SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Xukunka Seef-la-Boodka ah ee Suxufiyiinta Maanta  

          Akhrisatah Sharfta Leh

Waxaan labadaan maalaamood isha ku haayay shabakadaha somalida kuwooda kafaalooda arrimaha somalida, Waxa aad moodaa in ay hal arrin diirada saarayeen taas oo ah Qadiyada Raiisulwasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Ali samatar kaas oo dhawaantaan dacawad lagaga soo oogay wadanka Marykanka taas oo lagu eedaydano in uu yahay Danbiile Dal

Run aahaantii siyaabo kaladuwan ayey ugu hadashay warbaahinta soomalidu ay leedahay haba ugu badnaatee kuwa wax laga akhristo oo ah Websityada-Aaraahyo kaladuwan ayaa lagabixiyay dacwada Eedeysane Mohemd Ali samater kuwaas oo aad moodo in ay dhamaantooda yihiin kuwa la iska istaagay hal mowqif inkastoo ay jiraan dad siyaabo kale fikrad uuga bixiyay lakiin Aqlabiyada ugu weyn ,

Waxaad moodaa in ay heystaan kuwa kasoohorjeeda maamulkii hore ee Uu Ali samtar ka ahaan jiray Raiisulwasaare & Wasiir gaashaanidhig.

Aan u soo laabato biyo dhaca qoraalkeyga .

Waxaad moodaa durbaba in ali samatar uu xakunkiisa ka soo hormarayo waxaan aad ulayaabay in uu yeesho Ali samtar qareeno durbaba ku xakuma in uu yahay qaainu-wadan ama gacan ku dhiikle, Qareenadaas oo hal mowqif iska taagay arrinta ali samatar. Kuwaas oo xakunkoodu uu yahay in uu ahaa gacan-ku dhiikle aan, Loo arxami Karin, sidoo kale waxaa jira kuwa la baratamaya oo ayagana Ku doodayo in uu yahay nin aan waxaba galabsan waloow aad moodo in Laga tiro badan yahay kuwa kudoodayo in uu yahay nin aan waxba galbsan marka loo fiiriyo warbaahinta soomalidu ay aaraahdooda ku dhiibato taas oo aad ku arkeeso in aad moodaba in ay yihiin kuwa hala meel isaka taagay arrintaan eedeysanahaan .

Waxaan layaaabay intii aan ku jiray shabakadaha soomalidu ay leedahay in aan ku arkay dhalinyaro ama qoraayaal hal kudhig ka dhiganayo in uu yahay Mohmed ALI  gacan ku dhiikle ayaga oo cinwaanadooda horay kusoo qaadanaya (waa qaaninu-wadan)&kuwa intaan kasiidaran oo aad isdhihikarto armuu ahaa Hitlerka-soomaliya.

Waxaa wax aad looga xuumaado ah in ay xiligaan oo arrintiisa u baahan kaalmo walaaltinmo &mid muslinba in ay kusoo aadiyaan xiligaan Oo tageero looga raadinaayo umada soomaaliyeed gaarahaan jaaliyada ku nool dalka Mareykanka si ay gacan u siiyaan eedeysanhaan.

Qormooyinka qaarkoowd waxaad mooda in ay katanbadisay qoraayaasha caadifada sida ay hadalkooda u dhigayaan ayaga oo aad moodo in ay hayaan cadeymo muujinayo in uu yahay gacan ku dhiikle ama qaainu wadan aan istaahilin in loogargaaro  xitaa.

Uma malaynayo in ay hayaan cadeymo sax ah wax aan dhaafsiisneen in ay hayaan taariikhdiisii hore ama wax ay maqaal ahaan ku maqleen .

Run ahaantii qormadeyda mahaan mid aan ku difaacayo eedeysane ,

Mohmed ali samtar ama aan ulajeedo gooni ah aan ka leeyahay ,

Lakiin waxaan layaabay sida uu uga soo hormaray xukunkiisa asiga oo dacwadiisa wali socoto taasina waxa ay ku tusineysaa sida ay wali noogu yartahy muwaadinimada &halka aan iska taagnay dhibanahaan u baahan  gacan walaaltinimo.

Waligiina mid xasuusnaada qofka aad rabato in aad xakun ku rido waa in aad heesataa  cadeymo runta ku saleysan in uu yahy qofkaan mid gacan ku dhiikle ah hadii warkaada uu yahay waan maqlay ama waa la iisheegay ama waan u malaynaa wey adagtahay in aad wax xakunto . 

Ugu danbeytii waxaan Alle-ka tuugeynaa in uu culeyska ka qaado dhibanahaan &dhamaan kuwa asiga lamid ah oo sidaan loosoo eedeeyay. Qofkastana uu allle- ka qaado dhibka heesat . 

Xuusnoow seefxzla boodnimada waa sheydaan xagiisa . 

Wixii qalad u fahmay qormadeyda waa ii xasuusikaraan qaladkeyga.             

Farxaan-Ceynte
Nairobi-Kenya
Cayntakayare@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD