-
Waxaa
dacwad taas la mid ah lagu soo oogey
Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer
Tokeh
"Tuke")
USA | November
12, 2004
ALEXANDRIA, Va. Warar ay maanta faafiyeen warbaahinta Maraykanku ayaa
shaaca ka qaaday in dacwad lagu soo oogey ra'iisul wasaarihii hore ee
Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda ku nool gobolka magaalada
Fairfax, ee gobolka
Virginia
ee dalka Maraykanka, dacwadaas oo sida warku sheegay ah mid la xiriirta 'fal-dembiyeed
dagaal' [War Crime], kuwaas oo dhacay intii uu cali Samatar ahaa Wasiirka
Difaaca iyo Ra'uusul wasaaraha Soomaaliya.
Mohamed Ali Samatar waxa uu madaxweyne kuxigeen iyo wasiirka Difaaca ee
Soomaaliya ahaa 1980 ilaa 1987, kaddibna ra'iisul wasaare 1987 ilaa 1990,
xiligaas oo ay dalka ka talineysey xukuumada maxamed Siyaad barre.
Bashe Abdi
Yousuf, oo hadda ku nool Atlanta, Georgia, oo kamid ah dadka dacwada oogaya
waxa uu yiri" Sannadkii 1982 ayaa la igu soo eedeeyay in aan ku kacay
khiyaamo qaran [high
treason]
waxaana la igu xukumay 20 sano". Markii la xirayna laba jeer ayaa koronto
lagu dhegiyey "electric shock" iyo in laba jeer uu miyiri beelay
kadib markii inta sanka la qabtay afka biyo laga qulaamiyey, waa sida
dacwada ku qorane. Waxaana uu Bashe yiri 'Waxaan rajaynaya in dacwadani
[Lawsuit] ay dhambaal u dirto dadka dembiga ka galay xuquuqda aadamiga iyo
in ay mas'uul k anoqdaan cawaaqibkeeda iyo in Maraykanku uusan magan gelin
dadka ku kacay falal dembiyeedka dhanka ka ah xuquuqda aadamiga". Waxana uu
intaas ku daray "Anigu dhibaatadaas waa ka soo badbaadey laakiin waxaa jira
dad badan oo aan kasoo sabata bixin". Bashe waxa uu hadda haystaa dhalasha
Maraykanka. Bashe waxa uu dacwada ku oogayaa Cali Samatar, waxaa kale oo
mudiciyiinta ka mid ah ugu yaraan shan qof oo kale oo magacyadooda la
qariyey.
Waxaa kale oo
dacwad lagu soo oogey
Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer
Tokeh
"Tuke") oo asaguna ku nool ALEXANDRIA, VA. waxana uu ahaa sarkaal sare oo ka
tirsan ciidankii soomaaliya oo lagu soo eedeeyay in ciidankii uu madaxda ka
ahaa ay geysteel falal ay ka mid yihiin dilal, ciqaabo iyo jir-dil ama
garaacid. Taas oo warku sheegay in dadka la garaacay ay ku jirtey qof dumar
ah oo uur leh oo sidii loo garaacayey ilmihii soo tuurtay, qoftaas dumarka
ah oo xabsi la geliyey muddo lix sano ah ayaa kamid ah dadka hadda dacwada
kusoo oogey sarkaalka.
Yusuf Cabdi
Cali waxa uu ahaa taliyaah qaybta 5aad ee ciidankii Qalabka sidey ee
Soomaaliya 1984 ilaa
1989.
Yusuf Cabid
waxaa laga saaray Dalka Canada October 1992. Waxana uu sannadkii 1993
dalbaday deganaanshaha Maraykanka. Waa loo diidey waxana uu Kenya ku laabtay
1994. Laakiin waxaa loo ogolaaday in uu kusoo laabto USA sannadkii 1996,
halkaas oo ay degan tahay xaaskiisa oo haysata dhalasho maraykan ah. Waa
sida ku cad qolaalka dacwada.
Wargeyska
seattlepi waxa uu sheegay in
aan looga jawaabin telefoon uu wargeysku u diray guriga Cali Samatar. Cabdi
Calina waxa uu diidey in uu wargeyska war u sheego ilaa uu la hadlayo qareen,
waa sida wargeysku qoraye.
Waxaa dacwadan
maxkamada ka diiwaan geliyay "Center
for Justice and Accountability" oo u dooda xuquuda aadamiga. Waxaana
dacwada la diiwaan geliyay:
10 Nov 2004.