SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Ha U Gargaarina Dhagarqabe Cali Samatar Iyo Cidii La Mid Ah

Waxaa wax lala yaabo ah sida uu usii dhimanayo damiirkii qofka Somaaliga ah ee muslinka ku abtirsanay waayadan danbe. Goormaa la gaadhay in loo hiiliyo dhagarqabayaasha!
::DOORKA SUXUFIGA SOMALIA::

Saxufiyiinta Somaliland & Puntland: Ma Xorbaa Mise Xabsi Bey Ku Jiraan?... Guji...
:::SOOMAALIDA MINNESOTA :::
Daahir Riyaale oo ka Xanaajiyey Qaar ka mid ah Soomaalida Minnesota
Waxa uuna kala hadlay idaacadda...
Guji...
:WAFTIGA REER CALI SAMATAR:

Wafti ka socda Reer Cali Samatar oo booqasho ku maraya magaalooyin ka tirsan Maraykanka oo hadda soo gaarey Minnesota ... Guji...

Iyada oo qof kasta oo caqli lihi uu ogyahay halaagii uu Maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwii hoos gableynayey ay badeen mujtamaca soomaaliyeed, iyada oo loo soo taagnaa xasuuqii, dabargoyntii iyo isir tirkii lagu sameeyay shacbiweynaha reer Somaliland gaar ahaan iyo waliba tacadiyadii iyo dilalkii tirada badnaa ee Saraakiishii sarsare ee maamulkii Siyaad Barre ay kula kaceen guud ahaan Soomaalida, ayaa waxaa caqliga gali kariwayday in maanta qaar ka tirsan Soomaalida qurbaha ku nooli ay baaho iyo qaadhaan u guraan Maxamed Cali Samater oo ahaa Wasiirkii Gaashaandhiga ee amrray in Diyaaradihii iyo Xooggii dalku ay burburiyaan magaalada Hargeysa iyo Burco kuna xasuuqaan kumanaan qof aan wax danbi ah galin. Hadaba iyada oo Diinta Islaamku farayso in la ciqaabo qofka dhiig muslim gala, isla markaasna maxkamad la taago, si ay ugu cibrro qaataan kuwa ka danbeeyaa, ayaa waxaa wax laga naxo ah in ay jiraan kooxo dhagar qabayaal ah oo kusoo koray xaaraan iyo xoolihii umada Soomaaliyeed oo aan iyagu raali ka ahayn in lala xisaabtamo dhagarqabayaashii uu Cali Samater u horreeyo, kuwaasoo maanta bilaabay inay dadka Soomalida ku beerlaxawsadaan in Cali Samatar qabiilkiisa oo yar dartii loo dabo galay.

Sida ay xaqiiqdu tahay iskuma xidhna Cali Samater iyo Qabiilka Sharafta badan ee uu ka dhashay, mana aha hadii Cali Samatar la dacweeyay inay tahay colaad qabiilkaas loo hayo, hase yeeshee waxaa lagama maarmaan ah in Cali Samater iyo danbiilayaashii kale ee ummada xasuuqay in maxkamad cadaalad ah lasoo hor taago, lagana jaro dhibtii ay umada u geysteen.

Iyada oo Cali Samater iyo Tuke oo maxkamad lasoo taagayo imika, lana horkeenayo sharciga ay sanado badan ka dhuumanayeen ayaa waxaa waajib ku ah ummada Soomaliyeed ee wanaaga jeceli inay ka taxadiraan caadifada beenta ah ee ay ku dawarsanayaan kooxaha la safan Cali Samatar iyo dhagarqabayaasha la midka ah kuwaas oo ku qadhaabanaya in Cali Samater lagu haysto qabiilkiisa oo yar dartii.

Tuke oo ah dhagarqabe weyn waxaa uu xataa nolosha ku gubay dad nool, waxaanad sawirkiisa isaga oo dad gubaya aad ka daawan kartaan shabakada www.Hargeysa.org, waxaana Tuke laga soo eryay dalka Kanada markii la dacweeyay, waxaana waajib ah in lagu ciqaabo danbiyadii naxariista ka fogaa ee uu kula kacay mujtamicii degmada Gabiley ku noolaa sanadihii 1988kii Ugu danbayn waa Xaaraan maqdac ah, Diinta Islaamkuna ma ogola in dhagarqabe loo gargaaro, qofka dhagarqabe ku taageera dulmiga uu galay, maalinta qiyaamahana Ilaahay waxa uu weydiin doonaa qofkii taageeray dulmi, waana lala xisaabtami doonaa maalinta Qiyaame qofka Cali Samater iyo kuwa la midka ah shilin ku taageera. Dacwadani kuma koobna Cali Samater kaliya, laakiin waxaa la baadi goobi doonaa oo sharciga la hor keeni qof kasta oo umada Soomaliyeed dhagar ka galay.Waxaanan ugu baaqayaa qof kasta oo haya macluumaad ku saabsan xasuuq dhacay, fadlan hala soo xidhiidho ururrada ku shaqada leh.

Hadii Maxamed Cali Samater uu yahay nin aan danbi galin uma baahna inuu werwero oo maxkamada ayaa sii deyn doonta, hadii kale oo uu danbi galay baaho loo guro iyo qaadhaan loo ururiyaa toona ka hor istaagi maayaan in cadaaladu xukunto oo ciqaab darani ku dhacdo.

Waxaan shaki ku jirin in Dhagarqabe kastaa uu nolosha ku dhadhamin doono dhibtii uu gaystay, hadii uu ka fakado in ifka lagu ciqaabana waxaanu ka fakan doonin xisaabta Alle ee maalinta qiyaame.

Ilaah xaqa hanoo iftiimiyo

Qore: Kaysar Cabdilaahi
kaysar@europe.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 31, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD