laga haystay Reer Xamarka oo
ay Soomaalidu iska dhaadhicisay oo ay ka mid ahaayeen in Reer Xamrku ay
ahaayeen dad aan nadiif ahay oo wasakh badan oo soo uraya. Inkastoo wixii
Soomaaliya ka dhacay ay dhibaateeyeen dad fara badan, haddana Reer Xamarku
wuxuu ka mid ahaa Qowmiyada sida aadka loo dhibaateyey maadaama aysan
hubeysney lahayna cid la bah ah oo usoo hiilisa.
Hooyadu waa aasaaska nolosha iyadaana wax
hagaajisa iyadaana wax bi’isa. Hadday Hooyadu dhaqan suuban, cadaalad iyo
sinaan ku barbaariso ubadka soo koraya dhibkaniba ma dhaceen ayay tidhi
Faadumo Hiirad. Hooyadu waa lama huraan waana macallinka ugu horeeya ee uu
ilmaha yari leeyahay. Markaa wxaan kula talinayaa Hooyooyinka in ay
carruurtooda ku ababiyaan akhlaaq Islaami ah oo aan durid, xaqirid iyo
quudhsi midna lahayn! Amiin!
Waxaa hadalkii u baxay Ali Azhar oo isagu
aad u iftiimiyey dhulkan Soomaaliya iyo dhibanayaasha waxa ka dhexeeya.
Wuxuu aad u sharxay taariikhdii hore ee Soomaaliya iyo boqoradii soo xukumi
jirey, ilbaxnimadoodii iyo sidii ay Awoowayaashii Soomaalida maanta
joogtaayi ay isu bahaysatay si ay u jebiyaan Boqortooyadii Beydariga ee ka
talin jirtey dhulkii Boonta. Wuxuu halkaa ka cadeeyey in sidii Boqortooyadaa
da’da weynba laysugu tegey quruuma hore ay haddana Soomaalida maanta
joogtaayi ay isugu tageen Boqortooyadii Ajuuraanka ilaa ay dhulkiiba ka
eryeen. Wuxuu ku kaftamay in Madhibaanku nasiib lahaa maadaama aan xadka la
talaabsiin, laakiin la qaybsaday oo Qabiil weyniba in xereystay si ay
sancadeey yaqaaneen uga faaiideystaan. Wuxuu dad weynihii in Soomaalida
awoowayaashood ay ilaa ka samaan ka samaan ay Reer Guuraa ahaayeen, shaqana
aysan ku lahayn ilbaxnimo iyo magaalo. Waayo buu yidhi Soomaaligu wuxuu ku
jiraa duurka oo marba meeshii daaq leh buuba aadaa, ilaa maantana Soomaalida
inteeda badani weli waa Reer Guuraa. Haddaba waxaan idin su’aalayaa buu
yidhi yey ahaayeen dadkii ay Faraaciyiintii usoo doonana jireen fooxa,
hargaha, baal goroyada? Waxaa xaqiiqa ah inuusan Soomaaliga maanta dhulka
nagu haysat ee na takoora uusan kaasi noqon Karin waayo maantuusan
Soomaaligu magaalaba shaqo ku lahayn oo uusan garaneyn ugaarsi, beer,
kalluun, dhismo, sanco iwm. Haddaba aan idiin jilciyee buu yidhi dadkan aan
ka sheekeynayaa waa dadka aan magacyada badan u taqaanaan sida Gabooyaha,
Madhibaanka, Yibirka, Midgaanka, Boonka iwm. Anagaa weli ugaarsana, sancada
sameyna, hargaha farsameyna, wax daweyna, wax gudna, wax ka umulina.
Soomaaliyeey na ixtiraama oo noo qila libinta aanu leenahay! Soomaaliyeey
wax badan baad duugteen taariikhda dadkan aad quudhsataan si aysan isu garan,
laakiin maanta waa la soo faagay oo boodhkaa laga jafay oo Ahraamtaa laga
soo akhriyey ee idinka uun ha Aakhira seegina ayuu ku soo gabagabeeyey.
Waxaa ka dib furmay su’aalo iyo Jawaabo
sida darandooriga laysu weydaarsanayey iyadoo Golihii markan uu aad usoo
buuxsamay oo dad meesha ka tegay ay Fadhi ku Diriryada ka sheegeen
alaabateeshinka meesha ka socda!
Naftaada waxaad la neceb tahay maxaad ula
jeclaatay ta walaalkaa!
Akhri: Minneapolis oo
noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.1-aad)
Waxaa soo gudbiyey
C/Rahman Eelaay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
QORAALADII HORE EE EELAY...
Faafin: SomaliTalk.com |
April 16, 2005
LINK:
www.somalitalk.com/quursi
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com