SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
BOGGA-C/RAXMAN EELAY

Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.2-aad)

Waxaa la casumay C/Rahmaan Maleysia oo soo galay Magaalada Minneapolis. Waxay ahayd Maalin Arbaca ah 2005. Waxaa shir lagu qabtay Hoteelka weyn ee Holiday Inn si looga aarguto shirkii uu ka hadlay Dr. Cali khaliif oo qabsoomay. Waxaa abaabul ballaaran loo galay sidii mujtamaca Magaaladan ku nool loo soo dareerin lahaa. Waxaa ay dadku isla dhex marayeen in uu Raysul Wasaaraha la soo xiri doono oo halkaa laga dhegeysan doono, in ay jirto zab iyo casho bilaash ah, in Hool weyn oon la buux dhaafin Karin la kireeyey. Khalqi aad u badan ayaa Hoteelkii soo jabay iyagoo isku dhididay oo iska dul baxay maadaama qol yar laga kireeyey Hoteelka oo Hoolkii uu bug ahaa!. Waxaa kaloo sidii laysu bukhuurinayey laga quustay codkii Raysul Wasaaraha. Calooshii dadka isku dhegdhegan, ciriiri dartii, ayaa isu yeedhay: Jururuq, Juruuuruuuuuq Jaraaaaaaaraq. Meel koonaha ah ayaa odayaal neeftii ku dhegtay ayaa bilaabay ianay guraabaasaan: “Waana soo lu gooyeen iimaanka Allaha ka qaadee. May runta noo sheegaan Gaastii bay nagu dilaaciyeene”. Waxaa la bilaabay in tartiib tartiib loo kala siibto oo qof waliba isagoo afka tuuraya oo leh Casho ma jirto, Telefoon lama soo xirin, nafis ma leh ayuu Fadhi ku Diraradii ama hoygiisii u soo guday. Intii shirka ku hadhay ayaa sacab garaac iyo haaheeydaa guray markii ay Saada Cali iyo Sangub durbaano ka dhawaajiyeen. 

Dadkii shirka ka soo dareeray ayaa bulaan iyo dood ka bilaabay meelaha lagu caweeyo. Nin oday ah ayaa yidhi: “ Bal muxuu aniga maanta ii sheegayaa C/Rahaman Maleysia. Sow maaha kii Maareeye (Manager) ka ahaan jirey Guryaha Dowlada ee ay dadka masaakiinta ahi degan yihiin laguna magacaabo McKnight; kuwaasoo ku yaala duleedka Magaalada St.Paul. Dacwad aad u fara badan ayaa C/Rahmaan lagu soo oogay ka dib markii uu si qabyaalad ah uu araajida daka Daaroodka ah uu hoos u marin jirey amaba iska tuuri jirey kuwa Hawiyaha ahna uu markiiba guryaha u qaybin jirey. Markaasaa Eebe waa Caadile, C/Rahmaan shaqadii laga eryey ka dib markii ay arrintani ku cadaatay wuuxuuna dul maray badweynta dusheeda si uu Afrika qaraab uga raadsado”. Wuxuu odaygani si caro leh u yidhi: “Waxaa la yaab leh in aysan Soomaalidu marna isku taxa lu jin inay baaraan ama raadiyaan taariikhdii hore ee uu qofku lahaa, wax qabadkiisii ama dhibaatadii uu geystay. Waxaaba intaas ka soo hormaraya yuu yahay? Yuu taageersan yahay? Yuu nacamle u yahay? Yuu dabadhilif u yahay? Ma Abti, Seedi, Dumaashi iyo Sodog baa loo yahay?”

C/Rahmaan wuxuu warkiisii ku bilaabay kuna dhameeyey inuu yahay la taliyaha Raysul Wasaaraha uuna taageersan yahay in Ciidan Itoobiyaan ah iyo kuwo kaleba la keeno si ay u xasiliyaan waddankeenii hooyo. Wuxuu Soomaalidii u sheegay in maanta uusan Xayle Salaase iyo Xayle Maryan toona ka talin Itoobiya ee ay ka taliyaan dad walaalaheen ah oo na dhaqan iyo afba yaqaana. Waxaa maanta nasiib wanaag ah buu yidhi in Itoobiya ay xukunka noo hayaan kuwii aanu soo barbaarinay ee aanu kusoo kifaaxnay, iyagaana maanta hiil iyo hooba nala garab taagan ayuu ku af jaray. Waxaa xigay sacab aan kala go’ lahayn iyo in meeshaa laga qaado heestii laga dilay sharafta ee maanta aan wax macna ah ku fadhiyin maadaama miraheeda iyo waxa ay ka turjumaysaba ay Soomaalidu khilaafsan tahay. Waa astaantii aanu beri lahaan jirnay ee

Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo isku Tiirsada-eeeeeeeee

Damaashaad ka dib ayaa waxaa dadweynihii loo sheegay in ay iska raali noqdaan oo markale ka soo qayb galaan shirka soo socda ee lagu qaban doono Bryan Cole. Waxaa la naadiyey inuu shirka soo socdaa noqon doono mid aad u xiiso badan oo aan sina looga maqnaan Karin! 

Ogow qofkii ka qadaa inuu dhaxalka aabihiis ka qaday!

Akhri: Minneapolis oo noqotay Mbagathi-dii Mareykanka(Q.3-aad)

Waxaa soo gudbiyey C/Rahman Eelaay eediran@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE EELAY...

Faafin: SomaliTalk.com |  April  16, 2005

LINK: www.somalitalk.com/quursi


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD