SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK- MAQAAL

WAAW! WAAW! WAXAASAA ABWAAN AH!!

Waa Yusuf  Cusmaan Cabdulle (Yuusuf Shaacir). Waa abwaan da' yar oo si aad u dersay dhibaatada, takoorka iyo Quudhsiga lagu hayo dhamaan Beelaha la quursado. Maxaa ka tusaaley wacan? Maxaa ka tilmaami og? Maxaa ka sharax wanaagsan? Maxaa u diiday Abwaanada iyo Aqoonyahanka kale inay soo raacaan? Maxau u garan waayeen Soomaalidu markay wixii xunba ugu soo hal qabsanayaan Midgaanka?

Abwaanku isagoo laga wareysanayo Radio Hargeysa ayaa wuxuu marka hore ka sheekeynayaa taariikhda Bulshada la quursado, kadibna wuxuu marinayaa gabay iyo maanso aad kaaga yaabiya. Maxaaba war lagaaga daalin, bal adiguba dhegahaaga kaga hirqo!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Dhageyso Gabeygan. 

(Wareysigii oo dhan halkan Ka dhageyso)


Garaad Axmed Diiriye Geylan,oo maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magalada Laascaanood.

Garaad Axmed Diireye Geylan  oo ka mid garaadada cusub ee gobolka Sool,ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyeyayaa  Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool,isagoo   ka soo kici timay xaafada Rinkby,ee magaalada Stockholm,ee Dalka Swedan,halkaas oo uu ku leeyahay shirkad Taxi.


Garaad Axmed oo maalmaha soo socda si rasmi ah cano loogu shubi doono magaalada Laascaanood oo ah meeshii uu ku dhashay,reerkooduna ku nool yahay ayaa waxa wadooyinka tubnaa boqolaal qof oo lulayey caleemo qoyan kuwaas oo ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid ahaayeen "Soo dhowoow garaad,ku soo dhowwoow hoyga garaadada iwm."

 

SULDAAN DAAKIR: BUUHOODLE
Suldaan cusub oo ay doratay beel ka mida beelaha la hayb sooco: shir ballaaran oo lagu abaabulay magaalada Buuhoodle ayaa. Guji

Garaadka ayaa waxaa maanta lagu hooyey guri ka mid guryaha badan ee uu ku leeyahay magaalada Laascaanood,halkaas oo ay ka socoto hawl badan ooo loogu diyaar garoobayo caleema saarkiisa.

Dhamaan hadaan nahay bahda Laascaanod Online,oo uu ugu horeeyo Hassan Dirie Jama waxaan hanbalyo iyo bogaadin u dirayaa saaxiibkay
Garaad Axmed Diireye Geylan oo ah saaxiib aan isku dheer nahay in ilaahay uu u fududeeyo masuuliyadaas la saaray.

Hassan Dirie Jama
Laascaanod online,Webnaster
webmaster@laascaanod.com


Waxaa qoraaladan soo ururiyey:

C/Rahman Eelay
eediran@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com |  Jan 4, 2006


MACALLINKEEN ALLOW KAAL, MACALLINKIIS ALLOW KAAL! Maccallin Mohamed Yaxye -
WQ: Eelay...
Guji...

MADHIBAAN IYO AJI WAA ISKU ASAL !


Baaq: Dhibta Haysata Beesha Gabooyuhu Waa Maxay? Maxaase Inagu Waajib ah?
Iyada oo aynaan xaashiyo yar kusoo koobi karin dhibaatada culus ee beeshaas haysata hadana bal aynu.. Guji... May 23


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD