SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


 LAAN GAAB YAA AH?

markii uu guul daraystay waxii loo yaqaanay Hantiwadaaga ee uu horjoogaha ka ahaa wadankii loo yaqaanay Ururta Sofiyeetka ayaa waxaa soo yeedhay dooda badan oo sheegaya in aduunka xiisahii iyo xamaasadii ka dhamaatay, mar hadii mabda,a hanti goosadku yahay kan kaliya ee masraxa (golaha) aduunka u soo hadhay, taas oo gaadhay in nin caalim ah oo maraykan wax ka dhiga asalkiisiina u dhashay japan uu ku dhawaaqay dhamaadkii taariikhda, hase yeeshee waxaa isla waayadiiba soo if baxay qadiyado aad u dhib badan oo la odhan karo waxayba ka sii adkaayeen loolankii dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay bahda hantiwadaaga iyo bahda hantigoosadka.

Qadiyadahaa waxaa ka mid ahaa waxa loogu yeedho xaquuuqda dadka laga tirada badan yahay (xaquuqul al-aqaliyaat) taas oo kaliftay inay dhiig aad u badan iska daadiyaan ummad hal wadan ku wada nool , waxaana tusaale fiican arintaa u noqon kara wadanka loo yaqaan ruwanda oo ka mid ah wadamada ku yaal jiida loo yaqaan Harooyinka Waawayn, ee qaarada afrika.

Wadankeena soomaaliya waxa kuu mid yahay wadamadii uu ka qarxay dagaalka sokeeye sida ba,ana la isku gumaaday, yaa wax gumaaday? yaa la gumaaday? yaa ah dadka laga tirada badan yahay? ruux walboo soomaali ah tan wax buu ka aamin san yahay ismana qancin karno,oo taa waan wada ognahay, ninka la dhaho cabdiqaasim salaad ayaa waxaa radiyaha la iska arko ee al-jazeera way diyaay suaal ah waxa qabiilkiisu u gumaadeen dadyaw soomaali ah oo aan la hayb ahayn? waxaanu ku jawaabay qabiilkaygu dad ma gumaadine dadkii miyaga daganaabaa muqdisha soo weeraray ee arintu ma ahayn in Hawiye Daarood ama cid kale dab sudhay.

Biyo dhiga maqaalkayga gaabani waxaa uu yahay soomaali yaa laan-dheere ah yaase laangaab ah?

LAAN-DHEERE :CALISAMATAR

waxaa waayahan socota sheekada maxamed cali samatar iyo dacwada loo haysto, waxaana qisada dar dar hor leh galiyay olalaha xubno qoyska cali samatar ka mid ahi ku doonayaan inay u helaan taageero heer soomaali ah,gaar ahaana jaaliyadaha ku nool wadamada dibada.

waxaa soo baxay labo Rayi oo aad u kala fog, mid waa taageero, waxayna tooshka aad ugu bixinayaan weedha ah: waayo cali samatar kaligii? nin qabiiliya ma ahayn oo loola jeedo waxa uu ahaa laan -gaab, amaba malahayn qabiil wayn oo ku hirsado, ama hada difaaca.

waxaan qabaa in dooda qoladani tahay mid jaban oo aan saa u hufnayn waayo? cali samatar uma arko laan gaab, ee waxaan qabaa inuu ahaa laandheere Darajada kowaad ah, waayo cimrigii waxa uu ahaa sargaal sare oo soomaaliyeed ilaa uu ka gaadho wasiirka koowaad ee Dawladii soomaali u danbaysay, magacaa uu ahaa baana lagu xisaabi waxii wanaag ama xumaan uu galay mudadii uu xilalka kala duwan wadanka ka hayay, waxaa kaloo moxamed cali samatar lagu yaqaanaa inuu yahay nin leh caqli waafi ah oo waxii uu sameeyo u sameeyo si ula kac ah iyo garasho, xumaan iyo wanaagba.

Waxaa kaloo jira nin ku nool waqooyiga Amerika oo sanadahii todobaatameedyadii ahaa taliyaha qaybta 26-aad, isla markaana u dhashay dadka soomaalidu ku tilmaanto in laga tiro badan yahay uu hal mar toogtay dhoowr iyo toban nin oon danbi wayn galin, qisadaa dad badan oo soomaali ah baa xasuusan, waxaana qabaa inay suura gal tahay in lagu soo oogi doono dambi ka dhan ah xaquuqda aadamiga goor uun , ha dhawaato ama ha dheeraatee isaga iyo kuwa kale oo ku gabood falay maalkii iyo dhiigii soomaalida.

Qolada leh cali samatar waa mujrim: waxaan qabaa in mawqifkoodu ku salaysan yahay caadifad iyo xamaasad, ee ay sheekadu u baahan tahay cadaymo buuxa oo waafi ah uu aqbali karo sharcigu ha ahaado mid wadankan uu soo magan galay ee maraykan, ama midka maxkamada caalamka ee danbiyada dagaalka, markaa waxaan qabaa inay daan noqon ninkii foostada biyaha dameerka ka hor mariyay si uu u jiido, ee aad sugtaan waxaa qadiyadu ku biyo shubato.

LAAN GAAB

Laan gaab waxaa ah inta aan ani ku jiro, inta aan soomaaliya xil ka soo qaban, inta aan aqoon sida loo rido hubka mid yar iyo midwaynba, inta wax ku baratay canshuurtii dadka soomaalida ah laga qaadi jiray iyo hantidii yarayd ee wadankooda, inta beerahoodii iyo degaankoodii laga xoogay, inta si fool xun loo dilay,iyo in badan oo ka midaha kuwa ku dhibaataysan gudaha iyo dibada wadankaba.

ma jiraa ruux garan kuwaa wax ka laan gaabsan?

Raage Hedi
rage4445@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD