SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


CALI SAMATAR WAA GACAN KU DHIIGLEH: HALKAYSE KA TIMID TAAGEERADA REER MENNISOTA
Qalinkii MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Mobile: 00-92-300-2600907


E-mail:
diridhaba2001@hotmail.com



Reer Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..

Ilaahay ayaa Mahad oo dhami u sugnaatay, Naxariis iyo Nabad Gelyo Buuxda Nebi Muxamed Korkiisa ha ahaato (C.S.W).

Marka xigta aniga oo aan jeclayn inaan fara-gelin ku sameeyo arrimaha u gaarka ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku nool dhammaan daafaha dunida oo ay iga mudanyahiin karaamo iyo tixgelin badan, ayaa hadana waxaa indhaahagu qabanayaan mararka qaarkood waxaad la yaabto.

Bogga Somalitalk waa bog aanu si weyn iskugu dhawnahay shakhsi aan ahay waanan ogahay in xaruntisu tahay isla gobolka aan doonaayo inaan dhaliisha dhabarka u saaro, balse waxaanan ku wadin dhaliishani iyaga (somalitalk) maadama oo somalitalk ku caantahay Warar iyo faalooyin Madax banaan oo ay uruuriso soona gudbiso aanay ku kasbatay sharaf iyo Mudnaan ay runtii aragti ahaan ku dhaaftay bogaga kale ee Soomaalida oo dhan.

Aan u dego dulucda guud ee qoraalkayga, Sida aan ku arkay bogga Somalitalk waxaa dad badan oo ka tirsan Jaaliyadda Gobolka Mennisota ka qayb galeen wax loogu yeedhay "Taageerida Cali Samatar" balse waxaan filaya in dadkii goobtaasi joogay aanay dareensanayn ama ogaynba Cali Samatar wuxuu ahaa iyo taarikhdiisa iyo danbiyadii Foosha xuma ee Aadama uu ka gallay.

Sida inta og ama taqaan Taariikhda Soomaalidu Wuxuu Cali Samatar ahaa Madaxweyne Xigeenkii Jamhuuriyaddii Kacaanka ahayd ee Soomaaliya  intii u dhexaysay sannadahii 1986-kii ilaa 1990kii wuxuuna hayey ku xigeenka koobaad ee gudidii militeryga kacaanka hantiwadaaga ee magaalada Muqdisho, taasi macnaheedu waxay tahay inuu ahaa ninka labaad ee ka arriminaayey Waddanka Soomaaliya marka laga yimaado Maxamed Siyaad barre, intii aanu noqon Madaxweyne Xigeenka dawladdii Kacaanka ahayd Maxamed Cali Samatar wuxuu ahaa Wasiirkii Gaashandhiga waa intii u dhexaysay 1980-kii ilaa 1986-kii, balse sannadkii 1987-kii Maxamed Cali Samatar wuxuu noqday Madaxweyne xigeenka iyo weliba ku xigeenka gudidii kacaanka ee Siyaad barre gudoomiyaha u ahaa.

intii u dhexaysay 1980-kii ilaa 1986-kii Maxamed Cali Samatar wuxuu amar ku siiyey ciidamadii dhabar jabinta loo yaqaanay inay xasuuqaan tiro shacab Reer Somaliland ah oo u dhexaysay 100 ilaa 500 oo qof oo ku noola magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, iyo weliba xaruntii dawladdii Kacaanka ee Muqdisho.

Sannadkii 1988-kii Wuxuu Maxamed Cali Samatar toos u bixiyey xasuuqii xeebta Jasiira loogu gaystay 60 shacab aan waxba galabsan oo laga soo uruuriyey Magaalada Muqdisho oo asal ahaan ka soo jeeda qabiilka (Isaaq) ee dega Jamhuuriyadda Somaliland.

Bishii May sannadkii 1989-kii wuxuu Maxamed Cali Samatar amar ku bixiyey in xasuuq aan kala go' lahayn lagu fuliyo kumanaan reer Somaliland ah oo ku jiray jeelasha magaalooyinka Hargeysa,Berbera,Muqdisho,Ceerigaabo, Burco.

waxaana askartii loo yaqaanay dhabar Jabinta oo hoos imanaayey Maxamed Cali Samatar ay xasuuq aan kala go' lahayn u gaysteen Kumanaan qof, iyada oo markhaati buuxda ay iiga tahay xabaalaha malko durduro ee laga dhisay magaalada Hargeysa oo laga soo qufay sannadkii 1998-kii dad tiradoodu ka badantahay 1200 (kun iyo laba boqol oo qof) oo gacmaha iyo lugaha la isku xidh xidhay oo ay ku jiraan caruur iyo hooyooyin.

Maxamed Cali Samatar wuxuu ka qayb qaatay mu'aamaraadyo ay fulisay dawladdii Maxamed Siyaad barre ee uu ka qabtay wasaaradda gaashandhiga iyo ku xigeenka Maxamed Siyaad barre kuwaasi oo iskugu jiray dilal laga fuliyey Soomaaliya dibadeeda oo loo gaystay dad mutacalimiin ahaa oo ka soo jeeday qabiilada Isaaq, Hawiye iyo Majeerteen.

Maxamed Cali Samatar wuxuu kale oo uu saxeexay amarkii lagu dilay wadaadadii lagu xasuuqay Soomaaliya gudaheeda sannadahii 80-meeyadii, isaga oo ku jira gudididii kacaanka.

Waxaan ilaahay hortiisa u jooga inuu Maxamed Cali Samatar yahay danbiile/gacanku dhiigleh Shacab Soomaali ah ka gallay danbi.

Haddaba aniga oo toos ula hadlaya Jaaliyadda reer mennisota ee dalka maraykanka, Saaxiibayaal/ Walaalayaal/ edooyin/ Habaryarayaal waxaad isku nabteen bildhaan aan weligeed taariikhda idinka go'i doonin ka dib markii aad ku baaqdeen in gacan ku dhiigleh la siiyo taageero hiil iyo hooba ah kuna nagaado gobolada xorriyadda ee dalka maraykanka.

Maxamed Cali Samatar waa sarkaalka ugu darajada sareeya dawladdii Maxamed siyaad barre ee maanta Nool ama aan si kale u dhigo eh ku jiray gudidii kacaanka hantiwadaaga.

Maxamed Cali Samatar keliya looma haysto in laga musaafuriyo dalka maraykanka balse waxaa xaqiiq ah in aanay shacabka Somaliland iloobi doonin dhaawacyadii uu baday lana hortagi doonan maxkamad caalami ah waxaanan leeyahay oo aan markale ku celinaya maxamed Cali Samatar waa Sarkaalka ugu darajada sareeyey marka laga yimaado Maxamed Siyaad barre oo geeriyooday hadda ee nool.

::DOORKA SUXUFIGA SOMALIA::

Saxufiyiinta Somaliland & Puntland: Ma Xorbaa Mise Xabsi Bey Ku Jiraan?... Guji...
:::SOOMAALIDA MINNESOTA :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
:WAFTIGA REER CALI SAMATAR:

Wafti ka socda Reer Cali Samatar oo booqasho ku maraya magaalooyin ka tirsan Maraykanka oo hadda soo gaarey Minnesota ... Guji...

Waxaanse usoo jeedinaya Jaaliyadda reer Mennisota oo aan leeyahay

marka dooddu kulushahay
daldaloollo muuqdaan
Doogashada qabiilkiyo
Dacar iyo ladh soo kaco
Nabaradu dillaacaan
dadku kala qaloodaan
Marka dhidar ku daadego
Booraan dahsoonoo
Hilbo laga diqoodoo
Damac-beelay yaalliin
Dabadeedna uuskiyo
Duufkiyo xumaystii
debedda ula soo baxo
Dadku shaamareeraan
Neecaw delleganoo
Doorsoontay uriyaan
Waxan ahay dareenkii
Noqon jirey daruurtee
Sidii roobka di'i jirey
Dalka wada dhammayn jiray

Dulucdiyo ujeeddada
Runta aan u daadego
Ducda hadalku waa hee

Geenyadaydi Daalacan
Dabar saari maayee
Dibso aan idhaahdoo
Dagagara ayaamee
Sulmakii darbane mee
Dalandaliska Naylaha
Doonnanteenan boqorka leh
Deelleyda baaqa ah
Darka laaska beeshiyo
Duunyadu isugu timi
Dalbashada wadaantiyo
Adaa doojinteediyo
Haya dawliskeedoo
Dulqulaalka xanankiyo
Dogobkiyo Huuddiyo
Waxa tahay Bir-daaqeen
Deegaanta noloshiyo
Darantiyo samaantana
Ninkii doonayoow taas
Daw loo maraa jira

Qormadii Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Karachi, pakistan.
Mobile: 00-92-300-2600907
E-mail: diridhaba2001@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD