SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

REER BAD LOO QUBAY HILBA BADANOW MAAN BADH XAABSADO!


Garaad Axmed Diiriye Geylan,oo  si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magalada Laascaanood. Guji

Maanta waxaa loo kala baxay bur iyo biyo. Waxaa soo ifbaxaysa in dhaqankii wanaagsanaa ee ay Soomaalidu lahaan jirtay aan wax badan laga haysan oo ay bedeleen kuwa aan la garaneyn cid maanta ku dhaqanta. Waxaa dunida la yaab ku ah maanta in Soomaalidu aysan haysan dhaqan aan la garaneyn cid ay ka dhaxleen iyo cid ay kaga daydeen iyo cid ku dhaqanta oo aan iyaga ahayn. Waxaa aayaha danbe iyo mustaqbalka Soomaaliya iyo sharafteeda iyo dhaqan wanaageeda uu u hadhi doonaa dadkii asalka ahaa ee dhulka loogu yimid: Boon, Midgaan, Yibir, Tumaal iwm. Waxaan walaalayaal idiin sheegayaa haddii aynu dhaqankii Soomaalida hayno sidii aynu taariikhdeedaba u haynay inaanu noqon doono dad ka tilmaaman Soomaalida inteeda kale. Waxaa dhab ah in aanu noqonayno wakhti aan fogeyn bartilmaadeed iyo matxaf soconaya oo nool oo aan cid kale la wadaagin waxa ay haystaan. Sida maanta Saxarahan qalalani uu beri barwaaqa u ahaa, mar kalena uu u barwaaqoobi doono oo cagaar uu u noqon doono mustaqbalka ayaa waxaa dhab noqon doonta in Ajigu uu ka xuubsiiban doono dhaqankii asalka u ahaa Soomaalida oo aad haddii aad dedaashaan aad idinku hayn doontaan. Waxaana sababaya arrintan oo fududeynaya takoorka iyo cunsuriya uu Ajigu ku hayo Midgaanka taasoo keeneysa inuu Midgaanku is ururiyo oo uu hayo dhaqankii asalka ahaa. Ajigu isagoo ilbaxnima raadis ah ama Midgaan ka carar ah ayuu ka dhacayaa boholaha xargago, markaasuu dhaqama kale iyo ummado kale dhex dabaalanayaa kuna waayayaa wixii sooyaalka ahaa. Bal aynu isla eegno sida loo ilbaxay anigoo soo koobaya: 

Waar heedhaha Soomaaliyey carruurtiina ceshta. Waar carruurtu meel ay qabato garan meysaan. Waar waxay idiinku sheekeysaa iskoolkaan ku harnaa si wax naloogu akhriyo. Waar deriskaanu aadnaa bay idinku yiraahdaan. Ereyadaasi waxay ka soo burqanayeen Wadaad ka mid ahaa wadaadada ka hadlayey Shirweynihii muslimiinta ee uu soo abaabulay Abuubakaru Saqiiq. Dhego badan looma dhigeyn, laakiin markii uu Wadaadku hadalkiisii sii watay ayaa sidii deerada mar keliya dhegaha la taagay. Waar heedhaha waxaa jira nin laga soo weriyey in ay dumarka la qabo, kuwa yar yar iyo wiilashuba ay saf usoo galaan oo Daarahan dhaadheer ku nool!. Ninkaasi wuxuu sheegay inuu qadyaan ka taagan yahay Soomaalida oo ay albaabkiisa si aan kala go’ lahayn usoo garaacaan iyagoo aan la xisaabin karin. Wuxuu sheegay inuusan weligii arag dad bini’aadam ah oo sidaa daacad ugu ah in la isticmaalo! Yaxyax iyo dhakafaar weynaa!  

Akhristow, tolow ma madiido miyaa lagu akhriyey! Waxaanba soo xasuustay dhaqanka aan marna laga goon karin hablaheena ee ay caan ku yihiin hablaha xunxun ee dunida daafaheeda ku nool. Weli ma u fiirsateen meesha nalaga hayo! Haddiiba dumarkeenu ay isticmaalayaan dabeecadaha lagu yaqaan naagaha jirkooda gada iyagoo u yaqaana in ay dhaqan tahay ama aynu weligeen soo isticmaali jirnay sow la yaab maaha in dunida cusub ee aynu nimid ay u yaqaanaan dhaqankaas wax xun. Sow dow maaha in dumarkeenu ay iska gooyaan dhaqanka xun ee ay dhaxleen ama soo isticmaali jireen oo ninkii arkaaba markiiba ku soo leexanayo iyagoo moodaya qolyihii wax iibin jirey. Maxaan ka hadlayaa?  

Bal u fiirso sida ay hablahayagu u sheekeeyaan ama u socdaan. Xagga sheekadu waa qosol badan oo beenbeen ah oo aad moodaysid inay wax kaa baadhbaadhayso iyo gacan wada socda. Is marmarooris badan iyo gacmahoo layku garaaco ama bowdada lagu garaaco. Gacantoo ninkiiba lala soo aado iyadoo qosol ku daraysa oo leh: “ naga dhaaf yaakhee!, waa iga qoslinee no! maxaa dhahdayna iwm!. Xagga socodkana waaba is malmaluuq, daba wareejis iyo hareera eeg badan iyo gacantoo la saydhayo! Waar tolow dumarkayagu maxcay iibinayaan! Qofkii arkaaba wuu isaga soo leexanayaa markaasaa halkaas waxaa ka bilaabmayaa sheekooy sheeko iyo qosolkii aanu caanka ku ahayn!  

Waxaa la yaab leh sheekooyinka aanu isku maaweelino oo ay ka buuxaan faaxisho iyo ereyo aan habooneyn inay carruurtu maqlaan. Bal adiguba akhri hal heysyada iyo halku dhegyada aanu ku sheekeysano kuwa ugu ceebta yar:

Calaf allow cajab caawa iyo juq-aa!. Dumaashigaa daba llooma diidee, inta la deymoodaa la damuuqsadaa!. Hee! meel laga kaadsho maan nin reg ah u diidaa! Dhaxan xunaa jirta, dhaxan xunaa jirta ma diidi, garka iyo gomoda in laysku geyn ma diidi, geedku inuu gadaal mari ma diidi, in lagu bililiqaysan ma diidi! Bal ka fikir ereyga Daba gur! Meelaha ay degto Soomalidu qaar ka mid ah ayaaba la sheegayey in ninku markuu safro guriga hortiisa laga hor taago waran si uu u ogaado haddiiba uusoo noqdo in islaantiisii laga shaqaynayo!.  

Halku dhegyadaas iyo kuwa ka sii daran ayaa waxaa lagu soo barbaariyey carruurta yar yar oo ay mar walba dhegahooda maqli jireen. Hooyada, Aabaha iyo dhamaan qoyska inta uu ka kooban yahayna waxayba ku wardiyi jireen ereyga “was”. Waxaad maqleysaa aabahaa was!, hooyadaa was!, adiga iyo waxaad tahayba was! Aabahaa ku was! Wejigaaga was! Midgaankaa tahay was! Fool xumahaa tahay was! Kelebkaa tahay was! Qaxootigaa tahay was! Eelaygaa tahay was! Qaldaankaa tahay was! Jareerkaa tahay was iwm!, Ereygu meel walba wuu galaa sidii magacii Illaahay, kii Rasuulka iyo Diinta la caayi jirey ay meel walba u geli jireen!. Dhegaha carruurta ayuu ka batay iyagoon fahansaney micnaha ka danbeeya laakiin u yaqaanay in la yiraahdo marka la xanaaqo si loo ciil baxo. Laakiin maxaa naga qabsaday markii uu ilmuhu soo qaangaaray ee uu fahmay macnaha ka danbeeya ee ereygii loogu soo wanqalay yaraantiisii. Waxaa isbiirsaday ereygii oo maankiisa ka batay oo uu u yaqaanay ciil bixid, iyo macnihiisa dhabta ah oo uu haatan bartay markii uu weynaaday markaasaa waxay dhaleen erey cusub oo la yiraahdo tijaabin!. Waa waxa maanta naga haysta daafaha dunida ee meel walba laga yaaban yahay! Waa waxa naloo moodo in aynu ahaan jirnay maxbuus laga soo furay xarig iyo xero ay ku oodnaan jireen. Waa waxa laga yaaban yahay meesha ay ka baxday diinta iyo dhaqanka wanaagooda laga sheekeeyo. Waa waxa Wadaadka ka qaylisiiyey intii wax isku falaysayna ay madaxa hoos u laalaadisay ama dhinacyada u ruxday! Laakiin Beyzaanigii baa ku leh: “ iska caadi waaye no! zigtaa lee maahoo!” Beyzaaniyow ba’! 

AKhri Qaybta 2aad....

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Apr 13, 2006


 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL! Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...

MADHIBAAN IYO AJI WAA ISKU ASAL !


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD