REER BAD LOO QUBAY
HILBA BADANOW MAAN BADH XAABSADO!
Maanta waxaa loo kala
baxay bur iyo biyo. Waxaa soo ifbaxaysa in dhaqankii wanaagsanaa ee ay
Soomaalidu lahaan jirtay aan wax badan laga haysan oo ay bedeleen kuwa aan
la garaneyn cid maanta ku dhaqanta. Waxaa dunida la yaab ku ah maanta in
Soomaalidu aysan haysan dhaqan aan la garaneyn cid ay ka dhaxleen iyo cid ay
kaga daydeen iyo cid ku dhaqanta oo aan iyaga ahayn. Waxaa aayaha danbe iyo
mustaqbalka Soomaaliya iyo sharafteeda iyo dhaqan wanaageeda uu u hadhi
doonaa dadkii asalka ahaa ee dhulka loogu yimid: Boon, Midgaan, Yibir,
Tumaal iwm. Waxaan walaalayaal idiin sheegayaa haddii aynu dhaqankii
Soomaalida hayno sidii aynu taariikhdeedaba u haynay inaanu noqon doono dad
ka tilmaaman Soomaalida inteeda kale. Waxaa dhab ah in aanu noqonayno wakhti
aan fogeyn bartilmaadeed iyo matxaf soconaya oo nool oo aan cid kale la
wadaagin waxa ay haystaan. Sida maanta Saxarahan qalalani uu beri barwaaqa u
ahaa, mar kalena uu u barwaaqoobi doono oo cagaar uu u noqon doono
mustaqbalka ayaa waxaa dhab noqon doonta in Ajigu uu ka xuubsiiban doono
dhaqankii asalka u ahaa Soomaalida oo aad haddii aad dedaashaan aad idinku
hayn doontaan. Waxaana sababaya arrintan oo fududeynaya takoorka iyo
cunsuriya uu Ajigu ku hayo Midgaanka taasoo keeneysa inuu Midgaanku is
ururiyo oo uu hayo dhaqankii asalka ahaa. Ajigu isagoo ilbaxnima raadis ah
ama Midgaan ka carar ah ayuu ka dhacayaa boholaha xargago, markaasuu dhaqama
kale iyo ummado kale dhex dabaalanayaa kuna waayayaa wixii sooyaalka ahaa.
Bal aynu isla eegno sida loo ilbaxay anigoo soo koobaya:
Waar
heedhaha Soomaaliyey carruurtiina ceshta. Waar carruurtu meel ay qabato
garan meysaan. Waar waxay idiinku sheekeysaa iskoolkaan ku harnaa si wax
naloogu akhriyo. Waar deriskaanu aadnaa bay idinku yiraahdaan. Ereyadaasi
waxay ka soo burqanayeen Wadaad ka mid ahaa wadaadada ka hadlayey
Shirweynihii muslimiinta ee uu soo abaabulay Abuubakaru Saqiiq. Dhego badan
looma dhigeyn, laakiin markii uu Wadaadku hadalkiisii sii watay ayaa sidii
deerada mar keliya dhegaha la taagay. Waar heedhaha waxaa jira nin laga soo
weriyey in ay dumarka la qabo, kuwa yar yar iyo wiilashuba ay saf usoo
galaan oo Daarahan dhaadheer ku nool!. Ninkaasi wuxuu sheegay inuu qadyaan
ka taagan yahay Soomaalida oo ay albaabkiisa si aan kala go’ lahayn usoo
garaacaan iyagoo aan la xisaabin karin. Wuxuu sheegay inuusan weligii arag
dad bini’aadam ah oo sidaa daacad ugu ah in la isticmaalo! Yaxyax iyo
dhakafaar weynaa!
Akhristow, tolow ma madiido miyaa lagu akhriyey! Waxaanba soo xasuustay
dhaqanka aan marna laga goon karin hablaheena ee ay caan ku yihiin hablaha
xunxun ee dunida daafaheeda ku nool. Weli ma u fiirsateen meesha nalaga hayo!
Haddiiba dumarkeenu ay isticmaalayaan dabeecadaha lagu yaqaan naagaha
jirkooda gada iyagoo u yaqaana in ay dhaqan tahay ama aynu weligeen soo
isticmaali jirnay sow la yaab maaha in dunida cusub ee aynu nimid ay u
yaqaanaan dhaqankaas wax xun. Sow dow maaha in dumarkeenu ay iska gooyaan
dhaqanka xun ee ay dhaxleen ama soo isticmaali jireen oo ninkii arkaaba
markiiba ku soo leexanayo iyagoo moodaya qolyihii wax iibin jirey. Maxaan ka
hadlayaa?
Bal
u fiirso sida ay hablahayagu u sheekeeyaan ama u socdaan. Xagga sheekadu waa
qosol badan oo beenbeen ah oo aad moodaysid inay wax kaa baadhbaadhayso iyo
gacan wada socda. Is marmarooris badan iyo gacmahoo layku garaaco ama
bowdada lagu garaaco. Gacantoo ninkiiba lala soo aado iyadoo qosol ku
daraysa oo leh: “ naga dhaaf yaakhee!, waa iga qoslinee no! maxaa dhahdayna
iwm!. Xagga socodkana waaba is malmaluuq, daba wareejis iyo hareera eeg
badan iyo gacantoo la saydhayo! Waar tolow dumarkayagu maxcay iibinayaan!
Qofkii arkaaba wuu isaga soo leexanayaa markaasaa halkaas waxaa ka
bilaabmayaa sheekooy sheeko iyo qosolkii aanu caanka ku ahayn!
Waxaa la yaab leh sheekooyinka aanu isku maaweelino oo ay ka buuxaan
faaxisho iyo ereyo aan habooneyn inay carruurtu maqlaan. Bal adiguba akhri
hal heysyada iyo halku dhegyada aanu ku sheekeysano kuwa ugu ceebta yar:
Calaf allow cajab caawa iyo juq-aa!. Dumaashigaa daba llooma diidee, inta la
deymoodaa la damuuqsadaa!. Hee! meel laga kaadsho maan nin reg ah u diidaa!
Dhaxan xunaa jirta, dhaxan xunaa jirta ma diidi, garka iyo gomoda in laysku
geyn ma diidi, geedku inuu gadaal mari ma diidi, in lagu bililiqaysan ma
diidi! Bal ka fikir ereyga Daba gur! Meelaha ay degto Soomalidu qaar ka mid
ah ayaaba la sheegayey in ninku markuu safro guriga hortiisa laga hor taago
waran si uu u ogaado haddiiba uusoo noqdo in islaantiisii laga shaqaynayo!.
Halku dhegyadaas iyo kuwa ka sii daran ayaa waxaa lagu soo barbaariyey
carruurta yar yar oo ay mar walba dhegahooda maqli jireen. Hooyada, Aabaha
iyo dhamaan qoyska inta uu ka kooban yahayna waxayba ku wardiyi jireen
ereyga “was”. Waxaad maqleysaa aabahaa was!, hooyadaa was!, adiga iyo waxaad
tahayba was! Aabahaa ku was! Wejigaaga was! Midgaankaa tahay was! Fool
xumahaa tahay was! Kelebkaa tahay was! Qaxootigaa tahay was! Eelaygaa tahay
was! Qaldaankaa tahay was! Jareerkaa tahay was iwm!, Ereygu meel walba wuu
galaa sidii magacii Illaahay, kii Rasuulka iyo Diinta la caayi jirey ay meel
walba u geli jireen!. Dhegaha carruurta ayuu ka batay iyagoon fahansaney
micnaha ka danbeeya laakiin u yaqaanay in la yiraahdo marka la xanaaqo si
loo ciil baxo. Laakiin maxaa naga qabsaday markii uu ilmuhu soo qaangaaray
ee uu fahmay macnaha ka danbeeya ee ereygii loogu soo wanqalay yaraantiisii.
Waxaa isbiirsaday ereygii oo maankiisa ka batay oo uu u yaqaanay ciil bixid,
iyo macnihiisa dhabta ah oo uu haatan bartay markii uu weynaaday markaasaa
waxay dhaleen erey cusub oo la yiraahdo tijaabin!. Waa waxa maanta naga
haysta daafaha dunida ee meel walba laga yaaban yahay! Waa waxa naloo moodo
in aynu ahaan jirnay maxbuus laga soo furay xarig iyo xero ay ku oodnaan
jireen. Waa waxa laga yaaban yahay meesha ay ka baxday diinta iyo dhaqanka
wanaagooda laga sheekeeyo. Waa waxa Wadaadka ka qaylisiiyey intii wax isku
falaysayna ay madaxa hoos u laalaadisay ama dhinacyada u ruxday! Laakiin
Beyzaanigii baa ku leh: “ iska caadi waaye no! zigtaa lee maahoo!”
Beyzaaniyow ba’!
AKhri Qaybta 2aad....
C/Rahman
Eelay
eediran@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com |
Apr 13, 2006
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL!
-
Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...