SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Cali Samatar Ma'aha Danbiile ee Riyaalaa Danbiile ah

Waxaa xusid mudan marka hore Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Mohamed Cali Samatar, Wafti ka socda Qoyska Maxamed Cali Samatar oo Booqasho ku maraya Magaalooyin ka mid ah Maraykanka, ayagoo hadda Soo gaarey Minnesota.

 Bishii tagtay  26/12/2004 Shir ay ka soo qayb galeen odayaasha, waxgaradka, aqoonyahay iyo shacab ku dhaqan magaalada Minneapolis oo rag iyo dumarba leh ayaa xalay lagu qabtay Hoteelka Holiday In ee xaafada Cedar ee magaalada Minneapolis. Shirkaas oo lagu soo dhoweeyey wafti ka socdey qoyska reer Maxamed Cali Samatar oo booqasho ku yimid magaalada Minneapolis si ay reer Minnesota uguga xog waramaan, dacwadaas oo lagu soo oogey Maxamed Cali Samatar.

Waa madaxweyne ku xigeenkii dowladii hore ee maxed siyaad bare 1969 bishii oktoobar. Waa taliyihii ciidankii xooggii dalka soomaaliyeed, waa Wasiirkii gaashaandhigga soomaaliyeed. Waa ninkii ugu darajada sarreeyey dalkii Soomaliya ama deegaanka soomaaliyeed oo dhan.

Maxamed Cali Samatar waxaan ognahay inuu uu ka tirsanaa xoogii dalka somaliyeed, xukumo badana dalka ka soo kala qabtey Somaliya, ahaana Shaqsi caan ah ay dowladaha waaweeyn ee aduunkuna yaqaaneen. Marka waxaa is waydiin leh haddii uu dambiile yahay maxay dowlada Mareykanku ugu ogaalatey dalkooda in uu joogo.

Maxamed Cali Samatar waxuu ku joogaa dalka Mareykanka sharci waafaqsan sharciyada dalka u dajisan guud ahaan iyo gaar ahaan midka waafaqsan sharciyada u dajisan Immigrationka wadanka Mareykanka. Sharcigaasna la siiyey ka dib markii dambi baaris lagu sameeyey, lagana waayey wax dambi ah, loona ogolaadey dalka Mareykana inuu si xor ah u joogo. 

Samatar waxuu ahaa qof dhexdhexaad ah oo aan ka dhalan dadyawga qabiilku shaqada u yahay ama caymiska ,lagumana eedayn karo inay saamayn ku yeelatay loolanka qabiilooyinka waaweyni, waqtigan xaadirka ah waxaa soomaaliya jooga dad badan oo dunuub ka galay dadka iyo dalka mana jiro qabiil farta ku fiiqayaa sidaas ayaa lagu jecelyahay waayo dembiileyaashoodu waa halyeyo ay ugu yeeraan waa nin loo geli karin,waxaa keliya oo lagu tijaabiyaa in cadaaladu shaqaynayso kooxaha yaryar oo aan lahayn caymis qabiil oo aad u xoog badan, hadaba markii aan ka fekeray waxa cali samatar loogu doortay in cadaalada sida ay u shaqayso lagu tijaabiyo waa iyadoo la aaminsan yahay inaan Samatar ka dhalan qabiil xoog leh oo lagu tixgeliyo dad ay laayeen, gobolo ay qabsadeen iyo isagoon ka dhalan qabiil leh jabhad hubaysan,waa la soconaa in awood qaybsiga soomaalidu hadda ku xiran yahay sida qabiilkaas dhibtiisa looga baqo, lamana aqoonsado qofku haddii aanu dhiig daadin.

Dadyawga samatar ka dhashay waxay qabeen dhib dawladii dhacday ka hor iyo ka diba, dhibtoodana waxaad ka arki kartaa sida ay uga qatan yihiin waxyaabaha ay bulshada ula siman yihiin dhan walba, waxaa barayahan la sheegay inay dadka gabooyaha ah ee ku nool somaliland ay bilaabeen inay wadanka ka qaxaan waxaana taas sababtay waxyaabaha ay maalin walba la kulmaan.oo ay ugu wayn tahay cunsuriyada,ay kuhayaan dadka deegaanadaas degan

Waxaan aad ula yaabanahay ninka layiraahdo Maxamed diridabe,oo inta badan ah iska qoro kadaba qore dad daba gale,waa nin cajiib ah oo isagu dadku waxa ay qoraan uun iskadaba gala intabadana maaha nin xishooda oo iskulayaaba waxa uuqoraya, lakiinse waa nin cidla jeex ah, oo maan gaab ah aqoon iyo cilmi oo wax kulasooca aan lahayn, waxaana oranlahaa waa doqon helay computer uu wax kuqoro, cali samatarna hadii aad kutuhmayso inuu yahay nin kazoo jeeda beelaha gabooyaha hadaba waxan kuushegayaa in samatar uu uyahay nin soomaliyeed, cida difaacaysana ay yihiin somali waynta, inta aad eegaysaan samatar away kuwii si aad ah ubaabi"iyey dalkii somaliya, waxaanse kusoo gabagabeenayaa oo aan kuleyahay diridabowo calisamatar waa oday somaliyeed dacwada aad dacwaynaysaana waa mid cidla ah sidaas ogow oo lasoco cunsuriyadaada Karaaji lajoog...

c/risaak Aadan Cali
kaneec1@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 2, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD