SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


MAXAA SAMATAR LOO XUSHAY

Sidaan la wada socono muddadii ay dhisnayd dawladii soomaaliya waxaa xilal ka soo qabtay dad aad u tira badan,waxayna dhammaantood wada ahaayeen dad u dhaartay sidii ay wadanka iyo dadka wax ugu qaban lahaayeen,runtiina qof kasta oo dadkaas ka mid ahi waxii uu wadanka u qabtay taariikhda ayey ugu jirtaa,nasiib daraduse waxay tahay bulshadeenu qofka kuma qiimeeyaan kartidiisa iyo waxqabadkiisa ee waxay ku qiimeeyaan qabiilkiisa, qofka xumi waxuu bulshada dhexdeeda wax xun uga sameeyaa isagoo aad ugu kalsoon qabiilkiisa ogna inay khalad iyo saxba ku garab is taagayaan,iyagoo meel iska dhigay cadaaladii diinteenu ina faraysay,waxaa dad badani isla qirsan yihiin Samatar ahaa dadkii ugu sumcada badnaa dadkii ay isku tareenka wada saaraayeen, haddii qof lagu qiimeeyo kartidiisa iyo wax qabadkiisa oo aan lagu qiimayn qabiilkiisa sida soomaalidu wax u qiimayso.
::DOORKA SUXUFIGA SOMALIA::

Saxufiyiinta Somaliland & Puntland: Ma Xorbaa Mise Xabsi Bey Ku Jiraan?... Guji...
:::SOOMAALIDA MINNESOTA :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
:WAFTIGA REER CALI SAMATAR:

Wafti ka socda Reer Cali Samatar oo booqasho ku maraya magaalooyin ka tirsan Maraykanka oo hadda soo gaarey Minnesota ... Guji...

Samatar waxuu ahaa qof dhexdhexaad ah oo aan ka dhalan dadyawga qabiilku shaqada u yahay ama caymiska ,lagumana eedayn karo inay saamayn ku yeelatay loolanka qabiilooyinka waaweyni, waqtigan xaadirka ah waxaa soomaaliya jooga dad badan oo dunuub ka galay dadka iyo dalka mana jiro qabiil farta ku fiiqayaa sidaas ayaa lagu jecelyahay waayo dembiileyaashoodu waa halyeyo ay ugu yeeraan waa nin loo geli karin,waxaa keliya oo lagu tijaabiyaa in cadaaladu shaqaynayso kooxaha yaryar oo aan lahayn caymis qabiil oo aad u xoog badan, hadaba markii aan ka fekeray waxa cali samatar loogu doortay in cadaalada sida ay u shaqayso lagu tijaabiyo waa iyadoo la aaminsan yahay inaan Samatar ka dhalan qabiil xoog leh oo lagu tixgeliyo dad ay laayeen, gobolo ay qabsadeen iyo isagoon ka dhalan qabiil leh jabhad hubaysan,waa la soconaa in awood qaybsiga soomaalidu hadda ku xiran yahay sida qabiilkaas dhibtiisa looga baqo, lamana aqoonsado qofku haddii aanu dhiig daadin.

Dadyawga samatar ka dhashay waxay qabeen dhib dawladii dhacday ka hor iyo ka diba, dhibtoodana waxaad ka arki kartaa sida ay uga qatan yihiin waxyaabaha ay bulshada ula siman yihiin dhan walba, waxaa barayahan la sheegay inay dadka gabooyaha ah ee ku nool somaliland ay bilaabeen inay wadanka ka qaxaan waxaana taas sababtay waxyaabaha ay maalin walba la kulmaan.

Sharci ahaan waxuu adduunku qaxooti u aqoonsanyahay qof wadankiisii ka cararay iyadoo ay haystaan qodobadan soo socda mid ka mid ahi:

1-Qofka oo loo dhibo qabiilka uu yahay meesha uu ka soo jeedo.

2-Qofka oo loo dhibo diinta uu haysto darteed.

3-Qofka oo loo dhibo waxa uu aaminsanyahay,rayigiisa .

4-Qofka oo loo dhibo siyaasad ahaan ,xukun uu ka mid yahay darteed

5- Qofka oo loo dhibo koox uu ka tirsan yahay.

Hadaba waxaa is weydiin leh qolada dadkan ku xigi doonta ee Somaliland ka qaxi doonta, runtii waxaa booskaas sugaaya dadyawga laga tirada badan yahay ee ku nool Somaliland ee aan Isaaqa ahayn,waxaa hubaal ah inay jiraan dad cadaawad ka dhex abuuraaya shacbiga soomaaliland ee nabada ku deganaa rabana in qolo walbi ay usugu ururto degaan gaar ah maadaama is aaminkii dhintay,Somalilandna ku guuldaraysatay inay daboosho xaquuqda muwaadiniintooda.

Hussein Farah Minneapolis
caloowe1@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD