SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL
Daabaco Boggan | Print


Waa kuma!.. Mohamed Cali Samatar?

Bismilahi raxmaani raxiim

Marka hore salaan guud, marka xigta qoraalkan waxa igu kallifay, anigoo aad ula yaabay in aan arko qof difaacaya dulmi. Runtii waxa geyigeenna ka dhacaya ama ka dhacay ee dulmi ah wuu farabadanyahay, balse haddii aad aragto iyadoo la ugaadhsanayo kuwii dulmigaa ugu waaweynaa, ma inaad baroorataa? mise waa inaad tidhaahdo ilaahoow wix dulmi wadaba naga qabo? Waxaan filayaa inay labadaa arrimood ay kala cadyihiin. Qofna haddii danbi lagu soo oogo, danbiile maaha ilaa la xukumo. Taa waxaan uga jeedaa Mohamed Cali Samatar haddii uu Maraykan deggenyahay iyo haddii kaleba ilaa iminka danbiile, uu ku caddaaday danbi, maaha. sidaa awgeed wuu degi karaa meel kasta. Denbigana qofkii sida gaarka ah looga galay isagay u taallaa, xilliga uu fursad u helo inuu hawshiisa qabsado.

Intaa kadib waa kuma Mohamed Cali Samatar?. Waa madaxweyne ku xigeenkii kooxdii dalka boobtay 1969 bishii oktoobat. Waa taliyihii ciidankii xooggii dalka soomaaliyeed, waa Wasiirkii gaashaandhigga soomaaliyeed. Waa ninkii ugu darajada sarreeyey dalkii Soomaliya ama deegaanka soomaaliyeed oo dhan. Haddii darajooyinkaa la leeyahay muu ahayn, waa arrin loo noqon doono, balse su'aashu waxay tahay ma ahaa intaasoo derejo, haa oo wuu ahaa. waxaan xasuustaa 1988 dhammaadkiisii oo lagu waraystay Cali samatar BBC-da oo la yidhi: "magaaladii Hargeysa maxaa madaafiicda loo-la dhacay?" Waxa uu ku jawaabay anigaa amray oo Haddee! maxaa kale oo aanu samayn karaynay, markay budhcaddu soo gashay, Haddee! Waa in xoog looga qabtaa". Budhacaddii uu maalintaa Mohamed Cali Samatar ka furfurayay Hargeysa maanta iyagii iyo dadkoodiiba Hargeysa ayay nabad ku caanamaalayaan isaguna waa qaxooti. Sababta ay sidaa u noqotayna waa wax la wada garanayo oo keligii taliye iyo xaaladdiisu waa siday ku danbayso.

Haddii aan u soo noqdo maanta dadka samaynaya guddiyada ee difaacaya dulmigii dalkeena ka dhacay, wax lala yaabo maaha oo may helin dal iyo caddaalad lamariyo. Oo ninkasta oo danbi galay waxa uu dabada geliyay reer hebel. Waxaad u fiirsataa dadka maanta ku doodaya Cali samatar maxaa loo haystaa? ma reer hebel-nimo ayaa? Mayee dulmigii hoostiisa ka dhacayay ayaa lagu haystaa, mana aha sannad iyo labo toonna ee 21 sannadood ayuu soo taagnaa oo waxaasi dhacayeen, maalintii ay qaraxdayna wuxuu u soo cararay Qurbaha oo uu kadaba yimi dadkii, hooyooyinkii, carruurtii uu sababta u ahaa qaxooda iyo baaba'ooda. Waxay soomaalidu tidhaahdaa "gari labo nin kama wada qosliso" Waa hubaal in aanay dadbadan ku farxaynin in la yidhaahdo dhibaatada waxa geystay oo mas'uul ka ahaa maamulkii geligii taliye Mohamed Siyad Barre. Waayo, waxay ahaayeen dadkii kaba qaadka u ahaa, waxay ahaayeen dadkii gacantooda danbiga ku gelayey, waxay ahaayeen kuwii loo adeegsanayey wax kasta oo xumaan ah oo dadka lagula kacay.

Dhibaatada dalka ka dhacday maaha mid ku kooban Hargeysa iyo Burco ee Mudug ayay ka dhacday oo Nugaal ayay ka dhacday oo Hiiraan bay ka dhacday oo waakii lahaa abwaanka caanka ah ee Mohamed I Warsame Hadraawi.

-Colka Bari harraatiyey
-Hubka mudug ku talax tegey
-Allaylehe hubsiiniyo
-haki buu u baahnaa

Waxaase lama illaawaan noqotay in magaalo weyn oo ugu yaraan ay deggenaayeen 500 000 oo isugu jirey qaybaha bulshada oo dhan........ Oday, Islaan, carruur, dhallinyaro, rag, Haween, wadaad, sheekh, shariif, oo intooda badani aanay habeen keliya danbi ka gelin dalkooda iyo dadkooda toonna, in lagu dalbado hubka waaweyn oo si naxariisla'aan ah loola beegsado dadkii rayadka ahaa oo dayaaraddii dagaalka ee dadkaa cashuurtooda lagu soo iibiyey ay dushooda la dhacdo madaafiic, oo uu Cali Samatar si yar u yidhaahdo anigaa ka danbeeyey. Maan garan qofka islaamnimo sheeganaya ee difaacaya maanta taa, waar! xataa haddii uu walaalkaa yahay ka gaabso. Waxa jiray oo aanay taariikhdu hilmaamaynin oo aan jecelahay in taallo xasuus ah loo dhiso, labo duuliye oo labaduba markii lagu amray inay soo laayaan dadka muslimka ah soomaalida ah ka baxsaday oo u-tallaabay Jabuuti. Runtii garanmaayo labadaa nin beesha ay yihiin, mana rabo inaan ogaado, cidday doonaan ha ahaadaan waa niman ka dhiidhiyey wixii waxashnimada ahaa ee dhacayey, meelkasta oo ay nimankaasi joogaan ama ubadkoodu joogganna waa in lagu xusaa oo soomaali tusaale looga dhigaa.

dadka soomaaliyeed-na ma hagaagayaan ilaa ay iska dhexqabtaan danbiilaha, ilaa ay ku farxaan ka danbiga loo haysto ee la soo qabto. waxaana hubaal ah in qofkii danbi ka galay cid-uun uu abaalkeeda ka heli doono ilaahay agtiisa, ama maraykan ha joogo ama Israa'iil ha joogo, ama Kenya ha ku jiro baarlamaanka soomaaliya loogu dhisay, ee debedyaalka ah.

Aloow eex ma tiraabine aqoon haygu cadaabin.

Ahmed M Yusuf "Dhegey"
dhegey@hotmail.com 

Waxaa nasoo gaarsiiyey:
warsama sammatar libaan
waarrya1955@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 1, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD