SOMALITALK.COM Dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK.COM | Dr. SAADIQ EENOW

Dib u eegista Taariikhda Soomaaliya: Dr. Saadiq Eenow - Qaybta: 2aad

Taariikhdaada marka aad taqaanid ayaad hore u socon kastaa....

  • SomaliTalk.com | August 1, 2010

Qaybtan waxa ay ku saabsan tahay Taariikhdii hore ee Soomaaliya oo  Sheikh Saadiq Eenow kaga warbixinayo taariikhda qoran ka hor, iyo xiriiradii ay Soomaalidu la yeelatay xadaaradahii adduunka soo maray, sida xadaaraddii Masaaridii hore (faraacinadii); Giriiggii hore iyo Roomankii, arrimahaas oo muujinaya in Soomaalidu yihiin dad aad u taariikh dheer.

Taariikhdaas oo cod ah; oo uu tebinayo Dr. Saadiq Eenow:

Taariikhda uu ka warbixiyey Dr. Saadiq Eenow iyo tixraacyo iyo lifaaqyo dheeraad ah hoos ka akhri:


Taariikhdii Hore iyo Soomaalida

Sidii aan ku soo aragnay qormadii hore, Dadka Soomaalidu waxay leeyihiin taariikh filweyn/ da'weyn oo guun ah. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waxay ka mid tahay waxyaalaha  la inaga bililiqaystay. Waa hantida aynaan war u hayn oo haddii ogaalkeedu nagu badnan lahaa oo aan taariikhdaas hayn lahayn waxaan ka badbaadi lahayn wax badan ama khilaaf dadkeena ku dhacay. Taariikhdu maadaama ay tahay tagto sidii ay dhacday loo soo guuriyey, waxay noqon kartaa taariikh dhaqaale, taariikh dagaal iyo dhacdooyin oo loo soo weriyey sidii ay ahaayeen oo aan laga been sheegin.

Taariikhdii hore ee Soomaalida, oo ka horeysey taariikhda qoran (pre-history), waxay Soomaalidu kala mid yihiin bini'aadamka kale. Waana taariikh inta badan lagu ogaado baaritaan lagu sameeyo xagga aaladahdii ay dadkii hore adeegsan jireen iyo baritaano lagu sameeyo lafo hore oo laga helo dhulka oo la qiyaaso xilligi dadkii hore halkaas ku noolaayeen, waxaana baaritaanka noocaas ah lagu qiyaasaa xilligaa meeshaas lagu noolaan jirey iyo qaabkii dadkii halkaas degana ay u noolaayeen - cilmigaas oo loo yaqaan arkiyooloji (archaeology).

Baaritaano lagu sameeyay taariikhdii hore waxay muujinayaan in geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalidu degto ay yihiin meelihii ugu horeeyey ee bini-aadamku deganaayeen, kana soo farcameen. Taariikh yahano ayaa aaminsan in taariikhdii hore ee Soomaaliya la ogaado ay "dan u tahay bini'aadamka oo dhan," waayo waa dad aad u da'weyn.

Gaar ahaan baaritaan taariikhdii  hore waxay muujiyaan in Soomaalidu ay yihiin dadka adduunka ugu faca weyn ee ku dhaqnaa Geeska Afrika. Taas oo sharaf u ah in ay yihiin dad taariikh facweyn oo aan ahayn dad shalay soo degey geeska Afrika. Laakiin nasiib darro taariikhdaas waa laga qariyey Soomaalida.

1929-31 baaritaan la sameeyey ayaa meel qiyaastii 90 mile u jirta Berbera (oo lagu magcaabo Issutugan) waxaa laga helay aalado bini-aadamku sameeyey kuwa ugu faca weyn. Sidaas oo kale baaritoono la sameeyey 1931 waxaa aalado ama waxyaabo bini-aadamku sameeyo kuwooda ugu faca weyn laga helay meelaha taagga ah ee siman ee Hargaysa.

Xiriirkii Faraacinadii Hore iyo Soomaalida

Taariikhda hore ee aan qornayn (pre-history) marka laga yimaado, aadamiga kuwoodii ilbaxnimada keenay waxaa ugu horeeyey boqortooyadii ay iska dhaxleen qoysaskii faraacinada ee Masaaridii hore (Pharaoh). Boqortooyadaas oo jirtey saddex-kun (3000) oo sano, waxaana loo qaybiyaa saddex dawladood oo kala haa: Dawladii hore oo jirtey 3000 ilaa 2800 Nebi Ciise hortiis (BC) taas oo markay bilaabatay hadda laga joogo 5000 sano. Dawladdii dhexe oo jirtey 2800 ilaa 1725 BC, iyo tii u dambaysay oo jirtey 1725 BC ilaa ay soo baxday xadaaraddii Giriigga.

Taariikhdu waxay xustaa in xiriir xoog leh uu dhexeeyey Soomaalida iyo faraacinadii hore ee Masar. Boqorkii ugu horeeyey ee safaradiisu yimaadeen Soomaaliya waxa lagu tilmaamaa Khufu (2589 - 2566 BC). Taariikhdu waxay xustaa wiil uu dhalay Khufu in doonni uu watey uu la socdey nin Soomaali ah oo magaciisu ahaa HORTIISA, waxaana oo loo malaynayaa in ninkaas Soomaaliga ahi uu ahaa dal yaqaan tusayey Soomaaliya.

Faraacinadii hore qaar kamid ah waxay Soomaaliya ugu iman jireen ganacsi, qaarna waxay u imaan jireen bililiqo. Waxaana la xusaa in dagaaladdii ugu horeeyey ee adduunka ka dhacay ay ahaayeen dagaal dhex maray Soomaali iyo faraacino bililiqo dooon ahaa oo Soomaalidii la dagaalantay.

Faracinadii dambe aad ayey xiriir ula soo sameeyey Soomaaliya, gaar ahaan xiriir ganacsi. Waxaa ugu caansanaa boqoraddii Hatshepsut (15081458 BC) oo xiriir weyn la soo yeelatay Soomaaliya. Waxaa taariikhda si xoog weyn ugu xusan, isla markaana ay faraacinadii ku asteen ama ku sawireen ahraamtooda, in safar xoog weyn ay boqoraddaasi u soo dirtay Soomaaliya. Doonyihii ay soo dirtay (oo lagu qiyaaso lix doonyood) markii ay soo gaareen Soomaaliya si weyn ayaa loo soo dhaweeyey, waana la marti sooray, waxaana doonyihii loogu raray shixnad qaali ah iyo hadiyado looga buuxiyey doonyihii.

Markii safarkaasi ka laabtay Soomaaliya oo gaaray Masar waxay boqoradii tiri "Waxaad ka timaadeen dhulkii aabayaal iyo awoowayaal." Hadalkaas oo loo daliishado in xadaaradii ka asaasantay dhulkii Masaaridii hore ay asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya. Waxaa taariikhdu mujinaysaa in ilbaxnimadii hore ee Masaaradii ay asal ahaan ka sooo jeedaan dhulka geeska Afrika ee Soomaalidu degto, halkaas oo ay kala tageen ilbaxnimo iyo xadaarad. Waa nasiib darro ah in taariikhdaasi ka qarsoon tahay Soomaalida, oo Soomaalidu ay yihiin dad taariikh dheer.

Buugga Pharaohs, fellahs and explorers oo la qoray 1892 oo ka warbixinayey safarkii ay boqoradii Hatshepsut ugu dirtay Soomaaliya ayaa qoray sidan: "Dhacdadaadaasi waxay ahayd in la sameeyey xayn maraakiib ah oo mari kara badda, waxaana loo diray dhulkii Punt; dhulkaas oo Maspero iyo Mariette ku asteeyeen in uu yahay qayb ka mida dalka Soomaaliya oo ku yaal dhanka bari ee xeebta Afrika oo xuduud la leh Gacanka Cadan. Dhulkaas oo qani ku ah dhirta beeyaha (fooxa), xabagta qaaliga ah, mayraxda, dahabka, fool-maroodiga iyo alwaax qaali ah; waa dhulka loogu yeero dhulkii qorfaha.

Sawirada ay sameeyeen faraacinadii, kuna asteen ahraamta, waxay muujinayaan doonyahaas ay boqoradu u dirtay Soomaaliya, doonayahaas oo ku sii jeeda Soomaaliya iyo ayagoo shixnad loogu soo rarayo.

Sawirka hore waa markii ay ka dhoofayeen Masar.


Doonyaha oo ka dhoofayey Masar

Sawika hoosena waa markii ay ka soo laabaneyeen Soomalaiya oo doonyaha loogu soo rarayey shixnadda iyo hadiyadaha.


Doonyaha oo jooga Soomaaliya oo lagu rarayey shixnad

Xiriirkii Giriiggii hore & Roomankii iyo Soomaalida

  • Dr. Saadiq Eenow oo ka sheekaynaya xiriirkii Soomaalida iyo Giriiggii hore iyo Roomankii: Dhegeyso ama soo rogo (mp3)

Qarnigii 8aad Nebi Ciise hortiis ayaa xadaaradii waxay ka wareegtey Faraacinadii, waxayna u wareegtey Giriiggii hore (Greek) oo xadaaraddiisu jirtey intii u dhaxaysay (750 - 149 BC waa ka hor dhalashii nabi Ciise calayhi salaam). Dadkii magaca lahaa ee u kacay Giriiggii hore waxaa ka mid ahaa Aristotle oo cilmi xoog leh ku kordhiyey xadaaradii Giriigii hore. Waxaana xilligaas ay Giriiggu gali jireen dagaallo farabadan.

Waagii hore dabaylaha lagu kala goosho badda ee loo yaqaan Maansoonka (Monsoon) waxaa aqoon jirey Carabta keliya iyaga oo ka faa'iidaysanaya dabaylahaas ayey Carabtu ugu kala safri jireen Afrika iyo bariga fog, waxayna u ahayd sir ay qarsan jirey oo aanay cid kale u sheegi jirin. Waxaa dhacday in nin ganacsade ah oo Giriig ah oo soo gaarey Badweynta Hindiya uu ogaadey in dadkaasi kafaa'iidaystaan dabaylaha. Ninkii markii uu ku noqday Giriigga ayuu fashiliyey sirtii Carabta ee dabaysha Monsoon-ka. Markaas ayaa Giriiggii bilaabeen in ay dabayshaas soo raacaan; waxaana markaas doonyahoodii iyo ganacsigoodii soo gaaray xeeebaha Soomaaliya oo ay xiriir la soo sameeyey Soomaalida.

Waxaa dhacday xilli lagu qiyaasay muddo 28 sano ilaa 30 sano in ay Giriigii fadhiyeen Gacanka Gardafuul (Cape Guardafui) ee cirifka bari ee Soomaaliya. Waxayna muddaddaas halkaas ka raranjireen maroodiyaal. Xilligaas Soomaaliya waxaa  ka buuxey maroodiyaal. Waxaana Giriiggii ay maroodiyaashaas u adeegsan jireen dagaalladii faraha badnaa ee ay ku jireen. Waxaa dhici karta qofka hadda loo sheego in maroodiyaal laga rari jirey Soomaaliya in uu l ayaabo. Balse dhulka Soomaalida xilligaas waxa uu ahaa dhulay camireen nooc kasta oo ugaar iyo duur joog kale ah, waxaana dhulkaas waayadiidambe ku dhacay nabaad guur iyo xaaluf duurjoogtii la soo diristey.

Buugga taariikhdii hore ee Giriigga iyo Romanka (A history of ancient geography among the Greeks and Romans oo la qoray 1883) waxaa ku xusan in dhulka Soomaaliya loo aqoon jirey "Dhulkii Qorfaha" (Land of Sinnamon). Waxaana buuggaas oo soo xiganey buugga qadiimka ah (Periplus of the Erythraean Sea) ayaa tilmaamay dhulka Soomaaliyeed ee laga hadlayo ee laga dhoofin jirey Qorfaha in uu yahay dhulka u dhexeeya magaalada Berbera (oo looaqaan jirey Malao) iyo gacanka Gardafui ee cirifka Soomaaliya.

Waxaa xigtey Boqortooyadii Roomankii

Boqortooyadii xigtey Giriigga waxay ahayd tii Rooman-ka oo bilaabatay 44 sano ka hor dhalashii Nebi Ciise (calayhi salaam), waxayna boqortooyadiisi talada haysey ilaa 500 sano.

Waxaa taariikhda ku xusan in boqortooyadii Roomaaniyiintu ay xiriir  la soo sameeyeen Soomaaliya, gaar ahaan xiriir ganacsi.

Buugga "The Commerce Between the Roman Empire and India" oo ku saabsan ganacsigii u dhaxeeyey boqortooyadii Roomanka iyo Hindiya waxaa ku xusan in waxyaabaha dhirta ka soo baxa ee loo iib geyn jirey Roomanka u soo mari jireen Soomaaliya iyo Carabta. Taas oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime kaga iibin jireen Roomanka. Ganacsigaas oo la tilmamay in Roomanku ay si isku mid ah ganacsi ula lahaayeen Soomaalida iyo Carabta. Tusaale waxaa loo soo qaataa alaabadii halkaas laga keeni jirey sida: Mayraxda iyo Fooxa oo Soomaalida iyo Carabtu isku qiime iibin jireen.

Sidoo kale Soomaalida iyo Carabtu waxay dhexyaal u ahaayeen gacasiga alaabada laga keenayo Shiinaha iyo Hindiya taas oo qiimahii badeecadda ee gaarayey Roomaanka ka dhigtey mid qiimahadooda kor u kaco.

Qormadani waxay muujinaysaa in Qorfahu uu soo mari jirey gacanta Soomaalida ka hor inta uusan u gudbin Roomaanka.


Taariikhahaasi waxay laga dheehan karaa in dadka Soomaaliyeed ay dhulkaas Geeska Afrika ee ay deganaayeen ay ku lehaayeen taariikh aad u facweyn, ahaayeen dad xadaarad leh, adduunkana uu ganacsigoodu gaaro, oo la soo macaamilay boqortooyinkii iyo xadaaradahii adduunka soo maray kuwoodii ugu faca weynaa.

Qormada xigta waxaan ku eegi doonaa xiriirkii Soomaalida iyo Xadaaraddii Islaamka ee xooggeedu jirtey 200 sano.

AKHRI Qaybta 3aad....

Dr. Saadiq Enow, waa taariikhyahan, qoraa, dhakhtar iyo macallin Soomaaliyeed. Waxaana lagala xiriiri karaa Email: enow2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | August 1, 2010

Tixraac: Buugaagta iyo qoraallada aan tix raacnay:

Isha sawirada qaar: Wikipedia.org & Google images

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

 

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SoomaaliDA


Taariikh Kooban: Geeska Afrika

1,500 BC Fircoonkii laoranjirey  Seankhane Menthuhoteps IV ee Thebes ayaa sahan safar badeed usoodiray xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo loo aqoonjirey dhulkii uduga "The Land of Punt."

7-900 AD Carab  iyo Beershiyaan [Persians] ayaa xiriir layeeshay jaaliyaadihii kunoolaa xeebaha Saylac, Muqdisho, Marka iyo Baraawe.

1528-35 AD Ahmed "Gurey" ayaa dagaal lagalay Abyssinians isagoo siweyn isaga difaacay ilaa ay usoo hiiliyeen ciidan hubaysan oo Bortuqiis ah [Portugese musketeers].

1889 Kadib markii ay heshiis  galeen Suldaano iyo Ingiriiska  ayuu Woqooyiga Soomaaliya ka dhaqangeliyey Somaliland.

1894 ayaa heshiiska loo yaqaab saddex-geesoole "Tripartite Accord" waxaa wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.

1899 Maxamad Cadulle xasan ayaa la dagaalamay wadaamada Ingiriiska [British], Talyaaniga iyo  Ethiopia.

May 5, 1936 Talyaaniga ayaa qabsaday magaalada Addis Ababa, kaddib markii halkaas uu ka cararay Xayle Selasi. Waxaana markaas Talyaanigu gumaysatey Itoobiya intii u dhaxaysay 1936-1941.

1940 Talyaaniga ayaa qabsaday dhulkii ingiriisku qaatay ee Somaliland, qabsashadaasi muddo badan masii jirin.

1947 Waxaa la asaasay xisbigii dhallinyatada Soomaaliyeed ee SYL [Somali Youth League], oo ahaa xisbigii siyaasiga ahaa ee ugu horreeyey Soomaalida cusub.

1950 Qaramada Midoobey [UN] ayaa dhulkii talyaanigu haystey ogolaatay xorimo gaarsiin oo uu talyaanigu sii hayo.

1955 Ingiriiska ayaa gobolka loyaqaan Reserved Area (Ogaadeenya) iyo Hawd kuwareejisey Itoobiya.

1960 bishii  June 26keedii ayaa Somaliland kaxorowdey xukunkii Ingiriiska. bishii   July 1deedii isla sanadkaas ayaa Soomaaliya intii uu Talyaanigu siihayey xorowdey oo ay labadaas qaybood midoobeen.

Somalia-Ethiopia-Kenya 
1960: Kahor xoriyadii Soomaaliya, July 1960, Fransiiska iyo Talyaanigu oo ahaa kukii siihayey dhulka Soomaaliya waxa ay ku guul-daraysteen in ay xad sugan oo Soomaaliya leedahay suntaan

1 Jul 1960 - 10 Jun 1967
Aadan Cabdullah Cusmaan
ayaa noqday madaxweynihii u horeeyey ee Soomaalida xorta ah

7/1960: Rabshado kadhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labada dhinacba adkeeyeen ammaanka. Soomaaliya waxa ay dhiirigelisey NFD xoriyad gaarsiinteeda, Ingiriiskana xiriirkii ayey u goysey kadib markii Ingiriisku go'aansaday in uu NFD kudaro Kenya. Madaxdii Afrikaankuna Soomaaliya gacankuma siin Qadiyada NFD. 13beri kadib markii Kenya Xoriyada qaadatay, December 1963, waxa ay NFD kusoo rogtey xaalad degdega.

1/1964: Waxaa dagaal ka dhexqarxay Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaal la xiriira dhulka Soomaaliyeed ee Itoobiya gumeysato .

4/1/1964: Waxaa hirgalay xabadjoojin dhexmartay Soomaaliya iyo Itoobiya

10/15/1959: Waxaa la diley Cabdirashiid cali Sharmaarke, oo ahaa Madaxweynihii Soomaaliya, oo safar kumaraya Gobolada dalka.

21 Oct 1969: Waxaa wadanka inqilaab ku qabsaday ciidan militari oo uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. 1/1977: Waxaa kor u kacay xiisada dhulka ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

July 23 1977: ciidanka Soomaaliya ayaa galay dhulka Soomaaliyeed ee gobolka Ogaden. Ethiopia waxa ay taageero militari ka heshay dalalka USSR, Cuba iyo Libya. Dagaal khasaare badan geysey ayaa dhexmaray Somali iyo Itoobiya. November 1977 Soomaalidu waxa ay eryeen ruuskii ku sugnaa cariga Soomaaliya. Waxana ay Soomaaliya markaas mucaaniwo weydiisatey USA iyo UK. USA waxa ay ogolaadeen oo qura taageerida aadaminimo, halka UK ay Soomaaliya siisay mucaawino aadamino iyo hub intaba. OAU ayaa isku deyey in ay wadahal soo qabanqaabiyaan laakiin waftigii Soomaaliya ayaa kabaxay wadahadalkii. Itoobiya waxa ay bilowdey habkii lamagbaxay "scorched earth" oo afsoomaali ahaan u dhiganta "u cadayn dhulka sidii laf hilibka laga xaquuqay" kan oo ahaa in lasumeeyo biyaha, la laayo xoolaha, dhulka ladeganyahay lagabarakiciyo, taas oo dhanka ahayd  (SALF). Taageero ay Itoobiya ka heshay Ruuska awgeed waxa ay dib u qababsatay  Somali galbeed (ogaden) markey taariikhu ahayd March 15 1978. Reference: Somalia History


Wararkii 2004: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO